Asc, halkaan yaa joogo.
Waxaan isku dayaynaa inaan markale soo celino qoraaladii ku saabsanaa barashada dhaqanka, taariikhda dhaqaalaha iyo juquraafiga Afrika.
Waxaan idin Ka codsaynaa inaad boggaan gaarsiisaan dad badan!
Codka Afrika
Wax Ka Baro oo Nala Sahmi Afrika
21/11/2025
Itoobiya waxay dib u heshay 12 shay oo taariikhi ah oo aad u qiimo badan, kuwaas oo muddo ka badan 100 sano ku jiray gacanta qoys Jarmal ah. Alaabtan waxaa markii h**e qaaday Franz Weiss, oo ahaa ergay Jarmal u joogay Itoobiya 1920-meeyadii, iyo xaaskiisa Hedwig.
Waxyaabaha dib loo soo celiyey waxaa ku jiray taajyo, gaashaanno iyo sawirro taariikhi ah oo ka tarjumaya dhaxalka iyo dhaqanka boqortooyadii h**e ee Itoobiya. Qoyska Weiss ayaa sheegay in ay muddo dheer shaayadan heysteen si loo ilaaliyo loona tixgeliyo muhiimaddooda, balse ugu dambayn waxa ay go’aansadeen in lagu soo celiyo dalkii ay asal ahaan ka qaadeen.
Dhanka kale, Masar (Egypt)-na waxa ay dhawaan dib u heshay alaabo taariikhi ah oo laga soo celiyey dalal Yurub ka tirsan.
Ma u maleyneysaa in alaabo badan oo taariikhi ah mise sumad ah ay ka maqanyihiin Soomaaliya? Mana is dhahaysaa haddii alaabaha taariikhiga ah Soomaaliya loo soo celiyo in ay xifdin karaan oo ay ilaalin karaan?
08/11/2025
Taxanaha Baro Afrika qaybta 7aad
Dalka Cameroon
Cameroon waa dal ku yaalla bartamaha iyo galbeedka qaaradda Afrika, waxa uuna xuduud la leeyahay dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Nigeria oo Ka xigta dhanka galbeed, Chad oo Ka xigta dhanka waqooyi, Central African Republic oo Ka xigta dhanka bari, halka dhanka koonfurta uu xad ka la leeyahay Congo, Gabon, iyo Equatorial Guinea, sidoo kalena uu leeyahay xeeb dheer oo ku taalla Badweynta Atlantic. Sababtaas awgeed waxaa lagu naanaysaa “Mini-Africa” ama “Afrika yar”, maadaama uu leeyahay cimilada, dhirta, iyo dhaqamada kala duwan ee laga helo qaaradda oo dhan.
Dalka Cameroon markii ugu horreysay waxaa gumaystay Jarmalka sanadkii 1884kii, waxaana markaas loo bixiyay magaca Kamerun. Intii lagu guda jiray dagaalkii koowaad ee aduunka, Britain iyo France ayaa la wareegay dhulkaas, waxa ayna kala qeybsadeen Cameroon labo qaybood: mid hoos timaada Faransiiska (French Cameroon) iyo mid hoos timaada Britain (British Cameroon).
Qaybtii Faransiiska ayaa xornimada heshay 1960kii, halka qaybtii British-ka ahayd ay dooratay in ay ku biirto Cameroon 1961kii. Tani waxa ay keentay in Cameroon noqoto dal laba luuqadood ko rasmi ah leh; Faransiis iyo Ingiriisi, taasoo ilaa maanta qayb weyn ka ah siyaasadda iyo bulshada dalka.
Caasimadda Cameroon waa Yaoundé, halka magaalada ugu weyn ee ganacsiga ay tahay Douala. Dalku waxa uu leeyahay nidaam jamhuuriyad ah, balse muddo dheer waxaa hogaaminayay Madaxweyne Paul Biya, oo xilka haya tan iyo 1982kii, taasoo ka dhigtay mid kamid ah madaxda ugu muddada dheer Afrika. Inkasta oo uu dalku leeyahay nidaam dastuuri ah, haddana waxaa si weyn loogu dhaliilaa kalitalisnimo, musuqmaasuq, iyo caburinta mucaaradka.
Dhinaca amniga, Cameroon waxaa ka taagan dagaal u dhexeeya dadka ku hadla Faransiiska iyo kuwa ku hadla Ingriisika, gaar ahaan gobollada Koonfurgalbeed iyo kuwa Waqooyigalbeed. Dadka ku hadla Ingiriisiga ayaa sheegay in lagu takooro luuqadooda iyo dhaqankooda, waxa ayna doonayaan madax-bannaani, iyagoo dhulkooda u bixiyay magaca Ambazonia. Dagaalkan, Ambazonia goonigoosadka ay ku samayneyso waxaa loo yaqaan Anglophone Crisis, waxa uuna bilaawday 2017kii, waxa uuna sababay kumannaan dhimasho iyo barakac ballaaran, isagoo weli saameyn ku leh midnimada dalka.
Dhaqaalaha Cameroon waxa uu ku tiirsan yahay dhoofinta kheyraadka dabiiciga ah sida saliidda, kookaha, kafee, iyo alwaaxda. Si kastaba ha ahaatee, dalka weli waxa uu la daalaa dhacayaa saboolnimo, shaqo la’aan, iyo maamul xumo. Dad badan ayaa ku nool xaalado nololeed oo adag inkasta oo dalku hodan ku yahay kheyraad dabiici ah.
