06/04/2026
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/04/2026 ka qabsoomay xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS soojeedinta & qiimaynta warbixinta waxqabadka xafiiska ee 9ka Bilood.
Waxaa warbixinta loo jeedinaayay Gudiga Gaar ah ee Xafiiska Baarlamaanka u Qaabilsan Dabagalka Kharashaadka Dawlada(PAC).
Intii ay socotay soojeedinta warbixinta ayaa waxaa diirada la saaray qodobo muhiim ah oo ay kamidyihiin gaadhida yoolashii qorshaysnaa iyo qabsoomida shaqooyinkii loo asteeyey in ay ku qabsoomaan 9ka billod ee SM 2018 T.I,caqabadaha lalakulmay iyo tabcooyinkii loo maareeyey.
Soojeedinta kadib,xubnaha gudiga dabagalka kharashaadka dawlada(PAC) ayaa ugu h**eyn mahadnaq iyo bogaadin u soojeediyey xafiiska iyaga oo sheegay in xafiisku dadaal ka sameeyey gudashada wajibaadkiisa shaqo.
Intaa kadib gudiga ayaa su'aalo,talo-bixino iyo tilmaamo wax-ku ool ah u soojeediyey xubnaha gudiga maareynta xafiiska hanti-dhawrka guud ee uu hormuudka u yahay hanti-dhawraha guud.
Ugu danbayn kulanka ayaa ku soo idlaaday guul iyadoona la isla qaatay in la xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeya xafiiska Hanti-dhawrka Guud iyo Gudiga "PAC".
26/03/2026
Waxaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/03/2026 ka qabsoomay xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS shir muhiim ah.
Shirkaas oo uu hogaaminaayey Hanti-dhawraha guud Mudane Maxamuud Yuusuf Macalin ayaa lagaga hadalayey Ajande udub dhexaad u ah horumarka iyo casriyeynta xafiiska.
Ajandahan waxaa diirada lagu saaray dhagaysiga warbixinta waxqabadka IT-ga iyadoo si qotodheer loo falanqeeyey heerka uu maraayo adeegsiga tecknoolajiyada casriga ah,caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarinkaro nidaamyada adeegsiga xirfadaha tecknolajiyada(Digitalization).
Waxaa si gaar ah xooga loosaaray sidii xafiiska loogu badalilahaa "Xafiis Casri ah" (Smart Office) kaas oo ku dhisan xog-uruurin sax ah(Automation) iyo adeegyo "Digital" ah kuwaas oo fududeeya shaqooyinka maalinleha ah(Routine Tasks) ee xafiiska.
Sidookale waxaa la isla qaatay in loo guuro himilada ah "Smart Office" lana yareeyo nidaamka isticmaalka waraaqaha (Paper Based System) islamarkaana loowareego nidaam "Digital" ah oo dhamaystiran(Paperless System) si lookordhiyo hufnaanta,loo dedejiyo shaqooyinka,loona hubiyo kaydinta iyo maaraynta xogta si casri ah.
19/03/2026
CIID MUBARAK
Ciid Mubarak Dhamaan Shacabka Dawlada Deegaanka Soomaalida ,Muslimiinta Dalka iyo Dunidaba.
Kuwada Ciida Caafimaad qab Illahay Ciiddan Ciiddeeda ha inagu gaadhsiiyo Caafimaad iyo Cibaado San.
Maxamuud Yuusuf Macalin
Hanti-dhawraha Guud DDS
11/03/2026
Waxaa galabta Booqasho indho-indhayn ah ku yimid Xafiiska Cusub ee Hanti-dhawrka guud ee DDS Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha Mudane Dr.Xuseen Qaasim(PhD) oo ay wehlinayeen masuuliyiinta xafiiska Hanti-dhawrka Guud
Waxaana hoosta laga xariiqay in Xafiiska waxyaalaha( Finishing) ah ee ka dhiman la dhamaystiro si uu shaqadii u bilaabo.
17/02/2026
Ramadaan
Mubaarak Dhamaan Muslimiinta Gaar ahaan Shacabka DDS.
