27/04/2026
TACSI
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh u marinayaa qoyskii, ehelkii Iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay Dr. Maxamed Warsame Ducaale oo ku geeriyoodey dalka jarmalka.
Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi aqoon iyo waayo-aragnimo dheer leh, kana soo shaqeeyay hay’adaha caalamiga ah gaar ahaan Qaramada Midoobay, waxaana uu door weyn ka soo qaatay horumarinta arrimaha bulshada.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu u dambi dhaafo, kuna casuumo jannatul Fardawsa. Qoyskiisii, ehelkiisii iyo Qaranka JSL ee uu ka baxayna waxaan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo.
04/04/2026
TACSI
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh u marinayaa qoyskii, ehelkii Iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay Marxuum Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ku geeriyooday magaalada gabiley.
Marxuumku waxa uu ahaa Caaqil iyo oday waayo-arag ah oo talo-qabeen ah, kuna suntan nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka, waxaana uu bulshada ku dhex lahaa qadarin wayn.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu u dambi dhaafo, kuna casuumo jannatul Fardawsa. Qoyskiisii, ehelkiisii iyo Qaranka JSL ee uu ka baxayna waxaan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo.
28/03/2026
TACSI
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh u marinayaa qoyskii, ehelkii Iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay Marxuum Cabdiladiif Xaaji Cabdillaahi Gamgam oo ku geeriyooday magaalada London ee dalka ingiriiska.
Marxuumku waxa uu ahaa aqoonyahan ku takhasuusay Cilmiga beeraha, waxaana uu soo-noqday maareeyihii guud ee wakaalladdii beeraha ee libsoma, intii ayna Jamhuuriyadda Somaliland madax-banaanideeda dib-u-la soo noqon, wuxu intii dambe ku noola cariga ingiriiska oo uu deganaa.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu u dambi dhaafo, kuna casuumo jannatul Fardawsa. Waxaan si gaar ah uga tacsiyadeynayaa qoyska balaadhan ee reer Xaaji Cabdillaahi Gamgam, ehelkiisii iyo Qaranka JSL ee uu ka baxayna waxaan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo.
20/03/2026
Waxaanu saaka farxadda ciidda wada qaybsanay qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaan Alleh ka baryayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo barwaaqo is-gaadhsiisan.
20/03/2026
Waxaan saaka salaaddii ciidda kula tukaday shacabka xariirta ah ee caasimadda hargeysa masjidka Ibraahim-dheere.
19/03/2026
Ciid Mubaarak
Waxaan halkan dhambaal hambalyo farxadda Ciidul Fidrida awgeed u marinayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo daafaha caalamkaba. Waxaan idin leeyahay farxad iyo raynrayn ku ciida.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo acmaashii suubanayd, hana inaga dhigo kuwii dembiyadooda la dhaafay. Ilaahay raxmaddiisa ha inagu gallado, abaarahana ha inaga soo jabiyo.
05/02/2026
Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan dhallinyaradii ka tirsanaa kooxaha kala duwan ee ka qayb-galay Horyaalka Horyaallada ee JSL, waxa aad muujiseen bisayl iyo ilbaxnimo qaangaadh ah.
Waxa kale oo iyana aan hambalyeynayaa dhammaan hawl-wadeennada ciyaaraha JSL ee sida wacan u maamulay qabsoomidda tartankaa dhammaaday maanta, gaar ahaan Ciidanka nabad-galyada sugayey.
Waxaan si wayn u hambalyeynayaa labada kooxood ee
awlaadul-caasima ah ee iskugu soo hadhay ciyaartii kama-dambaysta ahayd (Final) ee galabta lagu ciyaaray magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, gaar ahaan Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa oo ay guushu raacday.
Waxaanan leeyahay guusha aad gaaadheen halka kaga haya ciyaaraha kale ee iman doona. Dhammaan dhallinyarada ciyaartoyga ah waxaan u rajaynayaa guul iyo caafimaad. Hambalyo dhammaantiin.
20/01/2026
TACSI
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh u marinayaa qoyskii, ehelkii Iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay Marxuum Cabdalle Ibraahim Maxamed Alif-doon oo maanta ku geeriyooday caasimadda JSL ee Hargeysa.
Marxuumku waxa uu ahaa oday waayo-arag ah oo talo-qabeen ah, inbadana u soo shaqeeyay dalka, Waxaana uu ahaa xubin ka mid ah Guddida Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu u dambi dhaafo, kuna casuumo jannatul Fardawsa. Qoyskiisii, ehelkiisii iyo Qaranka JSL ee uu ka baxayna waxaan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo.