Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

Share

The agency legally manages government houses and at the same time works to find solutions to housing.

Wakaaladdu waxay si sharciga waafaqsan u maamushaa guryaha dawladda, isla markaana waxay ka shaqaysaa sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka guryaha.

Photos from Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS's post 05/04/2026

Dhagaxbuur — Madaxweynaha DDS, ayaa xadhigga ka jaray sayladda casriga ah ee xoolaha magaalada Dhagaxbuur, mashruuc ay ku baxday in ka badan 63 milyan oo birr.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga JDFI, Dr. Kaasahun Goofe Iyo Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada, Cabdiqaadir Iimaan (P.hD) ayaa daah-furay mashruuca sayladda xoolaha ee magaalada Dhagaxbuur, xarunta gobolka Jarar.

Sayladdan casriga ah oo ay ku baxday in ka badan 63 milyan oo birr, kuna fadhida dhul dhan 37,500 m² (150m × 250m), ayaa si weyn u xoojin doonta ganacsiga xoolaha magaalada, maadaama xooluhu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha bulshada deegaanka. Sayladdan ayaana faa’iido weyn u yeelan doonta ganacsatada xoolaha iyo xoolo-dhaqatada gobolka.

Mashruucan oo uu dhagax-dhigay Madaxweynuhu 3-dii bishii June 2025 G.c, ayaa kharashka ku baxay waxaa bixisay Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan mashruuca DRIVE oo uu dhaqaalihiisa bixiyo Bangiga Adduunku.

Ugu dambayn, sayladdan ayaa la filayaa inay noqoto xarun ganacsi oo muhiim ah, isla markaana door weyn ka qaadan doonta koboca ganacsiga xoolaha ee magaalada iyo gobolka. Bulshada magaalada ayaana si weyn usoo dhaweeyay mashruucani.

Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

Photos from Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS's post 05/04/2026

Banaanbax lagu taageerayo midhaha guusha 24-ka Megaabit oo ka qabsoontay xarunta Deegaanka ee magaalada jigjiga.

Kumanaan kun oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa isugu soobaxay si ay taageero iyo bogaadin ugu muujiyaan xuska maalinta 24-ka Megaabit oo ah maalintii uu dalka ka curtay isbedelka sideed sano jirsaday.

Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale shacabka caasimada ee Jigjiga kala soo qaybgalay hogaaminta xukuumada deegaanka oo uu ugu horeeyo Eng. Maxamed Shaale, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomalida, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta Marwo Xaliimo Xassan, Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Mudane Maxamed Aaden, Duqa Maamulka Magaalada Jigjiga iyo masuuliyiin kale.

Eng. Maxamed Shaale, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo oo fagaaraha munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in isbedelkii dalka iyo deegaankaba ka dhacay uu tusaale cad u yahay nabadgalyada iyo horumarka ka hanaqaaday Deegaanka Soomaalida oo maanta hormuud ka ah dhamaanba deegaanada dalka.

Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

Photos from Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS's post 01/04/2026

Jigjiga: Waxaa xadhiga laga jaray guryo wadareedyo loo dhisay danyarta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada Jigjiga.

Munaasabadda xadhigjarka ayaa waxaa goobjoog ahaa madax heer dal iyo heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin Madaxa Waaxda Maamulka iyo Hantida Xisbiga Barwaaqo ee heer Dal Mudane Birhaanu Fayisa, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka Soomaalida, Eng. Maxamed Shaale Isaaq, Duqa Caasimadda Jigjiga, Eng. Shaafi Axmed iyo marti sharaf kale.

Guryahan oo ah kuwo loo dhamaystiray adeegyadii aasaasiga ahaa laguna wareejiyay 15 qoys oo isugu jira danyar iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ah mashruuc uu fuliyay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee heer dal, kuwaas oo qayb ka ah halbeegyada xisbiga ee lagu hagaajinayo nolosha dadka tabaalaysan iyo xaqiijinta horumar loo siman yahay.

Masuuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa xusay in tallaabadani ay tahay dhiirigelin ku aaddan iscaawinta bulshada iyo fulinta himilooyinka fog ee xisbiga iyada oo laga duulayo aragtida ah in horumarka la wada gaadhsiiyo bulshada qaybaheeda kale.

Intii ay socotay munaasabadu, waxaa abaalmarinno kala duwan la guddoonsiiyay xafiisyadii iyo wakaaladihii doorka ka qaatay dhismaha iyo dhamaystirka mashruucan.

-Xidhiidhka-Dadwaynaha
Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

Photos from Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS's post 01/04/2026

Madaxwayne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo uu weheliyo Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Axmed Shukri Cabdi, ayaa Maanta Shahaadada Xubinidama Ururka Iskaashiga Magaalooyinka Itoobiya (Ethiopian Cities Association) gudoonsiiyay 26 Magaalo oo kamid ah Deegaanka Soomaalida.

Magaalooyinkan ayaa Xubin buuxa kanoqday Ururkan kadib Markii uu Xafiiska Horumarinta Magaalooyinku dadaal badan kubixiyay sidii ay Magaalooyinkani ugu biirilahaayeen Ururkan oo ahmiyad badan uleh Horumarinta iyo Kobcinta Awooda Magaalooyinka.

Magaalooyinkan oo kakooban 25kii Maamul Magaalo ee dhawaan la ansixiyay iyo Maamulka Magaalada Qabribayax, ayaa sidookale maanta loosoo gabagabeeyay tababar laxidhiidha Kobcinta Awooda hogaaminta Magaalooyinka Deegaanka ee Xubnaha ka ah Ururkan oo ay kumidaysanyihiin 178 Magaalo oo kamid ah dalka kuwaas oo 32 kamid ah ay yihiin Deegaanka Soomaalida.

