Somali Engineering Corporation

Call Directions Website Contact the organization

Somali Engineering Corporation Engineering consultancy for study, design, supervision, laboratory testing and professional training.

‎Masuuliyiinta Corporation-ka Injineeriyada DDS oo ay weheliyaan masuuliyiinta Corporation-ka Dhismaha DDS ayaa soo korm...
12/09/2026

‎Masuuliyiinta Corporation-ka Injineeriyada DDS oo ay weheliyaan masuuliyiinta Corporation-ka Dhismaha DDS ayaa soo kormeeray mashaariico horumarineed.
‎
‎Masuuliyiintan oo ay horkacayeen Mareeyaha Corporation-ka Injineeriyada DDS, Mudane Eng. Maxamed Muktar iyo Maareeyaha Guud ee Shirkada Dhismaha DDS Mudane Eng. C/rashiid Maxamed ayaa soo kormeeray habsami u socodka mashaariicda biyogalinta degmada Waangey wajiga koowaad iyo dhismaha xarunta hooyada iyo dhalaanka ee cusbitalka Maamulka Magaalada Fiiq (MCH).
‎
‎Mashaariicda oo ay ku baxayso aduun lacageed oo dhan 713 milyan oo birr ayaa marka ay dhamaadaan waxwayn ka badali doona baahida dhanka biyaha iyo caafimaadka ee bulshada kunool aagaas oo baahi badan u qabay.
‎
‎Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay shirkadaha bah-wadaagtu wadaan, kaas oo lagu xaqiijinayo in mashaariicdu ku dhamaato wakhtigii loogu talagalay, iyadoo la eegayo tayadooda.

‎Kulanka Todobaadlaha ah ee Gudiga Maaraynta Corporation-ka Injineeriyada DDS.‎Waxaa maanta Xafiiska Corporation-ka Inji...
04/09/2026

‎Kulanka Todobaadlaha ah ee Gudiga Maaraynta Corporation-ka Injineeriyada DDS.

‎Waxaa maanta Xafiiska Corporation-ka Injineeriyada ka qabsoomay kulanka todobaadlaha ah ee gudiga Maaraynta Somali Engineering Corporation, Kaas oo uu shir-guddoominayey Maareeyaha Corporation-ka Injineeriyada DDS. Mudane Eng. Maxamed Muktar.

‎Kulankan ayaa looga hadlayey Qiimeynta Geedi Socodka shaqooyinka u qabsoomay Todobaadkan iyo Meelmarinta go'aamadii Kulankii h**e.

‎Soo jeedinta qorshe hawleedka joogtada ah ee waaxaha oo ahaa qodobka ugu muhiimsan ayaa diiradda lagu saaray Mashaariicaha shirkaddu Gacanta ku hayso halka ay marayaan iyo meelaha gaabisku ka jiro hortabinta leh iyo nidaaminta qorshe shaqeedka rubucan laga rabo waaxwalba si loogula xisaabtamo dhamaadka rubuca waxa qabsoomay, loona ogaado galdaloolooyinka iyo dheelitirka meelaha gaabisku ka jiro.

‎Maareeye Eng. Maxamed Muktar iyo Mareeye Kuxigeenka Somali Engineering Corporation Marwo Eng. Hanan Abdo ayaa gunaanadkii kulanka usoo jeediyey waaxaha Xafiiska in sanadkan cusub looga baahan yahay muujinta dedaal iyo dardarxoogan, isla markaana lagu dedaalo sidii qorshahan la dejiyey 100% loogu fulin lahaa,
‎In waaxuhu xooga saaraan guud ahaan Dabagalka iyo Ilaalinta tayada Mashaariicdii socday iyo kuwa cusub ee dhawaan la dhagax dhigay.

‎Munaasabadda Dhagax-dhiga dhismaha Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS.
30/08/2026

‎Munaasabadda Dhagax-dhiga dhismaha Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS.

8 𝙎𝙖𝙣𝙤 𝙤𝙤 𝙄𝙨𝙗𝙚𝙙𝙙𝙚𝙡, 𝙃𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧 𝙞𝙮𝙤 𝘿𝙝𝙞𝙨𝙢𝙤 𝙖𝙝Mahad oo dhan waxaa iska leh 𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐒𝐖𝐓, oo inoo suurtageliyey nabadda, horumarka...
22/08/2026

8 𝙎𝙖𝙣𝙤 𝙤𝙤 𝙄𝙨𝙗𝙚𝙙𝙙𝙚𝙡, 𝙃𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧 𝙞𝙮𝙤 𝘿𝙝𝙞𝙨𝙢𝙤 𝙖𝙝

Mahad oo dhan waxaa iska leh 𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐒𝐖𝐓, oo inoo suurtageliyey nabadda, horumarka iyo fursadaha maanta jira. 8 sano ka hor maanta, Deegaankeennu wuxuu galay marxalad cusub oo taariikhi ah - marxalad ay shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanku u jeesteen nabad, xasillooni, ismaqal, horumar iyo dhismaha mustaqbal ka wanaagsan.

