22/11/2023
Bye bye Uganda🇺🇬 Hello Canada🇨🇦
Years of Study & Entertainment
Thanks to Family and Friends
Page kan waa pageka rasmiga ah ee aan facebooka ku lee yahay. fadlan toos igala soo xiriir telefoonka
22/11/2023
Bye bye Uganda🇺🇬 Hello Canada🇨🇦
Years of Study & Entertainment
Thanks to Family and Friends
29/08/2021
Mogadishu Somalia ❤
07/08/2021
Magaciisu Waa Wiil-San Wuxuu Ku Noolyahay Degmada Dolo Addo, ee Deeganka Somalida Itoobiya
Wiilkan Yar Waa 6 Jir Aay Ka Muuqdaan Daruufo Addag, Wuxay Ka Yimideen Geedweyne Isaga iyo Waalidiintiisa, Waxa La Dhashay 5 Gabdhood.
Nolasha Gabdhaheena Iyo tan Hooyadeeyba Aniga Ayaay Dusheeyda Saarantahay Aabane Xaas Kale Ayuu Leyahay buu Igu Yiri.
Wiilkan Yar Waxaa Isugu Darsamay Da,yaran, Daruufo Iyo Waliba Xanuun Oo Madaxiisa Waa Kaa Aad Arragtaan😥
Malintii Markaay Ugu Badantahay 100 Bir Ayaan Shaqeystaa Ayuu Igu Yiri, Aniga Iyo Gabdhahena Iyo Hooyana Naguma Filna.
Wuxuu Yiri, Badalkii Aan Tuugsan Laha Hooya Iyo Gabdhaheenana Dhibaato ukeeni Lahaa Sidaan Ayaa Idhaanto Anigoo Xanunsan Ayaan Shaqeynayaa.
Ilaahey Arzaqad Uma Weynin Laakin Innaga Ayuu Imtixaan Nagu Yahay, Waan Dareensanahay Qaarkiin Inaad Is Tirahdan In Lasawiro Ma Fiicno Laakin, Isaga Igu Yiri Hadii Aanba Wax Ku Helayo Isawir.
Walal Ilaahey Dartiisa Aan U Caawino Wiilkan Yar Ee Xanunsan, Hadaad Awoodina Walalaha Muxsininta ah Ushare Garee Si Aay u Cawiyaan.
Lanbarkan: +251 91 065 3438 Kala Xirir Hadii Aad Rabto Inaad Cawiso.
Khaalid Bakayle
19/03/2021
S.C.W... Waanu Jecelnahay NEBI MUXAMED ❤
صلي الله عليه وسلم
19/03/2021
Lacag ku guulayso oo saadaali isku aadka champions league ga.
Shuruudaha wa inaad page ka like saarto kuna share garayso 5 group oo facebook ah.
Ka dibna saadaalintaada aad message ahaan page ka ugu soo dirtaa.
Saadaalinta hoos ka muuqata waa saadaalintayda.
17/03/2021
HODANTOOYADA AF-SOOMAALIGA
Af-soomaaliga waa af hodan ah, waa af fil wayn, waa af mug wayn. Wuxuu la absaxan yahay bah-waynta Kuushiitigga. Shanta a fee dunida ugu da’da wayn ayuu kamid yahay. Saddexda af ee ugu baahsan qaaradda Afrika ayuu kamid yahay. Saddexda af ee dunida ugu suugaan macaan ayuu kamid yahay. Waa af xambaarsan dhaqan iyo suugaan. Waa af xambaarsan hiddo iyi halgan. Waa afka isku xira bulsha-waynta ku dhaqan geeska Afrika ee magacooda uu ku abtirsado. Qodobadan aanu hoos ku xuseyno waxay kamid yihiin dhinacyada laga fahmayo qiimaha wayn ee uu ku fadhiyo afka hooyo.
