23/08/2019
HALGANKA NOLOSHA
Marka h**e qofku waa in uu iswaydiiyaa maxaa tahay adi? Qof noocee ah ayaa tahay? Sidee unooshahay? Maxaa dadka kale kaga duwantahay? Ma qof wanaagsan baatahay mise qof xun? Sidee isku tihiin socdaalka nolosha? Waa kuma qofka aad rabto in aad noqoto?
Maxaa naftaada ka badali kartaa? Su'aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayaan rabnaa in aan iswaydiino.
Haddaba waxaa lagaa rabaa in aad tiraahdo ani waxaan ahay ruux nolosha kaga jira dabaqad hoose, waxaana ahay ruux aan bulshada ku lahayn sucmad, waxaan ahay ruux aan lahayn karti, waxaan ahay ruux nacay nolosha iyo sida aan u noolahay. Waayo soomaalidu waxay dhahaan "Habacsani heer kuma gayso". Taas oo ay ula jeedaan qof isagu isnacay cidna ma gayn karto darajo uusan lahayn, mana ka dhigi karto halyay iyo ruux lagu hirto. Balse deegaanka iyo meesha aad ku nooshahay waxay saamayn ku yeelan kartaa hab nololeedkaaga sababtoo ah haddaad ku nooshahay deegaan lagu bahdilo dadka waxaad noqon qof bahdilan oo fakar iyo hal abuurtoona lahayn. Balse haddaad joogto bay'o lagaa ixtiraamo, qadarin, qiimo, magac iyo maamuus ku leedahay waxaad noqon qof leh han sare kana gudba mar xalad kasta oo noloshaada ku ah lid iyo caqabad. Waxaadna ugudbi marxalad aad usaraysa oo aan lagaarin abid.Waxaad dhahdaa ani waxaan ahay ruux aan bulshada kaga jirin baal dahab ah, aysan cidna itirsan, haddaan joogana aan lay magacaabin haddaan tagana aan lay soocelin haddaan maqanahayna aanlaytabin. Asii aan maanta rabo in aan iska beddalo dhaqankaa oo aan noqdo qof bulshada ka dhex muuqda leh magac iyo maamuus
haybad iyo sharaf.Waxaana jeclahay in laygu yeero halyaygii dunida, markii lay arkana in fadhiga layga kaco, markii aan maqanahayna lay tabo oo lay raadsho, markii aan tagana lay soocesho. Soomaalidu waa iyaga dhaha "Meesha ka muuqo ama ka maqnow", waa in aad tahay qof meel walba aad joogto laga ixtiraamo adna ixtiraama dadka kula nool iyo kan kuu ah cadawga iyo kan kuu ah cadawga iyo kan kuu ah saaxiibka.
Fadlan Page.ka Like Saaro Kuna Xirnoow
22/08/2019
Amaanka Jubaland Ma Sugno Halis Ayuuna Ku Jiraa Magaalada Kismaayo Waxaa Dhinacyada Ka Degan Alshabaab Oo Wax 10km Ka Yar Ujiro
Hantidii Maguurtada Ahayd Sida Dhirta Oo Kale Ayuu Xaalufiyay Dibada Ayuuna Usuuq Geeyay Si Sharci Darro ah
Shacabka Ku Nool Jubaland Waa La Cadaadiyaa Qof Walba Oo Xukunkiisa Kasoo Horjeedsado Wuu Xidhaa Wuu Jidhdilaa Hanti iyo Guryo Wixii uu Haystana Wuu ka Qaataa
Midnimadii iyo Sharaftii Umada Soomaaliyed Ayuu Meel Kaga dhacay Asagoo Ciidan Kenyan ah Si Sharci darro Ah Ukeenay Kismaayo Shacabkana Ku Caburiyo
Ciidanka iyo Shaqaalaha Dawlada Si Joogto ah Oma Siiyo Mushaarkooda Hadii ay Waayaan Ma Hadli Karaan Oo Wuu Xidhaa
Odayaasha Dhaqanka Ayuu Bahdilaa Sharaftoodana Meel Oga dhacaa Wuuna Masaafuriyaa Hantidoodana wuu La wareegaa
Masoo koobi karo Ka Hadalka Mujrimkan Daalimka ah Ee Dadkiisa Gumaaday Ee inta Kale idinka Ku Dara
Qoraalka Like Saara Oo Share Gareeya
22/08/2019
1. Si aan nafteena u xak**ayno
Marka ruuxu leeyahay barnaamij dhamaystiran oo nidaamsan oo miisaaman , si uu hadafkiisa u xajiijiyo wuxuu dareemayaa inuu noloshiisa maamuli karayo, wuxuuna yeelanayaa awooda uu ku bilaabayo shay walba oo u qorshaysan noloshiisa. Awooda
uu leeyahay ruuxa qorsheeya noloshiisu waa mid aad u wayn, waxayna kaa caawinaysaa inuu ka gudbo caqabaad fara badan, taasoo u suura galinaysa inuu arko wax badan oo dadka kale ka qarsoon.
