24/06/2022
Waa dhulka loo yaqaano ciidka, gaar ahaan Wadada isku xirta Degmooyinka Bursaalax iyo Galdogob, oo xiligaa roobanaa, waxaan sawiradaan ka qaaday sanad ka hor maantoo kale, oo aan wadadaa ku safarnay.
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ahmed Diini, Mogadishu.
24/06/2022
Waa dhulka loo yaqaano ciidka, gaar ahaan Wadada isku xirta Degmooyinka Bursaalax iyo Galdogob, oo xiligaa roobanaa, waxaan sawiradaan ka qaaday sanad ka hor maantoo kale, oo aan wadadaa ku safarnay.
13/12/2021
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka qayb galay Hadimo sharafeed uu Beerta Gogol madoone ugu sameeyey Xurmadle Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.
Gudoomiyaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka koobantahay beerta ayaa warbixin ka dhagaystay Maamulaha Beerta Yaxye Islaan Bashiir, Beertan oo habka casrigaa ee green house-ka loo diyaariyey waana goobtii ugu horaysay oo Deegaanada Puntland sidan loo diyaariyo, taasoo fududayn doonta dalagyo badan oo Deegaano kale looga keeni jiray Puntland ay ka saacidi doonto beertan
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey Islaan Bashiir islaan Cabdule islaan Faarax martiqaadka heerka sare ee loogu sameeyey Beertiisa Gogol madoone.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri “ Waxba k**a jiraan wararka been abuurka ah ee sheegaya in Dowladda Puntland saamayn kuleedahay Dagaalkii Magaalada Guriceel taageera siinaysana Ahlusuna, waa hadal ka fog xaqiiqda “
24/10/2021
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Shacabka iyo Culimada Gobolka Mudug kala qayb galay isu soo bax Roob doon ah oo alle lagu baryayo.
Isu soo baxan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxk**ada Racfaanka Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada, Culima udiin iyo Shacabka Magaalada Gaalkacyo.
23/10/2021
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa iclaamiyey Banaan-bax Roob-doon ah Maalinta Axada oo ku beegan Biri.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri “ Waxaan Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ku boorinaynaa in ay nagala soo qayb galaan maalinta Biri ah oo aan u astaynay in Dhamaan Degmooyinka Gobolka Mudug ka qabsoonto Roob-doon, Dugsiga Sare Yamays ee Magaalada Gaalkacyo ayaa ay ka dhici doontaa Roob-doonta insha allaah, 9:00am Subaxnimo “
22/10/2021
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo uu wehlinayo Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamud Cabdinuur ayaa Salaada Jimcaha kula tukaday Shacabka Magaalada Gaalkacyo Masjidu Ramadaan.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo salaada kadib Bulshada la hadlay ayaa ta’kiidiyey khudbadii Jimcaha ee Shiikh Cabdicasiis jeediyey iyo in Alle ka cabsiga iyo cibaadada la badiyo, qofkastana waxa uu shaqaysto Akhiro meel uyaalaan, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa iclaamiyey Maalinta Axada in ay tahay Maalin roob-doon ah isagoona Bulshada ku booriyey in ay ka soo qayb galaan maalintaas.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire ku wareejiyey agab fududaynaya isgaarsiinta iyo xiriirka toos-ka ah ee Saldhigyada iyo Laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka, Agabkan ayaa waxaa ku deeqay Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka Kenya gaar ahaan Ganacsatada Magaalada Nairobi.
20/10/2021
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire ku wareejiyey agab fududaynaya isgaarsiinta iyo xiriirka toos-ka ah ee Saldhigyada iyo Laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka, Agabkan ayaa waxaa ku deeqay Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka Kenya gaar ahaan Ganacsatada Magaalada Nairobi.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka keenya iyo Dhamaan jaaliyadaha Gobolka ka soo jeeda sida ay qaybta uga qaadanayaan Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug.
20/10/2021
iyo Xuskii Nabigeena Muxamad (Scw) si wadajira looga xusay, Mansha allaah.