Cameroon waa dal hodan ku ah dhaqamada iyo qowmiyadaha, iyadoo lagu qiyaaso inay ka jiraan in ka badan 250 luuqadood iyo qoomiyadood. Diimaha ugu waaweyn waa Kiristaanka iyo Islaamka, waxaana kubadda cagta lagu tiriyaa ciyaarta shacabku ugu jecelyihiin. Xulka qaranka ee Indomitable Lions ayaa caan ka ah Afrika iyo dunida, isagoo ka qeyb galay koobab badan oo caalami ah.
Calanka Cameroon waxa uu ka kooban yahay saddex midab oo calaamad u ah qiimaha qaranka: cagaar oo muujinaysa barwaaqada, jaalle oo astaan u ah midnimada, iyo casaan oo matalaya madax-bannaanida. Hal-ku-dhegga qaranka waa “Paix, Travail, Patrie,” oo micnaheedu yahay “Nabadda, Shaqada, Wadaniyadda.” Inkasta oo uu dalku leeyahay fursado badan oo horumar ah, khilaafaadka gudaha iyo halka hoggaan oo muddada dheer jiray ayaa caqabad ku noqday in Cameroon gaarto xasillooni iyo horumar waara.
Qaybtii 1aad: https://www.facebook.com/share/p/17cpp4cBYs/
Qaybtii 2aad: https://www.facebook.com/share/p/1CbEqXzyk5/
Qaybtii 3aad: https://www.facebook.com/share/p/1BWtp3PNfj/
Qaybtii 4aad: https://www.facebook.com/share/p/1JRjj2iNP1/
Qaybtii 5aad: https://www.facebook.com/share/p/1BbSjD2fs6/
Qaybtii 6aad: https://www.facebook.com/share/p/16uRa3Q3Zz/
04/11/2025
Taxanaha Bara Afrika Qaybta 6aad
Asalka magaca "Ethiopia"
Maanta aan isku dayno inaan barano asalka magaca "Ethiopia." Magacaani waa mid ka balaaran wadanka maanta aan u naqaan Ethiopia. Waa magac leh taariikh fog, loo yaqaanay dhul ka balaaran "Ethiopia" da maanta, sidoo kalana lahaa muhiimad diimeed.
Magaca Ethiopia asal ahaan waa laba eray oo Greek ah, kuwaasoo kala ah "Aithi" oo la macno ah gubnaasho, iyo "Ops" oo la macno ah wajiyo. Taasoo ka dhigin "Aithiops" in ay la micno tahay "wajiyo guban." Arintaani waxa ay tilmaamee kalarka dadka deegaanka.
Sidaas darteed, magacaan "Aithiops" na waxaa loo yaqaan dadka Afrikaanta ah oo dhan khaasatan waxa dhulka Masar Koonfur ta ka xigo. Dadka Afrikaanta ah oo Madow ayaa magacaan lahaa, mararka qaarna waxaa la sheegaa in magaca "Aithiops" loo aqoon jiray dhamaan Afrika.
Qoraalo badan oo reer Greek ayuu magaca ku Soo baxay, tusaale sheekooyinka uu qoray qoraaga reer Greek ee Homer ee kala ah "Iliad" iyo "Odyssy" ayaa dhowr jeer lagu sheegay magaca "Aithiops" qiyaasyii 800 sano ka hor Dhalashada Ciise. Sidoo kale Herodutus ayaa qoraalkiisa "Histories" ku sheegay, asagoo tilmaamaya in dadka "Aithiops" ka ay yihiin dad xoogleh, jirdhisan, dhaadheer, oo daacadnimo badan. Kadib, kitaabka Bible ka ayaa lagu xusay magaca "kush" laakiin Greega Marka ay Qoraalka Cibraniga ay u badalayeen maa u turjumayeen Af-Giriiga, waxa ay isticmaaleen erayaga "Aithiops." Macanaha waxa ay dhaheen "Kush" ka dadka ah ee lagu sheegay Bible ka waa "Aithiops". Dhanka kale, Diodorus Suculus ayaa qarnigii koowaad qoray in " Ethiopians ka ay yihiin dadkii ugu h**eeyay ee la abuuray, oo ilbaxnimooyinkii koowaad ayaga ayaa lahaa.
Dhulka maanta loo yaqaan Ethiopia waxaa loo yaqaanay Xabashi qarnigii 19aad, magacaasoo ahaa qabiilooyin meesha daganaa magaca loo yaqaanay. Ereyaga Abyssinia oo reer Yurub adeegsadeena halkaas ayuu ka yimid.
Waxaa la sheegaa in qarnigii Afaraad boqor la dhihi jiray Azane uu magaca Ethiopia qaatay. Waxa uu rabay in dalkiisa uu ku mideeyo magac leh xididka diimeed, mid taariikheed, iyo magac caalami ah. Sidaas darteed ayuu magaca "Ethiopia' u noqday ilaa maanta magaca rasmiga ah ee dalkaas.
