Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum

Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum, Government Organization, Jijiga To Harar, Jijiga.

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 08/08/2025

Golaha Xisbiga Barwaaqo ayaa dejiyay toddoba qodob oo si buuxda loogu wajahayo isku dayada ugu dambeeya ee cadowga. Qodobadaas waxay kala yihiin:

1. In la sameeyo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah kooxaha hubeysan ee doorta inay si nabad ah u halgamaan, si ay fursad ugu helaan xal nabadeed oo lagu dhammeeyo is-mariwaaga jira.

2. In si adag loo hirgeliyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo sareynta sharciga, iyadoo lagula xisaabtamayo kuwa diida nabadda kuna hawlan burburinta shacabka iyo hantida dalka.

3. In si waafaqsan awoodda dalka looga jawaabo cabashooyinka shacabka ee la xiriira maamul-wanaagga, caddaaladda iyo dhaqaalaha, iyadoo la tixgelinayo heerarka kala duwan ee ay kasoo jeedaan.

4. In shacabka si joogto ah loo gaarsiiyo xogta saxda ah, isla markaana si cad loo fashiliyo wararka beenta ah iyo marin-habaabinta.

5. In si toos ah loola dagaallamo hoggaanada iyo adeeg-bixiyeyaasha ku sifoobay anshax-xumo, musuqmaasuq iyo hawl-gudasho la’aan, kuwaas oo ku sugan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

6. In la dardargeliyo shaqooyinka horumarineed ee ka socda dhinacyada beeraha, warshadaha wax-soo-saarka, dalxiiska, macdanta iyo tiknoolajiyadda casriga ah (ICT), isla markaana hal-abuurada la bilaabay loo beddelo natiijo muuqata, iyadoo la xaqiijinayo ka-qaybgalka shacabka si isbeddel muuqda looga hirgeliyo magaalada iyo miyiga.

7. In danaha qaran ee dalka Itoobiya laga ilaaliyo lagana difaaco dhanka diblomaasiyadda, iyadoo la adeegsanaayo dhammaan fursadaha jira.

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 14/03/2025

Degmada Gursum
Barnaamijka Afuri Walaalkaa ee bisha Ramadaan ayaa laga fuliyay degmada Gursum.

Xafiiska Maaraynta Masiibooyinka DDS iyo maamulka degmada Gursum oo iskaashanaya ayaa waxay raashin iskugu jira daqiiq, saliid iyo baasto ay gaadhsiiyeen Lix Boqol oo qoys (600 Qoys)oo ahaa dad dan yar ah.

Barnaamijka Afuri Walaalkaa ayaa ah barnaamij Deegaanka laga hirgaliyay mudooyinkii udambeeyay.

Xafiiska Maamulka Degmada Gursum

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 19/02/2025

Dagmada Gursum

Arbaco 12/06/2017 T.I....Waxaa maanta xalwaara lagaadhay oo dhiigii (diyadii) loo kalaqaaday labada beelood ee walaalaha ah ee wada daga dagmada Gursum.

Odayaasha, waxgaradka, hayadaha amniga iyo maamulada heerarkooda kaladuwan ayaa qayb laxaadleh kaqaatay soo afjarida dhibaatan kunasoo dabaalay heshiis iyo walaalnimo rasmi ah.
Nabad baa Naas lanuugo leh!!!

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 04/02/2025

Waxaa dhamaan Qabaleeyada Degmada Gursum kasocda Shaqooyin Lagu Dardargalinayo Adeegbixinta iyo Shaqooyinka Joogta ah Sida:-
1. Caymiska caafimaadka
2. Shaqooyinka PSNP
3. Dhamaystirka Gibirka 100%
4. Ka shaqaysiinta dhamaan Goobaha adeeg bixinta sida: Dugisiyada, Ceelsha biyaha, FTCyada, AHP iyo Goobaha caafimaadka.
5. Documentationka Dhinaca xisbiga ee Qabaleeyada.
6. Xalinta Khilaafaadyada taagan ee yar yar
7. Wacyi galinta bulshada ee dhinaca Horumarka, tabarucaadka iyo Nabadgaliyada.

XAFIISKA MAAMULKA DEGMADA GURSUM

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 30/01/2025

Degmada Gursum
Waxaa Maanta Laga Daah Furay Barnamijka xooga Dadwaynaha ee Mashruuca RPSNP-Ga Jan-2025
DaahFurka ayaa Waxaa siwada Jira Udaah Furay Gudoomiyaha Degmada iyo Madaxa Xafiiska Beeraha Degmada

Xafiiska Maamulka Degmada Gursum

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 29/01/2025

Degmada Gursum
Waxaa Maanta noo qabsoomay kulan isugu jira Wadatashi iyo dhiirigalinta dhalinyarada magaalada banbaas
Kulanka ayaa Waxaa Furay Gudoomiyaha Degmada Mudane Dr,C/risaaq yuusuf Axmed iyo Kuxigeenka Degmada Mudane C/laahi Cabdi Cumar

Kulankan oo lagaga tashanayey kor u qaadidda ka qaybgalka dhalinyarada ee dhinacyada hormarka iyo nabadgalyada ayaa waxa sidoo kale abaalmarinno dhiirilgalin ah lagu siiyey xubnaha dhalinyarada hal abuurka ganacsi leh ee Qaybta ka ah
hormarinta bulshada isla markaana kaalmaha h**e Kaga jira
Kulankan oo ujeediisu ahayd sidii dhalinyarada loogu baraarujin lahaa inay noqdaan kuwo waxsoosaar leh
sidoo kale kuwo kor u qaada hal abuurada keenaya mustaqbalka inay noqdaan kuwo isku filan oo ka maarma gacan hoorsiga iyo shaxaadka, sidoo kale inay ka faa'iidaystaan shaqo abuurada kala duwan ee dawlada iyo baniyaduba bixiyaan.

