DalKaab Media.

DalKaab Media.

Share

Kusoo dhowoow dalkaab media.

Dalkab media waa page u hadla bulshada, shaqsi kasta waxan kula dhaqanaa xushmad iyo qadarin dalkaab waa page kamadax banaan xadgudubka iyo ceebynta .

09/02/2026

Deegaan la wada d**o balse kheyraadkiisa aan loo sinayn (dakhli iyo wax qabad )

12/08/2025

horumar iyo hiigsi

11/05/2025

Maalon wanaagsan

DalKaab Media.

04/05/2025

Wasiirka waxbarashada Itoobiya ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono Jaamacadaha saddex jeer oo xidhiidh ah ay dhacaan ardayda gasha imtixaanka Exit-ka.
Hadii ardayda qalin jabinaysa ay saddex jeer oo xidhiidh ah Exit-ka keenan 25% wax ka yar waa lalla xisaabtami doonaa Jaamacadaha.

03/05/2025

soora

21/12/2024

Saddam Hussein wuxuu bilaabay laba dagaal waaweyn oo taariikhi ah: Dagaalkii Ciraaq iyo Iran (1980–1988), oo socday 8 sano kuna dhintay in ka badan hal milyan oo qof,

iyo Dagaalkii Khaliijka (1990–1991), markii uu qabsaday Kuwait taasoo keentay in caalamku ku soo duulo. Intaas waxaa dheer, wuxuu mas’uul ka ahaa xasuuqii Kurdiyiinta iyo dhibaatooyin gudaha ah oo burburiyey dalkiisa.

Wa dareemi karaa Duulaankii mareykan unba idin Muuqda lkn wax badan oo dhib ah ayuu geystay—Waxaan wa taariikh taagan, emotional inta noqoto comments ka haku dhex wareerina✌🏾

Qasrigiii uulahaa oo baba’ay aya idin so gudbin doona.

12/07/2024

Adan Barre Ducaale oo Aqbalay Xil ka qaadista isagoo uu Mahadceeliyay Shacabka Kenya iyo Madaxweynaha dalka.

"Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahad celinayaa Mudane Madaxweyne William Samoei Ruto oo igu aaminay doorkii Wasiirka Difaaca ee Golaha Wasiirada ee Maamulkii ugu h**eeyay ee Xukumada Kenya .

Aad iyo aad buu ii sharfay waligayna abaal baan ugu hayn doonaa isaga iyo shacabka Kenya oo fursadan aan ugu adeegno qarankeena weyn igu aaminay.

Sida Quraanku yidhi, “Laakiin iyagu way qorsheeyaan, Eebbana wuu qorsheeyaa. Eebbana waa kan ugu wanagsan wax qorsheynta” (Quran 8:30).

-Adan Duale

06/07/2024
14/06/2024

Maalinta Waa Maalin Jimco Ah
Aan Badino SALIGA NABIGA ﷺ

09/06/2024

Masuul😁✋

23/05/2024

5tii Daanyeer
___
Cilmi baadhis ay wadeen rag Saynisyahanno ahi, ayay 5 daanyeer ku xidheeg meel. Waxay dhexdooda dhigeen sallaan ay dhakada kasii saareen muus/moos. Markasta oo daanyeer uu isku dayo inuu muuska soo qaato, waxaa inta kale ee daanyeerada lagu furayay biyo qabaw. Ilaa heer ay gaadheen marka uu daanyeer isku dayo inuu fuulo sallaanka, inay inta kale intay qabtaan ay garaacayeen. Sababtoo ah iyaga ayaa biyo qabaw lagu furayaa.

Muddo kadib waxaa la waayay daanyeer ku dhaca inuu sallaanka fuulo, oo muuska soo qaato.
Aqoonyahannadii waday cilmi baadhistu, natiijadaasi markii ay usoo baxday, waxay ku soo dareen daanyeer cusub. Markiiba daanyeerkii cusbaa waxa uu isku qaaday sallaaankii, si uu muuska uu soo qaato. Balse xertii kale ee daanyeerada ahaa oo og biyihii qaboobaa in lagu furayo, ayaa soo qabtay oo garaacay.

Kadib daanyeerkii curbaa waxa uu ogaaday inay jirto sir aanuu ogayn, oo ay tahay inaanuu u dhawaan muuska. Mid kale ayaa isna lagu soo daray, oo isna isla sidii ayaa loo garaacay. Ilaa dhammaantood lawada badalay. Mid kamidaana aaanuu ku dhicin in uu muskaa sallaanka saaran uu soo qaato. Dhammaan 5ta daanyeeri midna lamuu kulmin biyihii qaboobaa ee lagu furayay kuwii h**e.

Balse waxay arkeen uun yadoo la garaacayo, kii sallaanka aadaaba. Mana oga sababta ay isu tumayaan.
Qisadani ka dad ahaan way ina saamaysaa, oo tabtaa ayay dhallintu isu saameeyaan. Haddii aad kusoo biirto asxaab xun xun, waad ku qasbantahay inaad xeerkooda raacdo, ama wa inaad ka tagtaa goobtaa ay joogaan. Dhammaanteen waxaynu leenahay caadooyin, dhaqammo aan fiicnayn. Mana ogin halka ay inagaga yimaadeen, ismana waydiino halka ay inaga soo gaadheen.

Waxaynu kawada hadlaynaa qabyaalad, siyaasad, iyo waxyaalo la jaada. Dhibku se waa in aanuu qofna rabin inuu dadka kale ka duwanaado. Dhan diin, maaddi, dhaqan iyo aqoon kaleba. Is waydii saaxiib inaad sallaanka fuusho oo aad muuskaa/mooskaa soo qaatado maxaa kaa hortaan?

21/05/2024

Filtu: Maamul commentiyada akhrinaya hadana dhalinyarada weeraraya. Wax lala yaabo ayaa filtu ayaa ka socda

Want your business to be the top-listed Government Service in Dubai?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Dubai

Opening Hours

Monday 06:00 - 18:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00