Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo

Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo, Government Official, Dollo ado, Jijiga.

31/03/2026
Photos from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo's post 30/12/2025

Xafiiska Beeraha Degmada Dollo-Addo Gobolka Liibaan.

Waxaan shahaado sharaf guddoonsiinay xaafadaha modhelka ah ee cagaarinta iyo beer-xaafadeedda natiijo aad uwanaagsan ka keenay. Shaqsiyaadkan ayaa ah kuwa kudayasho mudan oo wax ka baddalay bilicda iyo guud ahaan deegaanka iyagoo guryahooda ku beeray dhirta noocyadeeda kala duwan.Waan kaga mahadcelineynaa dadaalka, ka go'naanshaha iyo dhabar adeygga ay umuujiyeen in guryahooda cagaar ka dhigaan.

Guud ahaan bulshada waxaan ku wacyigelineynaa iney dhirbeerista xoogga saaraan sifo loo helo deegaan qurxoon, qaboow, una adkeysta isbedeladda cimilada.

Photos from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo's post 27/12/2025

Degmada Dollo-Addo, Gobolka Liibaan
Xafiiska horumarinta beeraha iyo kheyraadka dabiiciga ah
Taar: 18/04/2018

Xafiiska beeraha degmada iyo hayadda RACIDA oo iskaashanaya ayaa waxaan qabaleyada fiqow dheytuli iyo wadlhube gaadhsiinay agabka iyo gashiyada kala duwan ee beeraha sida abuurka noocyadiisa kala geddisan, qalabka qodaalka beeraha, shidaal iyo matoorada waraabka oo tiradooda dhan tahay 4 matoor oo changfa ah. Taageradan ayaa qeybka ah mashruuca Boresha Nabad ee hayadda RACIDA ay kawaddo qabaleyada Degmada waxeyna tilmaan utahay garab istaagga beeraleyda iyo Xoolo-dhaqato beeraleyda xaaladda abaaraha la daala-dhacaya muddo bil gudaheed waa markii 4aad oo taagero dhinacyo badan ah lagaadhsiiyo bulshada beeraleyda ah ee qabaleyada aagga wabi daawa weyna sii socon doontaa insha Allah.

Photos from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo's post 26/12/2025

Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo iyo Hayadda DRC oo iskaashanaya waxaan abuurka xulka ah(Galley, Shamuurey, Salbuko, Sisin, cawska sudangrasska, Digir iyo Xabxab) kuwareejinay 5 iskaashato beeraley ah oo qayb ka ah mashruuca Humanitarian Development and peace Tripple Nexus project oo kahowlgala qabaleyada berdaley, suuf iyo booryale
Waxaan beeraleyda kula dardaaranay iney beertaan dalaggaa isku dhafka ah oo dad iyo duunyaba manaafacsadaan kaasoo wax ka qaban doona hadu Alle idmo
1-Damaanadqaadka cuntada(food security)
2-Nafaqadarada
3-Abaaraha

Photos from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo's post 25/12/2025

iyadoo Laga Duulayo In Xooga Lasaaro Dhinaca WaxsosaarkaTacabka Beeraha, Islamarkaana Shacabkeena Ay ka Faa'iideystaan Kheyraadkeena Dihan Ee Dhulka Iyo Biyaha Alle Nagu Maneystay,Ayaa Maanta Hogaaminta Degmada Dollow Addo Gobolka Liibaan, Ay Gaarsiiyeen Iskaashatooyinka Beeraleyda Centka Helaweyn iyo Dheeriburis Cagafyada Beeraha,mashruucan ayaa waxaa maalgelisay hay'ada mercy corps. Beerlayda Ayaa Aad & aad usoo Dhaweeyey Waxqabadka Xisbiga Barwaaqo uu markasta lagarab taagan yahay.

shaqaa dhaqaaqday.....🙏🏻😍👏

Photos from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo's post 24/12/2025

Xafiiska beeraha degmada iyo hayadda RACIDA oo iskaashanaya ayaa 4 matoor oo changafa ah, shidaal iyo abuurka cowska kala ah suudan grass iyo alpha alpha kuwareejiyay iskaashatooyinka beraleyda qabaleyada kala ah fiqow, dheytuli iyo wadlahuba.

Photos from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo's post 21/12/2025

Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh oo ay weheliyaan gudoomiyaha gobolka Liibaan Mudane Cabdulaahi Yuusuf iyo Mudane Cabdi Xasan, gudoomiyaha degmada Doollo-addo ayaa soo kormeeray dhulbeereed ku yaalla qabalaha kilimisigo ee degmada dollo addo.

Dhulbeereedkan ay masuuliyiintu kormeereen oo ay ku beeran yihiin dalagyo kala duwan waxaa leh iskaashato beeraley ah oo ay taageero farsamo iyo mid dhaqaalaba siiso hay'adda FARM AFRICA, waxaana masuuliyiintu warbixin ka dhagaysteen xubnahan iskaashatada ah ee ka faa'iidaysta dhulbeereedkan.

Masuuliyiinta ayaana kormeerkooda kaddib beeraleyda kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ku hawlan yihiin ee dhanka waxsoosaarka.

Photos from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo's post 05/12/2025

Xafiiska Beeraha iyo Hay'ada DRC oo iskashaanaya ayaa iskashatoyin beeralay ah u qeybiyay motorada waraabka taasi oo qeyb ka ah Barnaamijka dalag iyo daryeel iskaashatoyinka oo ka dhisan qabaloyinka Bardaaley, Suuf 02 iyo Boryale aya waxay balanqaaden inay tabaca beeraha kor u qaadi doonaan si looga gaashaanto abaarta ba'an ee dadka iyo duunyadaba saameysay

Photos from Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga Ee Deg. Dollo Addo's post 21/11/2025

xafiiska beeraha degmada iyo hay'ada RACIDA oo iskaashanayo ayaa qabalayasha Dheytuli iyo Wadlahube ee degmada dollo aado aya waxay uqeybiyen abuurka (galeyda) iyo qalabka beeraha iyado dhanka kale beeralayda lagu wacyigaliyay inay xooga saaran tabcashada beeraha si looga gaashanto abaarta daran ee jirta

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Dollo Ado
Jijiga