05/04/2026
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga JDFI, Dr. Kaasahun Goofe ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga.
Waxaa sidiiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil Waal kuna soo dhaweeyeen masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS Mudane Abdulhakim Sheik Hassen Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada Cabdiqaadir Iimaan (Ph.D), iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiinta ayaa ka qayb geli doona xadhig-ka-jarka saylada casriga ah ee laga hirgaliyay magaalada Dhagaxbuur.
Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska.
02/04/2026
Ogaysiin Ogaysiis Ogaysiis
""""" """""" """""" """""" """"" """"""""
Fursad shaqo oo kabanaan wakaalada duulista rayidka ethiopia(ethiopian civil aviation Authority).
Dhamaan muwaadiniinta u dhalatay deegaanka soomaalida ee wax kusoo baratay jaamacadaha kala duwan ee dalka waxaa lagu war galinayaa in ay jirto fursad shaqo oo ka banaan wakaalada tuulista rayidka ethiopia(ethiopian civil aviation Authority).
Hadaba shirkadu waxa ay doonaysaa in ay tartansiiso isla markaana si joogta ah u shaqaalaysiiso muwaadiniinta ku guulaysata tartanka buuxiyaana shuruudaha looga baahanyahay lagana shaqaleeyo gagada diyaaradaha ee dalka iyo laamaha deegaanada.
Hadaba hadaad danynayso soo qaado Document iskana soo diwaan gali xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS waaxda cududa shaqaalaha.
Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska.
30/03/2026
Waxaa hoolka shirarka ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS ka qabsoomay shirkii iskaaashiga Xubnaha Xisbiga Barwaaqo ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS kaasuu shirgudoominayay madaxa xafiiska mudane AbdulhakimSheikHassen.
Halkaas oo ay kasoo qeybgaleen hogaaminta Xafiiska.
Ajendayaasha Shirka
1. Warbixinta Waxqabadka Iskaashiga ee 9-ka bilood ee SM-2018 T.I. (Conference).
2. Hamsami usocodka howlaha doorashooyinka 7aad ee heer qaran 2018.
3. Doorka qaabdhismeedyada xisbigu kaqaateen howlaha doorashooyinka.
4. Dhaadhicinta Jaraa-idka Xisbiga ee X.M.DDS.
5. Dhaadhicinta jihooyinkii shirka hogaaminta sare ee xisbiga Barwaaqo ka soo baxay.
6. Dardar-galinta shaqooyinka iskaashiga iyo qoysaska Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS.
Halkaas oo ajandayaasha si qota dheer ay uga doodeen xubnaha xisbiga ee Qaabdhismeedyada Xisbiga Barwaaqo ee Iskaashiga Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS.
Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Xafiiska.
26/03/2026
Magabit/17/2018 Shirkii Joogtada ah ee sectarka gaadiidka ayaa ka qabsoomay madasha Kulamada ee xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka oo uu hogaaminayay kuxigeenka madaxa xafiiska mudane xasan sh yusuf.
Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiinta komishinka booliska DDS oo ugu horeeyo general xasan kuxigeenka kumishinka booliska iyo sarakiisha kaladuwan,masuuliyiinta xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka iyo dhammaan agaasinada xafiiska sidookale xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka Maamulka magaalada jigjiga.
Waxaa lagu gorfeeyay arimo muhiim ah sida:- dhimista shilalka,Hirgalinta shuruucda gadiidka iyo qaadashada boolada ama geedi socodka farsamo baadhista iyo badqabka gadiidka.
Gababadii shirka waxaa la isla qaatay qodobo ay kamidyihiin.
1.in laxaqiijiyo dhamman gaadidka in ay qaateen boolada sanadka 2018 islamarkaana laxaqiijiyo badqabka gaadiidka si loo yareeyo shilalka mudo 15 cisho gudeheed ah laga bilaabo 18/7/2018 si Kor loogu qaado dakhliga.
2.in la adkeeyo wacyiga iyo fahanka kudhaqanka shuruucda gaadiidka si loo fududeeyo isusocodka safarada.
3.in la dardargaliyo casriyeenta nidamka diwangalinta shilalka iyo ganaaxa tarafikada.
Ugudanbayntii kuxigeenka madaxa xafiiska ayaa bahwadaagta kula dardaarmay siidii looga kawada shaqaylahaa shuruucda iyo wacyigalinta gaadiidka.
Sidaa darteed mulkiilayashaa gaadiidka waxaa la farayaa in ay xaqiijiyaan badqabka gaadiidka qaataana boolada sanadka 2018TI.
Waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadwaynaha Xafiiska.
19/03/2026
Ciid Mubarak dhamaan Muslimiinta dunida gaar ahaan shacabwaynaha DDS.
Ciidan ciideeda alle Caafimaad qab Cimridherer iyo Cibaado Suuban alle ha inagu Gaadhsiiyo.