Xafiiska Maamulka Degmada Gursum

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 24/01/2025

Waxan maanta kormeer kuso marnay mashruuca Dib loogu habaynayo bilicda dugsiyada Degmada Gursum
1~Dugsiga hoose dhexe ee magaalada bombaas
2~Dugsiga sare cabaas cali ee magaalada Bonbaas
3~Dugsiga hoose dhexe ee magaalada dhagaxle
oo ay maalgalinayso hayada Handcup
Dugsiyadan ayaa dhamaan waxka badal Lagu samayndoonaa
Sida, Bilciyaha Dugsiga (Tilmaamaha), Kuraasta Dugsiyada, Dayactirka Fasalada iyo Goobaha Ay waxku Bartaan Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba
mashruucan aya waxa ku baxaya lacag dhan 9.8 milyan oo birr waxuna wax wayn ka tari doona hanaanka wax barasho iyo tayada waxbarashada
Duggsiyadan Ayaa waxay noqon doonan kuwo si casri ah u hawlgala
Sido kale waxay noqonayaan meelo ku haboon baris barashada.

Xafiiska Maamulka Degmada Gursum

23/01/2025

Degmada Gursum
Xuska aas aaska Sanadguurada 32aad ee DDS

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 23/01/2025

Degmada Gursum

Jan 23, 1993 Xuska Sanad guurada 32aad ee aas aaska DDS.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Shacab waynaha Dagmada Gursum ee kasoo qayb galay munaasabadan, xubnaha sharafta leh ee hogaaminta heerarkeeda kaladuwan, marti sharafta iyo guud ahaan shacabka qiimaha leh ee gobolka faafan iyo shacabka qiimaha leh ee Deegaanka Soomaalida waxaan ugu hanbalyaynayaa munaasabada aas aaska DDS ee sanadguurada 32aad.

Xuska Maalinta aas aaska DDS ee Jan 23, 1993 waa xusuus iyo mahadnaq loo hayo halgankii loo soo maray xaqa aan uleenahay ismaamulka. Waa munaasabad lagu dhiirrigelinayo jiilasha soo kacaya inay ilaashadaan qiyamka, midnimada, iyo karaamada bulshadeenna. Maalintan waxay sidoo kale astaan u tahay isku xirnaanta bulshada deegaanka, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo horumarka siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee deegaanka ka hanaqaaday.

Maanta, maanta, maanta waa maalin weyne maanta. Halgankii aabayaasheen waa midhaha maanta. Midnimadeenu waa awoodeena. Soomaalinimo ayaa nadeeqda oo aan kufaanaynaa.
W/Q, Mudane Kader Ahmed Nuur Cali Gudoomiyaha Gobolka Faafan.

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 21/01/2025

Waxaa Ladhagax dhigay Degmada Gursum Santarka Dhakaayi Madarasad ah Leh Qolalkii wax lagu Baranayay iyo Qolalkii jiifka
oo uu dhisayo Sama Fale
Sheekh Maxamuud aadan
Madarasadan Dhagax dhigeeda Waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin Isugu jirta Heerdegaan,Heergobal,Heer Degmo
Madarasan Ayaa kakooban Qolalkii wax lagu Baranayay iyo Qolalkii jiifka

Xafiiska Maamulka Degmada Gursum

Photos from Xafiiska Adeega Shacabka & Horumarinta Cududa Shaqaalaha Degmada Gursum's post 17/01/2025

Degmada Gursum Gobalka Faafan
Waxaa Maanta La Soo Gabo gabeeyey Qimaynta Warbixinta Waxqabadka Lixda Bilood Sanadkan 2017 TI,ee Degmoyinka Gobolka Faafan
Oo Ka Socotay Hoolka Shirarka Xafiiska Arimaha Haweenka Iyo Caruurta DDS Magalada jigjiga.
Qiimaynta ayaa xooga lagu saarayey qorshihii lixda bilood ee sanadkan, adeeg bixinta,Dakhliga, Nabadgalyada,arimaha xisbiga barwaaqo, maamulka suuban kadib Markii ay qiimayntu socotay Mudo 4 Maalmood ah
waxaa maanta abaalmarino la gudoon siiyey hogaaminta degmada Gursum oo ka Midho dhaliyey qorshihii lixda bilood ee sanadkan 2017 Sm

Mamulka gobolka faafan oo ugu h**eeyo gudoomiyaha gobolka faafan
Mudane:~ khadar axmednuur ayaa shahaado sharaf Gudoonsiiyey hogaaminta degmada Gursum oo ugu h**eeyo gudoomiyaha Degmada Gursum Mudane:~ Dr.Abdirisaaq Yuusuf ahmed

Degmada Gursum ayaa la gudoonsiiyey shahaado sharaf

Markii ay Kaalmaha Ugu Horeeya Kagashay Shaqooyinkii Laqabtay Lixdii Bilood Sida Adeeg bixinta,Dakhliga, Nabadgalyada,arimaha xisbiga barwaaqo, maamulka suuban,Soo Celinta Daynta (Lacagtii Shaqo Abuurka).

Xafiiska Maamulka Degmada Gursum.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jijiga To Harar
Jijiga