Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS

Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS

Share

Xafiiska Maliyada Degmada Daroor

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 07/04/2026

Waxaa maanta la dhagax dhigay Shan mashruuc oo cusub kuwaas laga fulinayo Degmada Daror .

Gudiga mashaariicda Degmada Ayaa maanta dhagax dhigay Shan mashruuc oo laga fulinayo qabaleyada iyo Xarunta Degmada . Kuwaas oo ay ku baxayso miisaniyad dhan 12,800,0000 birr (Toban iyo laba milyan iyo Sideed boqol oo kun birr )
Mashaariicdan Ayaa laga fulinaya Miisaniyada Degmada sm 2018 Ti.

Waxaana kamid ah Mashaariicda laga Dhagax dhigay :
1. Dhismaha Xafiiska Maxkamada sharecada islamka.
2. Dhismaha Dayrka dugsiga hoose dhexe Rabaso (Bilal)
3. Dhismaha xarunta Tababarka beeralayda ee Abokor.
4. Dhismaha berkeda Biyaha ee santarka Karooska
5. Dhismaha guriga martida Ee inaguuxa.

Mashaariicdan oo utagnaa Xaaladii abaarta ee Degmada ka jirtay . Ayaa hadda Markii Roobku da,ay waxaa la go,aamiyay in dhismahooda bilaabo. Wakhti koobana lagu dhamaystiro.

Dhankooda shacabka Degmada Ayaa aad usoo dhaweyay mashariicdan horumarineed ee dawladu ay ka fulinayso Degmada .

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 29/03/2026

Todobaadkan gudiihiisa waxaanu xarunta Degmada kusoo bandhignay warbixinta baahida horumarineed ee ka jirta Guud ahaan santarada iyo tuuliyinka Degmadu ka kooban tahay.

Warbixintan Ayaa hadda ka hor waxaa soo ururiyay koox khabiiro ah oo Degmada uqaabilsan hawlaha qorsheyasha horumarineed.

Kooxdan oo kakoobanyd 7 xubnood oo kakala socday xafiisyada kala ah :
1. Xafiiska Maliyada teamleader
2. Xafiiska Waxbarashada xubin
3. Xafiiska Biyaha xubin
4. Xafiiska Beeraha xubin
5. Xafiiska xoolaha xubin
6. Xafiiska Caafimadka xubin
7. Xafiiska barlamanka xubin


Warbixinta Ayaa waxaa soo jeediyay Agaasinka qorshaynta iyo miisaniyada ee xafiiska Maliyada Degmada marwo Hibaaq maxamed Iiman , Waxaana kulanka kasoo qaybgalay mamulka Degmada , xafiisyada adegyada Aas aasiga ah iyo xubnihii xogta soo ururiyay.

Xubnihii kasoo qayb galay Ayaa soo jeediyay su,aalo taloyin ku saabsan shaqadii lasoo qabtay.

Xafiiska Maliyada Deg. Daror

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 12/01/2026

Qiimaynta Warbixinta Lixda Bilood – Degmada Darror

Saaka waxa si rasmi ah noogu bilaabmay qiimayntii warbixinta waxqabadka lixda bilood, taas oo ah mid muhiim ah oo lagaga miro dhalinayo hufnaanta iyo horumarka shaqada degmada.

Qiimayntu waxay xoogga saartay qodobbada soo socda:

1.Barnaamijyada iyo hindisayaasha xisbiga sida loo hirgeliyay.
2.Adeegbixinta ,Tayada iyo adeegyada bulshada ee la gaadhsiiyay shacabka.
3.Dakhliga Habka loo ururiyay dakhliga gudaha iyo heerka qoondada lagaadhay lixda bilood.
4. Mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay degmada.
5.Cadcadaanta Miisaaniyadda , Sida miisaaniyadda loogu fuliyay qorshayaashii la dejiyay.
6.Nabadgaliyada Heerka amniga degmada iyo la shaqaynta laamaha nabadgalyada.

