Hudur District Administration South-West

Hudur District Administration South-West

Share

Page-ka Rasmiga ah ee Xafiiska Gudoomiyaha Degmada Xudur

26/05/2026

Guddoomiyaha Degmada Xudur Mudane Maxamed Macalin Ahmed ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa u diray dhammaan ummadda Muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay in ciiddaan ay ku ciidaan nabad, barwaaqo iyo bashbash.

DHAMMAAD

Photos from Hudur District Administration South-West's post 25/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Mohamed Isack Osman (Fanax) ayaa magaalada Baydhabo ku soo xiray kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan daadejinta adeegyada, isku xirka hay’adaha dowladda, iyo maamulka loo dhan yahay ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirro, agaasimayaal guud, agaasime waaxeedyo, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada qaar, shaqaalaha waaxda dowladaha hoose iyo daadejinta adeegyada heer Federaal iyo heer Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale lataliyayaal sare.

Kulanka kadib, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafa Abdullaahi Xasan (ADAF) ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka kulanka, qorshaha maalmaha uu socday, iyo muhiimadda ay leedahay in wasaaradaha wada shaqeynta leh ay iska kaashadaan arrimaha daadejinta adeegyada, gargaarka, iyo mashaariicda horumarinta si kor loogu qaado maamul wanaagga, isku xirka hay’adaha dowladda, iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Photos from Hudur District Administration South-West's post 16/05/2026

Gudoomiyaha degmada Xuddur ahna duqa magaalada Mudane maxamed Macalin Axmed oo maanta booqasho iyo dhiiragelin Ugu tagey ciidamo Tababar ugu jira Dugsiga Tababarka G/bakool.

14/05/2026

inaa lilaahi wa inaa ileehi Raajicuun

Maamulka Degmada Xudur oo si murugo leh ugu tacsiyaynayaa geeridii ku timid alle ha unaxariistee saraakiishii iyo ciidamadii maanta ku shahiiday duleedka megalada baydhabo.

Taliyasha guutooyinka 9aad iyo 8aad ee qaybta 60aad Naxariisti jano alle haka waraabiyo inta ku dhaawacantayna alle ha caafiyo.

So Sad 😭

Photos from Hudur District Administration South-West's post 30/04/2026

﴿ إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ ﴾
Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, oo uu hoggaamiyo Mudane Maxamed Axmed Miiris, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee taliyihii ciidankii xaq-u-dirirka ahaa ee RRA, Marxuum Colonel Axmedey Umurow Usmaan, oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Marxuum Axmedey waxa uu ahaa halyey si weyn uga dhex muuqday halgankii lagu xoreeyey deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaatay difaaca shacabka iyo la dagaallanka cadowgii dhibaateeyey bulshada. Wuxuu ahaa nin geesi ah oo naftiisa iyo maalkiisaba u huray dib u soo celinta dowladnimada, kana tegay taariikh sharaf iyo halgan lagu daydo.

Sidoo kale, marxuumku waxa uu caan ku ahaa akhlaaq wanaagsan, edeb iyo anshax sare, isagoo ahaa shaqsi af-gaaban oo lagu yaqaanay dulqaad, daacadnimo iyo u adeegidda bulshadiisa. Geeridiisu waa khasaare weyn oo ku yimid ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur galbeed soomaaliya.

Maamulka Degmada Xudur waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu ka waraabiyo jannatul firdowsa, samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Photos from Hudur District Administration South-West's post 30/04/2026

Xisbiga Cadaalad iyo Wadajir (JSP) ee qeybtiisa degmada Huddur oo ay wehliyaan Maamulka Degmadda Huddur Oo Hogaaminaayoy Godomiyaha degmada Hudur mudane Maxamed Macalin Ahmedayaa maanta wacyigelin ka sameeyay suuqyada magaalada Huddur.

12/04/2026

Godomiyaha Degmada Xudur Mudane Maxamed Macalin Ahmed Ayaaa Hambaliyada sanad-guurada 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka Abriil, maalintii la aas-aasay geesiyaasha difaaca qaranka la wadaagey hambaliyada sanad-guurada 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa tiirka ilaalinta qarannimada, gobannimada, midnimada iyo sharafka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waa halyeeyo naftooda u hura difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Munaasabaddan qiimaha badan awgeed, waxaan u rajeynayaa dhammaan saraakiisha, ciidamada iyo qoysaskooda caafimaad, guul, horumar iyo in ay mar walba ku guuleystaan gudashada waajibaadkooda qaran.