Qaybtii 1aad: https://www.facebook.com/share/p/17cpp4cBYs/
Qaybtii 2aad: https://www.facebook.com/share/p/1CbEqXzyk5/
Qaybtii 3aad: https://www.facebook.com/share/p/1BWtp3PNfj/
Qaybtii 4aad: https://www.facebook.com/share/p/1JRjj2iNP1/
Qaybtii 5aad: https://www.facebook.com/share/p/1BbSjD2fs6/
03/11/2025
Taxanaha Baro Afrika Qaybta 5aad
Taariikda Galbeedka Afrika (West Africa)
Taariikhda Galbeedka Afrika waa taariikh facweyn. Marka laga hadlayo taariikhda Galbeedka Afrika waxaa loo qaybiyaa dhowr marxaladood: Taariikhda Ka hor (prehistory), xilligii birta (Iron Age), boqortooyooyinkii waaweynaa (empires), xiligii gumeysi, iyo waqtigii madax-bannaanida iyo wixii ka dambeeyay.
SIda aan h**ey u soo sheegay Galbeedka Afrika waa gobolka ka kooban dalalka sida Nigeria, Niger, Ghana, Senegal, Mali, liberiya, Burkina Faso, Cape Verde, Ivory Coast, Gambiya, Benin, Guinea, Guinea-Bissau, Sierra Leone, Togo, iyo Saint Helena, Ascension iyo Tristan da Cunha wili Boqotooyada İngriiska hoostaga.
Taariikhdii h**e Marka laga hadlayo, Galbeedka Afrika waxa ay lahayd ilbaxnimooyin saamayn lahaa oo ka tagay raadad muhiim ah. Ilbaxnimooyinkii h**e ee Glabeed Afrika waxaa ka mid ah Dhar Tichitt oo maanta ku taalla ama laga helayo raadadkeeda dalka Mauritania. Waxaa la rumeysanyahay in ilbaxnimooyinka Dhar Tichitt ay jireen ilaa qarnigii 2,000 Ka hor Ciise Dhalashadiisa.
Sidoo kale magaalooyin sida Djenné-Djenno oo ku taalla dalka Mali ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimsan Galbeedka Afrika. Waxaan lagu qiyaasaa in da’deedy tahay 300 ilaa 200 ka hor Ciise Dhalashadiisa.
Dhismaha Dhat Tichitt iyo magaalada DJenno waxa ay muujinaysaa SIda Galbeedka Afrika uu ulahaa Ilbaxnimo qadiimi ah, taasoo runtii muujinaysa dhaqdhaqaaqa dadka Afrikaanta ah.
Dhanka kale, Ganacsi badan ayaa magaalooyinkaan iskaga gudbi jiray. Ganacsiga Dahabka, Ivoryga, timirta iyo badeeco kale ayaa gobolka dhex Mari jiray. Taasina waxa ay sababtay in xukuumado yaryar ay Soo if baxaan si ay u maamulaa. Wadooyinka ganacsiga iyo ilmaha dhaqaale ee gobolka.
Boqortooyooyini Waaweynaa ayaa kadib soo if baxay. Waxaa ka mid ahaa; Boqortooyada Mali ayaduna waxa ay aheed mid ka mid ah kuwa ugu waaweynaa Galbeedka Afrika waxa ayna caan ku ahaa hantida faraha badan, ganacsiga, xiriirka banaanka ay laleedahay iyo dhaqankeeda. Sidoo kale waxaa jiray Boqortooyada Songhai oo aheed boqortooyo ganacisga caanku aheed, sidookale awoodda iyo milltary ayeey laleed.
Ife waxa ay ay aheed boqortooyo ka talin jirtay koonfurta galbeed ee Nigeriyada maanta iyo bariga Benin. Waxa ay jirtay intii u dhaxay 1000 ilaa 1400 miiladiga, luuqadda asalka ay ku hadlaanna waxa ay aheed luuqadda Yoruba. Hausa waxa ay sidoo kale aheyd boqortooyo loo yaqaan Hausaland. Boqortooyadaan waxa ay ka koobneed dowlado yaryar oo isku tagay, waxa ayna ariminayeen ka hor jihaadyadii Fulani. Waxa ay ka talinaysay inta u dhaxaysa Webiga Niger iyo Harada Chad ( Lake Chad) ee ku taala waqooyiga Nigeria.
Boqortooyada Ghana waxa ay sidoo kale aheed mid ka mid ahaa boqortooyooyinka ugu muhiimsanaa galbeed ka africa . Waxaa sidoo kale loo yaqaanay Ghanata ama Wagadu. Xiliyada ay jirtay waxaa lagu qiyaasaa 300 ilaa 1200 miilaadiyada, laakiin inta badan waa lagu muransanyahay xiliga ay soo bilaabatay, markii koowaadna waxa qoraal ku xusay Muxammad bin Musa al-Khwarizmi sannadkii 830kii. Waxa ay ka ariminaysay ilaa iyo dhulka maanta loo yaqaan Mauritania iyo galbeedka Mali.
Ka dib, Boqortooyada Mali oo sidoo kale loo yaqaanay Manden Kurufab ayaa soo ifbaxday markii boqortooyaii Ghana ay dhacday. Boqortooyadu waxa ayaa noqotay mid xoog leh qarnigii intii u dhaxaysay qarnigii 13aad ilaa 16aad. Waxaa assasay suldaan lagu magacaabo Sundiata Keita. Boqortooyada waxaa mararka loo yaqaan boqortooyada Timbuktu. Boqortooyadu waxa ay gacanta ku dhigtay waddooyinka ganacsiga ee muhiimka ah ee ka gudba Saxaraha qaasatan xiliga uu maamulay Mansa Musa ama Muse-hii koowaad. Boqortooyadu waxa ay muujisay hantideeda kadib Mansa Musa uu xajka aaday, wiliba uu la tagay dahab fara badan. Mansa Musa ilaa iyo maanta waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ninka aduunka ugu hantida badan. ilaa maanta ma jirto qof yeelatay hantidii uu lahaa. Dhanka kale, magaalada Timbuktu ayaa ahayd xarun waxbarasho, mid dhaqameed, iyo mid ganacsi.
