Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, DDS

Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, DDS

Share

Kajawaabida baahida bulshada
Waa wajibaadka xafiiska u taaganyahay

Photos from Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, DDS's post 16/04/2026

Sagootin maanta si heer sare ah uga dhacday Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka,taas uu hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Mudane Maxamed Maxamed

Sagootintan waxaa loo sameeyay Eng. Muxyadiin Mo’alim, Agasinka waxda Macdanta, oo dhawaan loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Macdanta

Shaqaalaha iyo maamulka xafiiska oo isku duuban ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub, iyagoo sidoo kale Alle uga baryay inuu ku garab galo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, kana dhigo mid guul iyo horumar ku soo kordhiya hay’adda.

Waxay dhamaantood muujiyeen kalsooni iyo taageero buuxda, iyagoo u rajeeyay inuu si hufan oo daacadnimo leh u guto waajibaadka cusub ee loo magacaabay.

Ugu dambeyn, Wasiirka Xafiiska Mudane Maxamed Cali Maxamed ayaa kula dardaarmay Maareeyaha inuu shaqadiisa u guto si hufnaan, daacadnimo iyo masuuliyad ku dheehan tahay, isla markaana uu mudnaanta siiyo horumarinta shaqada iyo adeegga bulshada.

Oil & Gas well production Operator Jobs and Vacancies in ... 08/04/2026


Dhamaan muwaadiniita u dhalatay Dawlada Deegaanka Soomaalida waxaa la ogeysiinayaa in ay jirto fursad shaqo oo kabanaan shirkada "GCL- Peak Grow Holdings Limited" laanteed Itoobiya.

Faahfaahin dheerad ah lifaaqa hoose kaga bogo 👇

https://ethiojobs.net/job/aieYNWJhel-local-security-personnel

https://ethiojobs.net/job/Etkwewq05P-oil-gas-well-production-operator

https://ethiojobs.net/job/HvIRoibeNr-local-supercomputing-center-maintenance-specialist

Oil & Gas well production Operator Jobs and Vacancies in ... Looking for jobs in Ethiopia? Explore GCL Energy Investments Limited Ethiopian Branch for the Oil & Gas well production Operator role. Ethiojobs is the best ...

Photos from Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, DDS's post 30/03/2026

waxaa ka qabsoomay hollka shirarka ee Xafiiska
Macdnata shirki iskaashiga xisbiga barwaaqo

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen shaqaalaha & Hogaminta xafiiska ayaa waxaa shir gudominayay madax-Xafiiska Mudane mahamed ali
Iyo Gud Kuxigeenka iskaashiga xisbiga Xafiiska mudane Mahamud mahamed

Ajendayaasha kala ah
1. Warbixinta Waxqabadka Xisbiga Barwaaqo ee 9-ka bilood ee SM-2018 T.I. (Conference).
2. ⁠Dhaadhicinta Jaraa-idka Xisbiga.
3. Dhaadhicinta jihooyinkii shirka xubnaha sare ee xisbiga Barwaaqo ka soo baxay.
4. Dardar-galinta shaqooyinka iskaashiga iyo qoysaska xafiiska Macdanta

Intii uu shirku socday ayaa si qota dheer looga dooday si loogu dhaadhiciyo xubnaha xisbiga ee Qaabdhismeedyada Xisbiga Barwaaqo Ee Xafiiska Macdanta

Photos from Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, DDS's post 28/03/2026

Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka DDS ayaa 100 qoys oo barkacayaasha ku sugan tuulada Dhurwaale ee degmada Qabribayax gaadhsiiyay qalabka tamarta qorraxda laga dhaliyo ee Solar-ka.

Qoyasakani oo ka mid ahaa barakacayaasha xerada Qoloji oo dib u dajin loogu sameeyay Dhurwaale ayaa xafiisku gaadhsiiyay qalabka solarka oo ay u istimaalayaan dhinacyada laydhka iyo dabaynta moobilada oo wax badan ka taraya adeegyada bulshada, waxbarashada, caafimaadka iyo badqabka deegaanka.

