26/05/2026
Ciid Wanaagsan
ዒድ ሙባረክ
Eid Mubarak
Engineering cooperative providing study, design & supervision services across the Somali Regional State.
26/05/2026
Ciid Wanaagsan
ዒድ ሙባረክ
Eid Mubarak
25/05/2026
Jigjiga — Taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo ayaa sameeyay isu-soo-bax lagu soo afmeerayay ololaha doorashada 7-aad ee dalka.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, masuuliyiin, musharraxiinta Xisbiga Barwaaqo ee magaalada iyo gobolka Faafan, odayaal-dhaqameed, iyo kumannaan taageerayaal ah ayaa ka qayb galay isu-soo-baxan oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee magaalada Jigjiga.
Madaxweynaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu la yimid siyaasad furfuran oo bulshada dalka iyo deegaanka u horseedday xorriyad iyo horumar dhinac kasta leh, taas oo ay dadku kaga baxeen cabbudhintii iyo xaaladihii dib-u-dhaca ee ragaadiyay bulshada deegaanka.
“99% xisbigu ballanqaadyadii uu sameeyay wuu kasoo baxay, waana la fuliyay meel kasta. Haddana waxaan ballanqaadaynaa inaan sii xoojin doono horumarka isla markaana kor u qaadi doono tayada waxbarashada,” ayuu yidhi Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
22/05/2026
Somali Engineering Corporation
May, 22-2026
Somali Engineering Corportation Team Present Feasibility Study Report of Ferfer Town Water Supply Project Design at Addis Ababa Federal Ministry of Water and Energy.
The Competent Team Present following feasibility study and detail design report
●Engineering report of the project
●Socio economics report of the project
●Hydrologic analysis of the project report
●River intake structure design report
●Treatment structures design report
●Electromechanical components design report
●Environmental and social impact assessment report
●Geotechnical report of the project
●Engineering cost estimation of the project.
Contruct Agreement Signing Ceremony Program for Construction and Supervision of the Berano Airstrip Project.
22/05/2026
Munaasabadda kala sexeexashada heshiiska dhismaha gagida diyaaradaha yaryar ee degmada beercaano gobolka shabeele.
Wakaaladda Enjineerida DDS ayaa heshiis la gashay xafiisyada kala ah Xafiiska Beeraha iyo Jidadka ee DDS.
Xafiisyadan ayaa kala sexeexday heshiis lagu fulinayo dhismaha gagida diyaaradaha yaryar ee lagu buufiyo cayayaanka waxsoosaarka beeraha waxyeeleeya ee sida Ayaxa.
Wakaalada Injineeriyada DDS aya fulin doonta Dabagalka ilaalinta tayada mashruucan.
Madasha wada-xaajoodka hoggaamiyeyaasha geeska Afrika oo soconaysa muddo 2 maalmood ah ayaa ka furmay xarunta dalxiiska Shabeeleey.
14/05/2026
Hawl-wadeenada Shirkadda Injineeriyada DDS ayaa maanta hoolka shirarka Xafiiska biyaha DDS kusoo bandhigay daraasaadkii ugu-danbeeyey (final Draft) oo ku saabasan dib-u-habaynta Mashruuca Biyaha Feedhacad ee Magaalada jigjiga.
Mashruuca, oo markii h**e ka koobnaa afar (4) ceel, ayaa hadda lagu darayaa laba (2) ceel oo cusub oo midkiiba soo saarayo 12l/s si loo xoojiyo awoodda wax soo saarka biyaha, Sidoo kale, waxaa wax laga beddelayaa tuunbadii h**e ee mashruuca, taas oo dhererkeedu ahaa 17 km( UPVC), isla markaana la kulmi jirtay dhibaatooyin badan, maadaama ay soo dhex mari jirtay goobo dhul beereed ah, taas oo caqabado badan ka imaan jireen.
Tuunbadaas waxaa hadda lagu beddelayaa HDPE, waxaana lasoo raacinayaa wadada Tulli ilaa Jigjiga, iyadoo lagu xidhayo kaydka 500m3 ee qoordheere, si loo yareeyo khataraha burburka, loona fududeeyo dayactirka tuunbada.
Ceelasha Fedhacad ayaa h**e u soo saari jiray 1,000 m³ oo biyo ah, hase yeeshee muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxay cilado la xiriira gabowga ceelashii h**e iyo dhubatooyinka lineka soo qadijiray biyaha, taas oo keentay inla go’aamiyo Dibu-habaynta, maamulka magaalada jigjigana misaayinad u qabto dib-u-habaynta mashruuca feedhacad .
Mashruucan ayaa la filayaa marka la dhameeyo Dibu-habayntiisa, in uu magaalada keeni doonaa biyo dhan 3,240m3/day kasoo ka qayb qadan doonaa kor uqadista heer daboolka biyaha Magalada.
01/05/2026
On this 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐖𝐨𝐫𝐤𝐞𝐫𝐬’ 𝐃𝐚𝐲, 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐄𝐧𝐠𝐢𝐧𝐞𝐞𝐫𝐢𝐧𝐠 𝐂𝐨𝐫𝐩𝐨𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 proudly honors all hardworking professionals whose dedication, skills, and commitment continue to build a better future.
Happy Workers’ Day to everyone contributing through effort, innovation, and teamwork. 🛠️🌍
28/04/2026
Heshiiska Mashaariicda Warshada Biyo-sifaynta Qabridahar iyo Dhismaha Haffir Dam Dharaaye.
Shirkadda Injineeriyada DDS (Soamali Engineering Corporation) ayaa dhawaan soo gudbisay Naqshada mashruuca Dhismaha Haffir Damka iyo Biyo-gelinta Dharaaye (Daraye Haffir Dam and Water Supply Project). Sidaa darteed waxaa ay masuuliyiinta shirkaddu maanta goobjoog u ahayeen sidii ay shirkaddu ula wareegi lahayd ilaalinta iyo dabagalka mashruucan....
Waxaa maanta hoolka shirarka ee Xafiiska Biyaha lagu qabtay xafladda shaacinta heshiisyada laba mashruuc oo muhiim ah:
1. Mashruuca Warshadda Sifaynta Biyaha ee Magaalada Kabridahar oo ayku baxayso miisaaniyad dhan 407 Milyan, waxaana la qorsheeyay in lagu soo afmeero muddo 8 bilood ah.
2. Mashruuca Dhismaha Haffir Damka iyo Biyo-gelinta Dharaaye (Dharaaye Haffir Dam and Water Supply Project) oo ayku baxayso miisaaniyad dhan 324 Milyan, waxaana la qorsheeyey in uu kusoo gabagaboobo muddo 15 bilood ah.
Heshiisyadan waxaa kala saxeexday Xafiiska Biyaha DDS iyo shirkadda dhismaha DDS (Somali Construction Corporation) halka ay Shirkadda Injineeriyada DDS ku hawlnaan doonto Ilaalinta Tayada Mashruucan Hafar -Dam ka Biyogalinta Dharaaye.
Heshiiska ayaa si rasmi ah maanta u kala saxeexdeen, Wasiirka Xafiiska Biyaha: Mudane Eng. Axmed Mirad Layli iyo Maareeyaha Shirkadda Dhismaha DDS. Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed.
| Monday | 08:30 - 17:00 |
| Tuesday | 08:30 - 17:00 |
| Wednesday | 08:30 - 17:00 |
| Thursday | 08:30 - 17:00 |
| Friday | 08:30 - 17:00 |