Ogaalmaal

Ogaalmaal

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ogaalmaal, .

12/10/2025

Falaanqaynta Buugga Kaalinta Indheergaradka.
Indheergaradku waa Kee?

10/10/2025

Barnaamijka Link gaan ayaad kasoo gali kartaan
meet.google.com/tph-xpbr-ojg

10/10/2025

Selam Saaxiibyaal, Maalin wanaagsan. Waxaan rajeynaa inaad caafimaad qabtaan. Waxaan rabnaa inaan idin la wadaagno kulankii gorfeynta buuggii bisha inoo soo dhomaadey. Buuggi bisha September ee Kaalinta indheergaradka waxaan gorfeyntiisa sameyn doonaa idim Alle Habeenka Jimcaha, 10 October inshallah, oo ah caawa.

Dhamaan saaxiibada soo aqriyey buugga Waxaan ka codsanaynaa inay note-kooda soo diyaarsadaan oo caawa ay saaxiibada kale la wadaagaan waxyaabahii uga soo baxay buugga. Sidoo kale qofkaan fursad u helin waxaan ku boorinayaa inuu kasoo qeyb galo si uu u dhagaysto buugga oo wakhti kooban loogu soo koobayo aragtiyooyinka iyo doodaha ku jira.

Barnaamijka: Gorfeynta Buugga Kaalinta indheergaradka
Wakhtiga: 8:00
Caawa oo Jimco ah
Taariikhda: 10/10/2025
Goobta: Google Meeting
Waan idin la Soo wadaagi doonaa linkiga.

Kasoo qeybgal wacan si aad soo koobid micno leh uga hesho buugga.

Mahadsanidiin

Nolosha Ardaynimada Jaamacadda: Sıda Loo Doorto Kuliyada/Fakolotiga kugu Haboon 13/09/2025

Xalay waxaa noo qabsoomay barnaamij qiimo leh, oo ku saabsanaa nolosha ardaynimada jaamacadda iyo sıda ardayda cusubi ay u dooran karaan Kuliyada iyo Majaalka ku haboon. Waxaa noo martı ahaa ustaad Hassan Abdillahi Duale, oo runtii noo hagar baxay, arday badanina ay Ka faa'iideysteen. Ustaad markale waad ku Mahadsantahay waqtigaada, tamartaada iyo aqoontaada.

Sidoo kale waxaa kaalin weyn ka qaatay xubnaha Ogaalmaal oo ayaguna fikirkooda, taladooda iyo waayo aragnimadoodaba ku darsaday. Aad ayaad u mahadsnatihiin bahda Ogaalmaal kuligiina.

Barnaamijka waan duubnay, taasina waxa ay ardayda kale ka caawindoontaa in ay dib u daawadaan kulankanoo dhamaystiran.
Markale ku soo dhawo YouTube Ogaalmaal. Waad ku soo biiri kartaa whats app group keena ( https://chat.whatsapp.com/LVr9vYEesMM2xNlft8MV6D?mode=ems_copy_t)

Page Keena soo follow gareey adigoo mahadsan, YouTube keenana nagula soo biir si aad ula socoto barnaamijyada aan qabano.

Muuqaalka linkiga hoos Ka soo daawo👇
https://youtu.be/nftN8BWRauU

Nolosha Ardaynimada Jaamacadda: Sıda Loo Doorto Kuliyada/Fakolotiga kugu Haboon nolosha Ardaynimada Jaamacadda: Sıda Loo Doorto Kuliyada/Fakolotiga iyo Majaalka kugu Haboon. Waxaa soo agaasimay Ogaalmaal, waxaa Soo Jeedinayay Ustaad Xass...

