Xafiiska Dakhliga DDS

Xafiiska Dakhliga DDS

Share

Kani waa bogga rasmiga ah ee Xafiiska Dakhliga DDS.

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 12/05/2026

Wasaaradda Dakhliga ayaa daahfurtay Xafiiska Taageerada iyo Kormeerka Maamulka Canshuuraha ee Beerta Warshadaha Bariga.

Ginbot 03/2018 T.I (Wasaaradda Dakhliga)
Iyadoo la raacayo qorshaha lagu furayo xarumo taageero iyo kormeer maamulka canshuuraha ah oo laga hirgelinayo qaar ka mid ah beeraha warshadaha, maanta waxaa la daahfuray Xarunta Taageerada iyo Kormeerka Maamulka Canshuuraha ee Beerta Warshadaha Bariga.

Wasiirka Sharciga Canshuuraha ee Wasaaradda Dakhliga, Marwo Meskerem Debebe, ayaa sharaxday in sababta xafiiska looga furay beerta warshadaha ay tahay si maalgashadayaasha ku sugan beertaasi ay u fahmaan sharciyada iyo habraacyada canshuuraha Itoobiya, isla markaana loo taageero canshuur bixiyeyaasha arrimaha canshuuraha si loo kordhiyo u hoggaansanaanta sharciga canshuuraha.

Wasiir Deetawa Akleum ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono beerta warshadaha iyo maalgashadayaasha arrimaha canshuuraha, wuxuuna uga mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan ee lagu aas aasay xafiiska.
Mudane Alemayehu Abera, oo ah madaxa Xafiiska Taageerada iyo Kormeerka Maamulka Canshuuraha ee Beerta Warshadaha Bariga ee Wasaaradda Dakhliga, ayaa sheegay in xafiisku ka shaqeyn doono kordhinta wacyiga canshuuraha ee maalgashadayaasha, dhiirrigelinta canshuur bixiyeyaasha sharciga iyo daacadda ah, taageeridda kuwa aan si buuxda ugu hoggaansamin sharciga, iyo xalinta su’aalahooda iyo dhibaatooyinkooda la xiriira canshuuraha.

Ku xigeenka madaxa Beerta Warshadaha Bariga, Shu Yang, ayaa sheegay in furitaanka xafiiska beerta dhexdeeda uu faa’iido iyo dhiirrigelin u yahay maalgashadayaasha si ay uga warqabaan arrimaha canshuuraha isla markaana ay u noqdaan kuwo hufan.
Madashan waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Dakhliga, Komishanka Kastamka, Komishanka Maalgashiga, masuuliyiinta iyo shaqaalaha Beerta Warshadaha Bariga, iyo maalgashadayaal.

Xafiiska dakhliga dalka.

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 01/05/2026

Kulan soo dhawayn Ah oo Ka Qabsoomay Xafiiska Dakhliga DDS.

Waxaa maanta xafiiska dakhliga ka qabsoomay kulan soodhawayn ah oo lagu soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka Xafiiska Dakhliga, Mudane cali baruud

Munaasabada soo dhawaynata oo uu hogaminayo wasiirka xafiiska dakhliga mudane muxiyadiin cabdi faarax ayaa kulan lala yeeshay gudiga maaraynta xafiiska iyo shaqaalaha xafiiska iyadoo la soo kormeeray goobaha adeega lagu bixiyo ee xafiiska .

Goobtaa oo uu hadal kooban ka soo jeediyay wasiirku waxaa uu si diiran ugu soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka mudane cali baruud,waxana lagu gorfeeyay dardargalinta dakhliga ee rubuca afaraad iyo sidii kor loogu qaadi laha kamidhadhalinta qorshayaasha u yaala xafiiska .

Sidoo kale waxaa dhankiisa hadalo kooban ka soo jeediyay wasiir ku xigeenka goobta lagu soo dhaweeyay mudane cali Barud Waxaanu u mahad celiyay dhamaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen .
Waxanu hadalkiisa kudaray dakhligu in uu yahay lafdhabarka dawalada iyo isku xidhka guulaha.

Waxanu u soo jeediyay shaqaalaha in la isku xidhnaado si loo guto waajibaadka ina saaran loogana midha dhaliyo hadafka guud ee deegaanka u yaala.

dakhliga DDS.

01/05/2026

1-da May – Maalinta Shaqaalaha Adduunka (Labour Day).

Maamulka Xafiiska Dakhliga DDS wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Maalintan waxay astaan u tahay dadaalka iyo doorka lama huraanka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca bulshada. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Ugu dambayn, Maamulka Xafiiska Dakhliga DDS wuxuu u rajaynayaa dhammaan shaqaalaha caafimaad, barwaaqo, iyo guulo joogto ah.

