“Mareero – Meel aan laga daalin daawashadeeda.”🏖️
Amni iyo Xasilooni Ku damaashada.
Hon Ahmed Bashir Askar
Official page, Ahmed Bashir Askar, Former Member of Puntland Parliament
28/10/2025
Inaalilaahi wa inaailyhi araajicuun.
Alle ha u naxariisto walaal marxuumad safiya ugaas yaasiin ugaas cabdiraxman oo ku geeriyotay Magalada Bosaaso .
Maanta waxaa baxay qof mudakar ah, qof bulshada qiimo weyn ku lahaa oo dadkii yaqaanay ay ku xasuusan doonaan degganaanteedi iyo dulqaadkeedi.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhammaan qoyska reer Ugaas Yaasin oo ay ka geeriyootay Marxuumadu oo ku geeriyotay.
Ilaahay (S.W.T) ha u naxariisto, hana ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, Ehelka, qoyska, iyo asxaabta Ilaahay ha siiyo samir iyo iimaan.
Aamiin, Aamiin.
01/08/2025
Hambalyo Hambalyo
1-da Agoosto 1998 – Curashadii Puntland
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, anigoo ugu ducaynaya sanadguuro farxad leh, guulo isdaba jooga, iyo horumar ka wanaagsan kan aynu maanta haysanno.
Mahad ballaaran ayaan u celinayaa dhamaan haldoorkii kasoo shaqeeyey dhismaha iyo horumarinta Puntland soona gaarsiiyey heerka ay maanta joogto laga soo bilaabo madaxweynayaashii xilalka u kala dambeeyey ilaa ciidamadeenna geesiyaasha ah ee naftooda u huray sugidda nabadda iyo xasiloonida. Iyaga la'aantood maanta halkani ma aan joogneen.
Ugu dambeyn, waxaan si kal iyo laab ah u leeyahay:
Hambalyo, shacabka sharafta leh ee reer Puntland!
Ha noolaato Puntland, Horumar iyo Barwaaqona ha ku naalooto.
09/07/2025
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Duqa cusub ee degmada Boosaaso, Dr. Abdirahmaan Cabdillaahi Cali (Jinac). Doorashadaada waxay astaan u tahay kalsoonida shacabka iyo bilow cusub oo rajo leh.
Waxaan kuu rajaynayaa xil-gudasho hufan oo ku dhisan Hoggaan wanaagsan oo dhegta u furaa talada waxgaradka, waayeelka iyo dhalinyaradaba.
Ugu dambayn Ha moogaan in horumarka dhabta ahi uu ka bilaabmo daacadnimo iyo danta guud oo laga shaqeeyo. Ilaahay ha kuu sahlo masuuliyadda laguu igmaday, hana kugu asturo.
21/06/2025
HAMBALYO IYO BOGAADIN 🎉⚽️
Waxaan hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Mudane Cabdixakiim Hakiiki, iyo Ku-xigeenkiisa Macallin Maxamed Cunaaye, kuwaas oo si rasmi ah caawa xilka loogu doortay.
Doorashadan waxay ka tarjumaysaa isbeddel rajo leh oo ku aaddan horumarinta ciyaaraha Puntland, gaar ahaan dhallinyarada. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka hufnaanta, maamul wanaagga, iyo dhismaha mustaqbalka kubadda cagta ee Puntland.
Waxaan rajaynayaa in hoggaanka cusub uu noqdo mid horseeda guulo waaweyn iyo koboc muuqda oo garoomada Puntland laga dareemo.
Sidoo kale,
waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland, Mudane Mohamed Dahir Caynsane, iyo dhammaan xubnaha guddigii ka shaqeeyay doorashadan — dadaalkiinna iyo daacadnimadiinnu waa tusaale mudan in lagu daydo.
Guul iyo hormar ayaan idin rajaynayaa!
05/06/2025
Eid Mubaarak.
Waxaan farxadda iyo hambalyada Ciidda barakaysan ee Ciidul Adxaa u diraya dhamaan ummada islaamka gaar ahaan ummada soomaaliyeed, munaasabadan waxay astaan u tahay isu naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada Muslimiinta.
Waxaan hambalyada Ciidda si gaar ah ugu dirayaa geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ee ku howllan difaaca iyo xoreynta, anigoo Alle u weydiinaya in ku guuleeyo halganka xaqa ah ee ay ugu jiraan dalka, dadka iyo diinta.
28/05/2025
TACSI
إنا لله وإنا إليه راجعون
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa umadda soomaaliyeed si gaar ah reer puntland , qoyska , qaraabada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday wasiirkii h**e ee gaashaandhigga dowladda somalia Gen Maxamed siciid xirsi (Morgan) oo ku geeriyooday hospital ku yaal magaalada Nairobi.
Ilaahay ha u naxariisto, Jannadii Fardowsa ha ka waraabiyo. Ehelada iyo qoyskana Samir iyo iimaan llaahay ha idinka siiyo. Aamiin
29/03/2025
Ciid Mubarak! Dhamaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ehelkayga, asxaabtayda, iyo ummadda Soomaaliyeed.
sidoo kale Dhammaan ciidanka qalabka sida, waxaan idin leenahay Ciid Wanaagsan. Ilaahay ha idinka abaalmariyo dadaalka aad u haysaan difaaca dalka iyo dadkaba , waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan! Ilaahay ha ina siiyo caafimaad, cimri barako leh, nabad, iyo farxad.
Ciid Mubarak, geesiyaal!
12/03/2025
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xaaji Warsame Muuse (Warsame Shaquuf) iyo Khalif Ahmed Hasan (Fiqi) oo xalay iyo maanta ku kala geeriyooday magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.
Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Janatul Firdowsa hoygooda ka dhigo, dambigoodana dhaafo, qabrigoodana u waasiciyo. Samir iyo iimaan Eebbe haka siiyo dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.
02/03/2025
TACSI
( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
Rabi janatul firdowsa haka waraabiyo Xaaji Mohamed Ahmed Colow, oo saaka ku geeriyooday Degmada Dhahar, Allah (SWT) ha u naxariisto qabrigiisana ha u waasiciyo, kitaabkisana rabi midigta haka siiyo, jana fardawsa Rabi ha geeyo, ilaahey (SWT)haka dhigo Marti la jecel yahay. Amin amin insha.allaah Dhamaan ehelki uu ka baxayna samir iyo iimaana Allah ha ka siiyo,
01/03/2025
Ramadan Mubarak.
Waxaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogto, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed, ugu hambalyeynayaa munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan.
Allah ha inoo fududeeyo soonka, salaadda, iyo camalka suubban. Ha inaga yeelo kuwa uu dembigooda dhaafo, naxariistiisa ku helo, jannadiisana muta. Aamiin.
اللَّهُمَّ أَهِلَهُ عَلَيْنَا بالأمن والإيمَانِ، وَالسلامة والإسلام، ربي ورَبَّك َ الله، هلال رشد وخَيْرٍ
22/02/2025
Hambalyo Aroos Wacan!
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mohamed Abdiaziz Aw Slaad iyo marwadiisa Kowsar Mohamed Osman (Shanle) oo arooskoodu ka dhacay Hotel Japir Plaza, magaalada Boosaaso.
Waxaan u rajeynayaa nolol farxad leh, barwaaqo, iyo jacayl waara. Allaha ka yeelo reer lagu nasto oo ubad kheyr qaba kala hela. Aamiin!
Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo!
