01/06/2026
Degmada Dhqaxmadow ee Gobalka Jarar waxaa wali si habsami leh uga socda cod-bixinta Doorashada 7,aad ee dalka.
Shacabka qaybihiisa kala duwan ayaa isugu soo baxay si ay u doortaan cida ay rabaan inay matalaan, taasi oo ah waajibaad dastuuri ah oo gudanayaan.
Waxaa sidoo kale iyana isu codeeyay musharaxuinta ka sharaxan degmada Dhagaxmadow oo ka kooban afar xubnood
27/05/2026
Ciidul Adxa ayaa si weyn loogu oogay gobalka Jarar qaybihiisa kala duwan iyadoo si wadajir ah loogu tukaday labadii rakcadooda ee salaada ciidul adxada.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Dhagaxbuur ee xarunta gobalka Jarar iyo xarumaha 11ka degmo ee gobalka Jarar ayay dadweyne aad u badan isugu soo baxeen goobaha lagu oogo salaada, iyagoo ku oogaya salaada kuna muujinaya faraxada ciidan oo ah maalin aad ugu weyn muslimiinta.
26/05/2026
Gudomiyaha Gobolka jarar Mudane Ahmed Hussein Ahmed ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Adxa 1447-da Hijriyada la wadaagay shacabka Gobolka jarar, shacabka deegaanka Soomaalida,iyo guud ahaan shacabka Itoobiya, iyo dhammaan Muslimiinta caalamka.
Gudimiyuhu waxuu bulshada ugu hambalyeeyay munaasibaddan barakaysan ee Ciidul-Adxa, isaga oo Alle uga baryay in uu ciidan ciideeda ku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo, nabad iyo caafimaad. Sidoo kale, waxa uu shacabka ku boorriyay inay sii xoojiyaan isku duubnida, wadajirka bulshada, is-garab istaagga iyo garabsiinta dadka nugul.
Xafiiska Maamulka Gobolka jarar
26/05/2026
Doorashada waxaa ka hadhsan 6 maalmood oo keliya!
Ginbot 24, 2018 T.I. Diyaar ma u tahay inaad ka qayb qaadato go’aaminta mustaqbalka dalkaaga adigoo adeegsanaya kaadhkaaga codbixinta?
Codkaaga ku xooji dimuqraadiyadda, kuna reeb raad muuqda safarkeena barwaaqada!
Dooro Mustaqbalkaaga!
Dooro Xisbiga Barwaaqo!
26/05/2026
Haweenku waa laf-dhabarta horumarka, Barwaaqona waa xisbi awood siiya.
Waxaa si heer sare ah magaalada awaare uga qabsoomay kulan ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen Garabka Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo ee 4-ta qabalee ee magaalada awaare.
Kulankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay doorka haweenka ee horumarka, midnimada iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, isla markaana lagu taageerayay musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo ee degmada awaare.
Waxaa sidoo kale lagu bogaadiyey kaalinta muuqata ee haweenku kaga jiraan abaabulka bulshada, wacyigelinta iyo adkaynta guusha ololaha doorashada.
Dooro Xisbiga Barwaaqo
Dooro Mustaqbalkaaga.
25/05/2026
Isku soobaxa bulshada magaalada Dhagaxbuur ee xidhitaanka ol’olaha Xisbiga Barwaaqo ee doorashada 7aad ee Dalka ayaa isku soo baxaasi ka dhacay garoonka kubada cagta ee magaalada Dhagaxbuur.
Isku soobaxan oo ay shacabka magaalada Dhagaxbuur ay tageeradooda ugu muujinayeen Xisbiga Barwaaqo ayaa waxaa fagaarahaasi kasoo qeybgalay musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ee degmooyinka gobolka Jarar iyo maamulka magaalada Dhagaxbuur uga sharaxan xisbiga barwaaqo oo ay horkacayso Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDS Marwo Ayaan Cabdi iyo xubno kale oo musharixiina.
Ugu dambayn, shacabka taageerayasha xisbiga oo taageero balaadhan kusoo bandhigay iyagoo jidadka magaalada Dhagaxbuur ilaa garoonka kubada cagta ee magaalada Dhagaxbuur lug ku maray ayaa qaar ka mida taageerayaasha xisbiga barwaaqo oo dareenkooda cabiray ay sheegeen in ay taageero buuxda siinayaan Xisbiga Barwaaqo maadaama oo shacabka kasbaday, halka dhanka kale musharixiintu ay ubalanqadeen shacabka taageerayaasha xisbiga barwaaqo in hadii codka la siiyo ay sii wadi doonaan dhamaystirka balanqaadkii shacabka uu ka qaaday Xisbigu.