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 22/04/2026

OGAYSIIS

‎Xafiiska Dakhligu wuxuu ogeysiinayaa dhammaan canshuur-bixiyeyaasha ku xusan liiska hoose in buugaagtii ay dalbadeen, ee lahaa (QR Code) in la keenay.

‎Fadlan canshuur-bixiye ka qaado buugta xarunta aad ka diiwaangashan tahay (Tax Center).

‎Waad ku mahadsan tihiin gudashada waajibaadka muwaadinimo.

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 22/04/2026

Munaasabad Xil-lawareegid.

Waxaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay Xafiiska Dakhliga DDS Wasiir ku-xigeenka cusub ee xafiiska, Mudane Cali Baaruud Sheekh Axmed.

Munaasabadda xil-uwareejinta iyo soo dhaweynta waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Dakhliga DDS Mudane C/waaxid Cabdi Qorane iyo saraakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS, kuwaas oo si rasmi ah u hagayay hanaanka xil lawareegodda.

Hogaaminta iyo shaqaalaha Xafiiska Dakhligu waxay Mudane Cali u rajaynayaan guul iyo in uu wax ka geysto mashiinka dhaqaalaha ee deegaanka,

Guul iyo Midnimo.

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 22/04/2026

Wafdigii kasocday Deegaanka Cafarta oo Booqasho iyo Khibrad-wadaag loo geeyay Xarunta iyo Xafiiska Dakhliga Degmada Gursum.

Hogaaminta Xafiiska Dakhliga DDS ayaa wefti ballaaran oo ka socda Dawlad Deegaanka Cafarta socdaal indha-indheyn iyo khibrad-wadaag ugeeyay Xarunta Dakhli Ururinta ee Qoloji iyo Xafiiska Dakhliga Degmada Gursum.
Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray:
• Hannaanka casriga ah ee ururinta dakhliga.
• Lawadaagista khibradaha guuleystay ee ka jira goobahan.
• Adkaynta iskaashiga labada deegaan ee dhinaca kobcinta dhaqaalaha.
Kadib kormeerka shaqo, wafdigu waxay booqasho loo geeyay Xarunta Dalxiiska Shabeeley(Shabeley Resort), iyada oo ay si aad ah uga heleen goobta dalxiiska bilicdeeda iyo sida loo naqshadeeyayba.

Dakhligu Waa Tiirka Horumarka!

Xafiiska Dakhliga DDS #

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 20/04/2026

Hogaaminta Xafiiska Dakhliga DDS oo Garoonka Diyaaradaha ee Wiil-waal ku soo dhaweeyay Wafdi heer sare ah oo ka socda Deegaanka Cafarta.

Hogaaminta Xafiiska Dakhliga Dawladda Deegaanka Soomaalida (SRS Revenue Bureau), oo uu horkacayo Wasiirka Xafiiska Mudane Muxyadin Cabdi Faarax iyo ku-xigeenkiisa, Mudane C/waaxid Cabdi Qorane ayaa maanta Garoonka Caalamiga ah ee Garaad_Wiil-waal ku soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ka socda Dawladda Deegaanka Cafarta.

Wafdigan waxaa horkacayay Madaxa Xafiiska Dakhliga Dowlada Deegaanka Cafarta, iyadoo ay xubno ka ahaayeen maamulayaal ka socota heerarka kala duwan ee maamulka deegaanka Canfarta.
Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa salka ku haysa khibrad wadaag la xiriira hannaanka casriga ah ee dakhli ururinta,
Wafdiga oo ka kooban 47 Ruux ayaa markii garoonka lagu soo dhaweeyay ka dib, waxay kormeer indha-indhayn ah ku tageen dhismaha guud ee Xafiiska Dakhliga DDS, halkaas oo ay u kuurgaleen shaqada ka socota qaybaha kala duwan ee xafiiska iyo sida loogu adeego dadweynaha canshuur-bixiyayaasha ah.

Intaas ka dib, wasiirka xafiiska dakhliga ayaa wafdiga u soo bandhigay,
(Presentation) dhammaystiran oo ku saabsan hannaanka shaqo ee xafiiska. Soo-jeedintan ayaa si gaar ah diiradda u saaraysay qodobadii ay horey u soo dalbadeen (Checklist), kuwaas oo ay doonayeen inay khibrad ka kororsadaan.

Hoggaaminta labada dhinac ayaa falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca dakhli ururinta iyo sidii loo wadaagi lahaa teknoolajiyada casriga ah ee fududaynaysa ururinta dakhliga gudaha.

