Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar

Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar, Macfad02@gmail. com, Bosaso.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 10/02/2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaladda Dastuurka Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland Marwo Maryan Cisman Ahmed ayaa maanta Booqatay Xafiisyada Garsoorka Bari

sida Xafiiska Gudoomiyaha Rafcaanka Gobolka Bari, Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Bari iyo Gudoomiyaha Maxkamada Darajadda 1aad ee Degmada Bosaso

Booqashada waxaa qaybka ahaa Isuduwaha Wasaaradda Cadaladda ee Gobolka Bari Maxamud Xidig Maxmed.

Ujeedka Kulamada ayaa waxay Daarnayeen u kuurgelista Hawlaha Shaqo oo ay Maxkamaduhu u hayaan Bulshada iyo kala warqadasho

Wasiirada ayaa uga Mahadcelisay Shaqada ay Garsoorka Bogolka Bari u hayaan Bulshada iyo Dowladdaba. Kuna Boorisay in Kor loo qaado Wada shaqaynta iyo isku Xirka Bahda Cadaalada.

Kulanka ayaa kusoo Dhamaday Si Wanagsan.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 08/02/2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaladda Dastuurka Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland ayaa maanta Booqatay Hospitalka Guud Magalada Bosaso Kuna Soo Booqatay Ciidamada ku Soo Dhawacmay Hawl galka Hilaac ee La Dagaalanka Argagixisada Daacish.

Waxaa qayb ka ahaa Isuduwaha Wasaaradda Cadaladda Dastuurka Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta ee Gobolka Bari

Waxaa ay kulamo la Qaadatay Wasiiradu Isuwadaha Wasaaradda Caafimadka, Agaasimaha Hospitalka, Xubno ka mid ah Guriga Taakulaynta Ciidamada iyo Saraakiisha Caafimadka ee Ka Halgalaya Xarumaha Caafimadka.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 18/12/2024



Waxaa maanta Magalada Bosaso noogu Soo Gabagaboobay Tababaro aan u Qabanay Bahda Cadaalada iyo Bulshada Qaybeheeda kala Duwan.

tababarka ayaa Darnaa
In La Xoojiyo Wada hadaladda aan Xanafta lahayn ee Bulshada iyo Bahda Cadaalada.
Soo kabashada iyo Horumarinta Cadaalada si looga Gudbo Caqabadaha Jira.
Iyo in la abuuro Wada Xaajoodyo Toos ah ee u Dhexeeya Bulshada iyo Laamaha Cadaalada.

Waxaa u mahadcelinaynaa Madaxda Hay,adda UNDP oo Mashruuca naga Taageeraysay iyo Xafiisyadii kala duwanaa ee qaybta ka ahaa Tababaradii aan Soo wadnay mudadii Sanadka ahayn ee aan Soo shaqaynaynay waxaana Qayb ka ahaa, lamaha Garsoorka heer Gobolka iyo Heer degmo , Policeka, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga, Xafiiska Xaquuqul adanaha, Taliska Ciidanka Asluubta, legal aidka, ururka Qareemada, iyo Dowlada Hoose Bosaso.

Sidoo kale waxaa u Mahadcelinaynaa Bulshada qaybeheeda kala duwan ee ku Dhaqan Magalada Bosaso, oo intii Sanadka ahayd si hagar la,aan ah noola Soo Shaqeeyey.

Waxaa kula Dardaarmaynaa Bahda Cadaalada iyo Bulshada in ay Ka Wada Shaqeeyan Horumarinta Cadaaladda Lana Dardargeliyo sidii loo Gaarilahaa ujeedooyinka saxda ah ee aan ka leenahay Horumarinta Cadaaladda.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 15/12/2024

DayTwo.
Xoojinta Hadal Xoojoodyada Bulshada iyo Bahda Cadaaladda Bosaso

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 14/12/2024

Waxaa maanta oo ay T_Tahay 14/Dec/2024 Magalada Bosaso nooga Furmay Tababar ku Saabsan WadaXaajoogda Bulshada iyo Bahda Cadaaladda. Kaas oo uu ujeedku yahay in la Gaari in Kor looqaado Fahanka Cadaaladda ee Bulshada iyo sidii Habda Cadaaladdu ugu Adeegi lahaayeen Bulshada si Hufan.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 07/10/2024

Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Gobolka Bari oo kaashanaysa Hogaamiyaasha Afarta Xaafadood ee Magaaladda Bosaso, ayaa kulan Muhim ah isoo qabanqaabiyey Bahda cadaaladda iyo bulshada Bosaso.

