Hn Zadaq Hassan

Hn Zadaq Hassan

Share

Ayoung Somali politician, who is willing to serve his country`, A brighter day is on its way 4 us..

01/10/2021

Dhibaatada uu leeyahay xiriirka!๐Ÿ˜ข๐Ÿ’”๐Ÿฅฒ๐Ÿ˜ณ

1-Ma tihid qof xur u ah Noloshiisa.

2-Lama sheekeysan kartid qof waliba oo aad doontid, lama kulmi kartid mararka qaar.

3-Mar waliba buuq iyo Maslaxa joogta ah ayaad ku jirtaa.

4-Waqtigaaga oo inta lagula wadaagaayo.

5-Fikir joogta ah oo aad qofkaas ka fikirayso mar waliba.

6-Maseer iyo inaad walwal dareento mararka qaar iyo inaadba ka cabsato inaad wayso qofkaas.

7-Waxaa laga yaabaa in qofki aadba jecleyd ku cidleeyo kadib Nolol murugo aad gasho.

Maku aragtay waxyaabahaas oo kale adiga?

kusoo biir Page-kan๐Ÿ‘โœ๏ธ Hn Zadaq Hassan

Photos from Hn Zadaq Hassan's post 03/09/2021

โ€œ Ma Uxiistay Oo Ma Isdhahday Wac
Hadaneh Ma Isdhahday Iskadaa Laโ€™aanta Iney Faraxsantahay Ayaa Lagayabaa
Marnaba Ma Iloobi Karno Dareemadii
Ey Noogu Tageyn Kuwii Waayo Badan
Naga Farxin Jiray ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
Habenki hurdo markey iga so dhici weyso
Barkinta aya labta gashta sida ayadoo ila jogto ๐Ÿ˜ฅ๐Ÿ’Œ
Markan firiyo qoraladi h**e na dhax maray waxan u arkaa Inan khasaaro galay madama an ku guul dareystay inan jaceylkeygi agteyda jogto ๐Ÿ˜๐Ÿ˜ฅ๐Ÿ˜ฅ๐Ÿ˜ฅ
Miyaa u xistay ruxi ka farxi jiray xiliga ad murugsantahay๐Ÿ˜ฅ๐Ÿ˜ฅ

Ma is tiri waac hadne gacanta ma diday

Ma firisay sawiranti idin dhax maray
Dib zoom zoom ma uu sameysay adiga firinayo ruxaa qimahaa u lahaa

Ma is ledahay waxa la jogaa wakhtigi ad so celin lehed ruxi ku wanagsanaa adigaa

Hn Zadaq Hassan

Photos from Hn Zadaq Hassan's post 29/08/2021

๐…๐š๐ค๐ž-๐ ๐š ๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ ๐ข๐ข๐ง ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐ฑ๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐ง ๐š๐ฆ๐š ๐ข๐ข๐ฅ ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐๐š๐ญ๐š๐š๐ง ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐ฌ ๐ฑ๐š๐š๐ฐ๐š๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ž๐ฒ.โ‰๏ธ

Horaadada"kun-ka" barida"bushumaha" ilkaha iyo in kale oo badan oo ay haween badan ku rajo weynyihiin in ay Qurxiyaan ayaan su,aal weydiin?

Wali ma is weydiiseen dhibka iyo dhawaca idinka soo gaari kara dumarow inta iina haweysan ka hor in aad kobcisaan ama weeyneysaan ama aad toosisaan?

Marka h**e rabbi wuxuu u abuurey iisanka suurad midda ugu quruxda badan wuuna karaameeyey eebe weyn mananaga mudna in aan abuuristiisa faraha gashano.

Marka quruxda rabbi iyo suurada qurxda badan ee uu iisanka u abuure hoos looga soo d**o dumarku waa siinad iyo qurux jawharad iyo luul.

Ayaamahan arrinka ah bushumo durimad ee hawada naga qabsadey in badan oo ka mid ah Gabdhaheenna soomaaliyeedna ay soo tijaabiyeen ka dibna ay sawiradooda ku soo daadiyeen baraha bulshada.

ayaan rabaa in aan wax ka dhaho oo aan uga dhiggo hablaha kale ee ku hamin in ay ku deydaan Gabdhagaa ama jirkooda raba in ay ka badalaan abbuuristii alle.

Dhowr dhaqtar ayaan weydiiyey dhibka iyo dhagarta fog ama dhow ee ka dhalan karta waxaa ay ii sheegeen in laga qaado cuduro badan oo halis ah.

