Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau

Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau

Share

Somali Regional State Security Bureau.

Kani waa bogga rasmiga ah ee xafiiska Nabadgalyada dawladda degaanka Soomalida, waxaana loogu talo-galay in lagu soo bandhigo waxqabadka hay'adaha nabadgalyada si ay bulshadu wax uga ogaato, xafiiska iyo bulshaduna ku wada xidhiidhaan.

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 28/04/2026

Degmada Lehel-Yucub ee gobolka Doolo ayaa waxaa ka qabsoomay kulamo lagu xalinayay khilaaaf u dhexeeyay beelaha walaalaha ee wada dega aagaag, Kulamadaas oo uu hoggaaminayay hogaan ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada, Mudane Mahamed Muhumed Sugule, waxaana goob joog ahaa masuuliyiin heer deegaan, gobol iyo degmo isugu jira. Kulamada ayaa isugu jiray kuwo gaar-gaar ah iyo kuwo guud oo si toos ah loola yeeshay labada beelood.

Ujeeddada kulamadaas ayaa ahayd in xal waara lagaga gaaro khilaaf h**e uga jiray deegaanka Agagaarka Neef-ku-celiye ee degmada Lehel-Yucub. Intii ay socdeen wada-hadallada, labada beelood ayaa gaaray isfaham hordhac ah, iyadoo lagu balamay in arrimaha hadhay ee dhiigga ama magta lagu dhameeyo wada-xaajood dheeraad ah oo ka dhici doona degmada Wardheer.

Hogaan ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada, Mudane Mahamed Muhumed Sugule, ayaa labada beelood ku boorriyay inay mudnaanta siiyaan nabadda, isla markaana ay xoojiyaan walaaltinimada, wada-noolaanshaha iyo midnimada bulshada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabaddu tahay tiirka horumarka, loona baahan yahay in lagu bixiyo dadaal iyo dulqaad kasta.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 23/04/2026

Xadhig ka jarka laba Saldhig-boolis oo laga dhisay maamulka Magaalada Jigjiga.

Munaasibad Xadhig ka jar ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa si wada jir ah xadhiga uga jaray Hogaanka Nabadgalyada DDS Mudane Cabdiqaadir Rashiid Ducaale Komishineerka Booliska DDS Sareeye-guud Mudane Cabdi Cali Siyaad iyo Maayarka MMJ Mudane Inj.Shaafi Axmed waxaana kasoo qayb galay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, iyo marti-sharaf kale.

Masuuliyiinta ayaana si rasmi ah xadhigga uga jaray laba Saldhig-boolis oo laga kala dhisay Degmo-hoosaadyada Kaaramardha iyo Dudahidi ee M.M.J.

Furitaanka labada xarumood ayaa ah, tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu hormarinayo kaabayaasha Ciidanka Booliska, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta amniga, hufnaanta shaqo, iyo tayeynta adeegyada ay Ciidanka Boolisku u qabtaan bulshada, Si loo fududeeyo adeegbixinta boolisku u hayo bulshada.

Masuuliyiinta ayaa waxa kale, oo ay kormeer ku soo sameeyeen xarunta taliska Booliska Maamulka Magaalada Jigjiga oo gabo-gabo maraysa.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 21/04/2026

Kulankii Golaha Amniga ee todobaadlaha ahaa oo uu shir-guddoomiyay Hoggaanka Nabadgelyada DDS Mudane Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo ay kasoo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta hay'adaha amniga deegaanka iyo kuwa Federalkuba ayaa ka qabsoomay xafiiska Nabadgelyada iyada oo lagaga wada hadlay adkaynta iyo xoojinta amniga gudaha iyo midka xuduudaha ee deegaanka, waxaa kale oo la qiimeeyay waxqabadkii iyo galdaloolooyinkii hawlahii amniga ee toddobaadkii h**e.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

20/04/2026

OGAYSIIS MUHIIM AH

Waxaa mar baad Lagu Wargalinayaa dhalinyarada inay ka Faa'iidaystaan Fursadan Muhiinka ah ee Lagu Diwaangalinayo Duuliyayaasha Ciidamada Cirka oo ay ka hadhay diwaangalintii Labo maalmood oo ku eg 12/8/2018I.T, ama 21/04/2026

Xafiska Nabadgaliyada DDS.

