26/06/2022
Komishinka Baadhista iyo Qaabilaadda Cabashooyinka Deegaanka ayaa tababar u qabtay xubnaha guddiga cabashooyinka ee ka aas-aasan xafiisyada Deegaanka.
Tababarkan oo ay ka soo qeyb-galeen xubnaha guddiga cabashooyinka ee ka aas-aasan xafiisyada heer deegaan ayaa lagu qaadanayaa qaabshaqeedka guddiga iyo habraaca bayaanka xafisku ku aas-aasan yahay. Waxaana ka mid ah cashirrada ay ku qaadan doonaan tababarkan inta uu socdo; qaabka cabashooyinka loo qaabilayo, ka go'aan qadashada cabashooyinka iyo sidii fahan buuxa looga qaadan lahaa noocyada cabashada la qaabilayo. Waxaana cashirrada tababarkan bixinaya agaasinnada komishinka.
Marwo Ifraax Maxammuud, Komishinneerka Komishinka Qaabilaadda iyo Xallinta Cabashooyinka Deegaanka ayaa sheegtay in guddigan yahay mid loo aas-aasay sidii wax looga qaban lahaa cabashada bulshada ee ka jirta xafiisyada Deegaanka, si adeeg-bixinta bulshada la siinayo u noqoto mid ku salaysan cadcaddaan iyo isla xisaabtan.
25/11/2021
Shirka qiimeynta waxqabadka gobollada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka 3-dii sano ee la soo dhaafay ee Komishinka Qaabilaadda Baadhista Iyo Xallinta Cabashooyinka DDS ayaa lagu soo xidhay magaalada Jig-jiga.
Shirkan oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo sii dar-dar-gelin lahaa shaqooyinka wanaagsan ee ay qabteen xubnaha komishinka cabashooyinka iyo sidii la iskula sixi lahaa galdaloolooyinka jira ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiinta Komishinka Qaabilaadda Baadhista Iyo Xallinta Cabashooyinka DDS oo ay ugu horreyso komishinneerka komishinka cabashooyinka DDS, dr. Ifraax Maxammuud Xuseen iyo dhammaanba shaqaalaha komishinka ee gobollada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka.
Komishinneerka Komishinka Qaabilaadda Baadhista Iyo Xallinta Cabashooyinka DDS ayaa sheegtay in qiimayntan oo soo socotay muddo 4 cisho ah ay ku soo bandhigeen maamul-magaalooyinku iyo gobolladu waxqabadkoodii.
Ugu dambyn, waxaa shahaado-sharaf la guddoonsiiyay xubnihii intii qiimayntu socotay soo bandhigay waxqabadka iyo shaqooyinka wanaagsan ee ay bulshada u hayaan.
22/11/2021
Shirka qiimaynta Waxqabadka Komishinka Cabashooyinka DDS oo Jogjiga Kafurmay
Shirkan ayaa waxa siwadajira udaah furay Komishineerka Komishinka Cabashoyinka Marwo ifrah Mohamud Husein iyo Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Madaxwaynaha DDS Mudane Sayid abdirizak Sayid Waxana Lagu gorfaynayaa Waxqabadkii Sadexdii Sano ee Lasoo dhafay iyo Waliba Hawlaha Qabyada Ah ee ubahan in la dhamaystiro