Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation

Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation

Share

Bogga Rasmiga ah ee Shirkadda Dhismaha Dawladda-Deegaanka Soomaalida -
Official Page Of Somali Regional State Construction Corporation.

Photos from Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation's post 01/04/2026

𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐄𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐪𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨-𝐗𝐢𝐝𝐡𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐡𝐝𝐢 𝐨𝐨 𝐋𝐨𝐨 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐈𝐧𝐮𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐨 𝟖𝟒𝟎 𝐇𝐞𝐤𝐭𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐮𝐥 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐞𝐞𝐝 𝐚𝐡

******************"""
𝐉𝐢𝐠-𝐣𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐞𝐠𝐚𝐛𝐢𝐭 /𝟐𝟑/𝟐𝟎𝟏𝟖/ 𝐓.𝐈.
Waxaa lagu qabtay Madasha Kullamada Xafiiska Horumaaarinta Waraabka kulan farsamo oo muhiim ah oo lagu sameynayay dib-u-eegista daraasadda iyo naqshadda (Design Review) ee mashruuca Damka (Biyo-xidheenka) Gohdi, kaas oo ka mid ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo nidaamka waraabka iyo kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha.

Kulankan Waxaa Shir-guddoominayay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS, Mudane Maxamed Faatax Maxamed, waxaana ku wehelinayay masuuliyiinta Shirkadda Dhismaha hawlaha biyaha DDS , khubaro farsamo, injineerro iyo hawl-wadeennada xafiisyada bahwadaagta ah.

Kulanka dib-u-eegista ah ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta iyo hubinta tayada daraasadda farsamo iyo naqshadda mashruuca, si loo xaqiijiyo in biyo-xidheenka loo dhisayo in uu waafaqsan yahay heerarka farsamo ee casriga ah, isla markaana uu si hufan uga jawaabo baahida waraabka ee bulshada deegaanka.

Mashruuca biyo-xidheenka Gohdi ayaa la qorsheeyay inuu waraabiyo 840 hektar oo dhul beereed ah, taas oo la filayo inay si weyn u kordhiso wax-soo-saarka dalagyada kala duwan ee muhiim u ah sugnaanta cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha beeralayda.

Intii uu socday kulanka, khubarada farsamada iyo injineerada mashruuca ayaa si qoto dheer u falanqeeyay qaybaha kala duwan ee daraasadda iyo naqshadda mashruuca, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Awoodda iyo qaabka dhismaha damka
Habka kaydinta iyo maareynta biyaha
Nidaamka kanaallada waraabka
Badbaadada iyo adkeysiga dhismaha damka
Saamaynta deegaanka iyo bulshada
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay talooyin farsamo iyo sixitaanno muhiim ah oo lagu sii xoojinayo tayada naqshadda mashruuca, si loo hubiyo in damku noqdo mid waara oo muddo dheer u adeega bulshada iyo beeralayda.

Hirgelinta mashruucan ayaa la filayaa inay xoojiso ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha, kordhiso wax-soo-saarka beeraha, abuurto fursado shaqo, isla markaana ka qayb qaadato kobaca dhaqaalaha deegaanka.

'

19/03/2026

Ciid mubarak عيد مبارك

Maareeyaha wakaaladda dhismaha hawlaha biyaha deegaanka ayaaa bulshada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabka deegaanka soomaalida ugu hambalyeye munasabada Ciidul fitriga . Ilaahay ha inaga aqbalo soonkeenii, salaadeenii,ducadeenii, iyo camalkeenii wanaagsan. Ilaahay ha ka dhigo mid nabad, farxad, iyo is-raalli ahaansho lagu wada ciido.

Waxaan Eebbe ka baryayaa, in Ciiddan ciideeda nagu gaadh-siiyo nabad, farxad iyo barwaaqo, nagana aq-balo acmaashii suubaneyd ee bishii barakaysnayd ee ramadan.

Ciid Mubaarak Kullu Caam Wa Antum Bilkhayr

Photos from Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation's post 25/02/2026

.Tababarka Nidaamka Iibka casriga ee Dowladda(Electronic procurement system)

Waxaa tababar loo qabtay shaqaalaha Farsamada iyo Iibka ee shirkadda dhismaha DDS (SRS Water Work Construction Enterprise) tababarkan oo ay bixinayeen khubaro ka tirsan Wakaalada iibka iyo maamulka hantida Dawlada ee federaalka ( Federal public procurement and property administration authority) ayaa ku saabsanaa nidaamka iibka casriya ah ee Dowladda.

Shirkadda dhismaha oo ka duulayso kor-u-qaadidda hufnaanta, wax-ku-oolnimada iyo u hoggaansanaanta habraacyada iibka dawladda ayaa dadaal ku bixinaysaa inay xoojiso aqoonta iyo kartida shaqaalaha farsamada iyo kuwa iibka si ay si sax ah ugu adeegsadaan nidaamka iibka casriga ah ee dawladda

Tababarkan oo soconaya Muda 3 maalmood ah, ayaa la filayaa inuu wax wayn ka tari doono fahamka shaqalaha Shirkadda Dhismaha hawlaha biyaha DDS.

22/02/2026

Dhamaystirka Ceel Biyood laga Hirgeliyey Qabalaha Bisle dagmada Shiniile.

Iyadoo laga duulayo baahiyaha aasaasiga ah ee biyaha, wasarada biyaha iyo Tamararka fadaralka ayaa qorshaysay in qabalaha bisle laga qodo laba ceel oo dhaadheer, hadaba Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha ee DDS oo fulinaysay mashruucaas ayaa si rasmi ah u soo gabagabaysay ceelka kobaad oo dheerekiisu dhanyahay 400m.Ceelkan la dhamaystiray ayaa leh awood wax-soo-saar oo sare oo dhan 25L/s, taas oo si weyn wax uga tari doonta baahida biyo ee bulshada deegaanka, gaar ahaan xilliyada abaarta iyo biyo-yaraanta.