Siddoo kale muddo yar ka dib waxaa ka bixin bushumaha sun-tii lagu shubey halkaasna waxaa ka dhacda inta badan in ay bushumuhu kala dheeradan ama kala qaloocdaan.

Qurux iyo Bilic aadan u dhalan abbaayo wehel kuma noqoto fadlan marka labo gef ha galin.

1: in aad ku caasiso abbuurkii rabbi iyo in aad"

2: naftii uu alle kugu ammaansadey aad dhaawac ama dhimasho u hor-seedo.

Dumarku in taas oo dhib ah waxaa Ay u marayaan waa ragga dartood iyo in ay yeeshaan ilqabad qurxoon oo leh soo jiidasho~๐Ÿ˜”๐Ÿ˜

๐“๐š๐ฅ๐จ ๐ฐ๐š๐ฑ ๐ ๐š๐ฅ ๐š๐ก ๐ฆ๐š ๐ซ๐š๐›๐ญ๐š๐š๐ง ๐ช๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฑ~

๐ŸŒผ Taga oo aada goobaha jimicsiga Oo dhisa jirkiina iska jara calooshan idinka soo dhacdey idinka oo ah 20-jiro.

jiimka iyo jimicsiga ayaa leh caafimaad iyo jidh qurxoon.

Noloshiina hormariya waxbarta" shaqeysta ka dhex muuqda dadkiina iyo dalkiina naftiina ku mashquula"

Raxleyskaan iyo rucleentaan xadka dhaaftey kala taga ragg ee la imaada wax maan-gal ah oo aan jidka rabbi iyo dhaqankenna ka so hor-jeedin.

Zi share -Garey oo la wadag SHPada ๐Ÿฅฐ๐Ÿ™

Ku xirta Hn Zadaq Hassan

14/08/2021

Dardaarankii Ugu Cajiibsanaa ee uu qoro qof marxuum ah ๐Ÿ˜ฅ๐Ÿ˜ฅ

" Waxeey tiri Si fiican U dhuux Waxa Aan qorayo
Geerideeyda K**a Wal Wal qabo
Muhiimad Weeyn iima laha , Sida jirkeyga U baaliyoobi doono.

Muslimiinta Sida Caadiga ah Marka Qof dhinto Loo Sameeyn jiray Ayeey igu sameeyn doonaan dharka ayeey iga bixin doonaan , Weey idhaqi doonaan Markay i Karfaniyan Ka dib gurigeyga iga soo Saari doonaan Waxeey Ii Kaxeeyn doonaan Gurigeyga Cusub Ee Qabriga

Dad badan ayaa tacsiyadeyda imaan doona Bal qaarkood Balamihii iyo Shaqooyiinka ay lahaayeen ayeey aniga darteey U soo deyn doonaan Si ay Meydkeyga U soo raacaan Ka dib Duugteyda uga qeeyb qaataan.

Dadkaas Sidaa U tirada badan Maalin intaan Noolaa Hal mar Ma aysan isiin Nasteexo Wax Ka tari doonto Geerideyda bacdigeed Kheyr ima aysan fari jirin Alla ima aysan Xasuusin.

Wax yaabaha intaan Sariirta Meydka Saaranahay Laga Takhalusi doona Waxa Ka mid ah......
1. Qolkeyga
2.
3.
4.
5. Qaaliga ahaa
6.
Dhamaan intaan Qabriga tagin ayaa lakala qeybsaday.

Xitaa Haddii ay ii Sadaqeyn lahaayeen Wax beey ii tari lahaayeen Oo ayaan Ku kaban lahaa
Aan intaas Soo tacbaayay Waxaa lagu Kala dhaxlay maalmo gudahood Ha badnaadan ama ha yaraadan Xisaabtoodana Aniga ayeey I sugeysaa ๐Ÿ˜ฅ

Markan dhintay Waxaa Ugu h**eeyo Ee iga dhacaaya Dadkuna Dhaqso U badali doonaan Waa
Qolka Anigo Ku jiro Ayeey dadka Oran doonaan Away ? Waan Maqlayaa Laakiin Ma Oran Karo Waa ikan Bal Magaceygii Saacad Ka hor leygu Wici jiray meey igu Wacaan ๐Ÿ˜ฅ.

