Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance

Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance

Share

Bogga Rasmiga ah ee Xafiiska Maaliyada ee Dawladda Deegaanka Soomaalida -
Official Page of Somali Regional State Bureau of Finance

Photos from Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance's post 22/05/2026

Waxaa maanta madasha shirarka ee Xafiiska Maaliyadda Deegaanka ka furmay kulan lagu soo bandhigayay nidaamka, sharciyada iyo xeerarka hagaya hay’adaha aan dawliga ahayn (NGOs) ee ka howlgala deegaanka. Kulankan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta wada shaqaynta iyo hubinta in howlaha hay’adahaasi ay waafaqsan yihiin nidaamyada iyo sharciyada u dejisan deegaanka.

Tababarkan ayaa loo qabtay xubno ka socday xafiisyada heer deegaan ee bahwadaagta la ah hay’adaha NGOs-yada, iyadoo diiradda lagu saarayo fahamka habraacyada, sharciyada iyo masuuliyadaha wadajirka ah ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Kulanka waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

Photos from Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance's post 18/05/2026

Xafiiska Maaliyadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa kulan ku saabsan hirgelinta nidaamka miisaaniyadda ku salaysan natiijada (Program Based-Budgeting – PBB) u qabtay agaasimayaasha xisaabaadka, qorshaynta iyo khabiirada kharash bixinta xafiisyada heer deegaan.

Kulanka oo uu furay Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Maaliyadda DDS, Mudane Maxamed Cabdi Baarax, ayaa diiradda lagu saaray fahamka iyo dhaqan-gelinta nidaamka cusub ee miisaaniyadda ku dhisan barnaamijyada iyo natiijooyinka la cabbiri karo. Nidaamkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado hufnaanta maaliyadeed, dardargelinta adeeg-bixinta iyo tayeynta habraaca diyaarinta, fulinta iyo dabagalka miisaaniyadda.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in miisaaniyadda sanad-miisaaniyeedka soo socda lagu soo diyaarin doono laba hannaan oo kala ah nidaamka cusub ee PBB iyo nidaamkii h**e ee Line Item Budget, si loo fududeeyo u gudubka nidaamka cusub iyo hirgelintiisa si waxtar leh.

Photos from Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance's post 06/05/2026

Xafiiska Maaliyadda DDS ayaa maanta soo af-meeray tababar ku saabsan Nidaamka Xisaabadka Laba-Tibaaxlaha ah (Double Entry Accounting System) oo uu u qabtay shaqaalaha xisaabaadka dhamaan xafiisyada maamulka gobolada, kuliyadaha kala duwan, iyo hosbitaalada deegaanka.

Tababarkan ayaa looga gol-lahaa horumarinta tayada shaqaalaha maaliyadeed, kor u-qaadista hannaanka hufnaanta xisaabaadka, iyo in la siiyo faham qoto dheer oo ku saabsan nidaamka laba-tibaaxlaha ah, si loo hubiyo in maareynta maaliyadeed ee goobahaasi ay noqoto mid sax ah oo la jaanqaadaysa habraacyada casriga ah ee xisaabaadka.

Tabo barkan oo socday mudo afar bari ah, ayaa waxaa maanta soo xidhay, Agaasinka Qasnada dhexe ee xafiiska Maaliyadda, Mudane Cali Yuusuf, kaas oo xusay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha maaliyadeed ay yeeshaan xirfad iyo aqoon sare oo ku aaddan maaraynta xisaabaadka, si loo xaqiijiyo maamul maaliyadeed oo hufan.

Photos from Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance's post 24/04/2026

Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Deegaanka, Mudane Dayib Axmed-Nuur, oo wareysi siiyay warbaahinta deegaanka, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda iyo jihada miisaaniyadda deegaanka.

Wasiirku wuxuu xusay in qaybta ugu badan ee miisaaniyadda deegaanka ay ku hadho heer deegaan, isla markaana loo adeegsado xafiisyada tooska u taabanaya nolosha bulshada iyo fulinta mashaariicaha waawayn ee kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu tilmaamay in tani ay muujinayso sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabayaal dhaqaale oo waara.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in miisaaniyadda hadda jirta ay ku dhowaad kala badh ku tiirsan tahay dakhliga gudaha ee deegaanka, taasoo uu ku tilmaamay guul ka dhalatay casriyeynta nidaamka dakhliga. Wuxuu intaas ku daray in dadaallada lagu horumarinayo uruurinta dakhliga ay sii socon doonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay in sanadaha soo socda si gaar ah xoogga loo saari doono horumarinta kheyraadka macdanta, si loo kordhiyo dakhliga iyo fursadaha maalgashi ee deegaanka.

Marka laga hadlayo kobaca miisaaniyadda, wuxuu sheegay in ay door weyn ka ciyaareen kobaca guud ee dhaqaalaha dalka iyo koradhka maalgashiga, kuwaas oo si toos ah u saameeyay awoodda miisaaniyadeed ee deegaanka.

Ugu dambayn, wasiirku wuxuu xusay in aanay jirin bulsho ku horumarta miisaaniyad dowladeed oo keliya, balse ay muhiim tahay in bulshada lafteedu ka shaqeyso wax-soo-saarka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka deegaanka. Wuxuu ugu baaqay shacabka inay kordhiyaan wax-soo-saarka si loo gaaro horumar waara.

Photos from Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance's post 14/04/2026

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Xildhibaannada Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan Guddiga Miisaaniyadda, ayaa kormeer shaqo ku yimid Xafiiska Maaliyadda Deegaanka, si ay u qiimeeyaan una hubiyaan hannaanka adeeg-bixineed ee xafiiska iyo heerka uu marayo.

Mas’uuliyiinta Xafiiska Maaliyadda ayaa guddiga si faahfaahsan ugu soo bandhigay warbixin ku saabsan howlaha xafiiska, adeegyada uu bixiyo, iyo nidaamyada casriga ah ee lagu horumariyay shaqada. Xubnaha guddiga ayaa su’aalo la xiriira warbixinta ka waydiiyay mas’uuliyiinta, kuwaas oo si hufan uga jawaabay, iyagoo caddeeyay habsami u socodka shaqooyinka iyo caqabadaha jira.

Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay indha-indheyn ku sameeyeen waaxyaha kala duwan ee xafiiska, halkaas oo ay xog-ogaalnimo dheeraad ah ka heleen masuuliyiinta iyo shaqaalaha ku howlan geeddi-socodka shaqada iyo adeeg-bixinta.

Gabagabadii, guddiga ayaa ku bogaadiyay Xafiiska Maaliyadda dadaalka uu ugu jiro horumarinta adeegyada iyo kor u qaadista hufnaanta shaqada, iyagoo sidoo kale soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo lagu sii xoojin karo tayada adeeg-bixinta iyo isla xisaabtanka.

09/04/2026

“Hannaanka cad-cadaanta iyo isla-xisaabtanka, maaliyadeed”.

(Financial transparency and accountability)

08/04/2026

Xafiiska Maaliyadda DDS muddoyinkii u dambeeyey wuxuu ku-hawlanaa hirgelinta payroll-ka cusub ee ITAP-ka, iyadoo la dhamaystiray faraha iyo waji ka-qaadista shaqaalihii h**e ugu jiray payroll-ka.

Xafiiska ayaa ku wargelinaya bulsho-weynta u soo adeeg doonan jirtay in laga bilaabo Miazia 1, 2018 T.I. la dhaqan geliyey nidaamka cusub ee payroll-ka, taas oo faraha iyo waji qaadistii loo wareejiyey xafiisyada shaqaalaysiinta awooda u leh, xubinka/shaqsiga marka faraha iyo wajiga laga qaado uu toos u tagayo goobtii lagu meeleyey degmooyinka/maamul-magaalooyinkana ay ku dhaqmi doonaan awaamiirtii la faray si loo fududeeyo adeegyada ay bulshada u soo doonan jirtay.

Photos from Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance's post 07/04/2026

Koox isku-dhaf ah oo ka kala socotay qaar kamid ah wasaaradaha federaalka iyo qaybo kamid ah deegaanada dalka ayaa booqasho ku yimid xafiiska maaliyadda ee Deegaanka.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Adeegga Shacabka iyo Horumarinta Cududda Shaqaalaha ee Deegaanka Benishangul, ayaa ujeeddada socdaalkoodu ahayd khibrad wadaag iyo inay xog-ogaal u noqdaan heerka uu marayo hannaanka dib-u-habaynta (reform) ee ka socda xafiiska maaliyadda.

Intii ay booqashada ku jireen, wafdigu waxa ay la kulmeen Guddiga Hirgelinta Reform-ka ee Xafiiska Maaliyadda, oo uu ugu horreeyo wasiir ku-xigeenka xafiiska maaliyadda deegaanka Mudane maxamed cabdi Baarax kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay geeddi-socodka dib-u-habaynta, marxaladihii ay soo martay iyo heerka ay hadda marayso.

Ugu dambayn, wafdigu waxa ay kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee xafiiska maaliyadda, si ay si dhab ah ugu kuurgalaan nidaamyada shaqo iyo habraacyada casriga ah ee ka jira xafiiska.

Photos from Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance's post 03/04/2026

Tababar lagu baranayo adeegsiga aaladaha uu ku shaqeeyo barnaamijka isla-xisaabtanka ayaa loo qabtay maamulka 8 degmo oo ka mid ah meelaha uu mashruucu ka hawl galo, iyo sidoo kale xubno ka socday xafiisyada bah-wadaagta ah.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray wadaagista khibradaha, is-dhaafsiga aqoonta, iyo marxaladaha kala duwan ee uu soo maray barnaamijku, si loo xoojiyo hirgelintiisa iyo waxtarkiisa.

Photos from Xafiiska Maaliyada DDS - SRS Bureau of Finance's post 03/04/2026

Tababar uu soo diyaariyey xafiiska maaliyadda ee deegaanka, isla markaana loo qabtay xubno ka socday xafiisyada dawladda ee shaqaalaha shaqaalaysiiya, ayaa ka qabsoomay gudaha xafiiska maaliyadda.

Tababarkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii shaqaalaha cusub loogu diiwaangelin lahaa nidaamka payroll-ka cusub ee ITAP-ka, si loo xoojiyo hufnaanta shaqo iyo isla xisaabtanka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Jijiga
251

Opening Hours

Monday 08:00 - 12:00
14:00 - 17:30
Tuesday 08:00 - 12:00
14:00 - 17:30
Wednesday 08:00 - 12:00
14:00 - 17:30
Thursday 08:00 - 12:00
14:00 - 17:30
Friday 08:00 - 12:00
14:00 - 17:30