Sidoo kale, waxaa jira qorshe ballaadhan oo lagu doonayo in lagu bilaabo qodista ceelal kale, si loo sii xoojiyo helitaanka biyo nadiif ah loona daboolo baahiyaha.

Photos from Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation's post 19/02/2026

Dhamaystirka Ceel Biyood laga Hirgeliyey Qabalaha Bisle Dagmada Shiniile

Iyadoo laga duulayo baahiyaha aasaasiga ah ee biyaha, wasarada biyaha iyo Tamararka fadaralka ayaa qorshaysay in qabalaha bisle laga qodo laba ceel oo dhaadheer, hadaba Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha ee DDS oo fulinaysay mashruucaas ayaa si rasmi ah u soo gabagabaysay ceelka kobaad oo dheerekiisu dhanyahay 400m.
Ceelkan la dhamaystiray ayaa leh awood wax-soo-saar oo sare oo dhan 25L/s, taas oo si weyn wax uga tari doonta baahida biyo ee bulshada deegaanka, gaar ahaan xilliyada abaarta iyo biyo-yaraanta.

Sidoo kale, waxaa jira qorshe ballaadhan oo lagu doonayo in lagu bilaabo qodista ceelal kale, si loo sii xoojiyo helitaanka biyo nadiif ah loona daboolo baahiyaha.

Photos from Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation's post 16/02/2026

Shaqaalo hoosaadka shirkadda dhismaha hawlaha biyaha ee DDS oo tiradoodu tahay 55 qof ayaa maanta loo qaybiyay raashin noocyo kala duwan ah, kuwaas oo isugu jira sonkor, daqiiq, bariis, saliid iyo timir.

05/01/2026

waa muuqaal (Short documentary) soo koobaya Mashaariic waa wayn oo wax ka beddelay nolosha bulshada, kuwaas oo shirkadda dhismaha hawlaha biyaha ee deegaanka ka hirgelisay meelo kala duwan.

Photos from Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation's post 26/12/2025

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Axmed Shukri Cabdi, ayaa maanta furay tartanka Qandaraaska Mashruuca Dhismaha cusub ee Xafiiska Cadaalada DDS.

Munaasabada furitaanka Dukumentiyada Tartanka Mashruucan oo ay goob-joog ahaayeen Xubno ka socday Wakaalada Iibka iyo Maamulka Hantida ee DDS, ayaa waxaa ka qayb galay 12 Shirkadood oo usoo Tartamay mashruucan.

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Axmed Shukri Cabdi, ayaa shirkadaha u cadeeyay in uu tartanku yahay mid daah-furan oo aan madmadow ku jirin isla markaana haba yaraatee uuna jirin qof ama shirkad gooni loo wato sidaa darteedna ay muhiim tahay in ay tartameyaashu ku kalsoonaadaan kartidooda iyo nasiib kooda.

Qandaraaskan oo ay usoo tartameen laba iyo toban shirkadood oo Deegaanka laga leeyahay, ayaa niskii h**e ee maanta la furay dukumentiyada qaybta farsamada (Technical documents) iyada oo si daah-furan oo Cadaalad ah loo maamulay nidaamka furitaanka tartanka. Shirkada ku guulaysata tartankan ayaa dhisidoonta dhismaha cusub ee Xafiiska Cadaalada DDS oo ka kooban lix dabaq (G+6)

13/12/2025
Photos from Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation's post 09/12/2025

Wareegga saddexaad ee tababarka iskaashiga xisbiga Barwaaqo ayaa si rasmi ah loogu soo gunaanaday madasha kulamada ee Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha DDS. Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta iyo lafaguridda jihooyinka hormarineed ee xisbiga, kuwaas oo door weyn ka qaata hogaaminta iyo horumarinta dalka.

Intii uu tababarku socday, ka qayb-galayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen istaraatiijiyadaha horumarineed ee beeraha, miyiga, xoolo-dhaqatada, dalxiiska warshadaha, kobaca magaalooyinka, iyo Hormarinta bulshada.

Ugu dambayn, Maareeyaha Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha DDS, Mudane Inj. Cabdirashiid Maxamed Cumar, oo soo xiray tababarka, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay ka dhabaynta iyo taaba-gelinta hadafyada istaraatiijiga ah ee xisbiga, isagoo xusay in meel-marinta qorshayaashani ay saldhig u tahay horumar waara oo lagu gaadho barwaaqo, koboc dhaqaale, iyo adeegyo bulsho oo tayo leh.

Photos from Shirkadda Dhismaha DDS- SRS Construction Corporation's post 08/12/2025

Wareegga saddexaad ee tababarka iskaashiyada xisbiga Barwaaqo ayaa saaka ka furmay madasha kulamada Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Tababarkan oo uu hoggaaminayay Maareeye-ku-xigeenka Shirkadda, Inj. Fu’aad Xasan Bashiir, ayaa halkaas ka jeediyay cashar muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada horumarineed ee ka socda dhinacyada beeraha, miyiga, dalxiiska, magaalooyinka, iyo guulaha laga gaadhay hormarinta bulshada.

Waxa uu tababarkani si gaar ah diiradda u saaraya sidii loo xoojin lahaa hormarinta bulshada, loogana gudbi lahaa ku-tiirsanaanta deeqaha shisheeye, si loo hirgeliyo isbeddel dhab ah oo waara.

07/11/2025
Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Karamara Hospital Street
Jijiga