26/05/2026
Ciid Mubarak dhamaan Muslimiinta dunida gaar ahaan shacabka DDS. 🌙✨
Wasiirka Xafiiska Maalgalinta & Warshadaha DDS Mudane Axmed Rashiid Cabdille ayaa Munaasabadda barakaysan ee Ciidda awgeed, shacabka Deegaanka iyo guud ahaan Muslimiinta Dalka & Caalamka ugu hambalyeeyay munaasabada ciida aw'geed una rajeeyay farxad, nabad, caafimaad iyo barwaaqo. inuu illahay ku gaadhsiiyo ciidan ciideeda...
Follow us Somali Investment and Industry Bureau
17/05/2026
Fariinta Raysal'wasaare Abiye Axmed (Dr.)
"Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, waxaan heshiis weyn la saxiixanay Dangote si loo dhiso 3 milyan metrik ton oo bacrimin ah sannadkii. Bishii Oktoobar ee sanadkan, waxaan si rasmi ah u bilownay dhismaha mashruuca. Mashruucani wuu ka balaadhan yahay kaabayaal, Waa maalgashi istiraatiji ah oo ku aadan isbeddelka beeraha ee Itoobiya, madaxbannaanida cuntada, horumarinta warshadaha, iyo isku-filnaanshiyaha dhaqaale.
Marka la dhammystiro warshaddani bacriminta waxay kor u qaadi doontaa awoodda wax-soo-saarka gudaha, waxay yaraynaysaa ku tiirsanaanta bacriminta dibadda laga keeno, waxay taageertaa malaayiin beeraleydeenna ah, waxayna furi doontaa fursado cusub oo maalgashi iyo shaqo abuur.
Saaka, waxaan gaadhnay magaalada Goday aniga iyo Aliko Dangote si aan u booqdo goobta mashruuca Laga fulinayo si aan u qiimeeyo sida shaqadu u socoto. Xawliga shaqada ee guud ahaan goobta mashruucu waa mid dhiirigelin leh. Dhismaha qaybaha kala duwan ee mashruuca ayaa ku socda sidii qorshuhu ahaa, taasi oo ka tarjumaysa sida ay uga go’an tahay iyo wada shaqaynta lagu dhamaystirayo mashruucan baaxadda leh ee qarankan muhiimka u ah".
Follow us Somali Investment and Industry Bureau
02/05/2026
Waxaa magaalada Jigjiga maanta laguqabtay xaflad lagu kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) ah oo dhexmaray Guddiga/Ururka Qurbajoogta Deegaanka iyo Bagigga Dalka Commercial Bank of Ethiopia, iyadoona uu taageero balaadhan uu ka gaystay Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha DDS. Heshiiskan ayaa lagu doonayaa in qurbajoogta deegaanka lagu dhiirrigaliyo si ay maalgashi toos ah uga sameeyaan deegaanka, dhanka kalana la horumarinayo loona fu'daydinaayo adeegyada bangiyada iyo hababka maalgelinta.
Qorshaha wajigiisa koowaad waxa diiradda lagu saarayaa dhismaha 100-gurri oo loogu talagalay qurbajoogta, guryahaas oo si buuxda u yeelan doonaan qurbajoogta looguna dhamaystiraayo adeegyada muhiimka ah sida koronto, biyo, wadooyin iyo adeegyo bulsho. Mashruucan ayaa lagu qiyaasay miisaaniyad dhan inay ku baxayso 3 bilyan oo birr, taas oo muujinaysa baaxadda iyo muhiimadda uu u leeyahay mashruucani Bankigga ayaa bixinaaya 90% halka qurbajoogta looga baahan yahay 10%
Munaasabada xafladan oo ay qayb ka ahaayeen bahwadaagta xafiiska ayuu dhankiisa Wasiirka Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha DDS, Axmedrashiid Cabdille, oo faahfaahin ka bixiyay heshiiskan, sheegay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo soo dhawaynaysa qurbajoogta deegaanka fursadna u siinaysa inay ka faa'idaystaan deegaan kooda fursadaha maalgashi ee ka banaan Waxa kale oo uu xusay in qorshahan uu gacan ka geysan doono kobcinta abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Ugu dambayn, heshiiskan ayaa la filayaa in uu noqdo mid horseeda xiriir dhow oo ka dhexeeya qurbajoogta iyo dalkooda hooyo, isla markaana kor u qaada kalsoonida maalgashi ee deegaanka, taas oo muhiim u ah horumarka
DHAMMAAD
Xafiiska Maalgalinta & Warshadaha DDS
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha..( PR)
* Ku Xidhnaw Bogga Rasmiga ah ee Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha DDS.
Riix Linkigan hoose https://www.facebook.com/SomaliInvest?mibextid=ZbWKwL
18/04/2026
የቤልጄም ባለሀብቶች በኢትዮጵያ በተለያዩ የኢንቨስትመንት ዘርፎች ለመሰማራት ያላቸው ፍላጎት እያደገ መምጣቱ ተገለጸ ።
አዲስ አበባ ሚያዚያ 9/ 2018 ዓ.ም(ኢ.ኢ.ኮ) ፦ በኢትዮጵያ የቤልጀም ኤምባሲ አዘጋጅነት በቅርቡ በሉክሰምበርግና በቤልጅየም በሚካሄደው የኢትዮጵያ–ቤንሉክስ የንግድ ፎረምን ስኬታማ ለማድረግ ያለመ መድረክ በአዲስ አበባ ተካሂዷል።።
በመድረኩ ንግግር ያደረጉት የኢትዮጵያ ኢንቨስትመንት ኮሚሽን ምክትል ኮሚሽነር አቶ ዝናቡ ይርጋ፣ ኢትዮጵያ በአሁኑ ወቅት ሰፊ የኢንቨስትመንት ከባቢ ለማሻሻል ሰፋፊ ማሻሻያዎችን እያደረገች መሆኑን ጠቅሰው ፤ ኮሚሽኑም የአሰራር ደንቦችን ተገማች እና ምቹ በማድረግ ኢትዮጵያን ለባለሀብቶች ተመራጭ የኢንቨስትመንት መዳረሻ ለማድረግ በትኩረት እየተሰራ መሆኑን ተናግረዋል ።
ምክትል ኮሚሽነሩ አክለውም በግንቦት ወር 2018 ዓ.ም በቤልጂየም እና በሉክሰምበርግ የሚካሄደው የኢትዮጵያ-ቤንሉክስ ቢዝነስ ፎረም በአገራቱ መካከል ያለውን የመቶ ዓመታት የዲፕሎማሲ ግንኙነት ወደ ላቀ የኢኮኖሚ አጋርነት ለመቀየር ትልቅ ምዕራፍ መሆኑን ገልጸዋል።
በዚህም በተለይም በግብርና፣ በማኑፋክቸሪንግ፣ በቴክኖሎጂ እና በታዳሽ ኃይል ዘርፎች የቤኔሉክስ አገራት ካላቸው ዓለም አቀፍ ልምድና ዕውቀት ጋር በመቀናጀት በኢትዮጵያ ኢንቨስት እንዲያደርጉ ጥሪ አቅርበዋል ።
በኢትዮጵያ የቤልጅየም አምባሳደር ዶክተር አኔሊስ ቨርስቲቸል በበኩላቸው የቤልጄም ባለሀብቶች በኢትዮጵያ በተለያዩ የኢንቨስትመንት ዘርፎች ለመሳተፍ ፍላጎት እንዳላቸው ገልጸው ይህንንም ለማሳካት ኤምባሲው አስፈላጊውን ድጋፍ ለማድረግ ዝግጁ መሆናቸውን ገልጸዋል።
የቤልጀም፣ሎክሰምበረግ፣ኔዘርላንድ የአፍሪካ፣ካሪቢያንና ፓስፊክ የንግድ ቻምበር በየዓመቱ የሚያዘጋጀው የኢትዮ ቤንሉክስ ቢዝነስ ፎረም ባሳለፍነው አመት በአዲስ አበባ መካሄዱ የሚታወስ ነው።
Belgian Investors' Growing Interest in Engaging in Various Investment Sectors in Ethiopia.