Aragtida uu arkayo hadafkiisu waxay siinaysaa awood dheeraada oo keenta sugnaasho iyo deganaasho uu ku waajaho
dhib kasta oo ka hortimaada, dhibaatooyinka noloshana ka dhigta mid uu si dhib yar uga gudbo. (Maxaa ka fiican inaad xaqiijiso wax dadka kale ku adkaaday sida uu yidhi Aristoo).
2.
Marka aad qorato hadafkaaga oo dejiso qorshahaaga waxaad arkaysaa in kalsoonida naftaadu ay si wayn u kordhayso. Kalsoonidani waxay la kordhaysaa markasta oo naftaada
maamulkeedu ay korodho oo aad awood u hesho xaqiijinta hadafkaaga , kalsoonidaas oo kuu horseeda horumar dheeraada taas oo kaa dhigaysa ruux ku haboon xaqiijinta natiijooyin waawayn
(Ruuxa naftiisa ku kalsoon ma jirto cid ka hor istaagi karta oo ka joojin karta waxa uu doonayo) sida uu yidhi ninkalayidhaahdo Arshamiidis: (ii calaamadee meesha aan u socdo waxaan kuu dhaqaajin dhulka)
L Soco Cashirka Dambe
21/08/2019
SUBAX WANAAGSAN
CASHIRKEENA WUXUU KU SAABSAN YAHAY
AQOON DARADA
Waxaa jira dad aad inoogu waafaqsan waxa aan ka sheekaynayno oo ah in ruuxu hadaf yeesho, laakiin dhibta haystaa ay tahay iyaga oo aan lahayn aqoon, taas oo u suuragalin lahayd xaqiijinta hadafkooda iyaguna nasiib daro uma dhaqaaqaan sidii ay u heli lahaayeen aqoontaas.Waxaa wax lala yaaba ah ruux doonaya inuu wax helo hadana aan ku hubaysnayn aqoontii gaadhsiin lahayd shayga uu doonayo.
Mid kamida saaxiibaday ayaa ii sheegay in himiladiisu ay tahay: inuu noqdo Jilaa aad loo jecelyahay, laakiin waligay ma arag isaga oo xaadiraya siminarka lagu barto Jilaanimada, amase isaga oo akhrinaya buugta ka hadlaysa Jilaanimada , wax talaabo ah ma qaadayo, sidaa awgeed himiladiisu waxay iska noqonaysaa yididiilo kaliya .Markii aan waydiiyay maxaad u qaadi wayday talaabooyin si aad hadafkaaga u xaqiijiso? wuxuu iigu jawaabay: garan maayo meel aan ka bilaabo iyo si aan u bilaaboHadii uu ruuxu isku dayi waayo inuu barto sida uu u dejisanayo hadaf cad oo noloshiisa ah, oo uu xaqiijinta hadafkiisana waqti cad u yeeli waayo, wuxuu ahaanayaa mid maxbuus ahSida saaxiibkeenaa doonaya inuu noqdo Jilaa, hadana jawaabtiisu noqotay: (garan maayo meel aan ka bilaabo)
Wuxuu leeyahay Zaj sajlar (waa laga yaabaa in cid kale marmarka qaarkood kuu diido inaad wax qabsato, laakiin adigaa inta badan naftaada u diida inay wax qabsato)Adiga kaliya ayaa awood u leh inaad naftaada xor ka dhigto si ay u samayso waxa ay doonayso, ama adiga uun baa u diidi kara.