Amaan waxaa mudan shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka, Hogaaminta, hay’adaha dowladda, madaxda dhaqanka, culumaa’udiinka, xirfadlayaasha iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay natiijooyinka la gaadhay.

Dhanka horumarka, waxaa si weyn loo maalgeliyey laguna hirgeliyey mashaariic wax ka beddelay nolosha bulshada—jidad, biyo, caafimaad, waxbarasho, koronto, isgaadhsiin, horumarinta magaalooyinka, waraabka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah koboca dhaqaalaha iyo isku xidhka bulshada.

Anaga oo ah 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗜𝗻𝗷𝗶𝗻𝗲𝗲𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗗𝗦, waxaan ku faanaynaa in aqoonta injineernimada, daraasadaha, naqshadaynta, kormeerka iyo maaraynta mashaariicdu ay qayb ka noqdeen safarkan horumarineed. Shaqadeennu ma aha oo keliya dhisme; waa in aan abuurno kaabayaal waara oo jiilasha maanta iyo kuwa berri anfaca.
Waxaan rumaysanahay in horumarku u baahan yahay saddex arrimood: aragti fog, shaqo adag iyo isla-xisaabtan. Sidaas awgeed, 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐄𝐧𝐠𝐢𝐧𝐞𝐞𝐫𝐢𝐧𝐠 𝐂𝐨𝐫𝐩𝐨𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 (𝐒𝐄𝐂), waxay sii wadi doontaa in ay noqoto hay’ad injineernimo oo lagu kalsoonaan karo, aqoonteeda iyo khibraddeedana u adeegta horumarinta Deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

8 𝒔𝒂𝒏𝒐 𝒘𝒂𝒂 𝒃𝒊𝒍𝒐𝒘, 𝒆𝒆 𝒎𝒂 𝒂𝒉𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒎𝒂𝒂𝒅. 𝑩𝒂𝒍𝒍𝒂𝒏𝒕𝒆𝒆𝒏𝒖 𝒘𝒂𝒂 𝒔𝒉𝒂𝒒𝒐, 𝒕𝒂𝒚𝒐 𝒊𝒚𝒐 𝒏𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒐. 𝑱𝒂𝒂𝒍𝒍𝒆 𝒅𝒉𝒐𝒐𝒃𝒂𝒅𝒂, 𝒂𝒏𝒏𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒈𝒂𝒙𝒂 - 𝒅𝒉𝒊𝒔𝒎𝒐 𝒘𝒆𝒆𝒚𝒆! 8 𝑺𝒂𝒏𝒐 𝒐𝒐 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒎𝒂𝒓 𝒂𝒉 - 8 𝑺𝒂𝒏𝒐 𝒐𝒐 𝑫𝒉𝒊𝒔𝒎𝒐 𝒂𝒉 - 𝑴𝒖𝒔𝒕𝒂𝒒𝒃𝒂𝒍 𝒂𝒂𝒏 𝑾𝒂𝒅𝒂 𝑫𝒉𝒊𝒔𝒆𝒚𝒏𝒐.

‎Waxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay Mashruuca Bakhaarka Keydka Raashinka ee Magaalada Shiniile (Warehouse), kaas oo qay...
13/08/2026

‎Waxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay Mashruuca Bakhaarka Keydka Raashinka ee Magaalada Shiniile (Warehouse), kaas oo qayb ka ah Barnaamijka Isku-filnaanshaha
‎
‎Mareeyaha Corporation-ka Injineeriyada DDS Mudane Inj. Maxamed Mukhtar, Mareeye kuxigeenka Mudane Inj. Cabdisalan Dalmar iyo Madaxa Xafiiska Khataraha Masiibooyinka DDS Mudane. Ahmed yaasiin Ibraahim, Ku-Xigeenka Maareeyaha Corporation Dhismaha DDS, Mudane Inj. Abdifatah Haji Omer Aare oo ay weheliyaan masuuliyiin heer deegaan iyo heer gobol ayaa maanta si rasmiya u dhagax-dhigay Mashruuca Bakhaarka Keydka Raashinka ee Magaalada Shiniile (Warehouse), kaas oo qayb ka ah Barnaamijka Isku-filnaanshaha ee Gobalka Sitti.
‎
‎Mashruucan oo ayku baxayso 134 Milyan oo Birr ayaa Waxaa laguso afmeeri doona mudo 8 Bilood gudahood ah.
‎Bakhaarkan ayaa loogu talagalay inuu kaydiyo 50,000 oo kiintaal oo raashin ah, isagoo door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta awoodda kaydinta raashinka iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.
‎
‎Mashruucan ayaa qayb ka ah dedaalada Xukuumada deegaanku kaga jawaabayso baahiyaha u diyaar garoowga iyo ka jawaabista xaalada Degdega ah.
‎

‎Gudiga Maaraynta Korboreeshinka Injineeriyada Dawladda Deegaanka Soomaalida. (Somali Enjineering Corporation) ayaa maan...
10/08/2026

