Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC

Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC

Share

Somali Regional State Center of Competency Agency

19/03/2026

Mareyaha Wakaalada Xaqiijinta Tayada xirfadlayaasha DDS waxaa uu Hambalyo Ciidal fitri udirayaa Dhamaan Muslimiinta Caalamka, Dalk iyo gaar ahaan shacabka Deegaanka.

Ciidan ciideeda kale Nabadqab iyo Barwaaqo Allah ha inagu gaadhsiiyo!!!!!!

09/03/2026

ADEEGYADAYADA UGU MUHIIMSAN EE WAKAALADA COC

✅ Xaqiijinta Xirfadda
✅ Hubinta Tayada
✅ Qiimeynta Ardayga
✅ Shahaado Siinta
✅ Aqoonsiga Khibradda (RPL)

📍 Location: Laamida 05 Gaar ahaan laydh Taraafiga Jaamacada Agtiisa

14/02/2026

Wakaaladdu waxay xaqiijisaa tayada xirfadlayaasha ka soo baxa kulliyadaha deegaanka. Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC

Photos from Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC's post 12/02/2026

Waxaa Madasha Shirarka ee Wakaaladda Xaqiijinta Tayada xirfadlayaasha (COC) ka qabsoomay shirkii xisbiga, kaas oo lagu ansixiyey qodobadan

Qiimaynta Qaab-dhismeedka Iskaashiga
Qiimaynta Qaab-dhismeedka Qoysaska
Qiimaynta Hoggaaminta Iskaashiga
Qiimaynta Hoggaaminta Qoyska
Qiimaynta Xubnaha Shaqaalaha

Intii uu shirku socday, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay warbixintii lixdii bilood, taasoo muujinaysay dadaal iyo horumar laga sameeyey hawlaha xisbiga.
Sidoo kale, xubnaha xisbiga iyo shaqaalaha ka qaybgalay shirka ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo hawlaha xisbiga iyo wada-shaqaynta si loo gaadho yoolalka la hiigsanayo.

Photos from Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC's post 08/02/2026

Waxaa si habsami leh uga socda Kulliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta ee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Bade qiimaynta Xaqiijinta Tayada Xirfadaha ee Wakaaladda COC. Qiimayntan ayaa lagu xaqiijinayaa tayada iyo kartida xirfadlayaal tiradoodu dhan tahay 383 qof, kuwaas oo isugu jira macallimiinta kulliyadda iyo xirfadlayaasha ka qayb qaata tababarada gaagaaban.

Xirfadaha la qiimaynayo waxaa ka mid ah
1. Laydhka
2. Isgaarsiinta iyo farsamooyinka casriga ah (ICT)
3. Biyaha
4. Wax-soo-saarka xoolaha
5. Wax-soo-saarka midhaha (saraca)
6. Caafimaadka xoolaha
7. Wax-soo-saarka khayraadka dabiiciga ah
8. Iskaashiga beeraha
9. Dhismaha guryaha

Photos from Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC's post 07/02/2026

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadaha (CoC) waa wakaalad dowli ah oo u xilsaaran xaqiijinta tayada iyo kartida xirfadlayaasha kala duwan. Wakaaladdu waxay bixisaa shahaadooyin heer qaran ah, kuwaas oo la siiyo xirfadle kasta oo ku guulaysta imtixaanka xaqiijinta tayada, kadib marka si buuxda loo xaqiijiyo kartidiisa dhinacyada Aqoonta (Knowledge), Xirfadda (Skill) iyo Dabeecadda Shaqo (Attitude).

Shaqooyinka Ay Wakaaladdu Qabato

1. Wakaaladdu waxay qiimeyn iyo xaqiijin ku samaysaa xirfadlayaasha ka soo baxa:
➢ Kuliyadaha Xirfadaha iyo Farsamada (Polytechnic & TVET Colleges)
➢ Kuliyadaha Culuumta Caafimaadka (Health Science Colleges)
➢ Tababarrada gaagaaban ee lagu kobciyo xirfadaha gaarka ah
➢ Xirfadlayaasha heer hoose iyo heer dhexe ee ka shaqeeya shirkadaha iyo warshadaha
➢ Macallimiinta kuliyadaha, ka hor inta aysan bilaabin waxbaridda

2. Soo Saarista Agabka Qiimaynta (Assessment Tool Development)

Marka laga soo tago imtixaaminta iyo xaqiijinta, Wakaaladdu waxay: Diyaarisaa agabka qiimaynta xirfadlayaasha heerarka kala duwan (hoose, dhexe iyo sare) waxay Sameysaa agabka qiimaynta ee xirfadlayaasha dhammeystay tababarrada gaagaaban

3. Aqoonsiga Dadka Leh Khibrad Shaqo (RPL – Recognition of Prior Learning)

Wakaaladdu waxay fursad siisaa dadka leh xirfado ay iskood u barteen, balse aan soo marin waxbarasho rasmi ah, sida:• Xirfadlayaasha dhismaha, korontada, tolmaha, farsamada alxanka, makaanikada, iyo xirfado kale, Marka la xaqiijiyo kartidooda, haddii ay ku guulaystaan imtixaanka xaqiijinta tayada, waxaa la siiyaa shahaado qaran

4. Xaqiijinta Goobaha Qiimaynta, Wakaaladdu waxay hubisaa in:• Goobaha qiimaynta iyo xarumaha TVET in ay haystaan qalab ku filan, Manhajka waxbarasho in uu la jaanqaadayo baahida suuqa shaqada ee casriga ah