Mudane Abdulhakim Sheik Hassen
Wasiirka xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS.
27/02/2026
Waxaa magaalada Jigjiga si rasmi ah looga daahfuray bandhig carweed ku saabsan sidii bulshadu ay bisha Ramadaan u heli lahayd adeeg jaban amaba raqiis ah.
Bandhig carweedkan oo ay iska kaashadeen Xafiisyada Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS waaxdiisa suuq gaynta, Arrimaha Haweenka iyo Caruurta, Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS
ayaa waxaa daahfuray Afhayeen Kuxigeenka Golaha Federeeshinka JDFI Marwo Sahra Xurmad, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dalka Marwo Saxarla C/laahi, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDS Marwo Xaliima Xassan, Wasiirka Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS Mudane C/Xakiin Sh. Xasan iyo masuuliyiin kale.
iyadoo goobta lagu soo bandhigay waxsoosaarka warshadaha, beeraha iyo xoolaha deegaanka Bandhiga ayaana socon doona inta ka dhiman bisha Ramadaan.
Waxaa sida oo kale bandhiga kasoo qaybgalay haween soo bandhigay halbuur ganacsi, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay fooda inagu soo hayso Maalinta Haweenka Aduunka oo sannad walba la xuso 8-da Maarso, iyadoo markii 115aad laga xusi doono caalamka, halka dalkana laga xusayo markii 50aad.
Waaxda suuqgaynta xafiiska.
25/02/2026
Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicun dhamaan masuuliyiinta xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS oo uu ugu horeeyo madaxa xafiiska mudane Abdulhakim Sheik Hassen iyo shaqaaluhuba waxay u tacsi yadanayaan ehelkii iyo qaraabadii ay kabaxday alle ha u naxariistee Nafiis maxamed axmed oo kamid ahayd shaqaalaha xafiiska waxaan leenahay naxariistii jano alle haka waraabiyo ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan alle haka siiyo amiin.
21/02/2026
Iskaashiga Xisbiga Barwaaqo ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS ayaa maanta oo Sabti ah fuliyay barnaamijka “Afuri Walaalkaa”
iyadoo raashin kala ah (bariis, daqiiq, sonkor, timir iyo saliid) loo qaybiyay 45 qoys oo ka mid ah shaqaalaha danyarta ah ee hayntoodu yartahay.
Barnaamijkan oo qayb ka ah tabarucaadka bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ujeedkiisu yahay taageerida qoysaska nugul, waxaana si weyn uga mahadceliyay qoysaskii ka faa’iidaystay gargaarkan.
"Iskaashiga Xafiiska Ganacsiga" iyo Gaadiidka DDS ee Xisbiga Barwaaqo.
17/02/2026
Ramadan-Kariim
Masuuliyiinta xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS ayaa hambalyada bisha barakaysan ee ramadaan ugu hambalyeynaya Dhamaan Umada Muslimiinta ah, kuwa dalka, iyo deegaankaba RAMADAAN KARIIM.
Bishan barakaysan ee ramadan oo ah bishii kheyrka iyo cibaadada,bishii dambi dhaafka, bishii Eebe Wayne SWT adoomihiisa khayrka joogteeya uu Alle Naarta ka xoraynayey, Waxaan illaahay inooga rajaynayaa dhamaanteen in caafimaad-qab iyo nabadgalyo inoogu dhameeyo Ramadan acmaasheenana inaga aqbalo idam alle.
Ramadan kariim, Ramadan Kariim!!!
23/01/2026
XUSKA MAALINTA CALANKA DEEGAANKA SOOMAALIDA 23-ka January.
Maanta oo ay tahay 23-ka January, waa maalin weyn oo qiimo gaar ah u leh dhammaan shacabka Deegaanka Soomaalida. Waa maalin aynu si sharaf iyo xurmo leh u xusno Calankeena.
Deegaanka, oo ah astaan mideyneysa dadkeenna, muujisana jiritaankeena, taariikhdeena iyo himilooyinkeena mustaqbal.
Calanka Deegaanka Soomaalida waa calaamad ka tarjumeysa halgankii, adkaysigii iyo rajadii ay dadkeennu u soo mareen inay helaan xaqooda, horumar iyo nabad.
Waa astaanta mideysa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, kana turjumeysa wadajirka, is-ixtiraamka iyo mas’uuliyadda naga saaran ilaalinta nabadda iyo horumarka.
Xuskan qiimaha leh wuxuu inna xusuusinayaa waajibka inaga saaran:
Inaan dhowrno midnimada iyo wadajirka bulshada
Inaan ilaalino sharciga iyo kala dambeynta
Inaan ka shaqeyno horumar waara, cadcadaan iyo sinaan.
Ugu dambayn, waxa uu xafiisku hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Deegaanka Soomaalida, kuna boorinayaa inay noqdaan kuwo u taagan difaaca sharafka calankeenna iyo horumarinta deegaanka.