U jeeddada kulanka ayaa ahayd in la dhagaysto bulshada fursadna loo siiyo tabashadooda loona iftiimiya hanaanka loo maro adeegyada amniga iyo cadaalada.

Kulanka waxaa ka qaybgalay oo hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta, Isuduwaha Wasaaradda Cadaladda, garsoorka degmada Bosaso, Taliska CID Gobolka Bari, Maxkamada Dastuuriga, Ururka qareenada iyo wasaarada cadaalada.

Kulanka waxay bulshada ku soo bandhigeen caqabadaha ka haysta dhanka amniga iyo cadaaladda waxayna fursad u heleen in ay jawaabo munaasaba ka helaan madaxda bahda cadaaladda.

Ugu dambayn, Madaxda hadashay ayaa dhiirageliyey in bulshada ay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyo cadaalada si wax looga qabto baahiyaha ay bulshada soo bandhigto.
Madaxa kulanka ka qaybgalay dhankooda ayaa isku booriyey daahfurnaan, isla xisaabtan iyo wadashaqayn si adeeg cadaaladeed loo gaarsiiyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

————Dhamaad———

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 06/10/2024

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Baari Shire iyo Wasiirka Cadaalada Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayna wehelinayaan qaar ka mid ah Golayaasha Dowladda ayaa kormeeray Dhismaha Xarunta Garsoorka Gobolka Bari oo meel gabogabo ah maraayo dhismaheedu.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 06/10/2024

Waxaa maanta Magalada Bosaso Noogu Qabsoomay Shirka Istiraatijiyada Horumarinta Cadaalada Ee Bahda Cadaalada iyo Bulshada Rayidka ah ujeedka ayaa ah in Bahda Cadaalada iyo Bulshada u wada Shaqeeyaan si Dhow Si laysaga Kaashado Horumarka iyo Nabadgelyada.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 30/09/2024

Waxaa maanta Hoolka Shirarka ee Xarunta Gobolka Bari ku Qabsoomay Kulan ay Qayb ka ahayd Wasaaradda Cadaladda Dastuurka Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta kaas oo Daarna Wafiga Labada Golle oo uu Hogaaminaayo Gudoomiye ku Xigeenka Barlamaanka Pl Mudane Maxamed Baari Shire.

Ujeedka Shirka ayaa ahaa is Xog wayraysi ku Saabsan Garsoorka Gobolka Bari iyo lamaha Cadaalada loguna Kuurgelilahaa Nimadka Cadaaliga ah ee Gobolka.

Wuxu kulanku kusoo Dhamadan si wanagsan.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 25/09/2024

Bosaso qaybta 2aad.

Tababar ku saabsan Wada-Hadalka aan Xanafta lahayn sidii ay Bulshada, Garsoorka, iyo Policeka, u Wada shaqayn lahaayeen una Wada-Hadlilaylhayeen si Kor loogu Qaado Cadaalada iyo in kor loo qaado fahanka Bulshada ee ah waxa Xaq loogu leeyahay iyo Bulshadu waxa ay Xaqa u leedahay.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 14/09/2024

Waxaa maanta ka Daah furnay Magalada Bosaso Tababar ku Saabsan Wada hadalka aan Xanafta lahayn kaas oo lagu Tababarayey Xarunamah Garsoor Dhaqameedyada kuwaas oo ka kala yimid Goboladda Puntland.

Waxaa u Mahadcelinayaa Dhamaan masuliyiintii kala duwan oo ay ugu horayso Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaladda, Hay'adda UNDP iyo Marti sharafta kale oo Nagala Soo Qayb gashay,

Waxaa rajaynayaa in uu noogu dhamado si wanagsan.

Photos from Office of Bari Region Ministry of Justice - Mojcrar's post 19/08/2024

. wareejin Dawo.

Waxaa maanta Xabsiga Magalada Bosaso ku Wareejinay Daawo loogu Talagalay Maxaabiista Si loogu Daryeelo Baahida Caafimad ee ka jirta Xabsiga Bosaso

Waxaa u Mahadcelinayaa Xafiiska Wasaarada Caafimadka Gobolka Bari oo Nagala Shaqeeyey Helista Dawada.

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Culinary Team

Attire

Telephone

Address

Macfad02@gmail. Com
Bosaso