Xafiiska Isuduwaha W/caafimaadka G-Raascasayr-DPL.
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Isuduwaha W/caafimaadka G-Raascasayr-DPL., Government Organization, .
23/03/2025
23/03/2025
Baahin boos Dhakhtarnimo
15/02/2023
Caluula, 15, February, 2023: Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu Ahna Agaasimaha Hosbitaalka Caluula Mudane Dr Jibril Said Jama ayaa Hosbitaalka Guud ee Caafimaadka Degmada Caluula kusoo Dhaweeyay Maxaxwaynaha Dawlada Puntland Dr Said Abdullahi Deni oo booqasho ku yimid Gobolka Gardafuu.
Maxaxwaynaha ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha uu ka kooban yahay Hosbitaalku si uu ugu kuurgalo shaqooyinka ka socda isagoona booqday Qaybta Qaliinka, Qaybta Caruurta, Qaybta Hooyada iyo Dhalaanka, iyo Qayabaha kale ee Xarunta
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu Dr Jibril Said ayaa Madaxwayanaha warbixin guud ka siiyay shaqooyinka ka socda Hosbitaalka isagoona sheegay in laga maarmay Hooyooyinki saxiimadaha lasaari jiray si loo geeyo boosaaso taas oo sababi jirtay khatar dhimasho balse hada taas badalkeeda hooyada dhali wayda lagu qalo Hosbitaalka Caluula Ama Baargaal oo isagana xaruntiisa dhawaan la furay
Wuxuu sidoo kale isuduwuhu intaas ku daray in jaanka caluula oo go'an isaguna sababay in hooyada ku foolanaysa degmada Bareeda aysan hada soo gaari Karin si dhakhso ah Hosbitaalka Caluula wadada oo go'an darteed loona baahan yahay in wax laga qabto.
Intaas Kadib Madaxwayanaha ayaa tiimka Caafimaadka uga mahad celiyay shaqada balaaran ee ay bulshada uhayaan isagoona sheegay in cabashooyinka ay wadadu kamid tahay wax laga qaban doono si dhakhso ah in sha allah.
DHAHMAAD
Xafiiska Isuduwaha W/caafimaadka G-Gardafue -DPL.
10/02/2023
Baahin Shaqo
24/09/2022
Caluula 24, September, 2022: Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu oo bogaadiyay qaliinki ugu horeeyay ee laga Sameeyay Xarunta Caafimaadka ee Baargaal.
Isduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu Mudane Dr Jibril Said Jama ayaa Bogaadiyay Qaliinki ugu Horeeyay ee lagu Sameeyo Qaybta Qaliinka ee Xarunta Caafimaadka Degmada Baargaal oo uu dhawaan xariga ka jaray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jama Farah.
Isduwaha ayaa sheegay in ilaahay mahadiis ay Caafimaad qabaan Hooyada Iyo Ilmaheeduba isagoona intaas ku daray in ay talaabadani guul utahay Tiimka Caafimaadka Heer Gobol iyo Heer Degmo iyo Guud ahaanba Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland.
Isuduwaha ayaa ugu danbayn xusay inay jirin hooyo danbe oo jidka ku nafbixi doonta waxa uu sheegay in Xarumaha Caluula iyo Baargaal udiyaarsan yihiin Badbaadada Hooyada inta karaankooda ah lagana baaqsan doono safarki dheeraa ee bad iyo biriba lamarin jiray hooyada dhali wayda.
DHAMAAD
XAFISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA ISUDUWAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA GOBOLKA GARDAFUE.
25/08/2022
Baargaal 26, August, 2022: Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu oo ka Qayabgalay Xafalad lagu maamusayay Furitaanka Hosbitaalka Degmada Baargaal oo uu xariga ka jaray Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland.
Isduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu Mudane Dr Jibriil Siciid Jaamac ayaa ka qaybgalay munaasbaad lagu maamusyaay Furitaanka Hosbitaalka Degmada Baargaal oo uu maantay wajigiisi 1aad furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Jamac Farah Hassan.
Isduwaha ayaa Munaaabada ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay waxa uu ugu Horayn ka hadlay marxladihi uu soo maray Dhismaha Hosbitaalka Baargaal waxa uu ka sheekeeyay dhibaatadi ay bulshadu ku qabeen Hosbitaal la'aan Ka hor inta aysan si isku tashi ah ku dhisan Hosbitaalkan Ka kooban qaybta xanaanaynta hooyada iyo qaybta lagu kala badbaadiyo hooyada iyo dhalaanka.
Sidoo kale Isuduwaha ayaa sheegay in ilaahay mahadi inti uu Xafiska joogay laba goobood oo qaliinka hooyada lagu sameeyo laga Hirgaliyay Gobolka Gardafuu wuxuu umahad celiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Hayada Save the children oo uu sheegay inay uhagar baxdo Caafimaadka Gobolka Gardafuu.
Isduwaha Jibril ayaa sidoo kale umahad celiyay gudiga Dhismaha Hosbitaalka Degmada Baargaal oo uu sheegay inay wakhti badan ku bixiyeen sidi Baargaal uheli lahayd Hosbitaal bixiya adeegyada Deg-deg dega ah ee haweenku ubaahan yihiin.
Isudwaha ayaa ugu danbayn Wasaarada ugu baaqay inay tiimam Caafimaad udirto goobaha miyiga ah ee abaartu saamaysay Halkaas oo ay ka dilaaceen cuduro iyo nafaqo daro lasoo daristay dhalaanki.
DHAMAAD
XAFISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA ISUDUWAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA GOBOLKA GARDAFUU.
25/08/2022
Baargaal 25, August, 2022: Isduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu Mduane Dr Jibriil Siciid Jaamac oo Ka qaybgalay Xarig Jarka Qaybta Qaliinka ee Hosbitaalka Magaalada Baargaal.
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu Mudane Dr Jibriil Siciid Jaamac ayaa ka qaybgalay xarig Jarka Hosbitaalka Baargaal iyo Furitaanka qaybta Qaliinka hooyada.
Hosbitaalka waxaa xariga ka jaray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jama Farah Hassan oo ay Waheliyaan Wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Biyaha Barre Faatax Xildhibaan Mohamed Mohamuud Salax “Abuu Baraa”, Gudoomiyaha gobolka Gardafu Muuse Saalax Guuleed, Gudoomiyaha degmada baargaal Cabane Caynab Muuse, agaasimayaasha qorshaynta iyo Adeega caafimaadka asaasiga ah, saraakiil ka tirsan wasaaradda iyo madax ka socotay hay’adda Save The Children.
Isuduwaha ayaa wafdiga kuusoo dhawayeey Magaalada Baargaal waxana uu sheegay in kulan lagu maamusayo Xariga Jarka Hosbitaalka ay Madaxadu ka qaybgali doonto.
DHMAAD
XAFISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA ISUDUWAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA GOBOLKA GARDAFUU.
Agaasimaha Guud Dr Abdirisak Xirsi Xasan oo furey wacyigelinta cudurka Qaaxada iyadoo ay maanta ku beegnayd maalinta Qaaxada Aduunka.
Cudurka Jadeecada. From PLTv
