21/08/2026
BAYAAN AY SOO SAARTAY JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
CADDEYN KU SAABSAN MOWQIFKA SOOMAALIYA EE KU AADAN QADIYADDA DALKA QUBRUS
Muqdisho, 20 Agoosto 2026
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa, kaddib tixraacyadii iyo hadalladii dhowaan ka soo baxay doodaha dadweynaha, in mowqifkeeda ku aaddan qadiyadda Qubrus uu weli yahay mid aan isbeddelin, isla markaana uu ku salaysan yahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo midka khuseeya qaraarrada ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Dowladda Soomaaliya waxay mar kale sheegeysaa ixtiraamka buuxa ee ay u hayso madax bannaanida, gobannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo kan khuseeya qaraarrada ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan Qaraarrada tirsigoodu yahay 541 (1983) iyo 550 (1984).
Sidaasi darteed Qoraalka shakhsiga ah ee baraha bulshada lagu baahiyay ee arrintaan loo tixraacay ma matalaayo, mana loo fasiran karo inuu yahay wax ka beddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraalkaasi ma ahayn aqoonsi loo sameeyay cid ama maamul gaar ah oo ka jira waqooyiga Qubrus, mana jirto wax go’aan ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaadatay oo lagu beddelaayo mowqifkeeda rasmiga ah ee ay muddada dheer ku taagnayd.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale carabka ku adkeeyneysaa taageeradeeda joogtada ah ee ku aaddan in qadiyadda Qubrus lagu gaaro xal nabadeed, isla markaana ku salaysan wada xaajood waara, iyadoo hoos imanaysa dhexdhexaadinta iyo dadaalada Qaramada Midoobay, lana waafajinaayo sharciga caalamiga ah iyo kan khuseeya qaraarrada Golaha Ammaanka.
Dowladda Soomaaliya waxaa weli si buuxda uga go’an ilaalinta mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabad ah.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Twitter:
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia