Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS

Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS

Share

Established with the mandate to ensure the effectiveness, Competitiveness & Profitability of SOEs

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 18/09/2025

Golaha Fulinta Deegaanka oo uu Shir gudoominayay Madaxweynaha Deegaanka Mudane Mustafe M.Cumar Ayaa Maanta Ansixiyay Qaabdhismeed Cusub oo ay yeelanayaan qaar kamid ah Shirkadaha DDS.

Qaabdhismeedkan Cusub Ayaa Shirkadaha lagu Mideeyay waxaa kamida Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha iyo Qodista DDS, Shirkada Dhismaha Jidadka DDS iyo Qaybta Dhismaha Ee Wakaaladda Guriyaynta DDS taas oo laga dhigay hal Shirkad oo Hadda kadib loogu yeedhidoono Shirkadda Dhismaha DDS
( Somali Construction Coorporation).

Dhanka kale Waxaa la balaadhiyay Qaabdhismeedkii h**e Ee Shirkadda Daraasaadka, Naqshadaynta iyo Dabagalka Mashaariicda taas oo noqotay Shirkadda Hawlaha Engineeriyadda Ee DDS Sidoo kale Waxaa iyadana la Ansixiyay Shirkad Cusub oo kusoo koradhay qaabdhismeedka Shirkadaha Dawladda taas oo ka Shaqayndoonta Shaqooyinka macdanta (Shirkadda Macdanta DDS).

Hawshan oo in mudo ah ay Diyaarinteeda iyo Daraasaadkeeda waday Wakaaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawladda Ee DDS ayaa si rasmi ah Maanta ay u ansixiyeen Golaha fullinta DDS.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 06/09/2025

Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 01 Baagume 2017-ka T.I si rasmi ah Tababar ugu furmay Iskaashiga iyo Qoysaska Barwaaqo Ee Shaqaalaha Wakaaladda Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawladda Ee DDS.

Tababarkan oo uu Furay Maareeyaha Guud Ee Wakaaladda Mudane Eng.Maxamed Cabdulahi Cali ayaa qayb ka ah dadaalada lagu xoojinayo qaab-dhismeedka xisbiga ee heer deegaan, iyadoo la kobciyo kartida iyo garaadka xubnaha Xisbiga, si ay doorkooda uga qaataan hirgelinta yoolasha siyaasadeed ee Xisbiga Barwaaqo kaas oo Socon doona Muddo laba Maalmood ah.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 25/06/2025

Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/10/2017 Magaalada Addis Ababa Heshiis ku kala saxeexday Koox Ka socotay Wakaalada Dabagalka iyo Taakuleynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS iyo Mac hadka Tiknoolajiyadda Biyaha Ee Itoobiya.

Heshiiskan oo ay Goob joog ka ahaayeen Xubno ka socday Wakaalada iyo Mac-hadka Ayaa waxaa qalinka ku duugay Labada Masuul Ee ugu Sareeya Labadan Xafiis oo kala ah Mudane Eng.Maxamed Cabdulahi Cali Maareeyaha Guud Ee Wakaalada Dabagalka iyo Taakuleynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS, Dhanka kalena Dr.Taamane Haylu oo ah Maareeyaha Guud Ee Mac-hadka Tiknoolajiyada Biyaha Ee Itoobiya.

Heshiiskan laba Dhinac laha ah ayaa la rajaynayaa in labada dhinac ay iska kaashan doonaan Sidii loo kobcin lahaa Awooda fulineed iyo Mida xirfadeed Ee hawl wadeenada kala duwan Ee ka hawl gala Shirkadaha Horumarinta dawlada Ee DDS iyo Wakaaladaba Si loo gaadho yoolka ah in Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS noqdaan kuwo awood u leh in ay ka tartamaan suuqyada kala duwan Ee heer dal iyo heer Caalamba.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 24/06/2025

Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 17/10/2017 Heshiis iskaashi Magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday Wakaalada Dabagalka iyo Taakuleynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS iyo Mac hadka Maareynta Dhismaha Ee Dalka.

