17/05/2026
Gudiga ISA working group Hawlaha Horumarinta ee Baraawe ayaa ku guuleystay dhammaystirka kormeer iyo diiwaangelin lagu sameeyay nalalka cadceedda ku shaqeeya ee ku yaalla waddooyinka degmada.
Gudigu wuxuu adeegsaday app casri ah oo loogu talagalay in lagu diiwaangeliyo nal walba goobta uu ku yaallo iyo xaaladdiisa shaqo. Intii uu socday kormeerka, waxaa la ogaaday in 29 kamid ah 36-da nal ee cadceedda ku shaqeeya ay gebi ahaanba shaqeyn waayeen ama ay ku sugnaayeen xaalad u baahan dayactir deg-deg ah.
Waxaan bulshada la wadaagaynaa in Duqa Degmada Baraawe uu ka go’an yahay in si deg-deg ah wax looga qabto arrintan, si dib loogu soo celiyo bilicda iyo ammaanka waddooyinka degmada.
Hawshani waa mid muhiim u ah horumarka degmada, waxaana ay muujineysaa dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha iftiinka magaalada
DHAMAAD
29/04/2026
Guddoomiyaha Maamulka Degmada Baraawe Ee Caasimada DowladdaKoonfur-Galbeed Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay buundooyinka ku yaalla qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baraawe kuwaas oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii xooganaa ee dhowaan ka da’ay degmada.
Kormeerkan ayaa daba socday cabashooyin ka yimid bulshada ku dhaqan xaafadahaasi kuwaas oo la kulmay hakad ku yimid isu socodka gaadiidka iyo dadka, kadib markii ay biyaha roobku waxyeello u geysteen buundooyinka muhiimka ah ee isku xira qaybaha kala duwan ee magaalada.
Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u qiimeeyay heerka burburka iyo baahida deg-degga ah ee dayactirka isaga oo faray waaxyaha farsamada iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay si dhaqso leh u bilaabaan howlaha dib-u-habaynta si loo soo celiyo isu socodka caadiga ah ee bulshada.
Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka degmada in ay muujiyaan samir iyo wada-shaqeyn inta ay socdaan howlaha dayactirka, isagoo xusay in maamulka degmada ay ka go’an tahay dar-dargelinta adeegyada aasaasiga ah iyo ka jawaabidda xaaladaha deg-degga ah ee saameeya nolosha bulshada.
Ugu dambeyn, Maamulka Degmada Baraawe waxa uu xaqiijinayaa in la qaadi doono tallaabooyin waara oo looga hortagayo dhibaatooyinka noocan oo kale ah mustaqbalka, si loo adkeeyo kaabeyaasha dhaqaalaha loona hubiyo badqabka iyo fayo-qabka shacabka degmada
DHAMAAD
16/04/2026
BARAAWE; 16/04/2026
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlada Konfur-Galbeed Mudane Cumar Abdullahi Maxamed Ayaa Sodhaweeyay Wareegtada Kasoobaxdey Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dowlad Gowoledka Koonfur-Galbed Somaliya Mudane Salmaan Shuceyb Ali, Taas Oo Maanta Lagu Magacaabey Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlada Konfur-Galbeed Mr. Libaan Cumar maxamed (Liban-Costa),
Gudomiye Cumar Ayaa Masuulka Cusub Ee lasoo Magacaabey Usheegay Inuu Si Dhow Oo Hufan Ula Shaqeeyo Maamulka Degmad Si Wanaagsana Uguto Waajibadkiisa Shaqo Iyo Masuuliyada Loo'idmadey Ee Ugu Aadan Degmada, Isagoo Ku Dhiirigeliyay Inuu Si Deg Deg Ah Oo Wanaagsan Uda-rdar Geliyo Howlihiisa Shaqo Ee Kaga Aadan Bahda Dhalinyarada,
Ugu Danbeyn Guddoomiyaha Degmada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed Ayaa Dhigiisa U Mahadceliyey Masulkii H**e Ee Dhalinyarada Ee Degmada Mr. Zakariye Maxamed Maxamuud Masuuliyadii Wanaagsaneed Ee Uu Uhaayey Degmada Iyo Sidii Waajibadkiisa Shaqo Uu U'gutay Iyo Siduu Ula Shaqeeyey Maamulka Degmada Siduu Isugu Xerey Bahda Dhalinyarada
DHAMAAD
05/04/2026
WARGELIN MUHIIM AH 📢
Maamulka Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlad Gowoledka Konfur-Galbeed Wexey Bulsho Weynta Ku Dhaqan Degmada Baraawe Kuwar Gelinayaan In Saaka Magaalada Baraawe Ay Kabilaawaneyso Bixinta Kaararka Codbinta.