Cashirka Dambe Waxaan Kaga Hadli doonaa HADAFKA
Fadlan Page.ka Saar
Postigaba Garee Oo Gaarsii Saxiibadaa
Kuna xirnoow Bogeena
20/08/2019
WAXYAABAHA INOO DIIDA INAAN YEELANO
3, DIB UDHIGISTA
Dib u dhigistawaa tuuga sadexaad ee xada cimriga qofka, kaas oo lumiya ruuxa noloshiisa kana dhiga bilaa hadaf. Dib u dhiga hadii aan si fudud kuugu qeexo waa: dib u dhiga shaqada maanta aad qaban lahayd oo aad barri dib ugu dhigto, sidaana cimrigaagii ku lumo, adiga oo aan waxba qabsan oo kaliya ku nool yididiilo been ah.Ruuxa dib wax u dhigaa wuxuu jecel yahay kalmada (kadib) iyo kalmada (waan samayn doonaa). Waana shaqsi ku takhasusay inuu xujo iyo cudur daar u helo wax qabad la’aantiisa.
Waxaad maqli mararka qaarkood isaga oo leh: (jawigu aad buu u xun yahay, kumana haboona in shaqo la qabto). Waxaa
kale oo uu yidhaahdaa: (jawigu waa mid aad ugu fiican in la raaxaysto oo la nasto) Ruuxa dib u dhiguhu waa ruux rumaysan ahmiyada uu hadafku leeyahay, laakiin ma laha iimaan aad u xoog badan, wuxuu ku noolyahay yididiilo ka madhan rumayn xoogan. Nasiib daro sida caadada ah hadii ruuxa dib u dhigga ku tilmaamani mar ama laba nafta siiyo fursad dib u dhigeed intaa kadib waxaa ku adkaata sidii uu naftiisa u maarayn lahaa. Sida aan wada ogsoonahay waxaan noolahay nolol kaliya, mar labaad ma soo noolaanayno, inkasta oo dhamaanteen aan arintaa ka dharagsanahay hadana dad aad u tiro yar ayaa ku camal fala oo ku dadaala sidii ay faaiido badan u xaqiijin lahaayeen noloshaa yar dhexdeeda.
La Soco Cashirka 4aad Oo Ku Saabsan 'Rumayn La.aanta Ahmiyada Hadafka '
Fadlan Qoraalka Share Garee Bogeena like Saaro Kuna Xirnoow
19/08/2019
WAXYAABAHA INOO DIIDA INAAN YEELANO
2, WAA TASHWIISHKA RUUXDA QOFKA
Xikmad h**e ayaa tidhaa: suuragal uma aha ruuxu inuu shaqo isdaba joog u qabto, hadii aanu camalkaasi waafaqsanayn aragtidiisa. Aragtida naftadaada ee khalkalka ku jirtaa ruuxa ayay noloshiisa oo dhan saamaysaa, taas oo dareensiinaysa inaanu ruuxu ku haboonayn inuu guulaysto, guushana loo abuuray oo kaliya dadka kale, sidaa awgeed baa waxaan aragnaa isaga oo habawsan oo aan waxba ka garanayn hadafka noloshiisa, waxa uu doonayana aan xadidi karayn.
Hadaba sida fiicani waxay tahay aragtida khalkhalka ku jirtaa waa arin ruuxu ka dhaxlo la dhaqanka dadka, taasoo oo ka dhalata waaya aragnimada noloshiisii h**e, sidaa awgeed suuragal maaha inuu baddalo ilaa uu yeesho go’aan adag, hadii kale wuxuu noqon dameeri dhaan raacday, kaas oo iska aqbala, raali galiya, ku qanca, iska waafaqa go’aan kasta, umana arko inay muhiim tahay inuu naftiisa hadaf u yeelo. Tom Addison ayaa kuwaa ku tilmaamay: (guuldarayaasha kuwa ugu waawayn waa kuwa ka baqa tijaabada).
