Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS

Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS

Share

Public relation

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 05/10/2022

Tababar ku saabsan maamulka iyo maaraynta guud ee warshadaha gaar ahaan dhanka maaliyada, xogta, iyo hawlgalada warshadaha, ayaa ka qabsoomay madasha kulamada ee ramaas hotel.

Tababarkan oo uu soo agaasimay Xafiiska maalgalinta Iyo Warshadaha DDS gaar ahaan waaxda hormarinta warshadaha ayaa waxa ka soo qaybgalay 60 xubnood oo ka kala socday warshadaha ka jira deegaanka xubnahan ayaa fahan guud laga siiyay qodabadan kala ah

-Maamulka iyo maaraynta warshadaha. - Noocyada kala duwan ee loo nidaamiyo lacagaha iyo xisaabaadka warshadaha.
-Ganacsiga iyo bay,ada
-Suuq gaynta waxsoosaarka warshadaha
- Hawlgalada warshadaha (industry operations)
-Sida loo diyaariyo qorshe ganacsi (business plan for industry)

Xubnaha tababarka qaatay waxay ka dhaxli doonaan tababarkan in ay Kor u qaadaan nidaamka maamul ee wax soo saarka warshadaha ay ka yimaadeen iyo in ay fahmaan nidaamka iyo shuruucda tayada warshadaha ee dalka .

Inay fahan guud ka helaan shaqooyinka
kala duwan ee warshadaha iyo maarayntooda iyo Inay kor u qaadaan nidaamka suuq gaynta waxsoosaarkooda warshadaha

Waaxda xidhiidha dadwaynaha

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 09/09/2022

Maamulka Magaalada Tog-Wajaale oo kaashanaya Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS ayaa ganacsatada magaaladaasi u qabtay kulan fahan lagaga siinayay shuruudaha deyn-bixinta ee Bangiga Horumarinta Itoobiya.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta Maamulka Magaalada Wajaale, Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS, iyo Bangiga Horumarinta Itoobiya iyo ganacsatada Wajaale.

Ugu horayn waxa kulanka furay wasiir ku xigeenka xafiiska maalgelinta iyo warshadaha DDS mudane ibrahim sheekh axmed oo ka hadaly faa,idada bangiga uu uleeyahay maalgashadayasha doonaya inay maal gashadaan deeganka kuna booriyay inay ka faa,idaystaan daymaha uu bixiyo bangiga hormarinta itoobiya

Waxaa sido kale Ganacsatada magaalada Wajaale ayaa loo soo bandhigay shuruudaha loo maro deynta bangiga horumarinta Itoobiya,

Sidoo kale, Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Wajaale ayaa sheegay inay diyaariyeen dhulka loogu talogalay sabada warshadaha oo dhan 100 hector oo hadda la dhammaystiray nashqadooda.

Xafiiska maalgelinta iyo warshadaha DDS

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 06/08/2022

xafiiska maalgalinta iyo warshadaha oo dadaal dheer ugu jiray sidii uu u ugu soo bandhigi lahaa bulshada una dareen siin lahaa saamaynta ay qurbajoogta deegaankeenu ku leeyihiin Horumarka iyo bilicda magaalada,ayaa waxa xafiiska maalgalinta iyo warshadaha oo kaashanaya hay’adda DRC ayaa ka fuliyay magaalada Jigjiga iyo degmooyinka gobolka faafan kormeer indha indhayn iyo xog ururin ah, si loo soo ogaado xaaladaha maalgashi ee qurbajoogta deegaanku ku sugan yihiin iyo faaidooyinka ay maalgeliyeyaashu usoo kordhiyeen bulshada ku dhaqan magaalada iyo nawaaxigeeda

Kooxda kormeerka ee ka socotay xafiiska maalgelinta iyo warshadaha ayaa kormeer ka waday muddo 20 cisho ah si ay waraysiyo iyo indha indhayn ugu sameeyaan mashaaricaha qurbajoogta ay ka fuliyeen maamulka magaalada Jigjiga iyo degmooyinka gobolka faafan, iyaga oo la kulmayay mulkiilayaasha iyo wakiilada mashaariicaha

Ujeedada guud ee kormeerkan ayaa ahaa in la ogaado loona kuur galo mashaaricaha qurba joogtu deegaanka ka fuliyeen gaar ahaan caasimada jigjiga iyo dagmooyinka gobolka faafan, iyo in la ogaado faaidooyinka guud iyo shaqo abuurka ay bulshada ka heleen mashaariicda qurbajoogtu maalgeliyaan, lana hubiyo caqabadaha iyo baahiyaha aas aasiga ah ee ay maalgashadayaasha qurbajoogtu u baahan yihiin.

Mashaaricahan oo gaadhayaya 65 mashruuc oo waawayn kuwaaso isugu jiray kaalmo shidaal, hoteelo, warshado,dugsiyo waxbarasho,jidad, beero, qalab cafimad ,xoolo, iyo ganacsiyo kala duwan.

mashaaricahas oo ay ku baxday lacag dhan 2.6 billion oo bir aya waxaa shaqa abuur ka helay dad gaadhaya 2450 qof .