Markeey Rabaan in ay Igu dukadaan Waxeey i Oranayaan Aaway .?Bal Meey magaceyga iigu yeeraan.
Markey Luxdiga i dhigayaan Waxeey igu Oranayaan Meydka Ka feyda.
Meydka Bal Meey Magaceyga iigu yeeraan .

Sidaa darteed Ma aheeyn ineey isiraan Ama Aan ku sirmo iyo Aan Ku faani jiray Maanta Magaceyga Kaliya in ay Ku dhawaaqaan Xitaa iima quuraan.๐Ÿ˜ฅ

ใ€ŠIntaasi Waa Tusaalo Balse Xaqiiq ayaad U Arki doontaa Maalin Maalmaha Ka mid ah;ใ€‹

Qofka maanta Noolow ,,,,,, Ogow Murugta Ku sugeyso Waxeey U qeybsami doontaa ilaa Sadax qeeyb Oo Kala ah:

1: Dadkii Kuu aqoonsanaa inaad tahay Nin Karmeet ah Xoog iyo Karti badan Waxeey Ku Oran doonaan Yaa .

2: Saaxiibada Waxeey Kuu murugoon doonaan Saacado Maalmo Xitaa Isbuuc iska dheh Ka dib Sheekada Weey Ka bixi doonaan ayaa dhici doona.

3: Aad U daran Oo laga dareemi doona Aad Ka baxday iyo Maalmo Isbuuc bilooyiin Xitaa sanado Ka dib Waa lagu Waxaad galeeysaa dadka Mar Mar La .

Xisaabtaadii Aduunka Halkaa Ku dhamaatay Waxaa bilaaban Xisaabtii Aad Aakhiro ku laheed.
Xoolo Ma lihid Quruxdii Waa Kaa dhamaatay Owlaad iyo Caruur ma lihid Caafimaad Haba Sheegin Waxad Ka tagatay Daarihii dhaadheeraa Aad dhistay Xaaskaagii Ninkale ayaa qabo Ama Ninkaagii Naag kale ayuu qaatay.

Kaliya Waxaad Maanta haysataa Wanaagsanaa Su,aasha Hadda taagan Waxeey tahay Ma heysataa Maanta la jooga Camalkaas Beri Ku anfici lahaa.?
Maku dadaashay Salaadaha faralka
Sunooyiinka Sadaqada Sirta ah Salaadda Habeenkii Loo istaago mise maya.?

Qofka Marka Uu dhinto Muxuu Ugu Calaacalaa Rabiyow Haddaad dib Aduunka iigu celiso Waan Soo Sadaqeynsan lahaa.
ู‚ุงู„ ุชุนุงู„ูŠ: [ ุฑุจ ู„ูˆู„ุง ุกุฎุฑุชู†ูŠ ุงู„ูŠ ุงุฌู„ ู‚ุฑูŠุจ ูุฃุตุฏู‚ ].
Maxeey tartaa Sadaqada Uu Qofka Dhintay Ku arkay geeridiisa ka dib.?

Muxuu U dhihi Waayay Waan soo Xaji lahaa Waan Soo Salaadi lahaa Waan soo soomi lahaa.

Culimada Waxeey yiraahdeen Waxaa U sidaa U yiri Ka dib Markii Uu arkay Weeyninka ay leedahay Sadaqada iyo ajarka laga helayo Oo tiro badan " War Ka faa"ideyso Wax bixi Hadda.

Qoraalkan Oo Allah dartiis U faafiso ayaa Ka mid ah Sadaqada Waxaa dhici Karto Qof Aad U Share gareeysay Qoraalkan in Uu wax bixiyo...

Adigaana Sabab U noqday Halkii Xasano Waxaa Laguu laba jibaaraa .

Waa Amaano dushaada Saaran Qiyaamane Waa lagu Weeydiin" Fadlan Qoraalkan U dir ilaa Aad Ka mid tahay Kalmada Wanaagsan Waa Haddaad dhameysay plz Alla Xuskiisa badi.

Abdirashid Abukar

Hn Zadaq Hassan

11/05/2021

Si Walba oo Warbaahinta Gaalada Uqariso Al-Shahiid Cumar Abuu Layla Anaga ayaa Faafineyno.

Adna Walalka Islamka ahoow.

Waa Geesi Falastiini Muslim ah Oo Taariikh La Yaab leh a dhigay Taas Oo Muslim badan Ka Farxisay, Yahuud badane Wadno qabat Ku Noqotay Marka Laga Waramo.Taariikhdiisa.