1) Af-soomaaliga waxaa laga helayaa xaraf xiriiriye ah (preposition) oo macna dhowr ah loo adeegto. Tusaale-dhiga xarafka (Ayaan):
Xiriiriye: Intaan imid ayaan (xiriiriye) haddana baxay
Magac: Gabadhii Ayaan (magac) ahayd waa la guursadey
Maalin: Ayaan (maalin) h**e oo aan socdaal ku jira, waxaan la kulmey saaxiib h**e
Nasiib: Ayaan (nasiib) badanaa qof intuu shil galay misana ka badbaadey
2) Hal walax oo magacyo dhowr ah leh. Tusaale-dhig ereyga ah (Roob):
(Shuux) Roob ayaa da’aya
(Mayey) Roob ayaa ka da’ay galbeedka
(Gufaaco) Roob ayaa ku dhufatay xeebaha bari
(Mihiigaan) Roob ayaa caga-dhigtey degaanadii waqooyi
(Mir) Roob ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu qabtay dooxooyinkii Nugaal
3) Fal magacyo dhowr ah leh. Tusaale-dhig ereyga ah (Hurdo):
Martidii waa (jiiftaa)
Guuleed waa (hurdaa)
Guhaad iyo wiilkiisii waa (seexdeen)
4) Ereyo dhowr ah oo xaalado kala duwan ku gudanaya macna qura. Tusaale-dhig marka wax laysa siinayo:
(Hoo): waa marka walaxdii la bixinaya ay ku jirto gacanta bixiyaha
(Qaado): waa marka walaxdii la bixinayay ay dhex-taal bixiyaha iyo qaataha
(La-tag): waa marka waxadii la bixinayay ay gaadho gacanta qaataha
5) Ereyo loo adeegsado xaalad taban iyo xaalad togan. Tusaale-dhig ereyga ah Alley-lehe:
(Alley-lehe) gabadha Meyran ah waa ay ku habooneed in imtixaankii ay ku guuleysato waayo waxay ahayd qof dadaala.
(Alley-lehe) gabadha Baydan ah waa ay ku habooneyd in imtixaankii ay ku guul-daraysato waayo waxay ahayd qof aanan dadaalin.
6) Erey xarfihiisa xididka ah (Core), ay macnooyin kala duwan yeelanayaan goortii lagu kordhiyo xarfo siyaado. Tusaale-dhig ereyga Wareeg:
Matoorkii waa (wareeganayaa) oo waa shaqaynayaa
Dowladdu waxay xaaladdan ka soo saartey (wareegto) rasmi ah
Gabadha Canbaro ah waa (wareegtoy) oo anshaxeedo ma wanaagsana.
7) Ereyo mucaqad ah oo aanan af-kale loogu heleyn turjumaad. Tusaale-dhig ereyga (dhamid) oo loo adeegsado caana-cabaalka oo keliya:
Gee-jirta Soomaaliyeed, raashinkooda rasmiga ah waa caanaha geela ay cabayaan (dhamayaan).
Sii share garee oo la qadaag asxaabtaaada
Qore: Dr. Saadiq Enow
[email protected]
15/03/2021
Hadii aad Baddeena Jeceshahay LOVE❤ saar
Kuna share garee walaalaha kale
Somalia Guul iyo Gobonimo
15/03/2021
DegDeg: Maanta oo Isniin ah 15ka bisha Maarso 2021 ga waxaa dalkeenna Somaliya la keenay Talaalka Caabuqa Covid 19 ee Oxford Astrazaneca!
Haddaba, talaalka la leeyahay Soomaaliya ayaa la keenay waxaa laga mamnuucay dalal badan oo Yurub sida Denmark, Norway, Iceland, Bulgaria, Luxembourg, Estonia, Lithuania, Latvia iyo ugu dambeeyntii Republic of Ireland.
Thailand oo Asia ah ayaa ka mid ah dalalka mamnuucay, waxaa kale oo qeybo daawadan ah laga diiday Austria iyo Italy.
Dalalka ayaa sheegaya in dadkii lagu talaalay Oxford Astrazaneca, gaar ahaan kuwa da’da ah lagu arkay dhiig xinjirow!
Inkasta oo WHO iyo hey’ado kale ay difaaceen dawadan hadana ma jiro cid ku sameysay baaris madaxbannaan.
Fadlan sii share garee oo dadka kale gaarsii...
MAHADSANID
08/03/2021
Maxkamada Gobolka Erer Ayaa Sii Daysay Malyuun Ibraahim oo Ahayd Gabadh la Sheegay Inay guursatay laba Nin
Maxkamada ayaa baadhitaan ka Dib Daboolka ka daaday Xukunka guurkan Buuqa Kiciyey oo aad loogu Hadal Hayey Baraha Bulshada Bilihii Ugu Dambeyey
Maxkamada ayaa Sheegtay inuu ansax yahay guurka ay samaysay Malyuun ibraahim oo guursatay nin lagu magacaabo Iskander Cabdi Sidoo Kale Nolosheeda Xor U Tahay.
X/G Al Jasiira news Somali