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 19/04/2026

Dood Cilmiyeed ku saabsan doorka culimada ee dhisida Nabada & Xalinta Khilaafaadka ayaa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka Xafiiska Nabadgalyada.

Madashan waxaa furey sidoo kalena la dardaarmay culimada Hoggaan ku-xigaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Mudane Maxamed Muxumed Sugule isagoo ku booriyay culimada doorka kaga aadan ilaalinta nabadgalyada, wacyigelinta bulshada, xoojinta midnimada shacabka iyo wadashaqaynta kala dhaxaysa laamaha amniga.

Madashan oo ay kasoo qaybgalayn Golaha Arrimaha Islaamka, Culimada Deegaanka, Imaamada Masaajiida iyo Macalimiinta Madarasadaha MMJ ayaa waxaa Intii ay socotay si waafi ah loo falanqeeyay xoriyada diimeed ee hada deegaanka ka jirta, marxaladihii lasoo maray iyo fursadaha jira.

Dood dheer kadib, waxa la isla qaatey in culimadu ay door weyn ka qaataan nabadaynta bulshada, iyagoo bulshada ku baraarujinaaaya muhiimadda ay leedahay wada noolaanshaha, is ixtiraamka, iyo ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah amniga.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

13/04/2026

*Ogasiis Muhiim ah*

Wasaarada difaaca qaranka ee JDFI, gaar ahaan taliska ciidanka cirku wuxuu ogaysiinayaa bulshada deegaanka inay qaadanayaan dufcad xirfadlayaal horleh oo loo tababarayo duuliyayaal iyo xirfadlayaal dhanka teknoolojiyada ciidamada cirka ah sida ku cad ogasiiska. Hadaba waxaa dhalinyarda ku boorinaynaa inay fursadan ka faa'iidaysyaan.

Xafiiska Nabadgalyada DDS

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 11/04/2026

Waxaa hoolka shirar xafiiska nabadgaliyada lagu qabtay tababar lagu kobcinayo garaadka iyo aqoonta baadhista dambiyada dumarka ka hawlgala xafiisyada hay'adaha amniga deegaanka.

Tababarkan waxaa soo agaasimay waaxda ilaalinta, taagerada xaquuqul insaanka iyo arimaha sinjiga, waxaana loo qabtay qayb ka mid haweenka ka shaqeeya hay'adaha amaanka, dumarka ka shaqeeya komishinka booliska, komishinka asluubta iyo maleeshiyada.

Tababarkan ayaa waxaa bixiyay khabiiro ka hawlgala waaxda, waxaana la siiyay tobabar qqatayaasha cashir kala duwan oo waxbadan ka badali doona nidaamka baadhista dambiyada gaar ahaan dumarka.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 10/04/2026

Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Maamulka iyo Sharciga ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Nabadgalyada DDS.

Intii uu kormeerku socday, guddiga waxa ay dhagaysteen warbixinta sektarka Nabadgalyada ee 9-kii bilood ee la soo dhaafay, taasoo si faahfaahsan uga hadlaysay xaaladda amniga deegaanka, guulaha laga gaadhay xalinta khilaafaadkii bulshada ee lagu soo afjaray heshiisyada nabadeed ee ka dhacay meelo kala duwan.

Kadib soo jeedinta warbixinta, guddigu waxay bixiyeen talooyin iyo tilmaamo muhiim u ah xoojinta shaqada amniga, kuwaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta iyo adkaynta nabadgalyada deegaanka.