Al-Shahiid , Cumar Abu Layla , Waa Dhalinayar Aad U Da`yar Oo Aan Dhaafin Da`da 19sano
Xaalada Qudus inta ay Socotay ayuu Howl gaar ah Oo Naf Hurnimo ah Ayuu Ka fuliyay Dhulka ay Yahuuda Xooga Ku dagan tahay .

Waxaa Uu Soo Qaatay Tooreey Waxaa Uu dhexda Ka galay Guuto Ka tirsan Ciidamada yahuuda Ee dhulka falastiin Xooga Ku Haysato , Mid Ka Mid ah Askartii ayuu Cunaha Ka jaray

Askarigii Waa Uu Geeriyooday Naf Dhul Kulama dhicin Ka dib Waxaa Ka Furtay Qorigii Uu Sitay Markaa Ka dib Ayuu Dagaal Toos ah La galay Ciidankii Kale

Xalada ayada Oo Halkaa Marayso Waxaa Uu La Wareegay Matkab U Socday Yahuuda Waxaa Uu Halkaa Ku toogtay dhamaan Kuwii dhulka deegaameenta looga dhigay iyo Shaqalo

Yahuuda Ayaa qiratay dhimashada labo Askari iyo Sadax Kale Oo dhaawac Halis Soo gaaray

Gumeeystaha yahuudu Waxaa ay ku qaadatay baadi goobka Cumar labo maalmood

Xoogag si gaar ah u tababaran oo ka socda yahuuda Ayaa Waxeey dabaabado Ku soo galeen tuuladii uu ku dhuumaleysanay cumar

Toboneeyo baabuurta gaashaaman ayaa lagu hareerayay iyo Diyaarado qumaati U Kaco

Lkn Cumar Waa Uu Diiday in Uu is dhiibo
Waa Uu dagaalamay ilaa ay Naftu Ka baxday Waa geesi Allah ka aqbalo Shahaadadiisa Aamiun
Xaqiiqatan ilaa Hadda Warbaahinta gaalada iyo kuwa Munaafiquunta K**a Aysan hadlin
Fadlan Adiga faafi oo Ka qayb qado faafintiisa.

Qalinki; Hn Zadaq Hassan

08/05/2021

QISO JACAYL OO XANUUN Badan
- May-8-2021

24/1/2010
Axad, Saladii casar ka dib goor galaba oo jawigu aad u degenyahay ayaa waxaa kulmay laba qof waxaa ay mideeyeen qalbiyadoodi waxaa ay bilaabeen xidhiidh aanu midkoodna h**e u samayn waxaa ay beereen ubax aad u quruxbadan,cas,oo dhexdiisa udgoonkii jacaylku ka u raayo.
Waxaa ay bilaabeen kalsooni uu midkoodba ka kale ku qabo.
Ayaamuhu way socdaan intaana jacayl iyo laydh caashaq ayay sidaan.
Wakhtigu waxa uu ordaba maanta saddex sano jirsade.Mid walibana ka kale
Dhigiisi iyo lamaanihiisi ayuu u haystaa, oo waxa ay aaminsanyihiin in labadoodu yihiin ku
wii alle isu dooray ee nolol iyo qoys wadaagi lahaa.
๐Ÿ’•๐Ÿ’•๐Ÿ’•๐Ÿ’•๐Ÿ’•๐Ÿ’•
Aad ayay isugu faraxsanyihiin oo waliba isugu qanacsanyihiin,markii h**e meel ayay wadajoogeen,jacaylkana ka wada bilaabeen, hada laakiin safar ayaa lakala galay oo laba wadan oo kala duwan ayaa lagu kala noolyahay, si kasta oo addunyada iyo mashquulkeedu u badanyahay haddana iyagu isma hilmaamaan ee waa laba qof oo isu maqan waxay sidaa ahaataba tani waa addunyo oo isuma dhama .
War aanay ku farxin ayaa caawa inantii loo soo sheegay,waa mid ka mid ah asxaabtoodi, kana war qabay sida ay iyada iyo wiilku isu jecelyihiin.
waxaa uu sheegay war aad u murugo badan oo aad qalbi gilgil u leh,aadna u xanuujiyay qalbigeeda mar qudha ayuunbuu ku yidhi "walaal miyaad ogtahay in uu guursaday hebel".
โคโคโคโคโคโคโคโค
inkasta oo hadalada iyo dhawaaqa afkiisa ka yimi isaga la fududaayeen,
Hadana iyada dhimbiilo dab ah oo qalbiga kaga dhacaaya ayay ahaayeen. Waa habeen aad u xanuun,war war iyo waliba murugo iyo oohin badan.
Iyada oo aad u niyad jabsan ayay garaacday lambarkiisi, ka dib way u hanbalyaysay oo ay u ducaysay.
Aad ayay u murugootay waxaa ay wehel la noqotay oohin iyo calaacal.
Waxaa ay dib u raaci jirtay xusuuso iyo xigashooyin h**e Sida sawiro iyo fariimo jacayl oo ay isu diri jireen.
Gabadhii waxaa ay aragty in ay halis ku jirto ka dibna go'aan ayaa ay qaadatay
Ama waad ka dhici nolosha Ama wax ayaad noqon alle u fududee
Markii h**eba qof han iyo himilo u dhalatay ayay ahayd hankeedi ayay kor u qaaday
Waxaanay mujisay kartideedi waxaana bilowday ina ay wax qorto waanay qortay waxayna noqotay qof ku guulaysta hankeedi. Qoraalada mrka at qorto waxa ay raacin jirtay [email protected]
Waa email at samaysay markuu xidhiidhkoodu jiray
LA SOCO QAYBTA XIGTA
Qalinkii Hn Zadaq Hassan