Sidoo kale waxaa jiray boqortooyooyin kale oo muhiim ah sida Benin Empire ( Koonfurta Nigeria) oo caan ku aheed farshaxanka bronze-ka, iyo Kong Empire oo ka arimin jirtay dhulka maanta loo yaqaan Côte d’Ivoire iyo Burkina Faso.
Qarnigii 7aad ilaa 8aad, Islaamka ayaa ku faafay waqooyiga Afrika kadib markii Carabta iyo dadka Berberka loo yaqaano ay xukumayeen dhulka waqooyi. Ganacsiga Trans-Sahara ayaa noqday il muhiim ah oo isku xira Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika. Ganacsigii Trans-Sahara waxa uu ahaa mid aad u muhiim ah, Cusbo ayaa laga soo saari jiray dhulka Saxaraha, waxaana la dhaafsan jiray Dahabka iyo macdan kale oo muhiim ah. Luqadda Carabiga iyo diinta Islaamka ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqanka, maamulka iyo hab qoraalka gobolka.
Qarniyadii 15aad ilaa 19aad, markii ganacsigii loo yaqaanay Atlantic trade uu bilaawday ayaa, dalalka Yurub ay bilaabeen in ay sahamiyaan xeebaha Galbeedka Afrika. Portuqiiska ayuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu h**eeyey oo ku lug yeeshay qaabeynta ganacsiga dahabka iyo adoonsiga.
Xilligii Ku-kala Tartamidda Africa ama Scramble for Africa oo aheed intii u dhaxaysay 1880maadkii ilaa 1914kii, ayaa dalal badan oo Galbeedka Afrika lagu qabsaday xoog iyo awood, waxaana la xariiiqay ama la sameeyay xuduudo gumeystuhu ku kala calaamadeysanayo xukunkooda. Gumeysigu waxa uu keenay in dhaqamo badan la qaldo ama la dhalanrogo, in luqado iyo siyaasaddo cusub la dhaqan geliyo, iyo in xuduudo lagu kala gooyo ama lagu kala jaro deegaanno dad ama beelo isku mid ahi ay daganyihiin.
Bilowgii qarnigii 20aad ilaa 1960meeyadii, dalal badan oo Galbeedka Afrika ayaa helay madax-bannaanidooda. Tusaale ahaan, Ghana, oo loo yaqaanay Gold Coast, waxa ay noqotay waddankii ugu h**eeyay ee sub-Saharan Afrika ee madax-bannaani qaatay 6dii Maajo 1957kii, waxa ay na ka qaateen İngriiska. Guinea ayaa ayaa Faransiis ka qaadatay xordnimadeed 2dii Okotbar 1958kii. Senegal ayaa Faransiiska xornimadeeda ka qaadatay 4tii Abriil 1960kii. Togo ayaa Faransiiska ka xoroowday 27-kii Abriil 1960kii. Benin, oo loo yaqaanay Dahomey ilaa 1975kii, ayaa Faransiiska xornimadeeda ka qaadatay 1dii Agoosto 1960kii. Niger waxa ay xornimadeeda ka qaadatay Faransiiska 3-dii Agoosto 1960ii. Burkina Faso, oo loo yaqaanay Upper Volta ilaa 1984kii, ayaa Faransiiska xornimadeeda ka qaadatay 5ii Agoosto 1960kii. Côte d’Ivoire, oo loo yaqaano Ivory Coast, ayaa Faransiiska xornimadeeda ka qaadatay 7dii Agoosto 1960kii. Malii ayaa Faransiiska xornimadeeda ka qaadatay 22kii Sebtember 1960kii.
Nigeria ayaa İngriiska ka qaadatay xordnimadeed 1dii Oktobar 1960kii. Sierra Leone ayaa Ingiriiska ka xoroowday 27-kii Abriil 1961kii. Gambia ayaa İngriiska ka qaadatay xordnimadeeda 18ka Febraayo 1965kii. Cape Verde ayaa Boortaqiiska ka qaadatay xordnimadeeda 5tii Luuliyo 1975kii. Guinea‑Bissau ayaa Boortaqiiska ka qaadatay xordnimadeeda 24ka Sebtember 1973kii laakiin waxaa si dhab ah loo aqoonsaday 1974kii.
Wadanka Liberia ayaa madax banaanidiisa ku dhawaaqay 26-kii luuliyo 1847kii. Ma jiro gumeysi reer Yurub ah oo gumeystay Liberia, waana wadan ay aasaaseen adoomo laga soo celiyay dalka Mareykanka. Ugu dambeyntii, Saint Helena, Ascension iyo Tristan da Cunha wali waxa ay hoos joogaan Boqortooyada Ingiriiska, waxaana loo aqoonsan yahay British Overseas Territory.
