Waxaan Xalay Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor kala qayb galay munaasabada abaalmarinta xulka gobolka Nugaal oo ku guuleystay Koobka Gobolada Puntland 2024 iyo Xulka Gobolka Bari oo isagana ku dhamaystay kaalinta Labaad.
Kulanka Cashada iyo Abaal marinta iskugu jirtay ayaa waxaan Shahaadooyin lagu gudoon siinay Ciidanka, Gudiga ciyaaraha, Shirkada Golis, Warbaahinta ka shaqaynaysay baahinta, Garsoorka iyo cid walba oo ka qayb qaadatay habsami socodka tartankan.
Alla mahad leh
Hodan Said Hassan
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hodan Said Hassan, Government Organization, .
Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Nugaal kaas oo noqday horyaalnimada Gobollada Puntland 2024, Sidoo kale Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Bari oo kaalinta 2-aad galay
31/12/2024
Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Nugaal kaas oo noqday horyaalnimada Gobollada Puntland 2024, Sidoo kale Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Bari oo kaalinta 2-aad galay.
Mar kale hambalyo dhammaan Ciyaartoyda, Macalimiinta, Xiriirka, Garsooreyaasha,gudiga anshaxa, shirka Ada golis, dhamaan shaqalaha wasaradda iyo Taagereyaasha gobolada. Ciyaaruhu waa isdhexgal Bulsho oo kor u qaadaya Wacyiga dhallinyarada, runtii intaan wadnay koobkan wuxuu abuuray waji is dhexgal guud ahaan Bulshada xiisaysa kubada cagta.
Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaya Ciidamadda Booliska Puntland oo dhallinyaro hawl kara kaalintii ay ka qaateen suggida amniga Koobka 10-aad ee Ciyaaraha Gobollada Puntland sido kale Warbaahinta oo door muhim ah ka qaadatay meel fogma gaarsiisay habsami socodka iyo dhammaan cidkastoo ka qeyb qaadatay qabsoomida koobkan.
Dhamaan ciyaartoydii koobkan ka qabay gashay waxaad soo bandhigteen kubad qurux badan oo ku dhisan, Xirfad, biseyl, quruxda wadankeena, kala danbayn iyo in cida gulaysata ay bahdeena tahay.
Hambalyo
Waxaan galabta waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Warbaahinta ka shaqaynaysa tabinta tartanka kubadda cagta 10aad ee gobolada Puntland
Waxaan maanta ka qayb galay shirweynaha 6aad ee degaanka iyo isbeddelka cimilada
20/11/2024
Waxaan cawa qabanay kulan ay wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ku qabatay xarunta PDRC kaas oo lagu soo bandhigayey qorshaha cusub ee horumarinta Dhallinyarada Puntland.
Madashan oo lagu casumay wasaaradaha Deegaanka, Qorshaynta, Kalluumaysiga, iyo Beeraha
18/11/2024
Garoowe; Waxaan ka qayb galay shir looga wada hadlaayey diyaarinta qorshaha shanta sano ee wasaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DPL.
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha wada shaqeeynta la leh wasaarada dhaliyarda iyo ciyaaraha iyo wasiiradaha lagaama maarmaanka u ah hirgalinta qorshaha sida wasaaradda Qorsheeynta, Deegaanka, Kaluumeeysiga iyo Beeraha.
Hambalyo deg. Garoowe oo noqotay horyaalnimada gobolka Nugaal 2024. Sidoo kale waxaan hambalyo leeyahay deg Dangorayo oo kaalinta labaad gashay.
Hambalyo.
04/10/2024
Hambalyo deg. Garoowe oo noqotay horyaalnimada gobolka Nugaal 2024. Sidoo kale waxaan hambalyo leeyahay deg Dangorayo oo kaalinta labaad gashay.
Hambalyo.
02/10/2024
Waxaa Farxad ii ah inaan galabta daawado
kulanka Finalka, soona xiro tartanka kuubadda cagta ee degmooyinka gobolka Mudug 2024.
Tartankan oo ay ka qayb galaayeen 7da degmo ee gobolka Mudug kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyey ka soconaayey garoonka Cawaale Stadium ayaa waxaa galabta finalkii daawaday kulan aad u xiisa leh
oo iskugu hareen degmooyinka Jiriiban iyo Towfiiq.
Waxaan u hambalyeynayaa degmada Towfiiq oo ku guulaysatay horyaalnimada gobolka Mudug 2024, sidoo kale degmada Jariiban oo iyadan dadaal fiican muujisay waxaan u rajayn guul sanadada danbe waxana u mahad celin cid walba oo ka qayb qaadatay habsami socodka Tartanka.
02/10/2024
HAMBALYO DEGMADA TOWFIIQ OO NOQOTAY HORYAALNIMADA GOBOLKA MUDUG.🏆