Hogaanka Nabadgalyada DDS, Mudane Cabdiqaadir Rashiid oo ka jawaabayay su’aalihii guddiga ayaa sheegay in ay si buuxda u qaadanayaan talooyinka la soo jeediyay, isla markaana faahfaahin ka bixiyay qodobadii ay guddigu su’aalaha ka keeneen.

Ugu dambayn, guddiga ayaa ku ammaanay laamaha amniga dadaallada muhiimka ah ee ay ka geysteen sugidda amniga deegaanka, iyagoo xusay in deegaanka uu yahay mid xasiloon oo aanay ka jirin wax amni darro ah oo muuqata.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 08/04/2026

Shir isku xidhka booliska iyo Bulshada ayaa ka qabsoomay Magaalada Jigjiga

Kulankan oo ay wadajir u hogaaminayeen Idiris Jibriil Hogaan kuxigeenka Nabadgelyada DDS, G/le sare Taani Sheekh Cali Komishineer kuxigeenka Booliska DDS iyo Enj.Shaafi Axmed Duqa Maamulka magaalada Jigjiga ayaa loo qabtay Maamulada Taliyeyaasha iyo Hogaaminta Xaafadaha 5ta Maamul-magaalo hoosaad ee M.M.J.

Ahmiyada kullankan ayaa ahayd, sidii loo xoojinlahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee booliska iyo bulshada iyo hay'adaha amniga magaalada. Waxqa kale oo lagu qiimeeyay oo dib u eegis lagu sameeyay shaqooyinkii todobaadkii u dambeeyay ee bahwadaagta amniga Magaalada Jigjiga.

Gabagabadiina waxaa la isla qaatay in la sii dardargeliyo shaqada Nabadgelyada ee caasimada si looga hortago falal-dambiyeedyada iyo tuugada.

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 07/04/2026

Kulankii Golaha Amniga ee todobaadlaha ahaa oo uu shir-guddoomiyay Hoggaan ku-xigaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS Mudane Idiris Jibriil Rooble oo ay kasoo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta hay'adaha amniga deegaanka iyo Federalka ayaa ka qabsoomay xafiiska Nabadgelyada iyada oo lagaga wada hadlay adkaynta iyo xoojinta amniga gudaha iyo midka xuduudaha ee deegaanka, waxaa kale oo la qiimeeyay waxqabadkii iyo galdaloolooyinkii hawlahii amniga ee toddobaadkii h**e.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 31/03/2026

Kulankii Golaha Amniga ee todobaadlaha ahaa oo uu shir-guddoomiyay Hoggaan ku-xigaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS Mudane Maxamed Muxumed Sugule oo ay kasoo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta hay'adaha amniga deegaanka ayaa ka qabsoomay xafiiska Nabadgelyada iyada oo lagaga wada hadlay adkaynta iyo xoojinta amniga gudaha iyo midka xuduudaha ee deegaanka, waxaa kale oo la qiimeeyay waxqabadkii iyo galdaloolooyinkii hawlahii amniga ee toddobaadkii h**e.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

Photos from Xafiiska Nabadgalyada DDS/ SRS Security Bureau's post 24/03/2026

Kulankii Golaha Amniga ee todobaadlaha ahaa oo uu shir gudoomiyay Hoggaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS Mudane Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo ay kasoo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta hay'adaha amniga deegaanka iyo Federalka ayaa ka qabsoomay xafiiska Nabadgelyada iyada oo lagaga wada hadlay adkaynta iyo xoojinta amniga gudaha iyo midka xuduudaha ee deegaanka, waxaa kale oo la qiimeeyay waxqabadkii iyo galdaloolooyinkii hawlahii amniga ee toddobaadkii h**e.

Xafiiska Nabadgelyada DDS

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Xafiiska Nabadgalyada DDS, SRS Security Bureau, Located At Former Presidential Palace, Kebele 06
Jijiga
1000