Abdirazak xaji bare

Abdirazak xaji bare

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdirazak xaji bare, Jijiga.

05/06/2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Adaan Faarax, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa u diray dhammaan Muslimiinta Caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

"Dhamaan Muslimiinta Caalamka iyo kuwa dalka gudihiisa waxaan leeyahay: Ciid Wanaagsan. Munaasabadda barakaysan ee Ciidul Carafa waxay inoo tahay fursad aynu ku xoojin karno midnimadeena, is-jacaylkeena, iyo wadajirkeena bulsho. Waxaan ku boorinayaa ummadda Dalka in ay ka shaqeyaan nabadda, si aynu si wadajir ah ugu gaadhno horumar iyo barwaaqo waarta."

05/06/2025

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa munaasabadda Ciidul-Adxa (Carafo) awgeed hambalyo u diray dhammaan ummadda muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Dalka iyo Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada deegaanka in ay is caawiyaan oo isu naxariistaan fadliga maalintani awgeed——Qoysaska danyarta ah iyo masaakiinta in laga warqabo/laga farxiyo, ciddii u awoodda ee wax haysata ayuu madaxweynuhu ku baaqay.

SRTV Somali

Photos from Abdirazak xaji bare's post 22/05/2025

Ra’ysal Wasaare Dr. Abiy Ahmed Ali iyo Marwada Koowaad ee dalka Zinash Tayachew ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Faransiiska Munaasabad soo dhawayn ah ayaa lagu sameeyay madxafka Ciidanka Xooga ee dalkaasi.

Waxaa ayna wada kulmi donan Madaxwaynaha dalka Faransiiska mudane Emmanuel Macron.

Photos from Abdirazak xaji bare's post 07/04/2025

Guddiga Maamulka Wakaalada Warbaahinta DDS oo yeeshay kulankooda koobaad ee S.M. 2017 t.i. ayaa meel mariyay ajendayaal kaladuwan.
Boordhiga maamulka Wakaalada Warbaahinta DDS oo ay horyaaleen ajendayaal kaladuwan ayaa waxaa ugu horayntii shirkan furay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiiirka Xafiiska Warfaafinta DDS, Mudane. Maxamed Aadan oo gudiga usoo jeediyay ajendayaasha horyaala oo kala ahaa
1. Ansixinta Maareeye kuxigeenka cusub ee Wakaalada Warbaahinta DDS, mudane. Farxaan Jibriil Cawaale.
2. In shirka guddiga loo qabto si rubucle ah.
Kadib markii cod buuxa ay boordhigu ku ansixiyeen labadaasi ajende ayuu Maareeyaha guud ee Wakaalada Warbaahinta DDS, mudane. C/laahi Xuseen Cali guddiga usoo jeediyay warbixinta waxqabadka wakaalada. Dhagaysiga warbixinta kadib ayay guddigu sidoo kale soo jeediyeen jihooyin lagu dardargalinayo geedisocodka shaqo ee wakaalada.

Photos from Abdirazak xaji bare's post 12/03/2025

Raysal wasaaraha jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Itoobiya Dr Abiyi Axmed ayaa soo gaadhay magaalada Dir dhaba

Markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Dir dhaba waxaa kusoo dhaweeyey duqa IDD mudane Khadiir Joohar af-hayeenka golaha baarlamaanka IDD marwo Fadxiya Aadan xubnaha kaabineedka ugaasyada Abaagadhayaasha oday dhaqameeda kala duwan iyo kooxaha fanka ee IDD

Raysal wasaaraha ayaa booqandoona mashaariicda horumarineed ee ka socda ismaamulka Dir dhaba isagoona xadhiga ka.jaridoona mashaaric dhamaatay.

Photos from Abdirazak xaji bare's post 11/03/2025

Waxaa Ismaamulka Diridhaba ka qabsoomay afur wadareed uu soo diyaariyay bankiga cooperative Oromiya waaxdiisa Ismaamulka Diridhaba.

Afur sharafeedkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha bangiga Oromiya mudane Dharibe Asfaw, duqa Ismaamulka Diridhaba mudane Khader Johar ,ku xigeenka duqa Ismaamulka Diridhaba mudane Xarbi Buux, madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantiisa Diridhaba mudane Ibraahim Yuusuf, culima'udiinka iyo macaamiisha bangiga.

Madaxweynaha bangiga cooperative Oromiya mudane Dharibe Asafaw oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in bankigu 20 kii sano ee u danbaysay uu ka qeybqaatay kobaca dhaqaale ee dalka, wuxuu intaasi ku daray in bangiga oo dhanka adeega bilaa ribada ah bixiya uu guulo waa weyn ka soo hooyay.

28/02/2025

Madaxwaynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa bulshada deegaanka, muslimiinta dalka iyo dunida ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan ee sanadka hijriyada1446.

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay bulshada inay ka faa'iidaystaan fursadaha kheyriga ah ee bisha Ramadaan, kuna daddaalaan cibaadada, samafalka iyo is-gacan-qabashada. Sidoo kale, wuxuu Alle ka baryay in bisha Ramadaan ay noqoto mid barako, nabad iyo midnimo u horseeda shacabka Deegaanka Soomaalida.

02/02/2024

Magacaabis Cusub

14/09/2022

Magacaabista; Wasiir-ku-xigeenada xafiisyada DDS.

