11/02/2025
WAR CUSUB: Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa dalalka Carabta ee bariga dhexe u direy hanjabaadii ugu danbeysay isagoo ugu hanjabay inuu furi doono albaabada cadaabta hadii ay Xam--s sii dayn dhamaan maxabiista Isr--iil maalinta sabtida.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku goodiyay in fursada kaliya ee bariga dhexe u banaan ee ay kusii jiri karto xabad joojintii Qasa ay tahay Xam--s oo sii daysa dhamaan maxabiista Isr--iil kahor inta aan la gaadhin 12:00 duhurnimo ee maalinta sabtida.
Hadalka Donald Trump ayaa ka dhigan hadii maxabiista Isr--iil aan lagu sii dayn wakhtigu uu cayimay in bariga dhexe uu gali doono xaalad lama filaana oo jahwareer ah iyo dagaal cusub oo waji kale leh.
Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanku wuxuu si gaara fariin cabsi galin u eg u direy Wadamada Masar iyo Urdun, isagoo ugu hanjabay inuu ka joojin doono gargaarka hadii aysan aqbalin qaxootiga Fal-st--n ee uu doonayo inuu sida qasabka ah uga barakiciyo dhulkooda.
Wali Dalalka Carabta ee bariga dhexe wax jawaaba k**a bixin hanjaabada Trump.
Xigaasho
Shardiid Macalin
