07/03/2026
📢 OGEYSIIS BULSHO
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan bulshada ku dhaqan guud ahaan Degmada Sagag in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay si rasmi ah u bilaabanayso beri oo ku beegan 28-ka Yekatit soconaysana mudo 30-bari ah .
Sidaa darteed, waxaa lagu wargelinayaa dhammaan muwaadiniinta buuxiyey shuruudaha codbixinta waa in ay is-diiwaangeliyaan, si ay uga qayb qaataan doorashooyinka, uguna muujiyaan codkooda.
🗳️ Isdiiwaangeli si aad u noqoto codbixiye, codkaagana ku xooji mustaqbalka Itoobiya ee berrito.
— Guddiga Doorashooyinka Dagmada Sagag
04/02/2026
waxaa meel gabo gabo ah maraya Qorsha laydh galinta & bilicda magaalada sagag .
iyadoo sanad miisaaniyeed 2018.
xooga lasaaray sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda magaalada .
kuwanina waa sawiradii ugu danbeeyay hada laqaaday.
02/02/2026
Dagmada sagag ee gobolka nogob
waxaa mudooyinkii u danbeeyay laga fulinayay layd galin iyo qurxinta magaalada taas oo ay dagmadu ka fulinaysay mashruucan laydh galinta ah maadama ayna dagmadu horay laydh u lahayn.
hadaba wuxuu ilaahay caawa noo suurta galiyay inaan tijaabo ku samayno sida uu taaba galka u yahay wuxuuna mashruucu marayaa 99% inta dhimana waa mid gacanta lagu hayo oo ay shaqadu ku socoto
28/12/2025
waxaa maanta na soo gaadhay ceel riig ah isla markaana laga fulinayo QABALAHA RAYBADA ee dagmada sagag oo horay ceel looga qoday 2017 t,i biyana laga waayay ayaa waxay hadana mar labaad xukuumada iyo xisbiguba si dagdag ah uga soo jawaabeen baahiyihii iyo tabashadii bulshada dagmada sagag gaar ahaan qabalaha raybada ceelkaas oo ay fulinayso shirkada XAAD.
ugu danbayn waxaan uga mahad celinaynaa dhamaan cidkasta io dadaal ka gaysatay qodista ceelka ilaahayna ha inooga dhigo ceelkii baahida biyo lagaga baxo inuu noqdo amiin.
11/10/2025
đź’§ Biyuhu waa Nolol.
Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday qodista ceelka degmada Sagag, oo socday bilihii la soo dhaafay.
Degmada Sagag waxay h**e ugu jirtay meelaha aan laga helin biyaha dhulka hoostiisa ah, kadib markii ceelal badan oo hada ka hor laga qoday laga waayay biyo ku habboon cabitaanka.
ceelkan cusub oo tijaabo ah, oo iska kaashadeen Xafiiska Biyaha iyo UNICEF, ayaa lagu guuleystay iyadoo la adeegsaday aaladaha casriga ah ee baarista biyaha dhulka hoostiisa ah.
Sidoo kale, waxaa meel gabagabo ah maraya dhismaha biyo-xidheenka degmada Sagag, kaas oo la filayo in bulshadu ka faa’iideysato waqti dhow.
Xukuumadda iyo Xisb**a Barwaaqo waxay dadaal badan ugu jiraan sidii wax muuqda looga qaban lahaa adeegyada aas-aasiga ah, gaar ahaan biyaha oo mudooyinkii ugu dambeeyay guulo la taaban karo laga soo hooyay.
15/08/2025
Waxaa maanta xafiiska Gobolka nooga Qabsoomay Shirkii Gudiga Nabadgalyada Gobolka Nogob ee todobaadlaha ahaa.
Shirkan oo shir gudoominayay gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane. Mudane Cabdirisaq Maxamed Nuur ayna kala soo qaybgaleen gudiga nabadgalayada Gobolka ayaa lagu soo qaaday qodobada la xidhiidha nabadgalyada guud ee gobolka iyo qodobo kale oo muhiim ah
Ugu danbayn Shirkan todobaadlaha ah ayaa lagu eegaa adkaynta nabadgalayada iyo wada shaqaynta hayadaha kala duwan ee nabadgalayada ee ku hawlan ilaalinta saraynta sharciga iyadoo uu ku soo dhamaaday sidii loo qorsheeyey.