Heshiiskan ay wada galeen Labada Dhinac ayaa ah Sidii labada haayadood ay iskaga kaashanlahaayeen dhinacyada Daraasaadka iyo Kobcinta Awoodda Ee Wakaalada, Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS iyo Guud ahaan bahwadaagtooda si loo tayeeyo Shaqooyinka Shirkadahani u hayaan Bulshada.

Maareeyaha Guud Ee Wakaalada Dabagalka iyo Taakuleynta Shirkadaha horumarinta Dawlada Ee DDS Mudane Eng. Maxamed Cabdulahi ayaa sheegay in heshiiskani uu wax badan ku soo kordhinayo Shaqooyinka ay qabtaan Shirkadaha Dawladdu Ee Dhanka kaabayaasha dhaqaalaha, Adeegyada aasaasiga ah iyo Wax soosaarka.

Dhankiisa Maareeyaha Guud Ee Mac hadka Maareynta Dhismaha Ee Dalka Mudane Eng.Tamarat Mulu ayaa Caddeeyay in mac hadku uu diyaar u yahay in uu Wakaaladda kala shaqeeyo Horumarinta Sectorka Shirkadaha Dawladda iyo Bahwadaagtiisaba, iyada oo xoogga la saarayo Kobcinta Aqoonta xirfadleyaasha iyo waliba taageeridda dhinaca farsamada iyo cilmi-baadhista si looga midho'dhaliyo qeybaha ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 24/06/2025

Maareeye kuxigeenka Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS Mudane Eng.Cabdifataax Xaaji Cumar Aare iyo Injineero ka socday Wakaalada oo uu hogaaminayo ayaa soo kormeeray habsami u socodka jidka isku xidha Degmada Cadaadle iyo tuulooyinka Malka Salax ilaa Ceelbarde ee Gobolka Shabeele oo ay gacanta ku hayso Shirkada Dhismaha Jidadka Ee DDS.

Mashruucan oo ka mid ah Mashaariicaha isbadalkii kadib laga hirgaliyay Deegaanka ayaa dhererkiisu dhan yahay 97 KM waxaana ku baxaysa lacag gaadhaysa 195 milyan oo birr Waxaana la rajaynayaa in lagu soo gabo gabayn doono Muddo kooban Si uu Wax uga qabto baahiyaha bulshada Ee dhanka isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynahaba.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 04/04/2025

Waxaa Xalay Xaflad Casho Sharaf iyo Abaalmarin ah hotelka SKY & Suites loogu qabtay Kooxda kubadda Cagta Ee Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha horumarinta Dawlada taas oo ay ka soo qayb galeen Hogaaminta Shirkadaha hor. dawlada, Hogaaminta Kulliyadda adeega Shacabka Ee DDS oo tartankan soo agaasintay iyadu, Hogaaminta iyo Shaqaalaha Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha horumarinta Dawlada Ee DDS.

Ujeedada Casho Sharaftan oo ay soo Agaasintay Wakaaladu ayaa ahayd in Dhiiri galin iyo Maamuus loo Muujiyo Kooxdan oo ku guulaysatay Koobkii tartanka Kubadda Cagta Ee Bisha Ramadaan kaas oo ay ku tartamayeen Qaar kamid ah xafiisyada heer deegaan, Maamulka Magaalada jigjiga iyo Jaamacada Jigjiga oo ay qaaday kooxdii kasocotay Wakaaladu.

Waxaan ugu hambalyaynaynaa kooxda natiijada guusha ah ee ay soo hooyeen waxaanan leenahay Hambalyo Hambalyo!!

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 10/11/2024

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/03/2017 T.I Si habsami leh loo soo gaba gabeeyay Tababarkii mudada labada maal-mood ah uga socday Xubnaha Xisbiga Barwaaqo Ee Wakaalada Dabagalka Iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS Xafiiska Wakaalada.

Tababarkaas oo uu soo gunaanaday Maanta Maareeyaha Guud Ee Wakaalada Inj. Maxamed Cabdulahi ayaa dhanka kale soo jeediyay waxqabadkii iyo guulihii xisbiga barwaaqo uu soo hooyay Ee 5ta sano, iyadoo Xubnaha Xisbiga ee Wakaaladana uu kula dardaarmay ahmiyadda uu lahaa tababarkani.