Laakiin madax-bannaani kaddib, dalalku waxa ay la kulmeen caqabado ka dhashay xaduudaha gumeysigu u xariiqay SI aan ka fiirsilahayn ama so aan faa'iido ugu jirin dadka dhulka iska leh. Yacni xaduudeynta laguma salayn rabitaanka dadka deegaanka, taasoo keenta khilaafaad gudaha ah. Sdoo kale waxaa wili taagaan arimaha la xariiro gumeysiga dadban oo ah faragalinta gumeysigii h**e. Maanta gobolka waa mid ay taamayn ku leeyihiin afgambiyada, maleeshiyaad, musuqmaasuq iyo dhibaatoyin kale.
Maanta haddii aad u fiiriso siyaasadda gobolka waxaad aad u fahmi kartaa raadka gumeysiga oo wili taagan.
Halkaan ka daalaco qaybihii h**e👇
Qaybtii 1aad: https://www.facebook.com/share/p/17cpp4cBYs/
Qaybtii 2aad: https://www.facebook.com/share/p/1CbEqXzyk5/
Qaybtii 3aad: https://www.facebook.com/share/p/1BWtp3PNfj/
Qaybtii 4aad: https://www.facebook.com/share/p/1JRjj2iNP1/
02/11/2025
Xaaladda siyaasadeed ee Tanzania ayaa hadda gashay marxalad adag oo muran badan dhalisay kadib doorashadii guud ee la qabtay 29-kii Oktoobar 2025. Madaxweynaha xilka haya Samia Suluhu Hassan ayaa lagu dhawaaqay markale kn ay ku guuleysatay codad gaaraya ku dhowaad 98%, sida uu sheegay guddiga doorashada ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, natiijadan waxaa si adag u diiday xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo ku tilmaamay doorashadu mid aan caddaalad ahayn, isla markaana ay tahay mid lagu sameeyay faragelin iyo caburin baahsan oo lagu xakameeyay tartanka siyaasadeed. Musharrixiinta mucaaradka sida Tundu Lissu iyo Luhaga Mpina ayaa laga hor istaagay in ay ka qaybgalaan doorashada, taas oo sii xoojisay shakiga ah in tartanka uu ahaa mid hal dhinac ah.
Doorashada kadib, waxaa dalka ka qarxay mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhacay magaalooyin badan, iyadoo shacabka iyo taageerayaasha mucaaradka ay dalbanayeen in dib loo tiriyo codadka ama doorasho cusub la qabto. Ciidamada ammaanka ayaa si adag uga jawaabay mudaharaadyadaas, waxaana soo baxaya warar sheegaya in boqollaal qof la dilay halka qaar kalena la xiray ama la waayey.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladdu sidoo kale ay xannibtay internet-ka iyo warbaahinta gudaha si loo yareeyo faafinta sawirrada iyo macluumaadka ku saabsan rabshadaha. Tallaabooyinkaas ayaa dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid ururada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka ah ee gudaha iyo dibadda.
Dhanka caalamka, waxaa soo baxaya laba aragti dhab ahaanyii is-khilaafsan. Tan koowaad, ururo ay ka mid yihiin Midowga Afrika iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa hambalyo u diray Samia Suluhu Hassan, iyagoo sheegay in doorashadu ahayd “guul dimuqraadiyadeed.” Dhinaca kalese, ururada xuquuqda aadanaha, Qaramada Midoobay iyo warbaahinta madax-bannaan ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo natiijada doorashada iyo dhacdooyinka rabshadaha wata.
Xaaladdan waxa ay muujinaysaa mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee Afrika ka jira maanta, taasoo ku salaysan isku dheelitirka xasilloonida siyaasadeed iyo dimuqraadiyadda dhabta ah.
Samia Suluhu oo markii h**e loo arkayay hoggaamiye dhexdhexaad ah oo ku dadaalaya dib-u-heshiisiin, hadda waxaa lagu dhaliilayaa in ay dib ugu laabatay nidaamkii xoogga iyo caburinta ee horay u jiray.
Ugu dambayn, xaaladda Tanzania maanta ka jirta waa tusaale muuqda oo muujinaya sida awoodda siyaasadeed ee hal xisbi ay u wiiqi karto kalsoonida shacabka iyo horumarka dimuqraadiyadda iyo wada lahaanshaha dowladda. Mucaaradku waxa ay ku baaqayaan in la helo nidaam cadaalad ah oo loo siman yahay, halka shacabka ay dalbanayaan xorriyad iyo xaq ay codkooda ku muujiyaan.
Dunida inteeda kalena waxay indhaha ku hayaan sida dowladda Samia Suluhu u wajahdo cabashooyinkan iyo rabitaanka dadka reer Tanzania ee doonaya isbeddel dhab ah.
02/11/2025
Taxanaha Baro Afrika Qaybta 4aad
Saxaraha Afrika iyo Afrikada Saxaraha Ka hooseysa
Shalay waxaan ka hadalyna Shanta gobolka ee Afrika loo kala qaybiyo iyo gobolka Saaxil loo yaqaano. Maanta waxaan kala baran doonta labada qaybood ee Afrika loo kala saaro ayadoo Saxaraha mise lama-dagaanka halbeeg laga dhiganayo. Labadaas qaybood waa Saxaraha Afrika iyo Afrikada Saxaraha Ka Hooseysa. Taasoo English ahaanteed ah Sahara Africa iyo Sub-Saharan Africa.
