Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, kaddib 16 sano oo Ciidamada AMISOM ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
SBN MEDIA
SBN MEDIA
Arsenal vs Manchester United 3-1 Highlights & All Goals 3/9/2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas kana bilaabaya abaabul Dagaal
27/08/2023
Nin dilay xaaskiisa iyo nin kale oo garab ku siiyay oo xukun dil ah lagu riday
By SBN MEDIA -August 27, 2023
Maxkamada derajada koowaad ee magaalada Gaalkacayo ayaa maanta xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu helay in dil aad looga argagaxay u geesteen gabar dhallinyaro aheyd oo kunooleed duleedka deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug.
Labadan nin oo lagu kala magacaabo Liibaan Maxamed Yuusuf iyo Jaamac Axmed Yuusuf ayaa maalmihii lasoo dhaafay maxkamadeyntooda ka socotay magaalada Gaalkacyo, waxaana labadan nin la horkeenay maxkamadda cadeymo muujinaya in dilka geesteen.
Maxkamadda ayaa dhageysi iyo doodo dheer oo akiiskan laga yeeshay kaddib ugu dambeyn labada nin ku riday xukun dil ah , oo ah qisaasta marxuumad Naciimo C/wali Cismaan oo si arxan darro ah toorey loogu dilay.
Labadan nin ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa mid kamid ah qabay gabadha marxuumada, waxaana la sheegay in khilaaf u dhaxeeyay darteed ninkan iyo ninka kale oo la socday u dileen gabadha oo reerkeeda xilligaasi la joogtay.
Dilkan ayaa dhacay xilli saq dhaxe ah, waxaana la sheegay in gabadha xilligaasi guriga ugu tagay kana soo saaray ninkii qabay oo ay khilaaf ku kala maqnaayeen, waxaana ninkan iyo ninka kale gabadha ku dhufteen 59 toorey sida maxkamadda laga hor cadeeyay.
By SBN MEDIA
Muuqaalka iyo sawirka waa Taliyahii Somaliland ee Saldhiga Gooja cade Faysal Cabdi Bootaan oo maanta ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Ssc oo la wareegay xeradaasi iyo deegaano badan oo Somaliland horay u haysatay.
By sbn media
25/08/2023
Click here to claim your Sponsored Listing.