Hadiise aad kamid tahay dadka ku sifaysan damac sare oo meel sare aad ku gaadho, oo diida hoosaynta, oo indhihiisu hiigsadaan kaalinta koowaad diidana inay kaalinta labaad galaan, Sida uu yidhi Kanadi (mar kasta oo aad raali ka noqoto inaad darajada labaad gasho intaa in kabadan gaadhi maysid)
Mar Walba Kala Soco Bogeena Qoraalo Ku Dhiirigaliyo Naftaadana Wax Wayn Ka Badalo
Ha Hilmaamin inaad Like Saarato Kuna Xirnaato
19/08/2019
WAXYAABAHA INOO DIIDA INAAD YEELANO
1,
Cabsidu waa cadawga ugu wayn ee qofku leeyahay, marka cabsidaasi ay dareenkaaga qabsato waxay sababtaa xaalad xun oo khalal ku rida fikirkaaga taas oo keenta inuu ruuxu ka baqo barri iyo inuu ka baqo in dadku ay aqbali waayaan iyo inuu guusha lafteedaba ka baqo.Cabsiduna inta badan waxay ka dhalataa khibrado h**e oo xanuun leh oo qofka h**e u soo maray, taas oo maskaxda qofka u dirta fariimo taban (negative) oo burbur ku keenta.
Fashalka h**e kuugu dhacaa wuxuu ruuxa kaga tagaa cabsi ah inuu mustaqbalka ka baqo iyo inuu tijaabo cusub sameeyo mar labaad, waayo wuxuu ka baqayaa inuu ku dhaco wixii h**e ugu dhacay wax la mida.
Wuxuu ku sheegay Sij Sijlar kitaabkiisa buurta dusheeda (top of the mountain): (Cabsidu waxay isku kaa tusaysaa inay tahay sida kaliya ee
aad Amaan ku helayso oo khiyaali ah oo u muuqda inuu dhab
yahay).
Akhristoow ruuxa cabsanayaa waa ruux xidhan oo jeel ugu jira khiyaali, shaki iyo kalsooni daro,sidaa awgeed si aad hadafkaaga u dejiso waa inaad la dagaashid cabsida oo aad ku hubaysnaato geesinimo si aad u waajahdo khaladaadkii h**e iyo dib u saxidooda iyo ka faaiidaysigooda halkii aad u noqon lahayd la hayste jeel ugu jira cabsida
La Soco Cashirka Labaad Oo Ku Saabsan Saacada Bariga Afrika Marka ay Tahay 8:00 Duhurnimo
Mar Walba Kala Soco Bogeena Qoraalo Ku Dhiirigaliyo Naftaadana Wax Wayn Ka Badalo
Ha Hilmaamin inaad Like Saarato Kuna Xirnaato
19/08/2019
" Qoraa waliba wuu dhiman doonaa, wuxuu gamcihiisa ku qorayna wax ka danbeeya oo ka hadha ayay noqon doonaan; ha qorin wax aanad ku farxi doonin maalinta qiyaamaha in aad aragto "
Kusoo biir Bogeena Oo Like Saaro Kana hel Buugaag bilaash ah oo Nooc Walba Leh Qisooyin sheekooyin in Qoraalo Ku Dhiirigaliyo Waxna Ka Badalo Noloshaada
19/08/2019
QAYBTII LABAAD
Waxaan ku idhi: fiican badan, waxaan arkaa inaad tahay dadka noloshooda si fiican u qorsheeyaIsaga oo dhoola cadaynaya ayuu yidhi: haa, gaar ahaan fasaxyada waayo qorshaha fiicani wuxuu kaa ilaalinaya inay kugu dhacaan waxaanad filanayn waxaa kale oo uu kuu dhawrayaa waqtigaaga arimo badan oo dhib kugu keeni lahaana waad ka badbaadaysaa.Hadana su’aal kale ayaan dagdag u waydiiyay: hadaba ma jiraa barnaamij nidaamsan oo nolol maalmeedkaaga aad u dejisay? Wuxuu ku jawaabay: taasi waxay u baahan tahay waqti iyo dadaal badan, taasina maaha mid aan awoodi karo, laakiin waxaan qorshahayga mustaqbal ku haystaa maskaxdayda