Muwaadin Doono Kaarkaaga Kadoono Xarunta Aad Iskudeewan gelisey Xarumaha Ay Kaarbixinta Kasocoto Waa Sedax Xarumood Kuwaas Oo Kala Ah (1Wazaarada Waxbarasha) (2School Dalfurre)
(3Am'bareeso)
30/03/2026
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baraawe ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed Waxa Uu Soo Dhaweyn iyo Hambalyo Udirayaa Gudoomiyaha Cusub Ee KMG Ah Ee Gobolka Sh/Hoose Mudane Abdifatah Sayid Ahmed Ali (Siidii) Oo Ay Magacaawday Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS.
Gudoomiye Cumar Waxa Uu Markasta Diyaar U Yahay La Shaqeynta Gudoomiyaha Cusub Si loosii Amba'qaado Horumarinta adeegyada Bushada, Loona Dar'dar Geliyo Howlaha Maamulka Ee Degmada, Waxa Uuna Ku Kalsoonyahay Mudanaha Xilka Loo'idmadey Aqoonta, Waaya aragnimada, shakhsiyada Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Mudane Abdifatah Siidii Oo Ah Nin Dhalinyara Ah Oo Mudo Kusoo Jiray Dowladanimada Dalkeena.
Ugu-danbeyn Gudoomiye Cumar Cabdullaahi Maxamed Ayaa Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Alle Ugu Baryay Inuu Alle Ula Garabgalo Ku Asturo Mas'uuliyadda Culus Ee Loo Igmaday
DHAMAAD
29/03/2026
WAR-SAXAAFADEED. 29/Mar/2026
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlada Konfur-Galbeed Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed wuxuu si cad u beeninayaa warar aan sal iyo raad toona lahayn oo saacadaha lagu faafiyey iyo Maalmahaanba baraha warbaahinta iyo baraha bulshada Lagu Faafinaayo kuwaas oo ay kamidyihiin qoraalo si been abuur ah loo faafiyay iyo bage aan kii saxda aheyn oo qolo gaar ah ay sameysteen.
Kuwaso ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan wax xaqiiqo ah ku dhisnayn, islamarkaana ay u muuqdaan kuwo si ula kac ah loogu marin-habaabinayo shacabka iyo sumcadda hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale maamulka wuxuu ku adkeynayaa in dhammaan howlaha ka socda degmada ay u socdaan si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowliga ah, isla markaana aysan jirin wax khalad ama falal lid ku ah sharciga oo dhacay ama jira sida lagu sheegay wararka la faafiyey.