"Hanti-dhawraha Guud ee Dawlada Deegaanka Soomaalida,Mudane Maxamuud Yuusuf Macalin"
10/02/2026
Kulankii xililaha ahaa ee Gudiga Maareynta Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa saaka oo ay taariikhdu tahay 10 ,February 2026
ka qabsoomay madasha xafiiska.
Kulankan oo uu shirgudoomiyey Hanti-dhawraha Guud ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Mudane Maxamuud Yuusuf Macalin ayaa diirada lagusaaray kala xog-qaadashada xubnaha hawl-wadeenada xafiiska taasoo ku saabsanayd habsami-usocodka & qabsoomida shaqooyinkii uqorshaysnaa xafiiska rubucan lagujiro,caqabadaha jira iyo tabcooyinkii loo maaraynlahaa.
Intii uu kulanku socday waxaa kale oo iyana lagawadahadlay shirkii khibrad-wadaaga ee Dawlad Deegaanada Dalku dhawaan ku yeesheen Magaalada Bahardar ee caasimada Deegaanka Axmaarada kasoo warbixin laga soojeediyey ugudanbayna waxii "Best Practice" ahaa ee laga soo dheegay la isla qaatay in la hirgaliyo.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha &ICTga.
22/01/2026
Waxaa saaka soo gabagaboobay tababarkii isku-sidkanaa ee Agaasinada,Maareyaasha iyo Madax-kooxeedada Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ugasocday hoolka Xafiiska.
Tababarka waxaa si rasmi ah u sooxidhay Hanti-dhawraha Guud Mudane Maxamuud Yuusuf Macalin.
20/01/2026
Waxaa saaka(January,20) ka qabsoomay madasha tababarada ee xafiiska Hanti-dhawrka Guud tababar uu soo agaasimay xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS gaar ahaan waaxda xidhiidhka dadwaynaha .
Nooca tababarka ayaa ahaa mid isku-dhafan oo isugujira Hogaaminta,Xirfada Xidhiidhka iyo Qorshaynta.
Tababarka ayaa waxaa siwadajir ah u furay Hanti-dhawraha Guud(Mudane Maxamud Yuusuf Macalin) iyo ku xigeenka Hanti-dhawraha Guud(Mudane Cabdullaahi Cabdi Buraale).
Furitaanka kadib,Hanti-dhawraha Guud ayaa tababar qaateyaasha ku booriyey in ay si masuuliyad iyo xilkasnimo ku dheehantahay u qaataan tababarka maadama uu gashi uyahay qayb laxaadlehna ka qaadanayo gudashada waajibaadkooda shaqo ee maalin laha ah iyo tan straatijiyadaba isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo tababarada noocan oo kale ah iyo sida ay kaalin mugleh ooga qaadan doonaan furida caqabado farabadan oo ku gadaaman habsami usocodka shaqooyinka kaladuwan ee xafiiska.
Tababarkan ayaa waxaa ka faaiidaysanaayey 33 xubnood oo isugu jira Agaasino,Maareeyeyaal iyo Madax-kooxeedo kuwaas oo kakalasocday dhamaan waaxyaha kaladuwan ee uu xafiisku kakoobanyahay .
Ujeedadatababarka ayaa ahayd sidii kor loogu qaadilahaa garaad aqooneed,xirfadeed iyo aragtiyeed ee dhamaan hogaaminta dhexe heerarkooda kaladuwan ee xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS.
Ugudanbayn tababarkan oo socondoona mudo labo casha ah ayaa waxaa bixinaaya Khabiiro aqoon durugsan u leh noocyada kaladuwan ee uu tababarku ka koobanyahay.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha &ICT ga.
14/01/2026
Waxaa Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud Ee DDS Maanta(January,14 2026) Ka Qabsoomay kulan ay yeesheen Gudiga Maareynta Xafiiska.
Kulankaas oo uu shirgudoomiyey hanti-dhawraha Guud Ee DDS Mudane Maxamuud Yuusuf Macalin.
Ujeedada kulanka ayaa daaranaa soojeedinta warbixinta waxqabadka xafiiska 6da bilood ee S.M 2018T.I.
Hadaba intii lagu gudo jirey soojeedinta warbixinta ayaa waxaa diirada lasaaray nuxurka warbixinta waxqabadka oo ka koobnaa qabsoomida shaqooyinkii qorshaysnaa,waxii aan qabsoomin,sababta ay u qabsoomi waayeen iyo si guud caqabadaha jira iyo xalkooda.