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 23/06/2022

maanta oo ay taariikhdu tahay 16.10.2014 waxa madasha kulamada ee sahal hotel ka qabsoomay kulan lagu dhiiragalinayay laguna abaalmarinayay ururada qurbajoogta deeganka ka soo jeeda ee doorka muhiimka ah ka qaatay Nabadda,Hormarka,Samafalka,Iyo dimuqraadiyadda .

Kulankan oo uu soo agaasimay xafiiska maalgalinta iyo warshadaha dds ayaa waxaa ka soo qayb galay ku dhawaad 20 urur iyo shakhsiyaad qurba joog ah oo deegaanka maalgashi ku soo kordhiyay

Ugu horayn waxa kulanka furay agaasinka waaxda jaaliyadaha iyo daraasadka mudane xamdi cabdilahi oo ka hadlay u jeedada xafladda abaal marinta iyo dhiiri galinta isaga oo sheegay in lagu dhiragalinayo ururada iyo hay,adaha qurba jogta ee si sharciya u aas aasan iyo dhisidda kuwa cusub
kulana dardaarmay ururada iyo qurba joogta deeganka u dhalatay in ay abaabulaan jaaliyadaha ,ururada samafalka ah iyo deeqbixiyayasha qurba joogta ah ee deeganka ka soo jeeda siday door muhiim ah uga qaadan lahaayen horumarka ,nabadda iyo dimuqraadiyadda dalka iyo deeganka.

Ugu danbayn waxa shahaada sharaf la siiyay ururadii iyo shaqsiyaadkii doorka muhiinka ah ka qaatay Nabadda,Horumarka ,samafalka iyo dimuqraadiyada
waxaana shahaada sharaf gudoonsiyay agaasinka waaxda maalginta mudane cabdicasis axmad iyo agaasinka waaxda jaaliyadaha iyo daraasadka mudane hamdi cabdulahi

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 19/04/2022

Waxaa bisha barakaysan ee ramadaanta darteed afur loogu sameeyey dad danyar ah oo tiradoodu dhantahay 600 oo qof, afurkaasi oo kadhacay magaalada jijiga gaar ahaan wadada laamida aayardaga, afurkani oo ay iska kaashadeen xafiiska maalgalinta iyo warshadaha iyo qurbajoogta u dhalatay deegaanka waxayna ugu talagaleen in ay ku afuriyaan walaalahooda danyarta ah

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 10/03/2022

maanta oo ay taariikhdu tahay 01.07.2014 T.I waxaa hoolka shirarka ee jigjiga international hotel ka qabsoomay kulan ku saabsanaa kobcinta iyo dhiiri galinta hay,adaha dawrka ku leh ka qaybqadashada hawlaha sama falka abaaraha deeganka iyo kuwa bixiya deeqaha agabyada caafikadka, waxbarashada i.w.m

kulankan oo uu soo agaasimay xafiiska maalgalinta iyo warshadaha ayaa waxaa ka soo qayb galay hay,ado gaadhaya 18 hay,adood iyo xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska maalgalinta iyo warshadaha

ugu horrayn waxaa kulanka ka hadlay waziir ku xigeenka xafiiska maalgalinta iyo warshadaha mudane ibrahim sheekh axmad oo ugu mahad celiyay hay,adaha deeganka ka jira sida wanaagsan oo ay uga qayb qaaten gurmadka abaaraha iyo deeqaha ay la garab taagan yihin shacabka deeganka
wuxuna sido kle wasiirku kula dardaarmay inay laba jibaaran taagerada ay shacabkooda la garab taagan yihin

ugu danbayn waxa la gudoosiyay shahaado sharaf hay,adihi sida wanaagsan uga qayb qaatay gurmadka abaaraha iyo deeqaha gar gaarka