Kamidnoqoshada ururkan ayaa Magaalooyinka Deegaanka fursad usiinaya inay kafaaiidaystaan fursadaha uu bixiyo ururkani oo ay kamidyihiin Helitaanka Deeqaha Dibada, Kor uqaadida Dakhliga, Kobcinta Awooda iyo helitaanka Waayo-aragnimada Magaalooyinka dalka iyo dibada.

-Xidhiidhka dadwaynaha
Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

19/03/2026

Mareeyaha Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS, Mudane Cabdisalaam Sheekh Cumar, ayaa hambalyada munaasabadda Ciidul Fidriga la wadaagay shacabka Deegaanka Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta dalka Itoobiya Iyo Kuwa Caalamka.

Mudane Cabdisalaam Sheekh Cumar wuxuu dhammaan ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha badan ee Ciidul-Fidri, isaga oo u rajeeyay in ay ku gaaraan nabad, caafimaad, iyo barwaaqo. Sidoo kale, wuxuu Alle uga baryay in uu ka aqbalo cibaadadii bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana ciiddaan ka dhigo mid farxad Barwaaqo, Nabadgaloyo iyo midnimo keenta.

-Xidhiidka_Dadqaynaha
Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

19/03/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Fidriga 1447 Hijriyada u diray shacabka Deegaanka, Dalka iyo Muslimiinta caalamka.

-Xidhiidhka_Dadwaynaha
Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

19/03/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Fidriga 1447 Hijriyada u diray shacabka Deegaanka, Dalka iyo Muslimiinta caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada ugu hambalyeeyay farxadda iyo kheyrka maalintani Ciidda, isaga oo Alle ka baryay in Muslimiinta uu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee ay sameeyeen intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadaan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen cibaadadii, is-caawintii iyo u gargaaridda danyarta.

Madaxweynaha ayaa ku dardaarmay in Khayrkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee la soo waday bisha barakaysan ee Ramadaan la sii wado, isla markaana aanay halkaas ku hakanin, maadaama marwalba loo baahanyahay wanaagga iyo khayrka.

-Xidhiidhka_Dadwaynaha
Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

Photos from SRTV  Somali's post 18/03/2026
Photos from Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS's post 16/03/2026

Shirka Diyaarinta iyo Dib-U-eegista Xeeladaha Horumarinta Guriyeynta Shanta Sano ee soo socota {5 Years plan Review Meeting}
************************************
Waxaa maanta si habsami leh uga qabsoomay hoolka shirarka ee wakaalada kulan lagu falanqaynayey
Qorshaha iyo geedi-socodka shanta sano ee soo socota (5 years plan review meeting) ee wakaalada horumarinta iyo maamulka guriyeynta.

Hadaba shirkan oo ay soo diyaariyeen waaxda qorshaynta wakaalada ayay ujeedadiisu ahayd wargalinta iyo la socodsiinta shaqaalaha hadafka iyo yoolka ay wakaaladu hiigsanayso shanta sano ee soo socota.

-Xidhiidhka_Dadwaynaha
Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS

Photos from Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS's post 22/01/2026

Hambalyo Shacab waynaha DDS waa maalinka jiritaanka iyo Aas Aaska Deegaanka Soomaalida.

Photos from Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS's post 08/11/2025

Waxaa maanta oy taariikhdu tahay29/02/2018
Tababar ku saabsan Maamulka iyo Anshaxa shaqaalaha Dawlada ayaa waxaa loo qabtay shaqaalaha Wakaalada Horumarinta iyo maamulka guriyeynta DDS, tababarkaas oo ay kasoo qaybgaleen shaqaalaha Wakaalada ayaa waxaa furay ku Xigeenka Maareeyaha Wakaalada Mudane, Engineer Barre Faysal, islamarkaasna wuxuu kula dar dar daarmay inay shaqaaluhu mudada ay socdaan casharada tababarkani inay sifiican u qaateen oo ay ilaaliyaan saacadaha.
Hadaba Tababarka oo ay ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa nidaamka maamulka, anshaxa iyo adeeg bixinta shaqaalaha ee Wakaalada Horumarinta iyo maamulka Guriyaynta ayaa waxaa soo jeediyay macalimiin & Tabararayaal ka socday Xafiiska Adeega Shacabka ee DDS.

Photos from Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS's post 07/10/2025

Waxaakalada hormarinta Iyo maamulka guriyeynta ayaa soo Agaasintay kulan lugu soo jeedin hayey Bayaanka Xakamaynta Kirada Guryaha Shacabka oo ahaa Bayaan guud oo mudo sanad kahor ah Ay ansixiyeen Golaha wakiilada Shacabka jamuuriyada Federal itoobiya .
kulankan waxaa furay Madaxa Xafiiska hormarinta magaalooyin iyo dhismaha ee DDS iyo Masuuliyiinta Wakaalada
Kulan waxaa kasoo Qaybgalay Maareeyaasha xafaadaha Maamulka magaalada Jigjiga
Soo jeedin iyo Dood dabadeed Waxaa la isla qaatay in Bayaankan sida oogu dhakhsaha badan looga Dhaqan Galiyo Maamulka magaalada Jigjiga.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Kebele 06
Jijiga

Opening Hours

Monday 02:00 - 17:00
Tuesday 02:00 - 17:00
Wednesday 02:00 - 17:00
Thursday 02:00 - 17:00
Friday 02:00 - 17:00