01/07/2024
Dhul boobka, Hayaanka iyo Hammiga Xabashida, iyo Dhoohanaanta, Qabyaaladda iyo Arragti gaabnida Soomaalida.
========================================
(Fadlan wada akhri)
Harar, Hawaas, Diridhaba, Nageyle, Baabili, iyo Jinacsani oo dhammaan ahaa dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu gumaysato waa la qaatay oo lala wareegay innagoo indhaheenu shanta yihiin, oo arkeyna.
'aashu marka waxay tahay: Sidii lagu qaatay dhulkaas?
1. MABDA' ahaan: Xabashidu (Itooyiyaanka) waxaa ay qaateen Xeeladda (Strategy) ah SIIMOOWGA ama in magaalada laga dhigo magaalo la wada degi karo (Cosmopolitan city) oo ah in LALA D**O Soomaalida, ka dibna LAGA BATO, oo LA MAANSHEEYO, ka dibna XAQUUQ iyo METELAAD loo doodo, ka dibna AFTI DADWEYNE la qaado sidaas ayaa lagula wareegay Harar, Hawaas, Diridhabe, iyo Baabili. Hadde ogow, waa dhulkaagii oo lagula sheeganayo, lagula xukumayo.
Tusaalaha muuqda:
Diridhabe 1992 kii waaxaa deganaa oo lahaa Soomaali 100%, waxaa Dowladda Itoobiya tiri waa magaalo la wada degi karo (Cosmopolitan city) maanta 40% ayey Soomaali gar iyo xeer jajab ku heshaa.
Dagmada Baabili iyo Jinicsan oo ka mid ah dagmooyinka waaweyn ee Soomaal-Galbeed, waxaa hadda la hoos geeyay Ismaamulka Oromiya, waa xusuusta sii muuqata ee DHAXAL-WAREEGGA Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed.
OGOW: Jigjiga iyo Tulli-guuleedba waa la qaadan doonaa sidaas si la mid ah, oo hadda ayeyba sheeganayaan eeg sawirka hoose, haddeynaan baraarugin iyadoo xeeladda ah waa magaalo la wada degi karo (Cosmopolitan city) la adeegsanayo. Waana taas maanta amxaaradu ciidahooda ku dhiganayaan, metelaadna ka rabaan.
2. Qaabka kale waa In Ismaamullada Oromada iyo Canfarta la soo hubeeyo, deetana ay weeraro xooggan ku qabsadaan dhulka Soomaali-Galbeed.
Tusaalaha muuqda:
Bal eeg sida loola wareegay deegaanno badan oo ka mid ah galbeedka Gobolka Sitti ee Soomaali-Galbeed sida Garbo-Ciise, Candhufu iyo Cadeyti.
UJEEDADU: waa in dhulka lala wareegoo la qaato, dadkana la oromeeyo, si markaa marinka Badda Zaylac u fududaado oo ay u helaan bad ay iyagu sheegtaan, lahaadaanna.
'asha_2aad: Maxaa u sahlaya in sidaan fudud dhulkii Soomaaliyeed faraha uga baxo oo loo xalaaleyso, innaga oo arkeyna waliba?
Waxyaabaha u sahlaya waxaa ugu h**eeya uguna weyn waa QABYAALADDA inna dhextaalla iyo in aan innagu isu nahay CADAW IS BOQNO JARAYA.
Tusaalaha muuqda:
Baabili oo ah degmo Soomaaliyeed, waagii h**e na ka tirsaned ismaamulka Soomaalida ayaa la sheegaa dadkii deganaa qaarkood lagu ababiyay oo dhegta loogu sheegay in Qabiilada kale ee dega JigJiga waxba u ogoleyn, sidaas darteedna iney Ismaamulka Soomaalida ka wareegaan oo ay Oromiya u wareegtaan, arrinkaan waxaa aad u riixayay Dowladda dhexe ee Itoobiya, fulinta waxaa lahaa Ismaamulka Oromada oo markii dambe dagaal xasuuq ah ka geysatay dhulka ku hareereysan Baabili iyo Jinacsan, ilaa haddana Ismaamulka Oromadu waa ay wadaan duulaankaas dhul ballaarsiga ah.
Carro ay qabeen ayeey sidaas u yeeleen, iyaga oo aan ka fekerin jiritaankooda dambe iyo sida xaalkoodu noqon doono, iyaga oo fulinaya maahmaahdii aheyd "RAG CIIL BUU KA DOORTAY CADAAB"
Marka waxaas oo dhan dhacayaan dadkii kalee SoomaaliGalbeed qaar baa aamisanaa in ay Oromadda qabbiilo Gaar ah dhulkoodda ku haysato, markaas beey ku daawanayaan cadawga cunaya, berito kuwa ku xiga waa iyaga uun sow maaha?
Soomaaliyada Jamhuuriyadda Xeeladda SIIMOWGU waa laga hir geliyay, oo waxaad eegtaa magaalooyinka Berbera, Hargeysa, Boosaaso, Gerowe iyo kuwo kaloo badan waxaa la soo dejiyay Oromo faro badan, oo sidii AYAXII u dhaleysa, Af-Soomaaligii kula baraneysa, kula sheeganeysa Qabiilkii.
Innaga si arrinkaan nalooga jeediyo waxaa la isku keen diraa, RAG BAA KU SOO LACAG QAATA in ay isku huriyaan DAGAALLADA Beelaha SOomaaliyeed, innaguna ma fekerno e waa isku dhamaanaa.
XALKA:
1. Madaxda Soomaalida ha joogaan Soomaaliyada Jamhuuriyadda ah, ama ha joogaan Soomaali-Galbeed, waa in ay fahmaan Xeeladaha waaweyn ee DHAXAL GUURKA ah ee ka imanaya Cadawga Soomaaliyeed; Wax kasta oo u fududeynaya oo ay ugu horreyso KALA QEYBSANAANTA bulshadana in laga hor tago oo la middeeyo ummadda.
ISKU DUUBNI IYO MIDNIMO ayaan kaga guuleysan karnaa dhagaraha waaweyn ee cadawga. Tusaale waxaa kuugu filan sida markii h**e loogu fiirsaday Qabiilka Ciisaha Dagaalkii Gobolka SItti, iyo sida hadda xaalku isugu beddelay Guullo waaweyn markii Soomaalaalidu u midowday difaaca Gobolka SItti.
2. In Dowladda Soomaaliya sameyso guddiyo si joogto ah ugu xilsaaran darsidda iyo xal u helidda DHAGARAHA Cadawga oo ay ka mid yihiin Dagaallada Qabyaaladeed ee dalka ku baahay meel kastaba.
3. In aan Maamulka Soomaalilland la sii fogeyn, la sii xumeyn, si looga baaqsado in carradooda Xabashidu ka faa'iideysato. Waxa hadda ay dabaqayaan waa "RAG CIIL CADAAB BUU KA DOORTAA"!
4. In bulshada Soomaaliyeed wacyi gelin ballaaran, Qarameysan loo sameeyo si joogto ah.
Gunaanad:
Soomaaliyeey aan u midowna cadawgeenna maalinba daraf naga soo goosanaya.
Soomaaliyeey Qabyaaladdaan inna dillootay, laandheeranimadaan na gummeysay aan iska deyno.
War dadka kuwa wax galka ah yey aamusine bulshada ha la baraarujiyo oo Dalka iyo Dadka ha la badbaadiyo.
Hambalyo 1da Luulyo oo luulmeysan, log go'san, laalaada,
"Hadda ama Hadhow"~ idamka Illaaheey.