Xafiiska maamulka dagmada wardheer

Xafiiska maamulka dagmada wardheer

Share

Waa boga rasmiga ah ee xafiiska maamulka dagmada wardheer.

Photos from Xafiiska maamulka dagmada wardheer's post 15/04/2022

Shirkii 7aad laha ahaa ee kaabaneetka dagmada wardheer oo maantay looga hadlay arima muhiim ah

14/04/2022

Waxan manta ka qaybinay rashinkii jilicsana dag/wardher rashinkaas oo loo qaybiyay qoysas dhan 2000 oo qoys

Rashinkaas oo ay xukuumadu ugu tala gashay dadka danyarta ah in ay bisha barakaysan ku afuraan insha allah

Waxan bogaadinayaa xukuumada sida fiican noo soo gaadh siisay rashinkan

mahadsanidiiin

Photos from Xafiiska maamulka dagmada wardheer's post 17/02/2022

Shirkii Golaha Fulinta ee DDS ee maanta waxaa lagu go’aamiyay in lacag dhan 500 oo million oo hor leh lagaga jawaabo abaaraha, iyadoo xooga la saarayo cuntada, biyaha, caafimaadka, iyo calafka iyo caafimaadka xoolaha. Waxaa kale oo la bilaabay in 100 booyadood loo kala diro degmooyinka abaartu saamaysay.

Galinkii h**ena waxaan xadhiga ka jarnay jidka jayga ah ee Hartasheekh ilaa Xarshin oo ay ku baxday lacag dhan 155 million oo Birr. Magaaladda Xarshin ayaa go’doon gali jirtay xili roobaadka.

***
In today’s Regional Cabinet Meeting, we approved an additional 500 million Birr to scale-up drought response activities with focus on food, water, health, fodder and veterinary drugs. 100 additional water trucks are also being dispatched to affected districts.

Earlier in the day, inagurated the Hartasheekh-Harshin gravel road, constructed with a budget of 155 million Birr. The people in Harshin district used to be cut off from the neighboring towns and Jigjiga during the rainy season.

Photos from Xafiiska maamulka dagmada wardheer's post 09/02/2022

Waxa manta noo qabsoomay taba barkii hogaaminta xizbiga barwaaqo ee dag/ wardher
Taba barkaas oo kusaab sanaa kob cinta garaadka hogaminta xizbiga barwaaqo

Photos from Xafiiska maamulka dagmada wardheer's post 08/02/2022

Xaaladda abaaraha iyo baahiyaha jira ayaan warbixin ka siiyay Madaxa Xafiiska Itoobiya ee USAID Sean Jones. Waxaan aad ugu mahadnaqaynaa USAID oo maalgalisa barnaamijyo badan oo dhanka gargaarka iyo horumarintaba, waxaana rajaynaynaa inay kor u qaado taageeradeeda.

***
Discussed drought situation, response and gaps with USAID Ethiopia Head, Mr. Sean Jones. We appreciate USAID’s continued humanitarian and development assistance and count on more support at this critical time.

05/02/2022

Marka laga tago gargaarka cuntada, biyaha, daawooyinka iyo calafka xoolaha isugu jira ee ay dawladdu gaadhsiinayso shacabka abaartu saamaysay oo ilaa iyo hadda miisaaniyad dhan 780 million oo Birr loo qoondeeyay, waxaa kale oo shalay la sii daayay lacag dhan 253 million oo Birr oo loo qaybinayo qoysas tabaalaysan oo ku nool 15 degmo oo bishi November ee kal h**e loo asteeyay in ay ugu liiteen dhanka roobabka. Lacagtaas oo ah lacag dheeri ah oo xaaladda abaaraha darteed lagu kordhiyay barnaamijka PSNP loo yaqaan, waxay u saamixi doontaa qoysas badan oo danyar ah inay cunto iyo baahiyahooda kale wax kaga dabaraan.

Waxaa taas daba socota lacag dhan 529 million oo Birr oo iyaduna ah lacagta loo qaybiyo dadka danyarta ah bil walba loona mariyo barnaamjika PSNP oo dib u dhac ka jiray bishi January laakiin hadda la sii daynayo. Waxaa kale oo dadka xooluhu ka dhamaadeen ee ku nool 9 degmo loo qaybin doonaa 45 million oo Birr oo horay caymiska isbadalka cimiladda ahaan loo qorsheeyay.