Soojeedin kadib xubnaha gudiga ayaa faalooyin iyo talobixino ku aadan hufnaanta warbixinta ka soojeediyey madasha iyadoo islamadashaasi la iskuraacay lagana cadeeyey in 98% ay qabsoomeen hawlihii ama shaqooyinkii loo asteeyey in ay ku qabsoomaan 6dan bilood ee S.M 2018 T.I.
"Higsi &Hawlkarnimo"!
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha &ICT ga
05/01/2026
Isniin January,05 2026
Waxaa maanta qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee Gudiga Maaraynta Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee DDS.
Shirkaas oo uu Shirgudoomiyey Hanti-Dhawraha Guud Mudane Maxamuud Yuusuf Macalin.
Qodobada Shirka(Ajandayaasha) oo ahaa:-
1.Dhagaysiga warbixinada Shaqooyinkii Socday
2. Dardargalinta Shaqo-Galka Shaqaalaha
3.Gorfaynta,Falanqaynta iyo Dhamaystirka Warbixinta Shirka Khibrad Wadaaga ee Dhawaan ka dhici doona Maagalada Bahardar Ee DD Axmaarada.
Hadaba waxaa warbixinada laga dhagaystay dhamaan agaasinada waaxyada xafiiska iyada oo ay waaxwalba soo bandhigtay meesha ay u marayaan hawlaheeda shaqo iyadoo laga duulaayo shaqooyinkii lakala qaatay shirkii h**e ee gudiga maaraynta kadibna talo bixino iyo dardaaran ku saabsan galdaloolooyinka ka jira shaqooyinka lasiiyey waaxwalba iyo in hada kadib laga anbaqaado ama mudnaanta lasiiyo hawlaha shirka lagu kala qaato.
Sidoo kale waxaa la isla sooqaaday nidaamka shaqo-galka shaqaalaha iyadoo halkaasi laga cadeeyey in shaqo-galka shaqaaluhu uu hada marayo meel heersare ah(Improvement)na ay jirto loona baahanyahay in halkaasi laga siiwado oo aan dibloonoqonin.
Ugu danbayn waxaa si hufan loo lafaguray hawlihii u diyaargarawga shirka khibradwadaaga ee Bahardar waxayna teamkii loo xilsaaray soo jeediyeen in ay hawshaasi gabogabo marayso dhamaystirkeedana soojeedin doonaan maalinta Khamiista ah ee fooda inagu soohaysa .
Wabillaahi Tawfiiq
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha &ICT ga
05/01/2026
Sanad Guurada Aas-Aaska Dawlada Deegaanka Soomaalida.
Waa Maalin Ku Suntan Midnimo,Wadajir &Horumar Shacabka Dergaanka Soomaalida.
Sidaasidarteed Wasiirka Hanti-Dhawrka Guud ee DDS,Mudane Maxamuud Yuusuf Macalin Ayaa Hambalyadan Lawadaagay Shacabkiisa DDS!
23/12/2025
Waxaa saaka ka qabsoomay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS kulan lagu soo bandhigay warbixinta Qiimaynta Xaqiijinta H**e ee Tayada Hanti-dhawrka (Pre-Issuance Quality Control) oo uu soo jeediyay Agaasimaha Waaxda Xaqiijinta Tayada iyo Dabagalka Hanti-dhawrka, Mudane Cabdi Aadan Askar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray u hoggaansanaanta Hagaha Hanti-dhawrka Maaliyadda (FAM), tayada dukumentiyada, iyo joogtaynta heerarka xirfadeed ee hawlaha hanti-dhawrka.
Gunaanadkii kulanka, Hanti-dhawraha Guud ee DDS, Mudane Maxamuud Yuusuf Macalin, ayaa kula dardaarmay agaasimada, madax-kooxeedyada, maareeyeyaasha iyo hanti-dhawreyaasha in la dardargeliyo shaqada, lagana taxaddaro galdaloolada ka iman kara hagayaasha iyo habraacyada, isla markaana waajibaadka loo igmaday loo guto si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh.
DHAMMAAD
Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo ICT