06/05/2021

Labo saaxiib oo illaa yaraantoodii aan kala hari jirin ayaa dhul saxare ah ku socdaalay. Intii ay dhex sii socdeen bey murmeen, ka dibna mid ka mid ah ayaa wajiga laga dharbaaxay. Kii la dharbaaxay ayaa aad u xanuusaday, juuqna ma dhihin oo wuu iska aamusay. Cabbaar ka dib wuxuu dhulka ku qoray: โ€œMaanta saaxibkeyga qaaliga ah ayaa wajiga iga dharbaaxay.โ€

Halkii ayey ka sii socdeen waxa ayna sii wateen safarkoodii. Wax yar ka dib, balli weyn oo biyo xareed ah dhex ceegaagaan ayey arkeen waxa ayna go'aansadeen in ay ku qubeystaan. Kii la dharbaaxay ayaa meel mool ah oo bartamaha balliga ah ku dhacay. Saaxibkiis ayaa durbadiiba badbaadiyey in kastoo uu biyo-cabay. Markii uu soo naaxay ka dib ayuu dhagax bannaanka yaallay ku dul qoray: โ€œMaanta saaxibkeyga qaaliga ah ayaa i badbaadiyey."

Saaxibkiis ayaa oo markii h**e dharbaaxay ka dibna ka soo badbaadiyey moolka ayaa weydiiyey: โ€œMarkaan ku dharbaaxay ciidda ayaad ku qortay in aan dhaawac kuu geystay, haddana dhagax ayaad ku qortay in aan ku badbaadiyey ee maxay tahay sababtu?"

Wuxuu ku warceliyey: โ€œMarka uu qof na dhaawaco, waxaa habboon in aan ciidda ku qorno dhibta aan kala kulannay, halkaas oo ay dabeyshu ka masaxeyso (macnaha in xumaantaas la caloosha lagu sii haysto oo la sii xusuusnaado ma aha). Laakiin marka nala wanaajiyo, waa in aynu dhagaxaanta ku dul xarriiqnaa, waayo dabeyshu ma duugi karto mana masixi karto abaalkaas iyo wanaaggaas na loo galay (macnaha wanaaggaas in maanka iyo xusuusta laga saaro ma aha)."

Turjume: Hn Zadaq Hassan

Halka hose kaga wac saxibka

06/05/2021

Kulankii labaad ee dhexmaray.

Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xafladdii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.

Kadib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtogal u noqotay inuu gooni ula sheekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag ah, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaabtay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis tooona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkeedu uu talo ahaan qoyskooda ka goโ€˜o.

Cadceed soo baxday calaacali ma qariso.

Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:

Naasahan sidii hooto waran horay u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadalsan mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya.