14/05/2025
Shirkii Qiimaynta Warbixinta Waxqabadka 9-Ka Bilood ee Gobollada DDS oo Ka furmay xarunta Madaxtooyada.
Shirkan oo ka furmay madasha kulamada ee Garaad Maxamed Dool ee xarunta Madaxtooyada DDS. Qiimayntan waxaa furay Madaxa Arrimaha Xisb**a Barwaaqo ee soomaalida, Mudane Faysal Rashiid iyo Wasiir kuxigeenada Xafiiska Madaxweynaha DDS: Mudane Maxamed Guure, Mudane Cabdrisaaq sheekh Sayid.
Qiimayntan ayaa diirada lagu saari doonaa, mashaariicaha iyo adeeg-bixinta goballada deegaanka.
Xaffiiska maamulka Gobolka Nogob
01/05/2025
Waxaa lasoo afmeeray qimeeyntii warbixinta wax qabadka 9bilood ee s.m.2017.waxaa la qimeeyay dhinacyada hormarka amniga iyo siyasada waxaana la bogaadiyay wax qabadka muuqda ee laga qabtay dhinacyada kala duwan ee shaqooyinka bulshada loo hayay
Sidoo kale waxaa lasoocay dhinacyada gaabisku ka jiro waxaana la dhigay sidii loo sixi lahaa melaha dhaliiluhu kajiraan waxaana laga marag kacay wax qabadka xisb**a iyo xukumada ee laga hirgaliyay gobolka nogob mudadii isbadalka kadib
Waxaa marag madoon ah in gobolka nogob isbadalkii kadib uu u baryay waa cusub shacabka gobolkuna maanta uu higsanaayo hormarka dhinacyada kala duwaan ee bilowga ah kaas oo xisb**a barwaaqo uu dadaal ugu jiro sidii loo gaadhi lahaa barwaaqo waarta oo ay hesho bulshada gobolka nogob
Waa dhab in ay wali jiraan baahi loo qabo hormarka dhiman hadana waxaan indhaha laga qabsan Karin bilowga b**a leh ee ka hana qaaday gobolka isbadalkii kadib kaas oo ay maanta muuqato 7 sano kadib hormar baaxad leh oo aan la helin laguna hawoonin 30kii sano ee lasoo dhaafay
Bulshada kunool gobolka nogob ayaa bogaadiyay wax qabadka bilowga ah ee xisbigu uu gadh wadeenka ka yahay waxayna sugayaal uyahiin shacabku guulaha xiga ee dhinacyada hormarka amniga iyo siyaasada ee xisbigu wado
29/04/2025
Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay Qimaynta Warbixinta Waxqabadka 9-kii bilood ee lasoo dhaafay ee Gobollada Deegaanka iyo Maamul Magaalooyinka.
Waxaana kasoo qayb galay madasha qiimaynta isla mar ahaantaana furay hoggaaminta Xisb**a Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida, oo uu ugu h**eeyo Madaxa Xisb**a Barwaaqo ee laanta Deegaanka Soomaalida Inj. Maxamed Shaale, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Xisb**a Mudane Cabdiraxmaan Xasan, Madaxa Arrimaha Xisb**a Mudane Faysal Rashiid, iyo hoggaaminta gobollada iyo maamul magaalooyinka deegaanka.
*Ku Xidhnaw Boggaga Rasmiga ee Xafiiska Xisbigeena Barwaaqo ee Soomaalida ku Lee yahay Baraha Bulshada Riix Link-gan hoose;👇
👉https://linktr.ee/SomaliProsperityParty
28/04/2025
Xisb**a Barwaaqo wuxuu qiimeeyay xaaladda amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee xili xaadirkan Dalka ka jira.
Wuxuu boggaadiyay horumarka balaadhan ee ka jira dhanka siyaasadda oo uu ugu h**eeyo hirgalinta nidaam fadaraali ah oo dhab oo Deegaanaddu ay u madax banaan yihiin arimahooda maamul. Waxaa kale oo guulaha siyaasadeed kamid ah abuuridda xisbi middaysan oo suuragaliyay in la isku wadi karo xorriyadda qowmiyadaha iyo midnimadda iyo Wadajirka dalka.