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 24/02/2022

Manta oo ay tariikhdu tahay 17/06/2014 ec -2022-02-24 waxaa hoolka shirarka ee Jigjiga international Hotel ka qabsoomay kulan kusaabsanaa (somali Diaspora engagement platform launching workshop) kulankan oo wadatashi ah una dhaxeeyay xafiisyada bahwadaagta ah ee dds.
Kulankan ooy qabsoomidiisa iska kaashadeen Jamacada Jigjiga iyo xafiiska Maalgalinta iyo warshadaha dds.
Masuuliyiinta xafiiska maalgalinta iyo warshadaha iyo Madaxwaynaha Jamacada Jigjiga iyo xubno kale oo ka socday xafiisyada kale ayaa kulankan ku falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta qurbajoogta deegaanka ee xafiisyadan bahwadaagta iyo Jamacada Jigjiga si guud.
1. In ay xafiisyada bah-wadaagtu kaalin lixaad leh ka qaataan adeeg siinta qurbajoogta ee rabta in loo adeego.
2. In la kobciyo aaminaadda u dhaxaysa xafiisyada bahwadaagta ah iyo qurbajoogta, iyo in la dhaqan galiyo nidaamyada waxtarka u leh soo laabashada qurbajoogta tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
3. In xafiisyada bahwadaagta ah usoo bandhigaan qurba joogta degaanka nooca khibrad wadaag ee ay u baahan yihiin inay uga faa'iidaystaan xirfadaha ay qurbajoogtu kusoo arkeen wadamada kale, si degaankeena looga dhaqan galiyo xirfadahaas.
4. In xafiisyada bahwadaagta ah ay ogaysiiyaan lana wadagaan illaha fursadeed ama maal gashi ee ka banaan ama ay rabaan inay ooga faa'ideeyaan qurbajoogta iyagoo soo marinaya xafiiska maalgalinta iyo warshadahaa waaxdiisa qurbajoogta.
5. In la dhaqan galiyo gudiyada qaabilsan hagaajinta adeegyada iyo fursadaha qurba joogta deegaanka larabo in loo fidiyo iyo sidoo kale fursadaha la rabo in ay deegaanka kusoo kordhiyaan qurbajoogtu, (steering committee)kana kooban xafiisyada bahwadaagta.

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 21/02/2022

Waxaa maanta ka qabsoomay hotel stanbul ee magaalada jijiga wada tashi ka dhexeeyey xafiiska maalgalinta iyo warshadaha iyo mulkiilayaasha warshadaha wax soosaarka deegaanka,shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya warshadaha deegaanka iyo xafiiska halkaasi oo ay kaga soo qaybgaleen 50 warshadood oo ka jira deegaanka

Waxaa shirka furay wasiir ka xigeenka xafiiska mudane ibrahin sh.ahmed oo uga mahad celiyey sida quruxda badan ee ay uga soo qayb galeen, wuxuna ku booriyey in laga wada shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa warshadaha deegaanka, xafiiskuna diyaar ula yahay wixii garab ah ee ay uga baahdaan.

Ugu danbayn waxaa halkaasi lagu aas-aasay xubno gudi ah oo ka kooban 12 xubnood oo hawshani u xilsaarnaan doonta.

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 18/01/2022

Waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey barxada hoolka shirarka ee madaxtooyada munaasabada soo dhawaynta qurbajoogta oo ku timid baaqii raysalwasaaraha dalka Dr.abeyi ahmed.halkaasi oo ay qurbajoogtu kuyabooheen qaadhaanka abaaraha kajira deegaanka.

Madaxwaynaha deegaanka mudane mustafe muhumed omer ayaa kahadlay in xal loo helo xaalada abaareed ee ay dhalisay isbadelka cimilada oo inbadan soo noqnoqotay. xubnaha qurbajoogta ee kasoo qaybgalay kulankan ayaa iyaguna halkaasi kasheegay in ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan dadka abaaruhu saameeyeen.

Ugu danbayn waxa uu madaxwaynuhu halkaasi shahaada sharaf ku gudoon siiyey xubnaha qurbajoogta ah ee maalgashiga sameeyey,waxana uu u mahad celiyey madaxwaynuhu sida quruxda badan ee ay uga soo qaybgaleen .

17/01/2022

Qurbajoogta deegaankeenu waa horumarka dhulkeena,

kusoo dhawaada dhulkiina hooyo

Photos from Xafiiska Maalgalinta & warshadaha DDS's post 17/01/2022

Maanta oo ay tahay maalintii labaad ee munaasaba soo dhawaynta qurbajoogta, ayaa qurbajoogta oo ay wehelinayaan musuuliyiinta xafiiska Maalgalinta iyo warshadaha ay socdaal indha indhayn ah kusoo mareen horumarka ka hana qaaday deegaanka gaar ahaan magaalada jigjiga sida,jaamacada jigjiga iyo wadooyinka magaalada laga sameeyey .

16/01/2022

Waxa uu xafiisku wali kuguda jiraa munaasabada soo dhawaynta qurbajoogta oo sii socondaana ilaa laba maalmood oo danbe.

Wasiirka xafiiska maalgalinta iyo warshadaha ayaa u mahad naqay sida quruxda badan ee ay uga soo qaybgaleen munaasabadan quruxda badan,ayaa ugu baaqay in ay qurbajoogtu ka qaybqaataan horumarka deegaanka iyo sidookale inay ka faaiidaystaan fursadaha maalgashi ee kajira deegaanka.waxaana loo soo bandhigay qurbajoogta fursadaha maalgashi sida, beeraha oo deegaankeenu leeyahay wabiyo badan lakiin an aad looga faaiidaysan,dhismaha,warshadaha waxsoosaarka, waxsoosaarka xoolaha.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Jijiga
251

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Friday 08:00 - 17:00