Allah Mahad leh

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 11/11/2025

Hogaaminta Degmada Daror Ayaa Kulan ay isagu yimadeen ku ansixiyay in mushaharkooda ay ay bil walba kajaraan 2% taas oo loogu talo galay sanduuqa kaydka deganka. Oo dhawaan la aas aasay.

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 24/10/2025

Jimce Mubruuk
Shaqalaha xafiiska Maliyada Degmada Daror(gaar ahaan Hablaha) oo jawi kuqaadanaya shaqada dhexdeeda Ayaa waxay idin leeyihiin Jimce mubruuk.

Noo sheer gareeya hadad nala socotaan .

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 08/10/2025
Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 08/10/2025

Siloo xaqiiyo adeeg hufan oo bulshada la siiyo Ayaa waxaa muhiim ah in goobaha adeega ama xafiisyada dawlada bilicdooda kor loo qaado.

Halkanı waa xafiiska Degmada Daror oo dib uhabayn iyo dayactir lagu samayay.

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 07/10/2025

Mamulka Degmada Daror Ayaa soo Kormeeray mashaariicda kala duwan ee Degmada kasocota.

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 12/09/2025

Kulanka daahfurka miisaniyada Degmada Daror sm 2018Ti /2026Gc

01-01-2018.TI . Waxaa Madasha kulamada Degmada Daror lagu qabtay kulanwayne lagu daah furyay miisaniyada xafiisyada Degmada Daror ee sanad misaniyadedka 2018. Ti ( Gc 2025/26)

Kulan kan Ayaa waxaa dahfuray Maamulka Degmada oo ugu horeyo Gudomiyaha Degmada Mukhtaar Maxamed

isga oo sheegay in muhimada Kulankan ay tahay in bulshada lo soo bandhigo qorshaha miisaniyada Degmada ee sanadkan cusub si qaybaha Kala duwan ee shacabku u ogaadan qorshhaha miisaniyada qaybna ay uga noqdaan fulintiisa .

Ks Madaxa xafiiska Maliyada mudane Cabdiraxamn maxamed cabdi Ayaa soo jeediyay Qorshaha sanadka oo faahfaahsan iyo meelaha mudnanta lasiyay sanadkan 2018.Ti

Qorshaha miisaniyada oo loo Kala saaray sıdan hoose :-
1. Miisaniyada mashriicda adegyada aas aasiga ah ee heer degmo 85,757,326 Birr = (40%)
2. Miisaniyada mushaharka shaqalaha 112,493,746Birr (52%)
3. Miisaniyada hawlfulinta (administrative cost ) 16,248,939 Birr = ( 8%)

Wadarta guud 214,500,011 ETB

İlaha miisaniyada laga laga helayo:

A.) Miisaniyada qasnada dhexe kabista ah 151,537,093.57 ETB
2.) Miisaniyada dakhliga gudaha 62,962,917.43 ETB

Sanad wanagsan

Photos from Xafiiska Maaliyada Deg Daroor , DDS's post 11/09/2025

Shirka Kalfadhiga 26aad ee Xildhibaanada Degmada Daror Golahiisa 1aad Ee Sm 2018 Ti

Maalintii Shalay Waxa Hoolka Shirarka Ee Magaladda Daroor ka Furmay Kalfadhiga Xildhibanada Heer degmo.

Agendayasha Xildhibaanada la horgeyay waxaa kamid ah : -

1- Dhagaysiga Warbixinta Maxakamadda Dastuuriga Ee Degmada sm 2017.
2- Dhagaysiga Warbixinta waxqabadka Sanadka 2017TI .
3- Dhegaysiga Warbixinta Gudida Joogtada ah.
4- Ansaxinta Miisaniyada Sanadka Cusub ee SM 2018TI

Golaha Baarlamanka Degmada Daroor ayaa ku bilaabmay jawi qurux badan

Arbaca 5-Bisha Pagume 2017 Tirsiga Itoobiya.

Goor dhaw lasooco qodobadan oo faahfaahsan

Maqal iyo muqal ah

Mohamed Nabad doon

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jijiga
00251

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00