Dadaaladaasi waxay wax ka tari doonaan wax ka qabashadda baahiya jira balse xaaladda abaaraha oo culus awgeed waxaa loo baahan yahay in dhaqaale ka badan intaa la helo. Xukuumaddu waxay arintaas la kaashanaysaa hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo deeq-bixiyaasha iyadoo maalmaha soo socda ay wufuud sare iman doonaan deegaanka si ay u arkaan baaxadda abaaraha.

28/01/2022

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka xaaladda amniga qaranka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la iskula qaatay in la xoojiyo nabadda iyo amniga dalka, lana joojiyo falalka sharci darrada ah iyo in la sameeyo qaab dhismeedyo aan rasmi ahayn oo ka dhashay dagaalka.

Si gaar ah waxaa loo qaadi doonaa jihada laga qaadi doono ka dib hagardaamada kooxda argagixisada ah ee TPLF.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka mudane Temesgen Tiruneh, ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto arrimahaasi.

Waxa uu sheegay in hub-ka-ganacsiga, tahriibinta iyo hawlaha la midka ah lagu qiimeeyay, isla markaana la dejiyay jihooyin lagu ilaalinayo nabadda iyo xoojinta xidhiidhka qaranka ee deegaanada

Wasiirka Gaashaandhigga Dr. Abraham Belay ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in la qiimeeyo dhaq dhaqaaqyada kooxaha argagixisada, isla markaana tallaabo laga qaado argagixisada.

Hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer maamul deegaanada ayaa laga filayaa in ay dhaqan geliyaan hab-raacyada iyo heshiisyada lagu gaaray heer kasta.

23/01/2022

Ogeysiis:

: Dood-cilmiyeedkii wadatashiga heer qaran oo wali ka sii socda gobollada Deegaanka ayaa sida uu qorshuhu yahay ka qabsoomi doona magaalada Wardheer ee xarunta gobolka maalinnimada isniinta, taariikhda 24/January/2022, saacadda: 8:30 subaxnimo iyo madasha shirarka ee magaaladaasi.

Haddaba, waxa aan ugu baaqaynaa dhammaan aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee shacabka magaalada in ay dood-cilmiyeedka u soo diyaar-garoobaan aroornimada maalinta isniinta ah.

21/01/2022

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa mar uu ka hadlayay dhinaca abaaraha ku boorriyay hoggaaminta maaliyadaha degmooyinka in xoogga la saaro wixii la hayana dadka la gaadhsiiyo.

21/01/2022

Jimco kariiim

Dhaman bulshada gobolka dollo alla bariga hala badiyo si uu ilaahay roob inoosiiyo wallallayaal

Photos from Xafiiska maamulka dagmada wardheer's post 20/01/2022

Waxaa maanta qabalaha qorile oo ka tirsan degmada danood ee gobolka doollo laga dhagax dhigay ceel biyood ay xuukumadu ka qodayso qabalega qorile ee degmada danood ceelkan oo kamid ah ceelasha dhaadheer ayaa waxaa fulinaya xafiiska dooxooyinka iyo waraabka DDS waxaa mashruuca ceelkan ku guilaystay shirkada waaheen oo ah shirkad khibrad badan u leh qodista ceelasha dhaadheer.

xaflada dhagax dhigan waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin heer deegaan ah, xildhibaano heer deegaan ah masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah iyo shacabka qabalaha qorile qaybaheeda kala duwan masuuliyiinta kasoo qayb gashay dhagax dhigan waxaa kamid ahaa gudoomiye kuxigeenka gobolka doollo marwo khadiija aadan cabdi, gudoomiilyaha degmada danood mudane cabdiraxmaan cabdulahi maxed iyo ku xigeenka komishinka ladagaalanka musuqa iyo anshaxa DDS Mudane cabdishakuur xaashi calisaafi

20/01/2022

Asc waa page cusub waxana kusoo gudbin doonaa insha allah wax qabadka dag/wardheer ee liketa iyo shere ta hala bakahyline asxaabey

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Wardheer
Jijiga
00678