Maamulka Degmada wuxuu ugu baaqayaa
Warbaahinta inay hubiyaan saxnaanta wararka ka hor inta aysan baahin Bulshada inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin Qof kasta oo haya xog sax ah inuu la wadaago hay’adaha ay khusayso
Ugu dambeyn, maamulka degmada wuxuu xaq u leeyahay inuu tallaabo sharci ah ka qaado cid kasta oo si ula kac ah u faafisa warar been abuur ah oo dhaawacaya sumcadda maamulka iyo tan bulshada
MAHADSANIDIIN
19/03/2026
Ciid Mubaarak Dhamaan Umada Somaliyed Gaar Ahaan Reer Baraawe Farxad Ku Ciida🌙
14/03/2026
Hambalyo Hambalyo Hambalyo; 14/3/2026
Markale Maamulka Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlad Goboledka Koonfur-Galbeed Ayaa Si Diiran Hambalyo Iyo Bogaadin Ugu Diray Dhammaan Kaqeyb Galayaasha tartanka Aqoon iyo Aqlaaq Oo Uu Qabtey Telefishinka KGS Kaasi Oo Loo qabtey Degmoyinka Konfur-Galbed,
Utartamaasha Degmada Baraawe Oo Caawa Markale Latartamaayey Dhigooda Deeganka Deynuuney Ee Gobolka Baay Iyadoona Tartamashaasha Degmada Baraawe Ee Casimada DKGS, Ay Caawana Markale Haleelen 6lix Su'aalod iyo Mid Kafaaideysi Ah Halkaasna Ay Ku Heshey 13dhibcood Halka Degmada Deynuuney Ay heshay 11dhibcood Sidaasna Ay Guushu Markale Kuraacdey Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlad Konfur-Galbed Uguna Soo Gudubtey Finel,
Dhamaan Maamulka Degmada Baraawe Oo Ogu H**eeyo Gudoomiyaha Degmada Ahna Duqa Caasimada DKGS, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed Ayaa Bogaadin Iyo Taageerid Miizaan Leh Umuujiyey Dhamaan Kaqeybgala Yaasha Tartanka Ee Aqon-Yahanada Ah, Tartamayaasha Metelaya Degmada Iyo Dhamaan Daadihiyaasha Tartanka Iney Meeshooda Kasii Wadaan Dadaalka iyo Isku Xernaanta Ay Markastna Muujinayaan Markalane Ay Laba Jibaaraan Da'daal Kooda Iyo Karti dooda Aqoon toodana Ay Mideeyaan markasta,
Iyadona Sidookale Ay Aqon-yahanada Degmada Muhiimqda Koowad Ay Siinayaan Si Ay U ilaaliyaan Sharafka iyo Sumcada Taariiqiga ah Ee Degmadu Ay U leedahay Dhanka Aqoonta Maadiga, Diiniga, iyo Taariiqda, Una Soo Hohiyaan Gusha Udanbeysa Ee Tartanka
DHAMAAD
13/03/2026
Hambalyo Hambalyo; 13/03/2026
Maamulka Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlad Goboledka Koonfur-Galbeed Ayaa Markale Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Dhammaan Kaqeyb Galayaasha tartanka Aqoon iyo Aqlaaq Oo Uu Qabtey Telefishinka KGS Kaasi Oo Loo qabtey Degmoyinka Konfur-Galbed,
Utartamaasha Degmada Baraawe Oo Caawa Latartamaayey Dhigooda Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/hoose Iyadoona Tartamashaasha Degmada Baraawe Ee Casimada DKGS, Ay Haleelen 5an Su'aalod iyo Lawo Kafaaideysi Ah Halkaasna Ay Kusheshay 13dhibcood Halka Degmada Afgooye Ay heshay 11dhibcood Sidaasna Ay Guushu Kuraacdey Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlad Konfur-Galbeed,
Gudomiyeha Maamulka degmada Baraawe Ahna Duqa Caasimada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed Ayaa Bogaadiyey Dhamaan Aqon-Yahanada, Tartamayaasha, Iyo Daadihiyaasha, Tartanka Gudoomiye Cumar Ayaa Kudhiiri Geliyey Iney Meeshooda Kasii Wadaan Dadaalka iyo Isku Xernaanta Ay Markasta U Muujiyeen Aqon-yahanada Degmadooda Si Ay U ilaaliyaan Sharafka iyo Sumcada Taariiqiga ah Ee Degmadu Ay U leedahay Dhanka Aqoonta Maadiga, Diiniga, iyo Taariiqda Intaba Guuleysta