5. Soo Xulista Qiimeeyayaasha Wakaaladdu waxay soo xushaa:•Qiimeeyayaal tayo leh oo leh aqoon, khibrad iyo anshax shaqo, Kuwaas oo xaqiijiya xirfadlayaasha ka soo baxa kuliyadaha iyo xarumaha tababarka

6. Bixinta Shahaadooyinka Qaran, Wakaaladdu waxay bixisaa shahaadooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin:•

➢ National Qualification Certificate – Xirfadlayaasha dhammeystay tababarrada dhaadheer
➢ Competence Certificate – Xirfadlayaasha dhammeystay tababarrada gaagaaban
➢ Assessment Center Certificate – Goobaha qiimaynta
➢ Assessors Accreditation Certificate – Qiimeeyayaasha qaada imtixaanka xaqiijinta tayada

7. Samaynta Cilmi-baadhisyo Kala Duwan, Wakaaladdu waxay fulisaa:•
➢ Cilmi-baadhisyo la xidhiidha geeddi-socodka qiimaynta
➢ Daraasado lagu ogaanayo caqabadaha iyo gal-daloollada ka jira tayada waxbarashada iyo xirfadaha

06/02/2026

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha (COC) ayaa imtixaan lagu xaqiijinayo tayada iyo kartida xirfadaha ka qaaday 82 qof oo ka mid ah xoogsatada ku shaqaysta xirfadaha kala duwan.

Photos from Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC's post 05/02/2026

Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha (COC) ayaa imtixaan lagu xaqiijinayo tayada iyo kartida xirfadaha ka qaaday 82 qof oo ka mid ah xoogsatada ku shaqaysta xirfadaha kala duwan.

Imtixaanka oo ay soo diyaarisay wakaalada Coc du ayaa xirfadlayaasha lagaga qaaday gudaha Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Magaalada Jigjiga.
Imtixaankan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo xirfadaha kala duwan ee ay xirfadlayaashani ku shaqeeyaan, si loo siiyo shahaadooyin rasmi ah oo caddeynaya xirfadaha ay yaqaannaan.

Xirfadlayaashan ayaa isugu jira kuwo leh aqoonta alxanka, dhismayaasha kala duwan, faarada iyo makaanikada gaadiidka. Haddii ay ka gudbaan imtixaanka, ayaa waxay heli doonaan aqoonsiyo iyo shahaadooyin u qalma xirfadahooda, taas oo u sahlaysa inay si rasmi ah ugaga shaqeeyaan xirfadahooda meel kasta.

Photos from Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC's post 02/02/2026

Waxaa Adeega Qiimaynta ee Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha Ee CoC-ga, uga Bilowday Kulliyada Xirfadaha iyo farsamada Gacanta ee Hadhagaale, Xirfadlayaal kaladuwan, oo isugu Jira Tababarada Dhaa-dheer iyo kuwa Gaa-gaaban.

Xirfadaha qiimaynta loo bilaabayna waxaa ka mida:

1. Wax soosaarka Beeraha
2. Caafimaadka Xoolaha
3. Isgaadhsiinta farsamooyinka casriga ah (ICT)
4. Laydhka
5. Tolmaha Dharka
6. Qurxinta Dumarka
7. Faarada ama Looxa
8. Biyaha

Photos from Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC's post 27/01/2026

Waxaa maanta shaqaalaha Wakaaladda loo furay tababar ku saabsan ISO 17024 (International Standards Organization), kaas oo ah nidaam lagu horumarinayo adeegyada ay bixiso Wakaaladdu, si ay ula jaanqaadaan nidaamka iyo heerarka caalamiga ah.

Tababarkan oo socon doona muddado shan maalmood ah, ayaa waxaa bixinaya khubaro ka socota Institute of Ethiopian Standards.

Maareeyaha Wakaaladda, oo tababarka furay shaqaalaha kula dardaarmay in ay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarka inta uu socdo, si wax weyn looga beddelo tayada adeegyada ay bixiso Wakaaladdu, loogana dhigo kuwo la jaanqaada adeegyada caalamiga ah.

17/01/2026

Waxaan wadnaa Barnaamijka Aqoonsi-siinta Xirfadlayaasha aqoonta ku helay nidaamka khibradeed.” Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Agaasinka Diiwaangelinta iyo Shahaadooyinka
Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDS

Photos from Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ee COC's post 13/01/2026

Waxaa Magaalada Jigjiga ka socota qiimaynta ardayda ku celiska ah (Re-Asessment Candidates) kuwaas oo tirro ahaan gaadhaya 1,500 oo xirfadle, kana kala socda waaxaha kala duwan ee hoos ku xusan.

1. Beeraha (Agriculture Sector L-III &IV)
2. Caafimaadka (Health Sector L-IV)
3. Xirfadaha farsamada (Hard-Skill Sector L-IV) iyo
4. ganacsiga (Business Sector L-IV), Xirfadahan ayaa lagu qiimayn doonaa inta ay qiimayntu socoto.

Xirfadlayaashan, oo ka kala yimid kulliyadaha kala duwan ee deegaanka, isla markaana ah ardaydii ka qalin-jabiyay sannadihii u dambeeyay, ayaa lagu qiimaynayaa xirfadihii ay soo barteen iyo heerka ay u diyaarsan yihiin suuqa shaqada inta ay socoto muddada qiimayntu.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jijiga