Sahara ama Saxaraha waa lamadegaanka ugu weyn adduunka, waxa uuna ku fidsan yahay waqooyiga Afrika, laga bilaabo Badweynta Atlantik ee galbeedka ah ilaa Badda Cas ee bariga. Erayga “Saxara” waxa uu ka yimid af Carabi oo macnihiisu yahay “lamadegaan” Af-Soomaali ahaan ama “desert,” Af Ingriis ahaan.
Magacu waxa uu si cad u muujinayaa xaaladda qallalan ee dhulkaas. Dalalka Saxara ku yaal amaa loo yaqaano dalalka Saxaraha Afrika waxaa ka mid ah Morocco, Algeria, Tunisia, Libya, Egypt, Mauritania, Niger, Chad, iyo waqooyiga Sudan. Dalalkan badankood waa Carab iyo Berber.
Saxara ayaa u kala qaybiya Afrika labadan qayb ee waaweyn: Waqooyiga Afrika oo ah tan Saxaraha ah iyo Afrikada Saxaraha Ka hooseyda (Sub-Saharan Africa). Ereyga “sub” macnihiisu waa “hoose,” sidaas darteed Sub-Saharan Africa waxaa loola jeedaa dalalka Saxaraha Afrika ka xiga dhanka Koonfur kuwaas oo leh cimilo kala duwan sida dhul-beereed, kaymo, iyo savanna ( dhul balaaran oo caws aad u badan leh, oo leh geedo gaagaaban, oo geeduhuna kala firdhisanyahiin).
Marka laga Soo tago waqooyiga Afrika oo loo yaqaano Saxaraha inta kale ee soo harta, macnaha gobolada kale ee Soo hara SIda Galbeedka, Bartamaha, Koonfurta, iyo Bariga, kulli waxaa loo yaqaan Afrikada Saxaraha Ka hooseyda.
Kala qaybsanaanta u dhaxeysa Saxaraha iyo Afrikada Saxaraha Ka Hooseyda ma aha mid keliya juqraafi ah, balse waa mid dhaqan, taariikh iyo cimilo leh. Waqooyiga Afrika waa lamadegaan kulul oo xiriir dhow la leh dunida Carabta, dhaqankooduna waa natiijada ka dhalatay isdhexgalka ay Carabta la sameeyeen, Waxa ayna ku hadlaan Af Carabi. Halka Afrikada kale ee Saxaraha Ka Hooseyda ay yihiin dalal leh qowmiyado badan, luuqado kala duwan, iyo cimilo kulayl ah.
Saxaraha weyn kaliya k**a dhihno lamadagaanka kaliya ee Afrika ku yaal. Dabcan lama daganano kale ayaa ku yaala laakiin Saxaraha Afrika k**a mid ahan. Tusaale ahaan;
Lama dagaanka Kalahari oo ku taalla Botswana, Namibia, iyo South Africa.
Lama dagaanka Namib oo ku taalla xeebaha Namibia.
Lama dagaanka Danakil oo ku taalla Ethiopia, Eritrea, iyo Djibouti.
Sidaas darteed, inkasta oo lamadegaanno kale ay jiraan, Saxara ayaa ah tan ugu ballaaran uguna saamaynta badan, maadaama ay kala qaybiso Waqooyiga Afrika yo Afrikada Saxaraha ka Hooseyda.
Qaybtii 1aad: https://www.facebook.com/share/p/17cpp4cBYs/
Qaybtii 2aad: https://www.facebook.com/share/p/1CbEqXzyk5/
Qaybtii 3aad: https://www.facebook.com/share/p/1BWtp3PNfj/
01/11/2025
🇹🇿 Tanzania: Taariikh deeda iyo Isbeddelka Siyaasadeed
Tanzania waa dal ku yaal Bariga Afrika, oo xuduud la leh dalalka ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Zambia, Malawi, Mozambique, iyo Badweynta Hindiya (Indian Ocean).
Caasimaddeedu waa Dodoma, inkasta oo magaalada Dar es Salaam ay weli tahay xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ugu weyn.
Magaca Tanzania waxa u ka yimid laba dal oo h**e u kala jiray: Tanganyika iyo Zanzibar. Tanzania waxa ay ka timid isku darka Tanganyika + Zanzibar.
Kahor xornimadii, Tanganyika waxa ay ahayd dhul uu gumeysan jiray Jarmalka ka hor dagaalkii labaad ee aduunka, balse markii dagaalkaasi dhammaaday waxaa la hoos geeyay maamulka Ingiriiska. Dhanka kale, Zanzibar oo ahayd jasiirad ganacsi oo muhiim ah ayaa muddo dheer hoos tagaysay boqortooyada Carabta, kadibna waxaa gumeystay iyadana Ingiriiska.
Tanganyika waxa ay xornimada ka qaadatay Ingiriiska 9-kii December 1961, iyadoo madaxweyne uu noqday Julius Kambarage Nyerere, oo loo yaqaan “Baba wa Taifa” ama Aabbaha Qaranka. Nyerere waxa uu aasaasay mabda’a loo yaqaano Ujamaa, kaasoo ahaa nidaam hantiwadaag oo runtii lahaa siyaasad isku dhaf ah, waxa uuna ku dhisnaa sinnaanta bulshada, wadajirka iyo is-kaashiha, balse waxa uu nidaamku keenay markii dambe keentay hoos u dhac dhaqaale.
