Somali Embassy in Juba-South Sudan

Somali Embassy in Juba-South Sudan

Share

Embassy of the Federal Republic of Somalia, Juba ,South Sudan

26/05/2026

Danjiraha Safaaradda J.F.S ee Dalka Koonfurta Suudaan Danjire Jama Hassan Khalif ayaa hambalyadda Ciidul Adxa u diraya dhammaan Muslimiinta Caalamka gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Koonfurta Suudaan.

"Waxaan Alle ka baryayaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan"

Photos from Somali Embassy in Juba-South Sudan 's post 25/05/2026

Dhamaan Muwaadiniinta Magacyadooda hoos ku xusan yihiin waxaa lagu wargalinayaa iney diyaar yihiin ID NIRA ayna ka soo doonan karaan Safaaradda J.F.S ee Dalka South Sudan .

Dhanka kale Waxaa si habsami leh u socda Is-diwaangelinta iyo qaadashada Kaardka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Photos from Somali Embassy in Juba-South Sudan 's post 22/05/2026

Danjiraha Safaaradda J.F.S ee Dalka Koonfurta Suudaan Danjire Jama Hassan Khalif ayaa xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS) Marwo Anita Kiki Gbeho

Labadda masuul ayaa ka wadahadlay Xaladda Dalka Koonfurta Suudaan iyo sidii Midowga Afrika iyo Dowladdaha caalamka u taageeri laheyd.

Ugu dambeyn Safiirka ayaa la wadaagay sida ay ugu go'an tahey somaliya garab istaaga Dowladda Koonfurta Suudaan

13/05/2026

Laga bilaabo bisha Luulyo, qof aan haysan Kaadhka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ma qaadan doono Baasaboor

𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama shahaadada lagu sugto Kaarka Aqoonsiga (NIRA) uusan codsan karin Baasaboorka Soomaaliya.
Sidaa darteed, qof kasta oo aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga waxaa lagu boorinayaa in uu si deg deg ah u bilaabo qaadashada iyo codsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay muwaadiniinta ogeysiinaysaa in dukumintiyada lagu dalbado baasaboorka ay noqon doonaan nuqullada koobiga ah (copies), halka nuqullada asalka ah dib loogu celinayo codsadaha baasaboorka laga bilaabo manta oo taariikhdu tahay 13ka May 2026.

Wixii caawimaad ama faah faahin dheeraad ah, kala xiriir xafiisyada adeeg bixinta ee Hay’adda ama email-kan:

[email protected],
[email protected]
[email protected]

Photos from Somali Embassy in Juba-South Sudan 's post 30/04/2026

Danjiraha Safaaradda J.F.S ee Dalka Koonfurta Suudaan Danjire Jama Hassan Khalif ayaa ka qeyb-galey shir heer sare oo looga wadahadlay xoojinta nabadda, u diyaargarowga doorashada, iyo iskaashiga gobolka.

Photos from Somali Embassy in Juba-South Sudan 's post 22/04/2026

Danjiraha Safaaradda J.F.S ee Dalka Koonfurta Suudaan Danjire Jama Hassan Khalif ayaa kulan miro-dhal ah la qaatey wasiirka Adeegga Dadweynaha iyo Horumarinta Kheyraadka Dalka Koonfurta Suudaan Hon. Amb. Ezekiel Lol Gatkuoth

Labadda Masuul ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed , iskaashiga horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda labada Dal

09/04/2026

Danjiraha Safaaradda J.F.S ee Dalka Koonfurta Suudaan Danjire Jama Hassan Khalif ayaa ka qeyb-galey kulan lagu soo dhaweynayey Wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika iyo Badda Cas Mudane Jakaya Mrisho Kikwete

Kulanka ayaa diiradda lagu soo horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga gobolka.

02/04/2026

WARGELIN FASAX

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee South Sudan waxay halkan ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in safaaraddu aysan shaqeyn doonin maalinta Jimcaha taariikhdana ay tahay 03-04- 2026 ilaa 06-04-2026 Ismiinta , oo ah fasax guud (Public Holiday) waxaana fasax ku jira dhamaan Hay'addaha dalka oo dhan.

Shaqadda safaaraddu waxay dib u bilaaban doontaa maalinta Talaadadda , 07-04 -2026

19/03/2026

CIID WANAAGSAN

Photos from Somali Embassy in Juba-South Sudan 's post 12/03/2026

Danjiraha Safaaradda J.F.S ee Dalka Koonfurta Suudaan Danjire Jama Hassan oo ay wehlinayan Guddiga Ganacsatada Soomaaliyeed ee SOBASS ayaa kulan miro dhal ah la qaatey,Madaxweeyne ku xigeemka Koofurta Suudaan Mudane Hussein Abdelbaghi iyo Wasiirka maaliyadda Koofurta Suudaan Mudane Salvatore Garang Mabior

Kulanka ayaa looga wadahadlay xaaladaha iyo Caqabadaha ay wajahayeen ganacsatada soomaliyeed ee ka shaqaysata Dalka Koofurta Suudaaan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Juba?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Juba

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00