XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB

XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB

Share

Waxqabadka xafiiska maamulka degmada yaxoob

23/01/2026

23 January Maalinta Midnimada DDS

23 January Waa Maalin Kusuntan Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Deegaanka Soomaalida

Photos from XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB's post 16/01/2026

Masuuliyiinta mashruuca LLRP oo ay waheliyaan deeqbixiyayaal ka socda bangiga aduunka iyo hay'ada caalamiga horumarinta beeraha (IFAD) iyo maareeyaha LLRR ee dalka ayaa booqday biyogalinta Yaxoob oo dhawaan xadhiga laga jray.

Wafdigan iskudhafka ah oo uu horkacayo maareeyaha mashruuca LLRP ee DDS Mudane Mukhtaar Cabdi oo gaadhay degmada Yaxoob ee gobolka Erer ayaa deeqbixiyayaasha mashruuca LLRP maalgaliya soo tusay biyogalinta Yaxoob oo 20 km laga soo jiiday tuulada Dhamaajo ee toga Daakhato. Biyogalinta mushruucan oo si cilmiyaysan loo dhisay dhawaana xadhiga laga jaray ayay deeqbixiyayaashu boogaadiyeen tayada mashruuca oo wakhti xaadirkan adeeg biyo siiya bulshada Yaxoob iyo 2 tuulo.

Sidoo kale waxay wafdigu la kulmeen shirkadaha kala duwan ee shaqo-abuurka loo sameeyay ee mashruuca LLRP maalgaliyay kuwaas oo horumar fiican ka sameeyay.

Photos from XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB's post 07/01/2026

Waxaa si rasmi ah xadhigga looga jaray Mashruuca Biyo-gelinta Degmada Yoxob ee Gobolka Erar, kaas oo ku baxay in ka badan 208 milyan oo Birr.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, Eng. Axmed Miraad Layli, iyo Mareeyaha mashruuca LLRP Mudane Mukhtaar Cabdi ayaa xadhigga ka jaray biyo-gelinta Degmada Yoxob, oo uu hirgeliyey Mashruuca LLRP, isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan bulsho ka badan 13 kun oo qof iyo xoolo tiro badan oo ku nool degmada iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in mashruucan laga soo jiiday ilaa 19 km, wixii hadda ka dambeeyana bulshadu kaga raysan doonaan baahiyihii biyo-la’aaneed ee ka jiray xarunta degmada iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

Dhanka kale, Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS Inj. Axmed Miraad Layli iyo Mareeyaha mashruuca LLRP Mudane Mukhtaar Cabdi ayaa sheegay in bulshada Degmada Yoxob looga baahan yahay in sidii loogu talo-galay uga faa’iideystaan mashruucan.

Ugu dambayntii, odayaasha Degmada Yoxob ayaa sheegay inay mashruucan yahay mid ay u qabeen baahi wayn aadna u soo dhawaynayaan.

Photos from XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB's post 18/09/2025

DEGMADA YAXOOB EE GOBOLKA ERER

Waxaa Maanta Ka qabsoomay Degmada yaxoob ee Gobolka Erer
Isusoo bax ballaadhan oo lagu taageerayay Mushruuca biyo-xidheen weyn ee wabiga Abay.

Banaanbaxan nabadeed ayayna kasoo qaybgaleen masuuliyiinta maamulka Degmada dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada yaxoob

Photos from XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB's post 01/07/2025

DEG.YAXOOB

Waxaa Saaka kaqabsoomay Madasha Kulamada Ee Degmada Shirwaynaha Rubuca 4aad Iskaashiyada Barwaaqo Ee shaqaalaha Degmada Yaxoob.

Kulankaas oo lagu dhagaystay Warbixinti waxqabadka iskaashiyada barwaaqo ee 12 bilood ee 2017 T.I ee dhinacyada

• Shaqooyinka xisbiga
• Taba rucaadka
• Dhamaan shaqooyinkii qorshaysnaa ee qoysaska iyo qoys hoosaadada barwaaqo.

Gababadii kulanaka waxaa la'isla qaatay in lasoo xoojiyo shaqooyinka inoo yaala wixii khaldamayna dib loo saxo.