Xafiiska nabadgalyada
1. Mudane Maxamed Maxamuud Aadan

Xafiiska waxbarashada
1. Mudane Maxamed Muuse Guure
2. Mudane Guuleed Axmed Cali
3. Cumar Aadan Xasan

Xafiiska maraynta Khatarta
1. Mudane Bashiir Xuseen Cilmi

Xafiiska Xoolaha.
1. Mudane Xasan sheekh Yuusuf

Xafiiska Dakhliga
1. Mudane C.qaadir Macalin shukri

Xafiiska Beeraha
1. Mudane Cabdi Nuur Faarax

Xafiiska Horumarinta Magaaloyinka.
1. Eng. Yonis Nuur Cabdi

Xafiiska Ganacsiga.
1. Mudane Saadiq Cabdiqadir Khaliif
2. Mudane Abdullahi Adan Yuusuf

Xafiiska Biyaha
1. Eng. Cabdi Ciid

Xafiiska Caddaaladda
1. Mudane Maxamed Daahir Xaashi
2. Mudane Faysal Aaye Aare

Xafiiska Dhaqanka & Dalxiiska
1. Marwo Cabdicasiis

Xafiiska Warfaafinta
1. Mudane Bashiir Sheekh Siciid

Xafiiska Iskaashatooyinka
1. Mudane Khaliif Macalin Cadow

Gudomiyaha Gobolka Liibaan
1. mudane Abdullahi Yuusuf Cali

Photos from Abdirazak xaji bare's post 14/09/2022

DEG DEG

Macaabis cusub;
Isku shaandhayn lagu sameeyay Golaha Wasiirada DDS.

Waxa kale oon soo waddanaa isku shaandhaynta wasiir kuxigeenadda.

Photos from Abdirazak xaji bare's post 21/06/2022

Madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan ayaa lagu soo gabo'gabeeyay masraxa dhaqdhaqaaqa ka-hortagga ganacsiga sharci-darrada iyo kontorobaanka.

Muddada labada maalmood ee uu socday masraxa dhaqdhaqaaqa ka-hortagga ganacsiga sharci-darrada iyo kontorbaanka oo lagaga arrinsanayay dhibaatada dhanka dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda ee ganacsiga sharci-darrada ah iyo kontorbaanka iyo waliba sidii wax looga qaban lahaa, iyada oo ay qeyb waliba ka qaadanayso doorka kaga aaddan.

Waxaana xidhitaankii masraxa dhaqdhaqaaqa ka-hortagga ganacsiga sharci-darrada iyo kontorbaanka ka hadlay Madaxweyne-ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo tilmaamay in ganacsiga sharci-darrada ah iyo kontorbaanku ay halis ku yihiin jiritaanka waddanka sidaa awgeedna loo bahan yahay in ay qeyb waliba ka go'naansho muujiso.

Wuxuuna caddeeyay in ay jiraan tallaabooyin ubaahan in si deg-deg ah loo qaado, si loo yareeyo dhibatada kontorbaanka iyo ganacsiga sharci-darrada ah kuwaas oo kala ah; xoojinta wacyiga bulshada, in la qaado jid-gooyooyinka wax faa'iido ah aan ulahayn shacabka, in la ogaado dadka caadeystay in ay ka shaqeeyaan kontorbaanka iyo kuwa gacan ka siiya islamarkaana laga tallaabo qaado, wax ka qabashada arrimaha shidaalka, sibidhka iyo sarrifka lacagta doollar ka ee suuqa madaw.

Photos from Abdirazak xaji bare's post 08/06/2022

Kulan lagu qiimaynayay waddooyinka laamida ah ee ay dowladda federaalku ka waddo Deegaanka Soomaalida ayaa lagu qabtay Jig-jiga.

Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Madaxweyne-ku-xigeenka DDS oo uu weheliyo Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha, mudane Maxammed Yuusuf Rooble ayaa madasha kulammada ee Garaad Maxammed Dool ku furay kalan lagu soo bandhigayay mashaariicaha laamida ah ee ka socda Deegaanka ee ay waddo dowladda federaalku.

Kulankan waxaa goob-joog ahaa masuuliyiinta Wakaaladda Jiddadka ee JDFI, shirkadaha qaandaraasleyaasha ah ee gacanta ku haya waddooyinka laamida ah ee ka socda Deegaanka iyo masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka. Ujeeddaduna waxa ay ahayd in si wadajir ah loo qiimeeyo habsami-u-socodka mashaariicaha laamida ah ee socda.

Madaxwayne-ku-xigeenka Deegaanka, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mar walba la qiimeeyo lana daba'galo shirkadaha gacanta ku haya waddooyinka laamida ah, si wakhtigii loogu talo'galay loogu soo afmeero.

Intii uu kulankani socday waxaa lagu soo bandhigay heerka iyo darajooyinka ay marayaan waddooyinku, kuwa uu gaabisku ka jiro iyo kuwa bogaadinta mudan. Ugu dambaynna, waxaa la iskula dardaarmay in la dadajiyo mashaariicaha iyada oo maamulladu ay shirkadaha ka caawinayaan adeegyada ay uga baahdaan, kuna daba'galaya shaqooyinkooda.

In ka badan 10 mashaariico waa-weyn oo waddooyin ah ayaa ka socda gobollada iyo degmooyinka Deegaanka, kuwaasi oo ay waddo Wakaaladda Jidadka ee federaalku; waddooyinkan ayaa dherer ahaan dhan ku dhawaad 2000 oo km.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address


Jijiga