U fiirso akhristoow : Saaxiibkeen wuxuu qorshe aad u fiican u dejiyay fasaxiisa isaga oo adeegsanaya wax kasta oo ka caawinaya inuu xaqiijiyo hadafkiisa, laakiinse wax dan ah k**a laha qorshaha noloshiisa k**ana fikirayo sidii uu habayn lahaaRuux kale ayaa wuxuu igu yidhi: anigu ma rumaysni in la dejiyo qorshe iyo hadaf toona, waxaanan u arkaa inay tahay waqti lumis. Wuxuu ii sheegay inuu akhriyay kutub badan, oo uu xaadiray siminaaro badan , oo uu isku dayay inuu dajisto hadaf, laakiin waxaas oo dhani ay noqotay hal bacaad lagu lisay.Waxaan waydiiyay, ma u safri kartaa meel cusub oo aanad h**e u arag adiga oo aan haysan khariirad kuu cadaynaysa sida aad u soconayso oo kaaga jawaabaysaa su’aalaha ah imisa kilo mitir ayaad jartay imisaase kuu hadhay goormaadse gaadhaysaa? Si degdega ayuu iigu jawaabay maya suuragal maaha inaan safro khariirad la’aan hadii kale waa khatar. Waxaan ku idhi: haa waa khatar hadaba ii sheeg maxaad samaysaa marka aad u safrayso magaalo aanad h**e u tagin?Wuxuu iigu jawaabay: marka h**e waxaan xadddidayaa dhinaca ay iga xigto, waxaan xaddidayayaa sababta aan u tagayo, kadibna waxaan diyaarsanayaa khariirada dariiqa oo macluumaad badan ayaan urursanayaa, oo aan is waydiinayaa dariiqu ma yahay mid aamina waxaan waliba ogaanayaa waqti intee, le,eg ayay igu qaadanaysaa tagitaanka magaaladaasi iyo macluumaad kale oo safarkayga iga caawinaya.Mar labaad ayaan su’aashii ku celiyay oo aan idhi: bal ka waran hadii aanad waxaas oo dhan samayn? Wuxuu si degdega iigu jawaabay waxaa hubaala inaan lumayo.Tanina waa tusaale qof kale oo diiday inuu galo safar laba maalmood qaadanaya isaga oo aan qorshaysan, laakiinse ma rumaysna inuu qorshe u dejiyo noloshiisa dhan umana arko inay taasi faaiido u leedahay
: Noloshiisuna waa mid wareer iyo tiih ku jirta :
Ha Hilmaamin inaad Mar walba ku xirnaato Bogeena like Saar
19/08/2019
Waan soconaa laakiin xageen u soconaa?
Nabigu wuxuu yidhi naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha
ahaatee:
way dhani oo dadka)) (كل الناس يغدو فبائع نفسه فمعتقها أو موبقها)
kalahayaan oo nafahooda ayay iibinayaan waxaa kamida mid
naftiisa xoraynaya iyo mid nanaftiisa halaagaya).
Macnaha xadiisku waxaa weeye: qof kasta oo ku sugan
dunida wuu dadaalayaa, waxaa kamida mid socda dariiq cad
oo muuqda, kaas oo naftiisa aduun iyo aakhiraba u faaiideeya
waxaa kale oo kamida dadka mid dadaalaya, laakiin
jahawareersan oo socda dariiq qalooca oo ku ridaya boholoiyo jarar dhaadheer
Qof kasta oo inaga mid ah wuxuu nolosha ka leeyahay damac
iyo himilo laakiin waxaa dadka kamida mid aan marnaba
fadhiisan ama nasan ilaa uu ka xaqiijiyo himiladiisa oo ka
dhigo waaqic la taaban karo.