DHAMAAD
11/03/2026
BARAAWE; 11/Mar/2026:-
Wafud Balaaran Oo Uu Horkacayo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baraawe Ahna Duqa Caasimada Dowladda Koonfur-Galbeed Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed Iyo Xodhayaha Dowlada hoose Ee Degmada Baraawe Ayaa Gaarey Isbeddelka Weyn Ee Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlada Konfur-Galbeed,
Wafdiga Uu Horkacayo Gudoomiye Cumar Ayaa Isbitaalka Si Diiran Ugusoo Dhaweeyey Agasimaha Guud Ee Isbitaalka Degmada Baraawe D'r Cabdirashid Abukar Cabduqadir ( D'r Rashaad ) Wafdiga Ayaa Ka Koobnaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DKGS, Wasaarada Tamarta Iyo Qeyraadka Biyaha Ee DKGS, Wakiilo Ka Socda Hay’adda UNICEF Ee Koonfurta Soomaaliya,
Kulankan Ayaa Si Gaar Ah Diiradda Loogu Saaray Is Weydaarsiga Xog Iyo Warbixinno ku saabsan Xaaladda Guud Ee Isbitalka Oo Uu Ka War Bixiyey (D'r Rashaad) Caqabadaha Guud Iyo Baayiyaha Aadka Ubalaaran Ee Ka Jirta Isbitaalka,
Dhanka Kale Wafdiga Ayaa Iyaguna Dhankooda Kawar Bixiyey Ujeedka Socdaalkooda Iyo Boqashada Ay Kusoo Gaaren Isbitalka Iyo Sidii Loo Xoojin Lahaa Shaqada Isbitaalka Si Deg Deg Ah Wax Looga Qawan Lahaa Loona Hor Marin Lahaa Adeegyada Caafimaad Ee Uu Bixiyo Isbitaalka,
Ugu Danbeyn Kulanka Ayaa Kusoo Dhammaaday Is-afgarad Lagu Adkeynayo Dadaalada Iyo Sidookale Wada-shaqeynta Maamulka Degmada, Kan Isbitaalka, Wasaaradda Caafimaadka Iyo Hay'adda UNICEF Si Wadajirka Ah Wax Looga Qabto Baahiyaha Kajira Isbitaalka Degmada Baraawe Ee Caasimada DKGS,
DHAMAAD
11/03/2026
BARAAWE; 11/Mar2026
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlada Konfur-Galbeed Mudane Cumar Abdullahi Maxamed Ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Balaaran Oo Ka-kala Socdey Wasaarada Caafimadka DKGS, Wasaarada Tamarta Iyo Qeyraadka Biyaha DKGS, Iyo Wakiilo Kasocda Hay'adda UNICEF Ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,
Wafdiga Ayaa Kulan Ballaaran La Qaatay Gudoomiyaha Iyadoo Kulanka Ay Qeyb Ka Ahaayeen Maamulka Qeybihiisa Kala Duwan iyo Xog'hayaha Dowlada Hoose Ee Degmada Baraawe,
Kulanka Ayaa Lagu Soo Bandhigay Warbixin Ku Saabsan Xaaladaha Caafimaad Ee Ka Jira Guud Ahaan Degmada Baraawe Ee Casimada Dowlada Koonfur Galbeed Gaar Ahaan Saameynta Abaaraha Aadka Udaran Ay Kuyeesheen Deeganada Hosyimaada Degmada Iyo Dadaallada Ka Socda Ee Lagu Horumarinayo Adeegyada Aasaasiga Ah Ee Bulshada Oo Ay Ugu H**eeyan Adeegyada Caafimaadka,
Ugu Dambeyn Gudomiye Cumar Ayaa Uga Mahadceliyay Dhaman Wafdiga Oo Ay Ugu H**eyso Wasaarada Caafimadka, Wazaarada Tamarta iyo Qeyraadka Biyaha, iyo Hay'adda UNICEF Taageerada Joogtada Ah Iyo Wada Shaqeynta Dhow Ee Kala Dhexeysa Maamulka Degmada Isagoo Carabka Ku Adkeeyay Muhiimadda Ay Leedahay Sii Xoojinta Iskaashiga Si Loo Gaaro Qorshayaasha Istiraatiijiga Ah Ee Dhinacyada Ee Ku Aaddan Horumarinta Iyo Tayeynta Adeegyada Aasaasiga Ah Ee Bulshada
DHAMAAD