Somali Embassy in Belgrade- Serbia

Directions Website

Somali Embassy in Belgrade- Serbia Embassy of the Federal Republic of Somalia, Address: Zvečanska 12a, Belgrade 11000, Republic of Serbia. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€πŸ‡·πŸ‡Έ

Belgrade: 21 October 2026, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, iyo Danjirah...
21/10/2026

Belgrade: 21 October 2026, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Axmed Salam Suleyman, ayaa kulan wadajirka ah la yeeshay Wasiiru-Dawladda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbia, Mudane Damjan Jović, oo uu wehelinayay Agaasimaha Afrika iyo Bariga Dhexe danjire Djura Likar.

Danjirayaashu waxay ka warbixiyeen natiijooyinkii Shir-madaxeedkii Wadatashiga Afarta Dal ee Masar, Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan, oo lagu qabtay El Alamein, Masar, 4-tii Oktoobar 2026. Sidoo kale labada danjire waxay xoogga saareen muhiimadda ay leedahay iskaashiga siyaasadda gobolka, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay amniga Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb, iyadoo dhinacyadu xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah, madax-bannaanida dowladaha iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Dhamaad
Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia.
πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€πŸ‡ͺπŸ‡¬πŸ€πŸ‡·πŸ‡Έ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan wax ku ool ah kula yeeshay Ne...
22/09/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan wax ku ool ah kula yeeshay New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Aleksandar VučiΔ‡, iyadoo kulankan gaarka ah ay soo agaasintay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade waxaa uuna dhacay inta lagu guda-jiraya shirka 81-aad ee Golaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee sannadkan 2026 ee loo yaqaano UNGA81.

Labada Madaxweyne waxay sii ambaqaadeen wadahadalladii ka soo bilowday kulanmadoodii dhawaan ka dhacay Belgrade, 31 August iyo September 1-2 ee 2026. iyagoo ka wada hadlay tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Serbia, ballaarinta iskaashiga labada dal, iyo xaaladdaha muhiimka ah ee gobolka geeska-afrika iyo guud ahaan dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Serbia fahamka joogtada ah iyo sida ay ula shaqeyso Dowladda Soomaaliya, wuxuuna soo dhoweeyey fursadaha lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale, amniga iyo hir-gelinta mashaariic wadajir ah oo labada dal faa’iido u leh. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€πŸ‡·πŸ‡Έ

Dhamaad.
Safaaradda JFS ee Belgrade Serbia.

BELGRADE: September 15, 2026. Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya ...
15/09/2026

BELGRADE: September 15, 2026. Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Belgrade xarunta Jamhuuriyadda Serbia, ayaa maanta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade ku qaabilay dhiggiisa Danjire Moncef Mansri, Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabiga Aljeeriya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia, oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya.

Labada Danjire waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo arrimo kale oo la xiriira danaha u dhaxeeya labada dal. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€πŸ‡©πŸ‡Ώ

Dhanka kale, labada Safiir ayaa isla gartay in ay yeeshaan xiriir ku dhisan danaha guud iyo wada-shaqeyn dhaw oo ka yeelan doonaan arimaha iskaashiga gobolka Balkan-ka ee Yurubta beri.

Dhamaad.
BELGRADE Serbia. πŸ‡·πŸ‡Έ

15/09/2026

Daawo: Booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu ku yimid Belgrade, Serbia, 31-kii Agoosto 2026.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Madasha 65-aad ee Shirka Heerka Sare ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Isbahaysiga siyaasadda dhaxdhaxaadka ee (Non-Aligned Movement – NAM).

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii aasaasay NAM sannadkii 1961, kaas oo lagu aasaasay caasimadda Belgrade, xilligaas oo dalkeenna uu Madaxweyne ka ahaa, Alle ha u naxariistee, Al-Xaaji Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde). πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€πŸ‡·πŸ‡Έβœ…οΈ

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka mid ah aas aas-aasayaasha Isbahaysiga siyaasadda dhaxdhaxaadka ee Non-Aligned...
05/09/2026

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka mid ah aas aas-aasayaasha Isbahaysiga siyaasadda dhaxdhaxaadka ee Non-Aligned Movement ayaa muujisay muhiimadda uu leeyahay Golaha dhaxdhaxaadka siyaasadda dunadda iyo xuska 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka ku bahoobay Isbahaysiga NAM.

