Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS

Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS

Share

Kani waa Bogga Rasmiga ah ee Xafiiska Qorshaynta Iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS

19/03/2026

Ciid Mubaarak! 🌙✨
Alle ha inaga aqbalo soonka iyo cibaadada, hana ina siiyo farxad, caafimaad iyo barako.

Wasiirka Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS Mudane Omer farouk Warfa

Photos from Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS's post 16/03/2026

Wasiirka Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS oo kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda Magaalada Qabridahar

Wasiirka Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Deegaanka Soomaalida, Mudane Cumar Faaruq Xaaji Warfaa, ayaa kormeer shaqo ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda Maamulka Magaalada Qabridahar.

Kormeerkan waxaa Wasiirka ku wehelinayay hoggaaminta Maamulka Magaalada Qabridahar, oo uu ugu horreeyo Duqa Magaalada Qabridahar Eng. C/risaaq Cawil Muxumed. Masuuliyiintu intii uu kormeerku socday waxay indho-indhayn ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo muhiim u ah horumarka iyo bilicda magaalada.
Mashaariicaha la kormeeray waxaa ka mid ahaa:

• Waddooyin casri ah oo maraya heer gabo-gabo ah, isla markaana la bilaabay goglida daamurka.
• Dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada.
• Dib-u-dhiska iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Qabridahar.
• Dhismaha Cusbitaalka Guud ee Magaalada Qabridahar.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Xukuumaddu ku hubinayso tayada iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Qabridahar, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalada.

06/03/2026

Muuqal koobaya kulankii Gudiga Maraynta Xafiiska

Photos from Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS's post 05/03/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 5 march 2026, ayaa waxaa madasha shirarka ee Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS ka qabsoomay kulan kii joogtada ahaa ee Guddiga Maaraynta Xafiiska.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Xafiiska, Mudane Cumar-Faaruuq Warfa ayaa lagaga dooday ajandeyaal la xidhiidha dardargalinta geedisocodka shaqooyinka xafiiska iyadoo go,aamo la xidhiidha shaqooyinkaasna lagu meelmariyay.

05/03/2026

Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS

26/02/2026

Muuqal koobaya booqashadii. Madaxwaynuhu kuyimid Xafiiska

Photos from Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS's post 26/02/2026

Madasha shirarka ee Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS waxaa ka qabsoomay kulan muhiim ah, kaas oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
Kulankan ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha dardargelinta mashaariicda dhismaha ee rubuca 3aad iyo rubuca 4aad ee sanad miisaaniyadeedka 2018 T.I., kaas oo uu soo diyaariyay Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS.
Ugu dambayn, Madaxweynaha DDS ayaa ku boorriyay xafiisyada ay khusayso inay mashariicda dhamaystirkooda iyo tayadooda lahagajiyo Wakhtigoodana ladhameeyo si loo dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada.

Photos from Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS's post 26/02/2026

Madaxweynaha DDS oo Booqday Xafiiska Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa booqasho shaqo ku tagay Xafiiska Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS, ka dib markii lagu sameeyay dib-u-dhis, ballaarin iyo qalabeyn casri ah.

Intii uu booqashada ku jiray, Wasiirka Xafiiska Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS, Mudane Omer Farouk Warfa, ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay qaab-dhismeedka xafiiska, waaxyaha uu ka kooban yahay, iyo sida loo dayactiray loona qalabeeyay dhammaan qeybaha uu xafiisku leeyahay.

Xafiiskan oo horay uga hawlgeli jiray goob kiro ah, ayaa hadda loo wareejiyay xarun rasmi ah oo istiraatiiji ah, taasoo si buuxda ugu habboon howlaha shaqo iyo adeegyada uu u hayo bulshada.
Dhismaha cusub ayaa lagu sameeyay dib-u-habayn iyo ballaarin ballaaran, waxaana lagu daray dabaq sare oo ka kooban hool weyn oo shirar ah, waaxyo shaqo oo dheeraad ah, iyo maqaaxi. Sidoo kale, dhismihii h**e ayaa lagu sameeyay qurxin iyo dayactir guud, iyadoo guud ahaan dib-u-habaynta iyo qalabaynta mashruucan ay ku baxday lacag dhan 70 milyan oo Birr.
Isbeddelkan cusub ayaa sare u qaadaya hufnaanta shaqada xafiiska, tayada adeegyada uu bixiyo, iyo jawiga shaqo ee shaqaalaha. Waxa uu sidoo kale xoojinayaa awoodda xafiiska ee ku aaddan qorsheynta, isku dubbaridka, iyo dardargelinta horumarinta dhaqaalaha DDS.

17/02/2026

‏رَمَضَانُ مُبَارَك 🌙
‏تَقَبَّلَ اللَّهُ مِنَّا وَمِنكُمُ الصِّيَامَ وَالقِيَامَ
‏وَجَعَلَهُ شَهْرَ خَيْرٍ وَبَرَكَةٍ وَرَحْمَةٍ ✨

Photos from Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS's post 17/02/2026

Waxaa saaka lagu qabtay Madasha shiraraka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen dhammaan hay’adaha bahwadaagta ah, degmooyinka Babili iyo Qabribayah , iyo qaar ka mid ah Saktarrada Horumarinta Deegaanka.

Kulankan oo ku saabsanaa sii xoojinta shaqooyinka bahwadaagta ee barnaamijka HDP Nexus, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta wada-shaqeynta iyo hirgelinta qorshaha si wadajir ah loo diyaariyey. Waxaa kulanka furay Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Qorshaynta DDS, Mudane FAYSAL ODOWA oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada horumarineed iyo in la mideeyo aragtida hay’adaha iyo xafiisyada heer deegaan.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu ku dardaarmay in miro-dhal dhab ah laga gaaro qorshaha ay si wadajir ah u diyaariyeen hay’adaha, Qaar kamida xafiisyada heer deegaan, iyo degmoyinka Qabribayah iyo Babili ee Gobolka fafem , isaga oo adkeeyeyin wada-shaqeyntu tahay furaha lagu gaari karo natiijooyin waara oo wax ku ool ah.
Intii uu kulanku socday, waxaa la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga, la joogteeyo wada-xaajoodka, isla markaana si mideysan loogu dhaqaaqo fulinta qorshayaasha la dejiyey.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad buuxa, iyadoo la ballamay in la sii amba-qaado dadaallada horumarineed ee wadajirka ah.

Photos from Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS's post 16/02/2026

Waxaa madasha shirarka ee Xafiiska Qorshaynta iyo Hormarinta Dhaqalaha DDS lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay’adaha bahwadaagta ah ee ku howlan barnaamijka HDP-Nexus, iyo sidoo kale xafiisyada ay khusayso oo ay ka mid yihiin: Xafiiska Madaxwaynaha, Xafiiska DRM-ka, Xafiiska Maaliyadda, iyo Xafiiska Qorshaynta.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Qorshaynta Mudane Faysal Odowa, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta bahwadaagta, gaar ahaan arrimaha la xiriira horumarinta adeegyada Aas aasiga ah dhinacyada biyaha, caafimaadka, iyo beeraha.

Intii uu kulanku socday, waxaa la isku afgartay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada horumarineed si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada-xaajoodka joogtada ah ee u dhexeeya hay’adaha kala duwan.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi wanagsan
Iyo is afgarad buuxa.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

http://www.srsbopedimis.gov.et/

Address


Jijiga

Opening Hours

Monday 08:30 - 17:00
Tuesday 08:30 - 17:00
Wednesday 08:30 - 17:00
Thursday 08:30 - 17:00
Friday 08:30 - 17:00