Dhanka kale, Zanzibar waxa ay xornimo ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 1963kii, balse waxaa isla sanadkii xigay dhacay kacdoon (revolution) oo meesha ka saaray boqortooyadii Carabta ee jasiiradda maamuleysay.
Sanadkii 1964kii, Tanganyika iyo Zanzibar ayaa midoobay, waxaana la sameeyay Jamhuuriyadda cusub ee loo bixiyay United Republic of Tanzania. Tan iyo markaas, xisbiga Chama Cha Mapinduzi (CCM) ayaa ahaa awoodda keliya ee siyaasadeed ee dalka ka jirta. Nyerere waxa uu xilka hayay ilaa 1985, waxa uuna ku wareejiyay xilka Ali Hassan Mwinyi, kaas oo bilaabay siyaasad iyo nidaam dhaqaale oo furfuran.
Markii la gaaray 1992kii, Tanzania waxa ay aqbashay nidaamka xisbiyada badan, inkasta oo CCM uu weli hayay awoodda ugu weyn. Macnaha wadanka xusbiyo badan ayaa ka tartamayay laakiin hadan xisbiga CCM ayaa xisbiga maamulayay ilaa iyo midawgii labada wadan.
Hoggaamiyeyaasha sida Benjamin Mkapa oo xilka hayay (1995–2005), Jakaya Kikwete oo talunayau (2005–2015), iyo John Pombe Magufuli oo ariminayay (2015–2021) ayaa waxa ay ahaayeen kuwo dhammaantood ka socday CCM. Inkastoo dhamaantood Hal xisbi ka socdee mid walba waxa uu keenay qaab maamul u gaar ah.
Magufuli ayaa loo bixiyay “Bulldozer” ama “cagafcagaf”, taasoo muujinaysa awoodiisa xadka ka baxday iyo cabsi galinta uu samaynayay. Magufuli waxa uu si lama filaan ah u geeriyooday bishii Maarso 2021kii, xilka waxaa si rasmi ah ula wareegtay Madaxweyne ku-xigeenkiisii Samiya Suluxu Xassan, SIda sharciga uu qabo. Samiya waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa Tanzania.
Markii Samiya xilka qabatay, waxa ay bilowday siyaasado cusub oo furfuran, iyadoo qaaday tallaabooyin lagu yareynayo xannibaadaha siyaasadeed, lana soo celinayo isu-soo-baxyadii mucaaradka. Siyaasaddeeda waxaa lagu tilmaamay “diblomaasiyad jilicsan” oo lagu doonayay in Tanzania ay dib u hesho sumcada caalam.
Si kastaba, markii la gaaray doorashada guud ee 2025, xaaladdu waa ay is beddeshay. Samiya waxa ay isu taagtay doorasho labaad iyadoo matalaysa CCM, waxaana natiijada lagu dhawaaqay in ay ku guuleysatay 97.6% codadka guud. Mucaaradka oo ay hoggaaminayeen Tundu Lissu oo ka socday xisbiga CHADEMA iyo Zitto Kabwe oo ka socday xisbiga ACT-Wazalendo, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay doorashada ka dhigtay mid aan xor ahayn.
Mudaharaadyo ayaa ka dhacay magaalooyin badan sida Daru Salaam, Arusha, iyo Mwanza, waxaana ka dhashay khasaare iyo cabasho caalami ah oo ku saabsan xuquuqda aadanaha. Dowladda ayaa difaacday natiijada doorashada, iyadoo sheegtay in ay ahayd mid nabad ku timaaday kuna dhammaatay nabad, balse mucaaradku waxa uu ku tilmaamay in “Tanzania ay si tartiib ah ugu laabanayso nidaam hal xisbi ah.”
Maanta, Samiya Suluxu Xassan waxa ay mar kale haysaa talada, iyadoo wajahaysa caqabado badan sida dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo ilaalinta midnimada dalka ee u dhexeeya Tanganyika iyo Zanzibar.
Hoggaaminteedu waxa ay astaan u tahay halganka u dhexeeya furfurnaanta siyaasadeed iyo xoojinta awoodda xisbiga talada haya.
31/10/2025
Taxanaha Baro Afrika Qaybta 3aad
Afrika waa qaarad si weyn u kala duwan, siyaasad ahaan, dhaqan ahaan, iyo juquraafi ahaanba. Si fiican looma fahmi karo Afrika haddii aan la eegin qaybaheeda kala duwan, maadaama mid kasta oo ka mid ahi leeyahay sifooyin gaar ah, taariikh u gooni ah, iyo caqabado siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo isdaba joog ah.
Qaybahaas waxa ay kala yihiin: Waqooyi Afrika, Galbeedka Afrika, Bartamaha Afrika, Bariga Afrik, iyo Koonfur Afrika. Sidoo kale waxaa caan ah gobolka Sahel.
Waqooyi Afrika waxaa ka mid ah dalalka sida Morocco, Algeria, Tunisia, Libya, Egypt, Mauritania iyo mararka qaar Sudan, inkastoo Sudan mararka qaar lagu darı Bariga Afrika, marna lagu daro gobolka Sahel. Waqooyiga Afrika waa gobol ay ku xooggan yihiin dhaqanka Carabta inkastoo asalka dadka dagani aysan wada ahayn Carab. Waa dad la carabiyeeyay inta diinta İslaamka ay fideysay, ama waa Carab usoo guurtay, ama waa dadka Ka dhashay guurka Carbata iyo dadkii meesha daganaa.
