23/04/2026
Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Mudane Maxamed Axmed, oo safar shaqo ku yimid magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee gobolka Bakool, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta wada shaqeynta maamulka heer deegaan iyo heer dowlad goboleed. Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa hogaamiyaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda gobolka iyo baahiyaha jira, isagoo sidoo kale iftiimiyay caqabadaha u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay dadaallada maamulka Gobolka Bakool wuxuuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlaha horumarineed iyo sugidda amniga. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in maamulka Dowladda Koonfur Galbeed uu sii xoojin doono taageerada uu siiyo gobolka.
Dhammaad
Wixii faahfaahin ah fadlan la xariir
Abdullahi Mohammed Mohammud
Agaasimaha warfaafinta iyo xariirka Bulshada Gobolka Bakool
22/04/2026
Guddoomiyaha Gobolka Bakool mudane Mohamed Ahmed Mohamed ayaa maanta safar shaqo ku soo gaaray magaalada Baydhabo ee xaruunta ku meel gaarka ah dowladda koonfur galbeed .
Wixii faahfaahin ah la xariir
Abdullahi Mohammed Mohammud Agaasimaha warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Gobolka Bakool
02/04/2026
Guddoomiyaha Gobolka Bakool oo deeq raashiin ah gaarsiiyey 1000 qoys oo isugu jira danyar iyo agoon
Xuddur, Abriil, 02, 2026 – Guddoomiyaha Gobolka Bakool mudane Mohamed Ahmed Mohamed ayaa deeq raashiin ah gaarsiiyey 1000 qoys oo isugu jira danyar iyo agoon.
Deeqdan waxay ka timid Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA).
Guddoomiyaha ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid muhiim u ah qoysaska nugul, isla markaana ay ka qeyb qaadaneyso yareynta dhibaatooyinka nololeed ee ka jira gobolka.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey hay’adda SODMA kaalinta ay ka qaadatay garab istaagga bulshada reer Bakool.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay hay’adaha kale iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan taageerada loo fidinayo dadka danyarta .
Dhammaad
Wixii faahfaahin ah la xariir xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Gobolka Bakool
Abdullahi Mohammed Mohammud Huddurow
25/03/2026
Guddoomiyaha Gobolka Bakool mudane Mohamed Ahmed Mohamed ayaa Abdullahi Mohammed Mohammud u magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Gobolka Bakool
25/03/2026
WAR-SAXAAFADEED.
Codsiyo uga yimid qaybaha kala duwan ee Gobolka Bakool, Guddoomiyaha Gobolka Bakool Mudane Mohamed Ahmed Mohamed ayaa go’aansaday in uu tixgeliyo talada iyo aragtida bulshada reer Bakool.
Sidaas darteed, laga bilaabo maanta, Gobolka Bakool waxa uu si toos ah ula shaqayn doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sugidda amniga guud ee gobolka.
Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha shacabka iyo horumarka gobolka.
Dhammaad
Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan la xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Gobolka Bakool
22/03/2026
Guddoomiyaha Gobolka Bakool ahna Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xuddur mudane Mohamed Ahmed Mohamed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay suuqa weyn ee magaalada Xuddur, halkaas oo uu uga kuurgalay xaaladda ganacsiga, amniga, iyo dhaqdhaqaaqa guud ee suuqa.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Guddoomiyaha ayaa bartamaha magaalada kula shaahay dhalinyarada iyo odayaasha deegaanka, isaga oo dhageystay talooyinkooda, aragtiyahooda, iyo baahiyaha ay qabaan bulshada ku dhaqan Xuddur.
Guddoomiyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo maamulka, si loo xoojiyo amniga, horumarinta ganacsiga, iyo adeegyada bulshada.
Waxa uu sidoo kale dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inay kaalin muuqata ka qaataan nabadgelyada iyo horumarka degmada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in maamulka Gobolka Bakool uu sii xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo Gobolka Bakool, isla markaana la tixgelin doono talooyinka ay soo jeediyeen shacabka.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Gobolka Bakool
21/03/2026
WAR-SAXAAFADEED
Waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa in shaqsiyaadka hadallada jeediyay ay yihiin dad si shaqsi ah u hadlay, isla markaana aan ku hadlin afka Maamulka Gobolka Bakool.
Afka rasmiga ah ee Maamulka Gobolka Bakool waxaa ku hadli kara oo keliya Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Mudane Mohamed Ahmed , ama qofka uu si rasmi ah u wakiisho.
Bakool waxa ay ka tirsan tahay koonfur galbeed amarka koonfur galbeed ayaana looga shaqayn doonaa .
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Maamulka Gobolka Bakool
19/03/2026
Guddoomiyaha Gobolka Bakool mudane Mohamed Ahmed Mohamed ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitriga u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Gobolka Bakool.
Guddoomiyuhu wuxuu Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inuu ka aqbalo cibaadadii bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana uu ku gallado caafimaad, nabad iyo barwaaqo.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada reer Bakool inay is garab istaagaan, is caawiyaan, isla markaana farxadda Ciidda la wadaagaan dadka danyarta ah, si loo xoojiyo midnimada iyo walaaltinimada bulshada.
Ugu dambayn, wuxuu shacabka ku boorriyey inay ka shaqeeyaan nabadgelyada, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara amni darro inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda, si loo helo bulsho nabad ah oo is jecel.
Ciid Mubaarak! 🌙
Dhammaad
09/03/2026
Guddoomiyaha Gobolka Bakool oo qeyb ka ahaa deeq raashiin ah oo la gaarsiiyey 500 oo qoys oo isugu jira danyar iyo aqoon, kuwaas oo si weyn ay u saameysay abaarta ka jirta deegaanada gobolka.
Deeqdan raashiinka ah ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska dhibaateysan, si loo yareeyo saameynta ay abaartu ku yeelatay noloshooda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka uu dadaal joogto ah ku bixinayo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee u baahan in gargaar la gaarsiiyo.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey cid kasta oo ka qeyb qaadatay bixinta deeqdan, isagoo ku booriyey in la sii laba jibaaro taageerada la gaarsiinayo bulshada tabaaleysan.
Dhammaad
02/03/2026
Guddoomiyaha Gobolka Bakool mudane Mohamed Ahmed Mohamed ayaa gargaar degdeg ah gaarsiiyey ku dhowaad 1,000 qoys oo ay saameysay abaarta ka jirta deegaanada gobolka.
Deeqdan oo ka timid Saldanada Cumaan ayaa isugu jirtay raashin kala duwan oo loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta abaarta iyo culeyska nololeed ee haysta qoysaska danyarta ah.
Dhammaad