‎Gudiga Maaraynta Korboreeshinka Injineeriyada Dawladda Deegaanka Soomaalida. (Somali Enjineering Corporation) ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee todobaadlaha, Kaas oo uu shirgudoominayey Maareeyaha Korboreeshinka Injineeriyada DDS. Mudane Inj. Maxamed Mukhtar.
‎
‎kulankan ayaa diiradda lagu saaray soo jeedinta
Warbixinta rubuca lagu jiro iyo qiimaynta wakhtiga 'transition" ka ee loogu wareegayo corporationka.
Xoojinta iyo Dar-dar galinta Mashaariicda Korboreeshinka Injineeriyada DDS ay gacanta ku hayso.
-‎Kor u qaadida hababka Shaqo abuurka Korboreeshinka DDS.
‎
‎Intii uu kulanku socday, xubnaha guddigu waxay si qoto dheer uga doodeen una lafa-gureen iyagoo isweydaarsaday aragtiyo iyo talooyin lagu horumarinayo faaidooyinka Somali Engineering Corporation.
‎
‎Kulanka ayaa ku soo dhammaaday dadaal ku saabsan sii ambaqaadidda geeddi-socodka Somali Engineering Corporation (SEC).

05/08/2026

Maamulka Mashruuca Dalxiiska Shabeelley, Corporation-ka Injineeriyada DDS iyo Corporation-ka Dhismaha DDS, ayaa warbaahinta waraysi faahfaahsan ka siiyey faaidada uu leeyahay dhismaha biyo xidheen laga hirgalinayo Mashruuca Dalxiiska Shabeelley.

‎💧Kormeerka Mashruuca Biyogalinta Magaalada Mooyaale ee Gobolka Daawa.‎‎Masuuliyiin heer deegaan ah, Maamulka gobolka Da...
05/08/2026

‎💧Kormeerka Mashruuca Biyogalinta Magaalada Mooyaale ee Gobolka Daawa.
‎
‎Masuuliyiin heer deegaan ah, Maamulka gobolka Daawa iyo kuwa degmada Mooyaale ayaa soo kormeeray mashruuca biyogalinta magaalada Mooyaale oo maraya heerkii tijaabada.
‎
‎Socdaalkan oo ay hogaaminayeen Maareeye kuxigeenka Corporation ka Injineeriyada DDS. Marwo Inj. Xanaan Cabdo Maxamed iyo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS Mudane Eng. Abubakar Daakir, Masuuliyiinta gobolka iyo maamulka degmada Mooyaale ayaa si wadajir ah kormeer dhinacyo badan leh ugu kurgalay mashruuca biyogalinta magaalada Mooyaale oo maraya heerkii tijaabada.
‎
‎Masuuliyiintan ayaana si guud hubin ugu sameeyay dhamaan qaab-shaqeedka mashruucan

‎Maamulka Mashruuca Dalxiiska Shabeelley, Corporationka Injineeriyada DDS iyo Corporation ka Dhismaha DDS. ayaa kala sex...
05/08/2026

‎Maamulka Mashruuca Dalxiiska Shabeelley, Corporationka Injineeriyada DDS iyo Corporation ka Dhismaha DDS. ayaa kala sexeexday heshiis ku saabsan dhismaha biyo-xidheen laga hirgalinayo Mashruuca Dalxiiska Shabeelley.
‎
‎Munaasabada Sexeexa Heshiiska Dhismaha Biyo-xidheenka Xarunta Dalxiiska Shabeelley ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Mudane Axmed Shugri Cabdi, Maareeyaha Corporation ka Injineeriyada DDS Inj Maxamed Mukhtar iyo Masuuliyiinta Corporation ka Dhismaha DDS.
‎
‎Mashruuca Dhismaha Biyo-xidheenka Xarunta Dalxiiska Shabeelley oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 257.8 milyan oo Birr ayaa door wayn ka qaadan doona quruxda, bilicda iyo soo jiidashada dalxiisayaasha imaanaya Xarunta Dalxiiska Shabeelley.
‎
‎Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Mudane Axmed Shugri Cabdi, Maareeyaha Corporation ka Injineeriyada DDS Eng. Maxamed Mukhtar iyo Maareeye Kuxigeenka Shirkada Dhismaha DDS Eng. Fu'aad Xasan oo heshiiska kadib warbaahinta Deegaanka la hadlay ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid ahmiyad wayn u leh soo jiidashada dalxiisayaasha imaanaya Xarunta Dalxiiska, islamarkaana mashruucan muddo gaaban lagu soo gabo'gabayn doono.
‎

Address

Jigjiga
Jijiga

Opening Hours

Monday 08:30 - 12:00
14:30 - 17:00
Tuesday 08:30 - 12:30
14:30 - 17:00
Wednesday 08:30 - 12:00
14:30 - 17:00
Thursday 08:30 - 12:00
14:30 - 17:00
Friday 08:30 - 11:30
14:30 - 17:00

Telephone

+251257752422

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Engineering Corporation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Engineering Corporation:

Shortcuts

Share