30/10/2022
Goobihii qashin qubka ahaa ee qashinka laga dabaejaray oo boodhadh wacyigalin ah lagu taagay
taywanka
Wakaalada Bilicda iyo Nadaafada Maamulka Magaalada Jigjiga.
30/10/2022
Goobihii qashin qubka ahaa ee qashinka laga dabaejaray oo boodhadh wacyigalin ah lagu taagay
taywanka
28/10/2022
Maareyaha wakaalada bilicda iyo Nadafada Mmj Eng Najax Maxamed ayaa kulan layeeshay Maamulka xafadaha 6aad, 7aad, 12aad, 18aad iyo 19aad iyo iskaashatooyinka kuqoran xaafadaahaas .
Kulankan ayaa laysa qaatay sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda caasimada sido kale loo maareyn lahaa qashinka kasoo baxa xafadahaas islamarkaana looga hortagi lahaa goobaha qashin qubka sharcidarada noqdey.
Ugu dambayntii, wuxu kula dardaarmey maareyuhu in bulshada doorkooda ay kasoo baxaan wakaaaduna ay lagarabtaagan tahay taagero dhinac walbaba.
26/10/2022
Khuburo ka socday Machadka Cilmi baadhista Xoolaha iyo beeraha DDS ayaa soo bandhigay daraasaad laga soo sameeyay timirta laga beeray wadada dhakhtarka karaamardha oo dhibaato ka jirto.
Iyadoo laga duulayo badbaadada bilicda magaalada iyo daryeelka/kobcinta iyo hanaankii loo hirgelin laha in sidii loogu tallo galay ugu bixi lahayd geedaha timirta ee lagu beeray jidka dhakhtarka, ayaa waxaa ay hogaaminta caasimadu horay uga codsadeen Machadka Cilmi baadhista Xoolaha iyo beeraha ee DDS inuu ka caawiyo baadhista dhirta lagu beeray qaybta dhaxda ee laamida gaar ahaan geedaha timirta ee lagu beeray wadada dhakhtarka karaamardha ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay hordhaca daraasaadka laga soo sameeyay.
Daraasaadkan hordhaca ah ayaa hoosta lagaga xariiqay dhibaatooyinka ugu wawayn ee haysta geedaha timirta ee lagu beeray wadada dhakhtarka iyo xalka dhaw ee lagu bad baadin karo geedaha timirta.
Su'aalo iyo talo bixino kadib ayaa waxaa laysla qaatay in horay laga galo xalka lagu badbaadinayo geedaha timirta iyada oo ay farsamo ahaan ka caawin doonaan Machadka Cilmi baadhista Xoolaha iyo beeraha ee DDS islamarkaana si wada jira looga gaadho xalka dhaw ee lagu bad baadinayo geedahan timirta.
24/10/2022
Wakaalada bilicda iyo nadaafada mmj ayaa bilawday in dhamaan wadooyinka waawayn Bilicdooda iyo Nadaafadooda lagu wareejiyo lagulana xisaabtamo qofwalba wajahadiisa iyada oo ilaa xaafadaha laga hirgalindoono si caasimadu unoqoto mid bilicsan
Ol'ole nadaafadeed oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada Jigjiga ayaa laga fuliyay qaar ka mid ah waddooyinka waa-weyn ee xaafadaha magaalada Jigjiga.
Wakaalada Bilicda iyo Nadaafada - M M Jigjiga
23/10/2022
23/10/2022
Olole Nadaafadeed ayaa saaka oo Axada laga fuliyay wadooyinka halbawlaha ee caasimada.
Maayar kuxigeenka Mmj mudane Cali Maxamed iyo Maareeyaha wakalada bilicda iyo Nadaafada Eng Najax Maxamed ayaa si wada jira ugu booriyay in ay qaybaha kaladuwan ee bulshadu uga qayb noqdaan ololayaashan kor loogu qaadayo bilicda caasimada loogana dhigi lahaa caasimad dhisan, cagaaran oo Nadiifa.
Waxaa xusid mudan in qayb laxaadle ay ka ahaayeen ololahan nadafadeed ee Saaka laga fuliyay magaalada Shirkada SAHAY oo isku xilqaantey in nafiidiyaan wadooyinka.
October 23, 2022 maalin Axada.
Wakaalada Bilicda iyo Nadaafada - M M Jigjiga
22/10/2022
"Bulshooy waxaan kaaga fadhinaa inaad na garab istaagto oo nagala qayb-qaadataan hawlaha nadaafada magaalada ee aanu wadno oo qorsheyaasha aanu caasimada ku horumarinayno kaalmaha h**e ku jirta"
Duqa Caasimada Eng Siyaad Abdi ahmed.
22/10/2022
Guud ahaan, “caasimada waxa ka socoda shaqoyin concrete ah oo iswada-wata si loo gaadho Caasimad dhisan,caggaaran oo Nadiif ah”.
Wakalada Bilicda iyo Nadafada MMJ
29/09/2022
Guuska sida Jaamaca ah ay uga qeyb qaadanayaan shacabka magaalada JigJiga oo maalinba xafaad lagu qaado ayaa guuskaasi wuxuu kasii socda xaafadaha Maamulka Magaalada JigJiga kasoo maanta laga sameeyay xafaada 13aad ee magaalada.
Qorshahan ayaa ah mid wakaaladu ugu talo gashay in kor loogu qaado nadaafada magaalada iyadoo shacabka la dareensiinayo lahaanshe iyo doorka ay ku leeyihiin qorshahan.
Wakaalada Bilicda iyo Nadaafada - M M Jigjiga
29/09/2022
Guuska sida Jaamaca ah ay uga qeyb qaadanayaan shacabka magaalada JigJiga oo maalinba xafaad lagu qaado ayaa guuskaasi wuxuu kasii socda xaafadaha Maamulka Magaalada JigJiga kasoo maanta laga sameeyay xafaada 12aad ee magaalada.
Qorshahan ayaa ah mid wakaaladu ugu talo gashay in kor loogu qaado nadaafada magaalada iyadoo shacabka la dareensiinayo lahaanshe iyo doorka ay ku leeyihiin qorshahan.
Wakaalada Bilicda iyo Nadaafada - M M Jigjiga
"Nadaafadda waxaa ku jirta caafimaadkayaga iyo caafimaadka caruurtayada, sidaa daraadeed waan sii xoojinaynaa."
Shacabka xaafadda 11aad ee magaalada Jigjiga.
Wakaalada Bilicda iyo Nadaafada - M M Jigjiga
| Monday | 08:00 - 12:00 |
| 14:00 - 17:30 | |
| Tuesday | 08:00 - 12:00 |
| 14:00 - 17:30 | |
| Wednesday | 08:00 - 12:00 |
| 14:00 - 17:30 | |
| Thursday | 08:00 - 12:00 |
| 14:00 - 17:30 | |
| Friday | 08:00 - 11:00 |
| 14:00 - 17:30 |