Addis Ababa, April 17, 2026 – A preparatory meeting aimed at ensuring the success of the upcoming Ethiopia-Benelux Business Forum, scheduled to be held shortly in Luxembourg and Belgium, was recently organized in Addis Ababa by the Embassy of Belgium in Ethiopia.
Speaking at the forum, Deputy Commissioner of the Ethiopian Investment Commission, Mr. Zenabu Yirga, noted that Ethiopia is currently undertaking wide-ranging reforms to significantly improve the investment climate. He stated that the Commission is working diligently to make Ethiopia a preferred investment destination for investors by streamlining and making regulations more conducive.
The Deputy Commissioner added that the Ethiopia-Benelux Business Forum, to be held in Belgium and Luxembourg in May 2018, marks a significant milestone in transforming the century-old diplomatic relations between the countries into a higher level of economic partnership. He extended an invitation for investment in Ethiopia, particularly in the agriculture, manufacturing, technology, and renewable energy sectors, integrating with the international experience and knowledge of the Benelux countries.
On her part, the Ambassador of Belgium to Ethiopia, H.E. Dr. Annelies Verstichel, stated that Belgian investors have an interest in participating in various investment sectors in Ethiopia, and that the embassy is ready to provide the necessary support to achieve this.
It is to be recalled that the annual Ethiopia-Benelux Business Forum, organized by the African, Caribbean, and Pacific Chamber of Commerce of Belgium, Luxembourg, and the Netherlands, was held last year in Addis Ababa.
Website https://lnkd.in/exRDh5RP
Facebook https://lnkd.in/d4sxXT79
X(Twitter) https://lnkd.in/dJxnHbeg
LinkedIn https://lnkd.in/d-UWy5KF
https://lnkd.in/dRb9Jw-9
TikTok https://lnkd.in/dexTJE29
YouTube https://lnkd.in/dRb9Jw-9
Follow us Somali Investment and Industry Bureau
18/04/2026
Masuuliyin ka socotay DDS, ayaa kulan ku saabsan maalgashiga iyo is xog waraysiga guud la yeelatay Jaaliyadda DDS ee Ankara.
ANKARA, TURKIYE : Jaaliyadda Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ee ku dhaqan magaalada Ankara ayaa lalayeeshay kulan si heer sare ah loo soo agaasimay, kaas oo ka dhacay xarunta shirarka ee Safaaradda Itoobiya ee Ankara.
Kulankan oo ay ka qaybgaleen wafdi ka socda Xukuumadda DDS, oo uu hogaaminayo wasiirka xafiiska Maalgashiga iyo Warshadaha DDS mudane Axmed rashiid cabdille uuna weheliyo wasiirkuxigeenka xafiiska madaxwaynaha DDS, madaxda safaaradda iyo xubno ka tirsan jaaliyadda ayaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi guud iyo xoojinta xidhiidhka u dhexeeya dowladda iyo qurba-joogta ku nool dalka Turkiga.
Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah looga dooday fursadaha maalgashi ee ka jira Deegaanka Soomaalida, iyadoo la falanqeeyay doorka muhiimka ah ee qurba-joogtu ka qaadan karto horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta maalgashiga gudaha. Jaaliyadda ka qayb gashay kulanka ayaa muujisay xiisaha ay u qabaan iyo sida ay ugu heelanyihiin ka faa’iidaysiga fursadahaasi.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dowladda iyo qurba-joogta, si loo dardargeliyo horumarka Deegaanka Soomaalida.
Follow us Somali Investment and Industry Bureau