31/03/2026
Asc waan idin sallaanay sallaan.kadib waxaan halkan.idiin.ku soo gudbinaynaa warsaxaadadeed ku saabsan sixidda hadal ay dadka qaarkii si khaldan ay ufahmeen oo ku.jiray dood loo qabtay qaarkamida xisbiyada deegaanka soomaalida.
Markaa war-saxaafadeedka hoose ayaan ku saxnay.
09/09/2025
: The official of inauguratione Grand Ethiopian Renaissance Dam ( ) i
30/06/2025
ማስታወቂያ የስብሰባ ጥሪ 21/10/2017 ዓ ም
የሱማሌ ፌደራሊስት ፓርቲ (ሱፌፓ) አዲስ አበባ ለሚኖሩ የሱማሌ ክልል ተወላጅ እና ትውልደ ኢትዮጵያውያን አባላትና ደጋፊዎች በሙሉ፡-
ፓርቲው የፊታችን ሐምሌ ወር 2017 ዓ.ም ለሚያደርገው የውይይት መድረክ ነባርና አዲስ አባላት በመዲናችን የምንዘጋጀው የውይይት መድረክ ላይ የክልላችን ነባራዊ ሁኔታ ለመመካከር እና ፓርቲው ያለበትን ይዘት ለመገምገም ብሎም ከገዢው ፓርቲ ጋር ተቀራርቦ ለመስራት ይረዳ ዘንድ ፓርቲው የውይይት ጉባኤ አዘጋጅቷል፡፡ ስለሆነም ትውልድ እና ትውልደ ኢትዮጵያውያን የሶማሌ ክልል ልቅሃን፣ ፖለቲካ ረገድ ተፅዕኖ ፈጣሪ፣ የሆኑ ግለሰቦች፣ባለሀብቶች፣ በጠቅላይ የክልሉ ተወላጆች በሙሉ በውይይት መድረክ እንዲሰተፉ ፓርቲው ይጋብዛል፡፡
ስለዚህ ፓርቲው የውይይቱን ቀንና ሰዓት እንዲሁም ውይይቱ የሚዘጋጅበት ቦታ ፓርቲው ለታዳሚው በቅርብ የምናሳውቅ ይሆናል፡፡
መልካም የውይይት መድረክ
የሱማሌ ፌደራሊስት ፓርቲ (ሱፌፓ) ጂጂጋ ኢትዮጵያ
ማሳሰቢያ ፦ነባርና አዲስ ተመዝጋቢዎች በተጓዳኝ ወርሀዊ የአባልነት መዋጮ ይዛችሁ እንድትመጡ በአክብሮት እናሳውቃለን። ለበለጠ መረጃ የቢሮ ስልክ +251966073737 +251715960484
[email protected]
29/06/2025
OGEYSIIS TAAR 21/10/2017 TI
Xisbiga Somali Federalist Part (SFP) waxa uu ku wargelinayaa dhamaan taageerayaashiisa ku sugan caasimada dalka ee Addis Ababa, Kenya, wadamada Yurub, Canada, iyo Maraykanka in la qaban doono shir muhiim ah oo lagaga wada-hadli doono xaalada guud ee Deegaanka Somalida iyo arrimaha xisbigaba.
Waxaa kale oo shirka lagaga hadli doonaa qodobbo la xidhiidha xisbiga oo ay qayb ka yihiin in xubno kale oo qurba-joog iyo qaran-joogba ah lagu soo daro xisbiga, sida: siyaasiyiinta, aqoonyahanka, odayaasha iyo gacansato, si uu xisbigu u fuliyo qorshayaashiisa u yaala ee mustaqbalka dhaw iyo ka fog.
Si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah la xidhiidh:
+251966073737 ama +251715960484 Xarunta Dhexe ee Xisbiga Xisbiga Somali federalist party(SFP) Jigjiga Ethiopia
Email: [email protected]
05/06/2025
Wuxuu halkan uga hanbalyaynayaa xisbiga SFP dhamaan muslimiinta Caalamka,gaar ahaan kuwa deegaanka somalida munaasibada Ciidal Adxaa.
waxaan illaahay idiinka baryaynaa inuu idinku gaadhsiiyo ciidan ciideeda nabad qab, caafimaad iyo horumar waara.
29/05/2025
ASC, marka h**e waxaan halkan ka sallaamaynaa guud ahaan shacabka Deegaanka Soomaalida, sallaan kadib;
Shalay oo ay taariikhdu ahay 28/5/2025, wuxuu kulan dhexmaray qayb kamid ah xisbiyada mucaaradka Deegaanka Soomaalida iyo Madaxwaynaha DDS, waxaana kulankooda ay ku sheegeen inay illaa afar qodob isla qaateen. Qodobbada ay sheegeen isla qaateen, marar badan ayaa h**e looga wada-hadlay, wax natiijo ahna lagama gaadhin.
Tusaale ahaan Wada-xajoodka Qaran (National Dialogue); Waxa nasiib darro ah in maanta la yidhaahdo waxaa laga wada-hadalay Wada-xajoodka Qaran oo uu dhamaaday Ajande ururintiisii dhamaan deegaannada dalka, marka laga reebo Deegaanka Tigrayga.
Xisbiyada mucaaradka oo aan ogayn sidii loogu bah-dilay, looguna diiday inay qaataan kaalintoodii ay xaqa u lahaayeen ee uu usoo qoondeeyay Guddida Wada-xajoodka Qaran (National Dialogue Commission Committee), maxaa waqtigan lagala hadlayaa, mar ku-dhowaad sannad ka hor la gudbiyey ajandihii Deegaanka Soomaalida iyadoo aan waxba laga weydiinin xisbiyada mucaaradka.
Haddaba, xisbiga SFP, waxa uu soo jeedinayaa arrimahan:
1. Xisbiga SFP waxa uu kula talinayaa xisbiyada mucaaradka ee Deegaanka Soomaalida, in aanay qaadannin mas’uuliyadda arrin aanay waxba ka ogeyn, wax talo iyo tilmaan ahna aanay ku lahayn oo waqti h**e la meelmarsaday.
2. Xisbiga SFP uma muuqato, in Deegaanka Soomaalida ay ka dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah, sababtoo ah waxa uu raadkeedii muuqdaa, sidii ay u dhacday iyo sidii loo maareeyeyna aynu ogeyn doorashadii h**e. Kaliya, waxa ay rajo iman doontaa haddii isbeddel dhab ahi ka dhaco Deegaanka Soomaalida, waxaananu soo jeedinaynaa in la abuuro saaxad horseedi karta doorasho ka duwan tii aynu h**e u aragnay.
FIIRO GAAR AH:
Xisbiga SFP, waxa uu caddaynayaa in aanu ka qayb-gelin kulankii shalay ka qabsoomay Madaxtooyada, sababtoo ah waxa noo muuqatay in aanay jirin wax dan ummadeed ah oo lagaga hadlay kulankaas, iyadoo waqtigan ay ahayd in mudnaanta la siiyo, sidii wax loogu qaban lahaa shacabka la daalaa-dhacaya abaaraha, biyo la’aanta, sicir-bararka, baahiyaha caafimaad, jidad la’aanta, shaqo la’aanta dhallinyarada, IWM.
Wabillaahi Towfiiq.