Photos from XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB's post 01/06/2025

DEG.YAXOOB

Waxaa Degmada Yaxoob ka qabsoomay Dood Cilmiyeed kusaabsan isku xidhka Booliska iyo Bulshada Doodaas oo ay Hogaaminyeen komishineerka Heer gobol komeshinka Heer Degmo iyo Hogaaminta Degmada kulankan oo laga Wada Hadlayay.

1. In la iska ilaaliyo Waxyaabaha Booliska iyo Bulshada iska horkeeni kara
2. Ilaainta saraynta sharciga.
3. Adkaynta Xidhiidhaka hay'adaha aminiga Caddaalada iyo Maamulka.
4. Ilaalinta Xuquuqda Aadama iyo Tan Dimuqraadiga.

Ugu danabayn kulankaas Wuxuu ku soo gaba gaboobay is Afgarad iyo in b
Bulshadu kala shaqayso Xasiloonida iyo ilaalinta Nabad Galiyada.

Photos from XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB's post 30/05/2025

DEG.YAXOOB

Xubno ka mid ah guddiyada joogtada ah ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeeray qaar ka mid ah xarumaha adeegbixinta deg.yaxoob

Xubnahan gudiyada joogta ah ee Golaha Xildhibanada DDS ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha adeegbixinta dowlada sida: Dugsiga Sare dugsiga dhexe & hoose baabaco, biyo galinta degmada & xarunta caafimaadka. Waxaa kale oo ay kulamo ku saabsan xaalada kormeerka la qaateen maamulka degmada.

Mudane Cabdi Ibraahim oo ka mid ah xubnaha Gudiga Joogtada ah ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa sheegay in adeegbixinta ay kormeereen qaarkood wanaagsanayd sida wadada laamida laydhka 24 saac taas oo ay ka muuqdaan isbadal badan, halka dhinacyada kale wixii galdaloolooyin ay ka jiraan ay la wadaagi doonaan dhinacyada ay khusayso.

30/04/2025

Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Ee Gobolka Erer Mudane Bashiir Maxamed Cumar ayaa soo jeediyay Warbixintii Waxqabadka 9ka bilood ee dhinaca Xisbiga Barwaaqo ee sanadka 2017 T.I.

Qiimayntan oo Diiradda Lagu Saarayo Hawlihii Qorsheysnaa ee Taabagelinta Himilooyinka Xisbiga Barwaaqo, iyadoona La lagu Doono Dhinacyada Wanaagsan ee Horumarinta Deegaanka. Warbixinta Waxqabad ee Ay Soo Jeedinayaan Gobollada iyo Maamul- Magaalooyinka Deegaanka ayana Si Habsami Leh u Socota

Photos from XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA YAXOOB's post 14/04/2025

Masuuliyiin heer deegaan iyo Heer Gobol isugu Jira ayaa kormeer iyo taakulayn ku tegay Degmada Yaxoob.

Masuuliyiintan oo ka koobnaa Wasiir kuxigeenka Xafiiska Waraabka DDS iyo Maareeyaha Mashruuca LLRP oo uu wehelinayeen Masuuliyiinta Gobolka Erer ayaa soo kormeeray hanaanka adeegbixinta degmada Yaxoob ee dhinaca arrimaha bulshada iyo xisbiga. Masuuliyiinta ayaana sidoo kale kulan la xidhiidha dardargalinta shaqada la yeeshay maamulka degmada Yaxoob, kulankaasi kadib masuuliyiinta ayaa kulan balaadhan la qaatay shacabka ree Yaxoob oo ay kaga dhagaysanayeen baahidooda.

Masuuliyiintan heer deegaan ayaa intaasi kadib kormeeray mashruuca biyogalinta degmada Yaxoob oo shaqadiisu gabo'gabo marayo, waana mashruuc laga fulinayo Miisaaniyada Mashruuca LLRP, kaas oo laga soo jiidayo ceel horay mashruucu uga qoday toga Daakhate oo u jira xarunta degmada Yaxoob 20 Km.

Masuuliyiintu waxay sidoo kale booqdeen xarunta caafimaadka Yaxoob iyo iskaashatooyin shaqo-abuurka uu u sameeyay mashruuca LLRP oo natiijo fiican ku tallaabsaday

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Jigjiga
Jijiga