Sidoo kale Soomaaliya πŸ‡ΈπŸ‡΄ iyo Serbia πŸ‡·πŸ‡Έ waxay sannadkan u dabaaldegayaan 66 sano oo xiriir diblomaasiyadeed ah oo wax xanaf ah yeelan 65 sano oo ay socotay xiriirka labadda dal oo ku dhisan saaxiibtinimo soo jireen ah, is-ixtiraam, dhowrista madaxbannaanida iyo iskaashiga.

Waxaan rajaynaynaa in xiriirka iyo iskaashiga labada dal la sii xoojiyo, iyadoo la ilaalinayo qiyamkii iyo sharafta labadda dal. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€πŸ‡·πŸ‡Έ

Isbahaysiga siyaasadda dhaxdhaxaadka ee Non-Aligned Movement (NAM) wuxuu ku dhisan yahay ixtiraamka madax-bannaanida iyo...
04/09/2026

Isbahaysiga siyaasadda dhaxdhaxaadka ee Non-Aligned Movement (NAM) wuxuu ku dhisan yahay ixtiraamka madax-bannaanida iyo sinnaanta dowladaha, faragelin la’aanta arrimaha gudaha, midnimada, nabad ku wada-noolaanshaha wada-jirka, aayo-ka-tashiga iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah, iyadoo la dhiiri-igelinaayo caddaaladda, nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah. 🌍🀝

Non-Aligned Movement (NAM) wuxuu cod mideysan u yahay nabad, madax-bannaani iyo iskaashi loo siman yahay.

Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa sharaf u ah inta ka mid aheyd aas-aasiyaasha Isbahaysiga 65 ka hor.

BELGRADE Date: 3 September 2026. Intii uu socday Shir-madaxeedka Dalalka kubahoobay Non-Aligned Movement (NAM) ee ka soc...
03/09/2026

BELGRADE Date: 3 September 2026. Intii uu socday Shir-madaxeedka Dalalka kubahoobay Non-Aligned Movement (NAM) ee ka socda magaalada Belgrade, Serbia, Madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamud ayaa kulan doceed kula yeeshay Mudane John Mahama, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ghana.

Labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Ghana, ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay labada dal danaha ka leeyihiin, iyo horumarinta mudnaanta wadajirka ah ee nabadda, horumarka iyo barwaaqada qaaradda Afrika. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡¬πŸ‡­

BELGRADE Date: 2 September 2026. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, aya...
02/09/2026

BELGRADE Date: 2 September 2026. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, ka dib markii uu si guul leh uga qeybgalay Shirka 65 Isbahaysiga siyaasadda Dowladdaha dhaxdhaxaadka iyo Dalalka ku bahoobay Non-Aligned Movement (NAM).

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Marko ĐuriΔ‡, ayaa Garoonka Diyaaradaha Nikola Tesla ee Belgrade ku sii sagootiyay Madaxweynaha, isagoo u rajeeyay safar nabad ah.

Ka-qaybgalka Madaxweynaha ee shirkan wuxuu xoojiyay xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, iyo sidoo kale doorka Soomaaliya ee horumarinta midnimada, iskaashiga iyo nabadda caalamka.
πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€πŸ‡·πŸ‡Έ

BELGRADE Date: 2 September 2026. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Abdisalam A...
02/09/2026

BELGRADE Date: 2 September 2026. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan laba-geesood ah la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Waleed Abdulkarim El Khereiji.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada danta wadajirka ah, gaar ahaan arrimaha badda cas iyo geeska Afrika. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡¦

BELGRADE Date: 02 September 2026. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Belgrade kula kulmay M...
02/09/2026

BELGRADE Date: 02 September 2026. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Belgrade kula kulmay Marwo Sahiba Gafarova, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Azerbaijan. Waxaana laga wada-xaajooday xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga baarlamaannada iyo ballaarinta dhinacyada danta wadajirka ah.

Kulanka ayaa ka dhacay shir-madaxeedka Isbahaysiga siyaasadda dhaxdhaxaadka ee Non-Aligned Movement (NAM). πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ€πŸ‡¦πŸ‡Ώ

Address

Belgrade

Opening Hours

Monday 09:30 - 16:00
Tuesday 09:30 - 16:00
Wednesday 09:30 - 16:00
Thursday 09:30 - 16:00
Friday 09:30 - 15:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in Belgrade- Serbia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share