Waxaa kale oo kamida mid ilooba yididiiladiisa quruxda
badan hadafkiisuna yahay luqmada cayshka iyo carruurtiisa
baahideeda iyo bixinta dayntiisa, kadibna aayar iska dhinta
Inkasta oo awooda bani aadamku ay tahay mid aad u wayn
taas oo aynu qadar aad u yar oo kaliya ka adeegsano, inteeda
badana ay tahay mid dayacanta oo ay u sabab tahay adeegsi
la’aanta iyo inaga oo aan helin dhaqaajiye iyo damac hadafeed
qoran oo cad, waxaa wax lala yaaba ah jiritaanka xaqiiqooyin
dhab ah oo hadana aan ka indho la’nahay iyada oo xaqiiqadaasi
tahay mid sida qoraxda u cad.
Maalin maalmaha kamida ayaa waxaan la hadlayay mid kamida
maamulayaasha sharikaadka kanada, waxaan waydiiyay:
miyaad qaadatay fasaxaagii sanadkan?
Wuxuu iigu jawaabay: haa, waxaan tagay dalka Maksiko
waxaanan joogay laba asbuuc oo kaamila
Waxaan ku idhi: way fiican tahay, sidee baad fasaxaagaas u
qorshaysay?
Wuxuu yidhi: waxaan xaddidnay miisaaniyadii safarka hadana
waxaan qorshaynay meeshii aan tagi lahayn kadibna waxaan
la xidhiidhnay sharikaad badan oo ah kuwa dalxiiska si aan u
doorano mida ugu fiican, waxaanan dooranay tii ugu fiicnayd,
kadibna safarkii ayaan galnay oo Maksiko ayaan tagnay kaas oo aan aad ugu raaxaysanay
La soco Qaynta Labaad
18/08/2019
Buuga National Security Service Waa Buug Ka Hadlayo Hay.adii Sirdoonka Ee Qaranka Somaliya Awoodii Ay Lahayd Xiligii dawladii dhexe iyo Qaabka ay Ushaqayn jirtay iyo Guulihii ay gaartay Waqtigaas
Buuga Waa PDF Waana Lacag la.aan Si deg deg ah ayaan Kuugu soo diraynaa meel walba oo joogto Lambarkaada Qaybta Messege.ka Noogu soo dir
Shuruudaha Si aan Kuugu soo dirno
1, Bogeena Like Saar
2, Postiga Share Garee Oo Gaarsii Saaxiibadaa
17/08/2019
GUUSHU WAA SIDA BAADI KAA MAQAN
Guushu, waxaan ku meteli lahaa in ay tahay sida baadi kaa maqan oo kale. Abwaan Qamaan Bulxan, wuxuu yiri “Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badane, oo aan doonahayn in aad heshana daayin abidkaaye.”Guushu, dad baa kula deydeyi daalna kaa badane, oo aan doonayn in aad gaarto daayin abidkaa! Haddii aad isleedahay jaamacadda ka qalinjebi, dad baa kula deydeyi daalna kaa badane. Haddii aad qorshaynayso in aad buug qorto si aad u noqoto qoraa magac reebay, dad baa kula deydeyi daalna kaa badane oo weliba aan doonayn in aad gaarto daayin abidkaa.
Haddii aad isku diyaarinayso in aad noqoto madaxweynaha Soomaaliya, dad baa kula deydeyi daalna kaa badane oo aan daanayn in aad gaarto daayin abidkaaye.Haddaba, taladu waxay kuu suubban tahay subaxaad joogtaaye, waxaan talo kugu siinayaa inguusha aad usoo sahay qaadato, boorkana iska soo jafto waayo guuli laguma gaaro meel fadhi ama xaglo laaban.Waxaad ku dhex nooshahay qarni nolosha adduunyo lagu jaan gooyo maaddo. Bal eeg!
Haddaad sabool tahay ama aadan ahayn guulayste magac leh waxaad arki doontaa in aan la tixgelindoonin qofnimadaada iyo milgahaaga, laakiin haddaad tahay qof hantiile ah ama magac iyo muuno u saaxiib ah waxaad arki doontaa iyada oo ay dadku kuu sacbinayaan, kuuna adeegayaan. Haddase, Sababtu maxay tahay?
La Soco Caahiro Kale Oo Xiiso Macaan
Ha Hilmaamin inaaf Bogeena like Saarato Kuna Xirnaato