Ilko aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaakiyo qorshaha hadiyad loo siiyey

Dhabannada hareeraha wacan wejiga halalac nuuraaya

Suniyaha habkooda wacan hadal dhamayn waaye

Luquntaa habkii geri lahaa hadal wax dhaafsiiyey

Timaha hoos garbaha uga degoo sinaha haabhaabtay

Heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey

Dhexdan aan hareeraha u fidin horayna soo taagmin

Hannaan quruxsan waa taa indhuhu ka haqab beeleene!

waxa qoray Hn Zadaq Hassan

Leylo waxey aheyd gabar nin kumehersaneyd laakiin lama doneyn in la shaaciyo arintaa. Marka waxaa la oranjiray ayada umbaa diiday cilmi

Si share Garey oo lawadag asxabtada๐Ÿ™

05/05/2021

Ma adaan Gurceeley
Ruux kugu garaadsaday
Guday ciida hodankaa
Garrawgaaga daawaday.
Gocoshada xasuusta leh
Koleey guri shisheeyiyo
Xamar guunyaheediyo
Gobolkale ahaataba...
Gam'ayaa dhulkaa dheer

05/05/2021

Bilawgii dhibaatada Jacaylka ...

Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshaddii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo โ€žCaashaq baa i hayaโ€œ.
Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay.
Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey.
Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo, Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay.

Nin wed galay looma taag helo

Gabaygiisii labaad

gabaygan waxa uu u tiriyay dadkii isga marka ku hareeraysnaa oo aan jacayl macneheeda garanayn

Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

Cidlaโ€˜
lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe,

Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays
cajebiyeene
Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene

Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye

Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne

Sida weelka caanaha haddii laabta loo culayo

Bal aan soo ciddaadee maxaa cunaha dhaafaaya

Inanse cadaydo mooye waxaan calalsho lay diidye

Cududuhu manaaxaan hadaan caafimaad jidhine

Cilmigey wadaaddadu qodheen ceyn kunoqon waaye

Markan inaan caddaadaan kabiqi canab daraadede

Hn Zadaq Hassan

05/05/2021

--Cilmi Boodha---

Cilmi Boodhari(Ahun) wuxuu ahaa nin ku dhashay agagaarka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, Cilmi Wuxu Cilmi la dhashay nin la odhan jiray dhaameel, islaan haddeertadan nool iyo nin la odhan jiray Ibraahin Jees, oo uu gabayadiisa ku hal-qabsan jiray. Sida ay sheegtay walaashii oo hadda nooli dalka magaalada u camiran waqtigaasi waxa ay ahayd magaalada Berbera, deegaankiisuna wuxu ku dhawaa xagga Berbera, markaa waxa ay ahayd arrin iska daiiciya markaa in uu Berbera shaqo u raadsado. Wuxu shaqo ka helay Roodhiile/Moofo uu lahaa Allaah naxariistiisii janno ha siiyee taajirkii weynaa ee la odhan jiray Xaaji Adan Rooble Qabille oo moofooyinkii ugu horreeyey geyiga Soomaaliyeed ka aasaasay Berbera, Burco iyo Hargeysaba bilowgii 1901kii. 1930-naadkii ayaa magaalada Berbera waxa caan ka noqday nin dhallinyaro ah oo miyiga ka yimid waa Cilmi Ismaaciil Liibaan oo lagu naanayso cilmi boodhari Goor aroor ah ayaa waxa u timid gabadh aad u qurxoon oo dhallin yar oo rooti inay gadato rabtay--magaceeda waxaa la oran jiray Hodan Cabdulle Walanwal. Gabadha waxaa dhalay nin taajir ah, oo reer magaal ah, oo ingriiska u shaqeeynjiray, tarjumaan ahaa.

Dukaankii roodhida lagu iibiyey ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyneyey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ee la odhan jiray Maxamed Cumar Huryo Ahun) uu ku sifeeyey sidan:

Markay socodka damacdee!โ€œ Deggenida tallaabada Miisaanka lagu daray Laafyaha la daawado Dadku waxay yiraahdaan: May daarin ciidee Indho deeraleeyey waxay ahay

Cilmi waxa uu ah inan dhalinyaro oo miyiga berbera ka yimi suu shaqo u helo, iyo nin ayaa u dheertahaya adkee iyo xoog alle u dhameeye

waxuuna jecalaa markuu firaaqda yahay in uu aad waxa u Qoro.

___Gabaygiisii ugu h**eeyay waxuu ah___ ,

-Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye,

-Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timiye,

-Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga dhaabay,

-Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye,

-Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhaawac weyn qaba e,

-Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daaโ€™uude!

-kala dhimaney dhool aadaneey aniyo dhaameele..buu yiri ninkii cilmi.

-lafyahagan sidii han gool hiraryada

Hn Zadaq Hassan

Want your business to be the top-listed Government Service in Istanbul?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Istanbul