Socdaalkan ayaa marag madoon u ah guulaha muuqda ee Xafiiska Dakhliga DDS uu ka gaaray kor u qaadista dakhliga deegaanka iyo sida uu xafiisku saameyn xooggan ugu leeyahay dhiirigelinta deegaannada kale ee dalka si ay ugu daydaan hannaankiisa shaqo ee guulaystay.

Dakhligu waa Tiirka Horumarka!

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 20/04/2026

Kulanka Dardargalinta Dakhliga Gobolka Shabeele iyo Maamulka Magalada Goday

Kulankan muhiimka ah aya ka qabsoomay MM Goday, kulankaas hogaminayay Wasir Kuxigenka Xafiiska Dakhliga Mudane Mohamed Hassen ayaa waxa kasoo qayb galay maamulka gobolka shabeele hogaminayay Gudomiyaha Gobolka Mudane Abdi Farah iyo Duqa Magalada Goday Mudane Abdulahi aya waxa lagaga wada hadlay dardargalinta dakhliga rubaca 4aad iyada la isla eegey qorshaha dib loo habeyey ee gobolka shabele iyo kan maamulka magalada goday.
Kulankan oo aha mid ahaa ayaa lagu falqeyey sidii loga mira dhalin lahaa qorshaha loona xoojin laha dakhli ururinta.
Sido kale waxaa kulan lala yeeshey haayadana aan dowliga ahayn (NGO) iyo bangiyada gaarka ah ayaa lagala hadlay sidii loo xojin laha xidhiidhka hayadaha, bangiyayada gaarka iyo Xafiiska Dakhliga MMG.
Gaba gabada kulanka waxa lagula dardarmay in dakhliga ku wajiba wakhtigoda ku bixiyan xogaha kale canshur bixiyeyashana ay si joogto ah ula wadaagaan xafiiska.

Xafiiska dakhliga DDS #

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 16/04/2026

Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Muxyadiin Cabdi oo ka warbixiyay warbixinta dakhliga 9-ka bilood ee sannad-miisaaniyeedka 2018-ka t.i ayaa sheegay
in ay qorshaysnayd in la soo xareeyo dakhli dhan 24 bilyan oo birr lana gaadhay celcelis ahaan 83%.

Dakhligan ayaa laga soo kala xareeyay degmooyinka, maamul magaalooyinka, dawladaha hoose iyo Xafiiska Dakhliga DDS, waxaana xukuumaddu dadaal badan galisay sidii kor loogu qaadi lahaa ilaha dakhli ee deegaanka si isku filaansho buuxda loo gaadho.

Marka la is barbar dhigo dakhligii la soo xareeyay 9-kii bilood sannadkii 2017-kii & dakhliga lasoo uruuriyay 9-ka bilood ee sanadkan, waxaa lasoo saaray dakhli dheeri ah oo dhan 7.5 bilyan oo birr, tani waxay muujinaysaa in dadaal badan la galiyay soosaarista dakhliga Deegaanka.

Mudane Muxyadiin Cabdi, Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS ayaa tilmaamay in lagu hawlan yahay soo xareynta dakhliga qorshaysan sannadkan oo ah 35 bilyan oo birr, iyadoo uu hadhsan yahay rubicii u dambeeyay ee sannad miisaaniyeedka 2018-ka t.i.

Xafiiska dakhliga DDS #

Photos from Xafiiska Dakhliga DDS's post 13/04/2026

Guddiga Joogtada ah ee Miisaaniyada iyo Maaliyada ee golaha xildhibaanada DDS ayaa kormeer iyo qiimayn shaqo ku yimid Xafiiska Dakhliga DDS.

Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay si qoto dheer u dhegeysteen warbixinta waxqabadka 9-ka bilood ee Xafiiska, iyagoo diiradda saaray heerka fulinta qorshihii Dakhliga ee Qorsheysnaa.

Sidoo kale, guddigu waxay kormeer kusoo Mareen waaxaha kala duwan ee xafiiska waxeyna waydiiyeen su’aalo la xidhiidha hannaanka shaqo, tayada fulinta, iyo arrimaha u baahan xoojin si loo dardargeliyo soo xareynta iyo ka midhadhalinta qorshaha Dakhliga.

Ugu dambayn, guddigu waxay soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo soo xareynta Dakhliga, kor loogu qaadayo tayada shaqada, isla markaana lagu dardargelinayo kamidhadhalinta qorshaha Dakhliga. Waxay sidoo kale bogaadiyeen dadaalka uu muujiyeen xafiiska dakhliga, iyagoo ku ammaanay sida ay qorshashii soo xareynta Dakhliga kor loogu qaadey.

dakhliga DDS. #

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Xaafada 6aad, Jidka Dhex Mara Kililka
Jijiga

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Friday 08:00 - 17:00