Photos from Hudur District Administration South-West's post 09/04/2026

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, ayaa maanta dib ufurey Diiwangelinta Cod Bixiyaasha Hanaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod si ay ugu faidaystaan Bulshada ku nool Magaalada Xuddur, taas oo muhiim ah bulshada waxaa loogu baaqey in ay ka faa'ideystaan diiwaan gelintaan, furitaanka Diiwaangelinta waxaa ka qeyb galey Xubno kasocdey Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka iyo maamulka Degmada Xuudur oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha Degmada xuddur Mudane: Maxamed Macalin Axmed.

Photos from Hudur District Administration South-West's post 05/04/2026

Gudoomiyaha Degmada Xudur Ahna Duqa magaalada Mudane Maxamed Macalin AXmed ayaa hormuud u ahaa Ol-ole nadaafadeed oo laga sameeyay guud ahaan Xaafadaha magaalada Xudur iyo Suuqyada.

Ol-olahaan oo muhiim u ahaa guud ahaan Caafimaadka Bulshada deegaanka iyo bilic soo celinta magaalada Xudur waxaa kasoo qeybgaley qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo qaar kamid ah Xubnaha Maamulka Degmada.

Photos from Hudur District Administration South-West's post 02/04/2026

Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur Oo Hogaaminaayo Godomiyaha degmada hudur Mudani maxamed Macalin Ahmed Huddur ayaa si wadajir ah u fuliyay qeybinta raashiin gargaar ah oo ay soo gaarsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), kaasoo ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Raashiintan ayaa loo qeybiyay kun (1,000) qoys oo dan yar ah, kuwaas oo ka mid ah bulshada ugu nugul ee ku nool magaalada Huddur. Qeybinta ayaa u dhacday si nidaamsan, iyadoo maamulka heer gobol iyo degmo ay si dhow ula socdeen habsami u socodka howlaha, si gargaarku u gaaro dadka xaqa u leh.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka iyo Hay’adda SODMA taageerada ay soo gaarsiiyeen bulshada, iyagoo xusay in gargaaradani uu wax weyn ka tari doono xaaladda nololeed ee qoysaska danyarta ah.

28/03/2026

Degmada Xudur, Gobalka Bakool.

Waxaan ka xunahay inaan maanta oo aan ku jirno 2026, Madaxweynihii h**e KGS uu sheego in loo doortey madaxweyne inagoo ognahay in wax ka yar 5 saac gudahooda lagu soo gabagabeeyey isku caano-shub laga soo bilaabo min xildhibaan, gudoon ilaa madaxweyne.

Waxaa ku ceeb ah in madaxweynihii h**e maanta u dhaqmay si aanan laga fileynin isaga oo hormuud u noqonaayo isku dhac iyo gacan ka hadal islamarkaana uu abaabulaayo ciidamo aan si dowladeed loo maamulin.

Xiligaan deegaanada KGS ma xamili karaan isku dhacyo siyaasadeed kuwaas oo sii kordhindoona xaaladda cakiran ee amni iyo mida binu’aadantimo taas oo ka jirta guud ahaan deegaanadii uu maamulaayay todobadii sano ee u danbeeyey.

Waxaan ugu baaqaynaa inuusan ku sii socon wadadaan qarda-jeex ah ee uu ku raadinaayo mansab aan heshiis lagu ahayn, iyo is-doorasho aan maanta xiligaan ka suurtagelin dalkeena Soomaaliya.

Md. Laftagareen waxaan kula soo shaqeyney sedex sano iyo bilo uu ku joogay heshiis siyaasadeed lagamana ogolaanayo inuu intaan oo degmooyin, gobal iyo siyaasiyiin oo ka soo hor jeeda, uu isku dayo wax aanan sharci ahayn.

Nabadiino

Want your business to be the top-listed Government Service in Xuddur?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Hudur District Office
Xuddur