Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS

Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS

Share

Ethiopia Where ever is Recognized

27/05/2026

maareeyaha wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah DDS marwo sahra samire gelle, ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Adxa 1447-ka Hijriyada la wadaagtay shacabka deegaanka Soomaalida, shaqaalaha wakaalada iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

Mareeyaha ayaa shacabka u rajajaysay inay ku ciidaan nabad, caafimaad qab, barwaaqo iyo farxad. Ciid Mubaarak.

Photos from Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS's post 26/05/2026

Diwaangalinta dhalashada caruurta dadooda ka yar tahay shanta sano ee xarunta dagmada awbare

Photos from Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS's post 23/05/2026

.

DIIWAANGELINTA DHALASHADA (BIRTH REGISTRATION)
Wakaaladda Diiwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah ee DDS iyo Hay’adda UNICEF oo iskaashanaya ayaa si rasmi ah uga bilaabay xarumaha degmooyinka Awbare iyo Shaydheer, iyo sidoo kale magaalada Qabribayah, diiwaangelinta dhalashada carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la diiwaangeliyo dhammaan carruurta ka yar 5 sano si ay u helaan aqoonsi sharci ah iyo xuquuqdooda aasaasiga ah.
Diiwaangelinta dhalashadu waa xuquuq aasaasi ah oo uu leeyahay ilmo kasta

Photos from Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS's post 06/05/2026

Maanta magaalada Godey waxaa si rasmi ah uga bilaabmay tastiiqinta decunentiyada dhalashada, dhimashada, guurka iyo furniinka.
Adeeggan oo ay bulshadu baahi weyn u qabeen ayaa hadda laga heli karaa magaalada Godey kadib furitaanka laan Immigration ah, taasoo meesha ka saartay baahidii loo qabay safarka Jigjiga.
Tani waxay si weyn u fududeysay adeegyada loo hayo bulshada

Photos from Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS's post 31/03/2026

Waxaa xafiiska wakaalada Diwaangelinta marxaladaha muhiimka ah nooga qabsoomay shirkii iskaashiga wakaalada oo lagaga dooday
Qodobadan:-

1.Difaaca dalka istiraatijiyada Qaranka ee wadaniyada iyo Qorshaha looga hortagaya xeeladaha cadowga
2. Kaqaybqaadashada olalaha xisbiga barwaaqo
3. Qaadashada kaararka codbixinta doorashada 7aad ee Dalka iyada oo xubnaha iskaashigu xooga saarayaan kuguulaysiga xisbiga cod aqlabiyad ah.
4. Sidii iskaashigu ugu diyaargaroobi lahaa conference 3aad ee sanadka 2018
5. Dardargelinta shaqooyinka wakaalada iyo tan iskaashigaba

19/03/2026

Ciid Mubarak, dhamaan Muslimiinta dunida gaar ahaan shacabwaynaha DDS iyo shaqaalaha wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka DDS
Ciidan ciideeda alle ha inagu gaadhsiiyo Caafimaad Cimridherer iyo Cibaado Wanaagsan, Acmaashii bisha Ramaadana allaha inaga aqbalo. Aamiin.

Maareeyaha wakaalada diwaangalinta marxladaha muhiimka DDS
Zahra samire gellee

17/02/2026

Hambalyada Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Ramadaan Mubaarak.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Islaamka ah, gaar ahaan shacabka Deegaanka Soomaalida iyo shaqaalaha wakaalada D/M/M Deegaanka, munaasabadda dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.

Bishan barakaysan ha noqoto mid aynu ku xoojino midnimada, wadajirka iyo isku naxariisashada, kana shaqayno wanaagga iyo is-garab istaagga bulshada dhexdeeda.

Waxaan Alle SWT ka baryayaa in uu naga aqbalo acmaasha suuban, khayrkeedana ina waafajiyo, kana yeelo bishan mid barako, nabad iyo dambi-dhaafba inoo horseedda.

Maareeyeeyaha wakaalada diwqangalinta marxaladaha muhiimka ah DDS

17/02/2026

Madaxwaynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa Munaasabaddii shaacinta astaanta iyo ballan-qaadka Xisbiga Barwaaqo ee doorashada 7aad ee dalka ka soo jeediyay jihooyinka iyo aragtiyaha siyaasadeed ee uu xisbiga Barwaaqo kaga qaybgalayo doorashada.

Waaaxda xidhiidhka dadwaynaha VERA

Photos from Wakaalada Diwaangelinta Marxaladaha Muhiimka ah Ee DDS's post 17/02/2026

‎Xaflad lagu shaacinayay astaanta iyo ballan-qaadka Xisbiga Barwaaqo ee doorashada 7aad ee qaranka ayaa caawa lagu qabtay badhtamaha magaalada Jigjiga.

‎Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDS Marwo Ayaan Cabdi, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee deegaanka, hogaaminta heerarkooda kala duwan ee Xisbiga Barwaaqo iyo taageerayaal tiro badan ayaa ka qayb-galay munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna soo bandhigay astaanta iyo ballan-qaadka xisbiga ee doorashada 7aad ee qaranka, taasoo halkudheg looga dhigay "Dhisida qaran hormuud ah"

‎Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo wax badan ka qabtay horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah ee deegaanka. Sidookalena mabaa’diida xisbigu ku dhisan yihiin midnimo qaran, isla markaana dalka lagu hoggaaminayo aragti ku salaysan horumar, wadajir iyo barwaaqo.

‎Dhankiisa Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Mudane Maxamed shaale isxaaq ayaa sheegay in shacabka DDS ay wixii ka dambeeyay doorashadii 6aad heleen Horumar iyo amni buuxa, dhinaca kalena xusay in shacabka deegaanka oo bananjoog ka ahaa siyaasada dalka aay Maanta go'aamiyayaal ka yihiin masiirka guud ee dalka Itoobiya.
Waaxda xidhiidhka dadwaynaha VERA

12/02/2026

Kulan ku saabsan doorka haweenka iyo ka qaybgalka arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo nabadgelyada ayaa loo qabtay garabka liiga haweenka Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Siti.

Want your business to be the top-listed Government Service in Addis Ababa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Jijiga
Addis Ababa