Waqooyiga AFRİKA waxa uu xiriir dhow la leeyahay Bariga Dhexe o Mediterranean-ka, sidoo kale Yurub. Waa gobol dhexda ıga jira sedex qolo: Carabta, Europe iyo Afrika'da inteeda kale.
Galbeedka Afrika waxaa ka mid ah Benin, Burkina Faso, Cabo Verde (Cape Verde), Côte d'Ivoire (Ivory Coast), Gambia, Ghana, Guinea, Guinea-Bissau, Liberia, Mali, Niger, Nigeria, Senegal, Sierra Leone iyo Togo iyo Saint Helena, Ascension iyo Tristan da Cunha wili Boqotooyada İngriiska hoostaga. Waa gobol hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah sida saliidda, dahabka, iyo macdanta, balse waxaa uu la daalaa dhacaya musuqmaasuq, saboolnimo, iyo afgambi siyaasadeed oo isdaba joog ah.
Bartamaha Afrika waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay wadnaha qaaradda, waxaana ku yaal dalal ay ka mid yihiin Angola, Cameroon, Central African Republic ( Congo-Brazzaville), Chad, Congo (Republic of the Congo), Democratic Republic of the Congo, Equatorial Guinea, Gabon iyo São Tomé and Príncipe. Gobolkan waxa uu leeyahay kayma roobaadka ugu ballaaran qaaradda (Congo Basin) iyo kheyraad dabiici ah oo fara badan, balse waxaa curyaamiyay dagaallo sokeeye, dowlado nugul, iyo faragelin shisheeye.
Bariga Afrika waxaa ku yaal wadamada sıda Burundi, Comoros, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Madagascar, Malawi, Mauritius, Mozambique, Rwanda, Seychelles, Somalia, South Sudan, Tanzania, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe. Gobolka gaar ahaan geeska Afrika, waxaa Ka jira isbeddello siyaasadeed oo runtii dardaran, dagaallo sokeeye, iyo xaalado bini’aadantinimo oo daran. Gobolka waxa uu leeyahay muhiimad juquraafiyeed oo aad weyn sababtoo ah waxa uu ku xiriiraa Badweynta Hindiya, Badda CAS iyo marin-biyoodka caalamiga ah.
Koonfur Afrika waxaa ku yaal dalal ka sıda
Botswana, Eswatini (Swaziland),. Lesotho, Namibia iyo South Africa. Gobolkan waxa uu hormuud u yahay warshadaynta qaaradda iyo horumarinta ganacsiga, balse sinnaan la’aanta dhaqaale iyo shaqo la’aanta ayaa weli caqabad weyn ah ku ah.
Sahel, oo ah gobol u dhexeeya Saxaraha iyo Afrikada Dhexe, waa gobolka tilmaamaya in uu u dhaxeeyo lama dagaanka iyo dhulka cagaaran inta badan wadamada waqooyiha galbeedka Afrika qaarkooda ayaa Sahel loo yaqaana. Gobolka Sahel ama Saaxil waxa uu maraa dalal ay ka mid yihiin Senegal, Mauritania, Mali, Burkina Faso, Niger, Chad, Sudan, mararka qaar ma waxaa lagu daraa Eritrea. Waa meel ay ka jiraan dhibaatooyin cimilada la xariira sida abaaraha iyo isbeddelka deegaanka, kuwaas oo sababay macaluul, qaxooti, iyo kororka argagixisada. Saddex dal oo Sahel Ka mid ah oo kale ah, Mali, Niger, iyo Burkina Faso, ayaa dhawaan sameeystay urur cusub oo la yiraahdo Alliance of Sahel States, si ay uga jawaabaan caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee gobolka.
Inkasta oo qaybahani mise goboladaani ay leeyihiin xaalado kala duwan, haddana xiriir xooggan ayaa ka dhexeeya. Dhibaatooyinka sida argagixisada, qaxootiga, isbeddelka cimilada, iyo faragelinta shisheeye waxa ay si wadajir ah u saameeyaan gobollada kala duwan ee AFRİKA. Ururrada sida ECOWAS, IGAD, iyo Midowga Afrika (AU) ayaa isku daya in ay mideeyaan dadaallada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee qaaradd( ururada si gooni ah ayaan wax ıga qoridoonaa).
Afrika waa qaarad isku dhafan, adag in la fahmo halmar, oo leh taariikh dheer, dhaqan hodan ah iyo awood dabiici ah oo aan la qiyaasi karin. Fahamka qaybaha siyaasadeed iyo kuwa juquraafiyeed ee Afrika waa tallaabo muhiim ah si loo fahmo caqabadaha, fursadaha, iyo rajooyinka qaaradda ee mustaqbalka ina soo fool leh.
Kala qaybintaan waxaan u isticmaalnay UN Geoscheme (United Nations Geoscheme) kaasoo ah nidaam ay dejisay Qaramada Midoobay (United Nations Statistics Division – UNSD) oo lagu kala saaro dalalka iyo gobollada adduunka si tirakoobka iyo daraasadaha caalamiga ah loo fududeeyo.
Qaybtii 1aad: https://www.facebook.com/share/p/17cpp4cBYs/
Qaybtii 2aad: https://www.facebook.com/share/p/1CbEqXzyk5/
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Ankara