Waxaa sidoo kale la isla qaatay muhiimadda furfuraanta dhaqaalaha iyo xorreynta sarifka lacagaha adag oo leh kufaa kac balse ah sida kaliya ee dalku kor ugu qaadi karo kaydka lacagaha adag ee muhiimka u ah dhaqaalaha dalka. Waxaa la bogaadiyay guulaha dhanka waxsoosaarka beeraha, macdanta, iyo koboca waxsoosaarka la dhoofiyo. Waxaa la isla meel dhigay guulaha biloowga ah ee dhanka Horumarinta Magaalooyinka oo bilicda ka muuqata caasimadda dalka ay makhraati u tahay.
Dhanka amniga waxaa hoosta laga xariiqay badbaadintii dalka laga badbaadiyay qawlaysatadii damacday inay Xukunka dib u qabsato, iyo fashilinta xooggaga xagjirka ah ee Deegaanadda qaar ka waday qalalaase iyo iska horkeen shacabka ah. Waxaa kale oo la bogaadiyay tayaynta iyo casriyeenta hay’adaha aminga ee dalka.
Waxaa guulahaas la gaadhay iyadoo lala tacaalayo duruufo adag oo isugu jira kuwa dabiici ah (sida abaaro, COVID), kuwo colaadeed, iyo hardan geopolitics oo mandaqada iyo dunidaba ka socday, saameeyayna dhaqaalaha dunida iyo dalkaba.
Waxaa kale oo la qiimeeyay Isbadalka dhanka xeeladaha minjaxaabinta ee ay la yimaadeen xooggaga ku fikiraya inay burburiyaan nidaamka maanta jira ee ku yimid Isbadalkii 2018ka. 7dii sano ee Isbadalka waxaa xooggaga isbadal-diidka xeelad u aheyd iska horkeenka qowmiyadaha iyo diimaha kala duwan, dagaal toos ah iyo jabhadeeyn. Waxay hadda ku qanceen in ayna hadafkooda ku gaadhi karin xabad oo kaliya. Waxaa markaa hadda xeelad cusub u ah inay abaabulan kacdoon shacab. Si taasi ugu meelmarto waxay go’aansadeen in ay
25/04/2025
Waxaa hoolka shirarka dagmada sagag kaqabsoomay kulan waynaha unug aas -aasiga guud shaqaalaha xubnaha xisb**a barwaaqo ee dagmada sagag.
Kulaankaasi oo ay hogaamin hayeen hogaanka nabadgaliyada gobolka nogob mudane: mowlid cali dahir & gudoomiyaha dagmada sagag mudane maxamed axmed
Ayaa lagaga wada hadlay qodabada ay kamid yihiin.
1. shaqo galka shaqaalaha.
2. Arimaha nabadgaliyada
4. Joogtaynta midnimda xubnaha xisb**a barwaaqo
3. Xoojinta dhigaalka bankiga shabeele
Hadaba hogaanka nabadgaliyada gobolka Nogob mudane: mowliid cali dahir oo maal mahanba howlo shaqo ujoogay dagmada sagag, islamar ahaantaana kulamo kale duwan laqaadan hayay qaybaha kale duwan ee bulshada dagmada sagag ayaa xubnaha xisb**a barwaaqo ee shaqaalaha kula dar daarmay xoojinta shaqo galka shaqaalaha, arimaha xisb**a & ilaalinta nabadgaliyada, iyadoo uu kudheeraaday hogaanku in aan ilaashano nabadgaliyada aan haysano maanta .
Dhankiisa gudoomiyaha dagmada ayaa kula dar -daarmay shaqaalaha in shaqaaluhu gutaan waajibaadkooda shaqada si aan bulshadeena ugaadhsiinno adeeg hufan.
Ugu danbayn unug aas -aasiga guud shaqaalaha xubnaha xisb**a barwaaqo ee dagmada sagag , ayaa balan qaday dhamaan qodobadaasi