G/sare Maxamuud Xasan Mursal, Madaxa Adeega Guud ee Booliska DDS (logistics) ayaa sheegay in maalinta doorashada ee 24 Ginbot/2018 la joojindoono dhamaan iskusocodka gaadiidka marka laga reebo gaadiidka gurmadka degdegga ah (Emergency).
Komishinka Booliska DDS የሶማሌ ክ/መ/ፖሊስ ኮሚሽን
This is the Official page of the Somali Regional State Police Commission.
https://www.tiktok.com/@booliskadds?_t=ZM-8sqiQHHJrYT&_r=1
https://youtube.com/@ciidankaxooga1839?si=A4XSWz35TZNEeXhf
https://t.me/Boolisk
Komishineerka Booliska DDS Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ku sugan yihiin heegan buuxa, isla markaana ay diyaar u yihiin ka hortagga wax kasta oo carqalad ku noqon kara habsami u socodka doorashada.
Wuxuuna shacabka deegaanka ugu baaqay in ay si nabad ah uga qayb qaataan doorashada, isla markaana la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si doorashadu ugu qabsoonto jawi nabadgelyo, xasillooni iyo kala dambayn leh.
30/05/2026
“Waxaanu si buuxda ugu diyaar-garoownay sugidda amniga doorashada 7-aad si ay ugu qabsoonto nabadgelyo iyo xasillooni.” Komishineerka Komishinka Booliska DDS, Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad
Komishineerka Komishinka Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida, Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad, oo waraysi siiyey warbaahinta deegaanka, ayaa sheegay in xaaladda amniga guud ee deegaanku tahay mid deggan oo nabadgelyo ah. Waxa uu xusay in si buuxda loo dhamaystiray dhammaan diyaar-garowgii iyo qorshayaashii lagu sugayey amniga doorashada.
Komishineerku waxa uu sheegay in la dhisay toddoba guddi oo si gaar ah uga shaqayn doona sugidda amniga doorashada, kuwaas oo ka hawlgeli doona dhammaan goobaha codbixinta ee deegaanka. Guddiyadan ayaa diiradda saari doona ilaalinta badqabka codbixiyeyaasha, hawl-wadeennada doorashada, guddiyada doorashada iyo goobaha codbixinta.
Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanku ku sugan yihiin heegan buuxa, isla markaana ay diyaar u yihiin ka hortagga wax kasta oo carqalad ku noqon kara habsami u socodka doorashada.
Ugu dambayn, Komishineerku waxa uu shacabka deegaanka ugu baaqay inay si nabad ah uga qayb qaataan doorashada, isla markaana la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si doorashadu ugu qabsoonto jawi nabadgelyo, xasillooni iyo kala dambayn leh.
29/05/2026
Kaalinta Ciidamada Ammaanka ee Qabsoomidda Doorashooyin Xor ah, Xalaal ah, isla markaana loo wada dhan Yahay
Ethiopian Federal Police
27/05/2026
Komishinka Booliska DDS ayaa xidhay Dable Yasiin Daahir Axmed, oo si khaldan u laagay gabadh ku sugnayd degmada Dheeka suufti.
Taliska Booliska DDS ayaa sheegay in tallaabo sharci ah, laga qaaday askarigaas, cadeeyayna in Boolisku u taagan yahay ilaalinta shacabka, sugidda amniga, iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta. Qof kasta oo ku xadgudba sharcigana, ha noqdo askari ama shacab, sharciga lala tiigsanayo.
26/05/2026
CIID MUBAARAK
Komishineerka Komishinka Booliska DDS, Sareeye-guud Cabdi Cali Siyaad, ayaa Hambalyada munaasabadda Ciidul-Adxaa 1447 u diray shacabka Deegaanka Soomaalida, Ciidanka Booliska DDS, Qoysaskooda iyo dhammaan shaqaalaha Komishinka Booliska DDS.
Wuxuuna sidoo kale bogaadiyey Ciidanka Boolisku dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan sugidda amniga, ilaalinta nabadda, iyo u adeegidda bulshada xilliyada ciidda iyo xili kastaba
Ciid Mubaarak.
26/05/2026
Guddiga qabanqaabada munaasabadda Ciidul-Adxada ee xarunta Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay soo gabogabeeyeen dhammaan diyaargarowga munaasabadda ciidda ee ka dhici doonta magaalada Jigjiga.
Madaxa Adeegga Guud ee Komishinka Booliska DDS, G/le Sare Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa warbaahinta u sheegay in si buuxda loo diyaariyey goobta salaadda ciidda iyo qorshaha sugidda amniga, si bulshadu ugu gudato salaadda ciidda si nabadgalyo ah.
Wuxuuna bulshada ugu baaqay in aan fagaaraha ciidda lala iman waxyaabaha mamnuuca ah, Sida: Hubka, Ulaha, Taleefoonnada dansan, Qalinka iyo wax kasta oo noqon kara aalad waxyeello lagu geysto, sidoo kale wuxuu bulshada usoo jeediyay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si munaasabadda ciiddu ugu dhacdo si habsami leh oo ammaan ah.
25/05/2026
Hay'adaha isku dhaf ka ah ee amniga ee ka hawlgala Magaalo xudeeda wajaale ayaa yeeshay kulan ku saabsanaa u diyaargarawga sugida amniga munaasabada ciidal-adxa iyo doorashada
Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Booliska Magaalada Wajaale, maleshiyada iyo boolis Fadaralka. Ujeedada shirkan ayaa ahayd, u diyaar garowga munasabada ciidal-adxa iyo doorashada qaranka ee nagu so foodaleh sidii ay ugu dhici lahayeen Nabadgalyo. Waxayna si wada jir ah uwadaan baadhitaano, iyo kormeero lagu xoojinayo sugida amniga, laguna dardargelinayo hawl galada, danbi kahortaga
25/05/2026
Booliska Degmo-hoosaadka Garabcase ee MMJ ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane C/Sayid Maxamed, oo taleefan wayn iyo mid yar oo ay lacagi ku jirto ka xaday Odey xanuunsanaa oo Hotel ku yaal xaafada 1aad ee Degmo-hoosaadka Garabcase jiifay, isaga oo falka fulinayana ay duubtay Garabcase amniga ee CCTV-ga hotelka.
Intaas kadibna Booliska oo bilaabay raadinta eedaysnaha ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedaysanihii iyo labadii mobile ee uu xadayba, baadhis dheeri ah oo ay sameeyeena waxaa lagu helay taleefan Ipad ah oo uu hotel kale ka xaday. Booliska ayaa xusay inay sii wadayaan baadhistiisa, islamarkaana eedaysanaha la horgayn doono sharciga.
25/05/2026
Shirkii Guddiga Maamulka Booliska DDS, oo uu shir-guddoominayay Komishinka Booliska DDS, Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad, ayaa ka qabsoomay xarunta Komishinka Booliska DDS.
Kulankan ayaa lagaga hadlay waxqabadkii toddobaadyadii u dambeeyay ee u diyaargarawga Ciidda iyo doorashada, geeddi-socodka shaqada Booliska, iyo sidii loo xoojin lahaa hawlaha ka hortagga dambiyada, baadhista iyo wada-shaqaynta hay’adaha kale iyo shacabka.
Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelinlahaa shaqada Booliska iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada amniga.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Address
Jijiga