Maxamuud Maxamed C/laahi ayaa sheegay in qalabka tamarta cadceeda laga dhaliyo ee qoysaskan la gaadhsiiyay uu qayb ka yahay qorshayaasha lagu horumarinayo ka faa'iidaysiga tamaraha kala duwan.

Qoysaskan la gaadhsiiyay qalabkan ay baahi weyn u qabeen ayaa wax badan ka tari doona adeegyada bulshada.

19/03/2026

Eid Mubarak! 🌙✨

Umadda Soomaaliyeed dhammaan waxaan idin leeyahay Allah hanagu gaarsiyo farxad, nabad, caafimaad iyo barwaaqo. Maalintan barakaysan ha noqoto mid la wadaago qoyska, asxaabta, iyo bulshada.

Wazir Kuxingenka Xafiska
Marwo İdman Ugas

19/03/2026

Eid Mubarak 🌙
Taqabbalallahu minna wa minkum (تقبل الله منا ومنكم
May Allah (SWT) accept our fasting and عبادات, forgive our sins, and grant us all our دعا. May this blessed day bring peace, joy, and barakah to you and your loved ones.

Ciid mubaarak

Mohamed Ali Mohamed
Wazirka Xafiska

Photos from Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, DDS's post 15/03/2026

Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka Marwo Idman Ugaas Mahamud ayaa kormeer ku tagtay mashaariicda horumarineed ee ka socda Degmada Shilaabo.

Booqashadan kormeerka ah ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta heerka uu marayo mashruuca ballaarinta isbitaalka Degmada Shilaabo, iyo sidoo kale taageerada la siinayo adeegyada caafimaadka ee halkaas ka jira. Mashruucyadan ayaa muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaad ee bulshada degmada.

Wasiir Ku-xigeenku waxay tilmaantay in xukuumaddu ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si loo hubiyo in bulshada Degmada Shilaabo ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Ethiopia Signs 4.2 Billion USD Mining Investment Agreements with Three Companies 15/03/2026

Ethiopia Signs 4.2 Billion USD Mining Investment Agreements with Three Companies - ENA English

Ethiopia Signs 4.2 Billion USD Mining Investment Agreements with Three Companies Addis Ababa, March 13, 2026 (ENA)—Ethiopia’s Ministry of Mines has signed major mining investment agreements worth 4.2 billion USD with three companies to accelerate the development of the country’s iron ore, potash, and gold resources. The agreements will enable the companies to launch large-...

Photos from Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, DDS's post 14/03/2026

Iyadoo laga ambaqaadayo qorshaha Horumarinta Magaalooyinka ee Xukuumadda DDS, waxaan soo booqday gaadidka iyo qalabka dhismaha ee uu soo iibsaday Maamulka Magaaadda Jigjiga, isagoo la kaashanaya Bangiga Shabeele, oo isugu jira 18 ka kooban noocyadda kala duwan ee jidadka lagu dhiso. Gaadiidka iyo qalabkan ayaa dardar galin doona dhismaha jidadka caasimadda. Waxaan boggadinaya qorshahan uu ku dhaqaaqay Maamulka Caasimaddu, iyadoo Maamul Magaalooyinka kalana ay u furan tahay inay ka faaiideeystaan nidaamka ay iyagu mareen.

Waxaa qoray:- Madaxweyene Mustafa maxamud cumar

Photos from Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, DDS's post 13/03/2026

Waxaan ku jirnaa maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaa boggaain mudan dhaqanka iscaawinta ee sida xawliga ah uga socda Deegaanka, iyadoo samafalayaal badan ay wadaan tabaruc ay shacabka danyarta ah ku gargaarayaan. Waxaan boggadinayaa Samafale Nasradiin iyo xafiisyadda ka qayb qaatay Xafladii maanta lagu ciidsiiyay 300 oo isugu jira ciyaal agooma ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysas danyar ah.

Barnaamijka hirgalay ee “Afuri Walaalkaa” aan ku darno olole kale oo ah “Ciidsii Walaalka”.

Maalmihii madoobaa ee Dil Walaalkaa, Xidh Walaashaa waa in aan uga digo roganaa Caawi walaalkaa, Ixtiraam walaashaa.

Waxaa qoray madaxweyne
Mustafa Maxamud Cumar

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Jijiga