05/09/2025

Assalamu alleikum dhamaan saaxiibada nagu xiran, waxaan rajeynaynaa inaad caafimaad qabtaan. Inagoo ka duuleyno kaalinteena ku aadan dhisidda iyo hormarinta dhalinyarada Soomaliyeed iyo inaan bulshadeena wax kusoo celino, waxaan rabnaa inaan idin la wadaagno inaan qaban doonno Barnaamij aan ugu talagalnay dhalinyarada Soomaliyeed ee hadda usoo dhamaadey dugsiyada sare ee dalka una soo gudbaayo marxaladda heerka jaamacadeed. Barnaamijkaas oo aan ugu tala galney inuu noqdo hagge guud ee ardeyda kasoo bilow xulashada kulliyadda iyo taqasusaadka ilaa qaabka ardeyga uu ugu guuleysan karro hayaanka nolosha jaamacadda.

Barnaamijka waxaa marti ku ah Ustaad Hassan Abdillahi Duale oo ah bare wax dhiga Jaamacadaha dalka, Cilmo-baare sare iyo la taliye arimaha ganacsiga. Ustaadka waxa uu inbadan kusoo jirey arimaha bulshada iyo waxbarashada dalka. Sidoo kale barnaamijka waxaan qeyb ka ah:
Abdirahim Mohamed Hassan, Gudoomiyaha Ogaalmaal,
Eng Mohamud Mohamed (Arab), Xubin Ogaalmaal,
Abdirahim Omar Mahdi, Xubin Ogaalmaal,
Afifa Abdullahi Warsame, Xubin Ogaalmaal,
Eng Najaad Axmed Naaji, Xubin Ogaalmaal,

Barnaamijka waxa uu noqon doona Barnaamij hagitaan guud oo ardeyda ay fursad u heli doonaan inay dhageystaan haggidda, talooyinka iyo tusaalooyinka martida. Sidoo kale ay suaalo iyo afkaaro weydiiyaan martida Barnaamijka

*Faahfaahinta Barnaamijka*
Barnaamijka Nolosha Ardeynimada Jaamacadda: Sida loo Doorto Kulliyadda iyo Majaalka Kugu Haboon
Taariikhda: 12/09/2025, Jimco
Wakhtiga: 8:00 Fiidnimo
Goobta: Online, Google Meeting.

Dhamaan ardeyda daneyneesa inay ka qeyb galaan haku soo biiraan group whatsapp-kan. Wixii xog ah halkaan ay iskula wadaagi dooonaa inshallah.

https://chat.whatsapp.com/JXpPLS4WUxgDq2B9c8aAOS?mode=ems_copy_t

Qoridda Buugga Qalin-Jabinta: Hagid iyo Hilin 11/06/2025

SIda loo qoro buugga qalin jabinta, asaga oo dhamaystiran halkaan ka daawo. Waxaan rajaynaa in uu idin anfaci doono.
Ustaad Awale Sheikh Dahir ayaa noo Soo jeedinaaya, waqtiga iyo juhdiga aad nasiisay ilaahay hakaa abaal maruyo.

Qoridda Buugga Qalin-Jabinta: Hagid iyo Hilin

13/05/2025

Asc,
Habeenka jimcaha soo socda waxaan qaban doonaa barnaamij ku saabsan SIda loo qoro buugga qalin jabinta.

Barnaamijkaan waxa uu yahay mid ka turjumaya baahi jirta, taasoo ka caawin karta ardayda in ay bartaan habka ay u mari lahaayeen qoridda buuggooda qalin jabinta, ayagoo ka maarmi doona in qofkale ay qoridiisa weydiistaan ama in ay lacag ku bixiyaan.

Barnaamijka waxa uu u furnaan doonaa su'aalaha ardaydu qabaan ayadoo la siin doono jawaabo waafi ah. Linkigaan hoose ayaad ka Soo Gali kartaa sidoo kale ID ga iyo Passcode ka waad Soo isticmaali kartaan.

https://us06web.zoom.us/j/88133632558?pwd=GGMcWQfvOcYY1Rnmmcs9Ggbw7Q71j2.1

Want your business to be the top-listed Government Service?