29/07/2025
Danjiraha soomaaliya ee dalka yemen cabdixakiin Maxamed Axmed (dhoobe dareed) ayaa xaruunta Safaarda kulan la yeeshay madaxda hay'adda (UNHCR ) ee yemen
danjirha iyo madaxada hay'adda ayaa kawada hadlay wadaa shaqeeynta ay yeelan karaan Safaarda iyo hay'adda UNHCR, xaaladda ay ku sugunyhiin barkacayaasha iyo qaxootiga soomaliyeed, waxaana kulunkaan diirada lagu saaray sidaa loo bilaabay lahaa howlaha barnaamjka dib uclinta qaxootiga soomaliyeed oo ku duruufaysan dalka yemen
Safiirka ayaa tilmaamay in ahmeyd gaar uu leedahay dowladda soomaaliya sida gargaar baniaadinmo loo fidin lahaa qaxootiga soomaliyeed iyo qorshaha ay dowladda kaa leedahay dib u cilntooda
Sarakiisha hay'adda ayaa umahad celiyay danjiraha soo dhoweeynta qiimaha baden, laa wadagay Warbixino ku saabsan howlaha gaargaar ay uqabtaan qaxootiga iyo barkacyaasha soomaliyeed , waxaayna danjiraha ublaan qaadeen in la sii xoojin doono wadaa shaqeeynta ka dhaxeeyso Safaarda iyo hay'adda.
Dhammaad
01/07/2025
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaYemen ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyada Soomaaliyed ee ku dhaqan dalkaan ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.
Safiirka ayaa tilmaamay in 1-da Luulyo ay tahay maalin gaar ah oo xusuus iyo sharaf u leh dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalintii dalkeenna uu ka xoroobay gumeysiga isla markaana gobannimada iyo dowladnimada u hanaqaadday .
Danjiraha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoona shacabka u rajeeyey isku duubnida iyo wada shaqaynta, si loo gaaro horumar iyo nabad waarta.
16/06/2025
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya u fadhiyo dalka Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed ( dhoobo daareed) ayaa dib uhabayn iyo dayactir kaa billaabay xaruunta Safaarda soomaaliya ee dalka Yemen,
hoyga Safaaradda ayaa ugu dambeeysay wax dayactir iyo dib uhabeyn dowladdi kacaanka taasi keentay in uu ka muuqdo dayac xooggan , Dib uhabeynnta ayaa laga bilaabay xafiiska qunsuliyada oo hadda ka socto shaqo xoogg leh laguna xijin doono qeybta labaad guriga safiirka iyo qeybta martida
Safiirka Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (dhoobo daareed) ayaa tilmaamay in dib u dhiska iyo qurxinta bilicada safaradeena iyo xafiisyadayda ay kor uqaadi doonto maqaamka dalkeena oo uu ku leeyahay dalka debadiisa , taasi noqon doonto muraayad iyo tusaale cad inuu dalkeena uu gaaray hormar iyo isbadel qaran iyo mid bulsho oo laa taaban karo .
12/06/2025
Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane cabdixakiin Maxamed Axmed (dhoobo daareed) ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Madaxweynaha Golaha Hoggaaminta dalka Yemen Mudane rashaad Maxamed Al-cileemi
Intii uu socday kulanka qaabilaadda, Danjiruhu waxa uu gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Dr Xasaan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku socotay Madaxweynaha Golaha Hoggaaminta dalka Yemen
Danjiraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta ee Labada Dowladood iyo ka hortaga khatarha amni ka dhalan karta xuduudaha udhaxeeyo labada dal.
12/06/2025
Danjiraha J.F.S ee dalka Yemen Mudane cabdixakiim Maxamed Axmed ( dhoobo daareed ) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka yemen amb mustafa Al-nucmaan
Danjiraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda
Danjire cabdixakiim Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhoweeynta qiimaha baden isago u ballan qaaday inuu xoojin doono Xiriirka taariikhiga ah oo udhaxeeyo labada dal soomaaliya iyo yemen
22/12/2024
Sii hayaha Safaardda soomaaliya dalka Yemen Cabdikariim Naasir Saciid ( cabdidheeg)ayaa dekeda ka sagootiyay qaxooti soomaliyeed oo ku xayrana dalka yemen ,
06/11/2024
Cabdikariim Naasir Saciid ( CABDIDHEEG) siihayaha safardda soomaaliya dalka Yemen oo ka duulaayo howlaha shaqo hor taalo safardda iyo cabasho dadweyne ay shacabka soomaliyeed ku dhaqaan dalka yemen ka muujiyeen kororka canshuurha adeegyadda dowlada yemen, ayaa xafiiskiisa ugu tagay agaasimaha guud Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadah yemen Nasar Al shaawosh waxuuna kala hadlay in laga yereeyo jaaliyada soomaaliyeed culeysyada dhaqaale iyo canshuurha lagoo soo roggay iyo in loo fududeeyo adeegyadda kala dawan ay Hay’adda socdaalka ka soo doontaan,
Agaasimaha ayaa soo dhaweeyay codsiga safaarda unna ballan qaday in si deg deg loo xalin doono arrintaasi
Shacabka soomaaliyeed oo ku dhaqaan dalka yemen ayaa la daala dhacaaya daruufo nololeed iyo mid dhaqaale ka timid dagaaladda iyo xaasilooni darrida ka jirta dalkaasi awogeed
Safaaradda soomaaliya ee dalka yemen waxaa ka go'an in culeys walba iyo dhibaato walba ay la kulmaan in ay ka qaado shacbkaasi .
04/11/2024
Sii hayaha Safaarda soomaaliya dalka Yemen Cabdikariim Naasir Saciid ( cabdidheeg )ayaa kulan is barasho iyo salaan ugu tagay Xooghayha joogtada wasaaradda arrimaha debada dalka Yemen Amb Jamaal Cawaad، labada dhinac ayaa ka wadaa hadlay hanaanka lagu xooginaayo xariirka diblomaasiyadeed u dhaxeeyo labada dal iyo iskaashiga shaqo udhaxeeyo safardda iyo Dowladda yemen .
Xafiiska warfaafinta