Ugu danbayn Waxaa lagusoo gunaanaday Xuska Sanad guurada 5aad Ee Xisbiga Barwaaqo iyo Abaal Marinta Xubnaha hormuudka ah Ee Wakaalada.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 16/07/2024

Waxaa Maanta Madasha Madaxtooyada DDS Ka furmay qiimaynta warbixinta waxqabadka shirkadaha horumarinta dawlada Ee DDS Ee SM 2016ka.

Qiimayntan oo Socotay Maanta labadii Galin oo Ay Fureen Maareeyaha Wakaalada Dabagalka Iyo Taakulaynta Shirkadaha horumarinta dawlada Eng.Maxamed Cabdulahi iyo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Madaxweynaha Mudane C/risaaq Sayid, Ayaa waxaa lagu qiimeeyay waxqabadkii 12ka bilood ee Afarta shirkadood oo kala ah: Shirkada Abuurka xulka ah iyo Calafka, Shirkada Dhismaha Jidadka, Shirkada Dhismaha Hawlaha Biyaha iyo Qodista iyo Shirkada Daraasadka, Naqshadeynta iyo Dabagalka ee DDS.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 14/05/2024

Qiimaynta warbixinta waxqabadka 9-ka bilood ee shirkadaha horumarinta dowladda ayaa ka furmay xarunta madaxtooyada DDS.

Inta lagu gudo jiro shirkan qiimaynta ah waxaa la qiimanaynayaa shaqooyinkii qorshaysnaa, wixii qabsoomay, waxa aan qabsoomin iyo sababaha ay uqabsoomi waayeen iyo xalinta caqabadaha ka jira dhinaca geedi socodka shaqo.

Madaxwayne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan oo furay shirkani qiimaynta ah ayaa waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay ka midho’dhalinta qorshayaasha si loo adkeeyo geediga horumarineed ee mustaqbalka Deegaanka.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 22/04/2024

Tababar lagu kobcinayo awooda Fulineed ee Hawl wadeenada Shirkadaha Horumarinta DDS iyo Wakaalada ayaa Maanta ka bilaabmay Hotelka Hamda 2 Ee Magaalada Jigjiga.

Tababarkan oo lagu bixinayo Casharo ay kamid yihiin Nidaamka Maaraynta Mashaariicda (Project Management), Qorshaynta iyo Dabagalka /Planning, Monitoring and Evaluation Ayaa waxaa daahfuray Maareeye Kuxigeenka Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS kaas oo socon doona Mudo Afar Maalmood ah.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 05/04/2024

Waxaa Maanta Xaflad Sagootin ah loo qabtay : oo ahaa agaasinka Waaxda Dabagalka ee Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS

Mudane: Khadar ayaa dhawaan Xisbiga Barwaaqo umagacaabay ee

Khadar ayaa kusuntanaa Shaqo Wanaag, Karti iyo daacanimo wuxuuna kamid ahaa Shaqaalaha lafdhabarta u'ah Wakaalada; alaha ku'asturo xilka uu uqaaday umadiisa.

Photos from Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS's post 23/02/2024

Waxaa madasha Shirarka ee Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada Ee DDS kaqabsoomay shirka unug hoosadada Xisbiga Barwaaqo Wakaalada kaasi oo lagaga wadahadlay ajandayaasha kala ah:

1. Ahmiyada iyo doorka liiga dhalinyarada xafiiska

2. Dhismaha xubnaha Hogaaminta liiga dhalinyarada ee Wakaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawlada.

Kadib falanqeyn dheer iyo dood lagasameeyay xubnaha kuhaboon waxaa laysla gartay loona doortay Xubnahan hoose hogaaminta Liiga dhalinyarada ee Wakaalada

1. Ahmed Abdilahi Hirab -Gudoomiyaha Liiga Dhalinyarada

2. Sabiriin Harun Ibrahim-G/kuxigeenka Liiga Dhalinyarada

3. Eng Jigre Hasan Ducale- M/A/Siyaasada Liiga

4. Sharmarke Hasan Cabdirahman -M/Qaab dhismeedka

5. Hani Sheikh Abdurahman-M/Warbaahinta

Mahadsanidiin

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jijiga