Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS

Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS, Government Organization, Jigjiga, Jijiga.

26/05/2026

Eid Mubaarak dhammaan ummada Muslimka ah. Allaha innagu gaadhsiiyo ciidan ciideeda amni, barwaaqo iyo bash-bash!

Marwo Warsan Cawil Muxumed

Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 26/05/2026

Dhagaxa Is-dulsaaran ee Baabili

Dhagaxyada Is-dulsaaran ee Baabili, Ayaa kamid ah goobaha dabiiciga ah ee ugu caansan Deegaanka Soomaalida.waxaana lagu yaqaannaa qaab-dhismeedkooda gaarka ah iyo muuqaalka soo jiidashada leh.

Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 20/05/2026

Degmada Yoocaale quruxda Dabiiciga ah ee Gobolka Jarar

Degmada Yoocaale ee Gobolka Jarar waa deegaan hodan ku ah bilicda dabiiciga ah, dhul cagaaran, iyo muuqaallo soo jiidasho leh oo indhaha soo jiidanaya.

Biyaha fadhiya, dhirta waaweyn, iyo deegaanka deggan ayaa ka dhigaya Yoocaale meel leh jawi qurux badan oo ku habboon dalxiiska, nasashada, iyo la falgalka degaanka dabiiciga ah gaar ahaan xilli roobaadka.

Yoocaale waxay astaan u tahay khayraadka dabiiciga ah iyo quruxda uu leeyahay Deegaanka Soomaalida, waana astaan muujinaysa nabad, bilic iyo deegaan dabiici ah oo soo jiidasho leh.

Kaalay oo soo booqo Yoocaale kana soo rayso sawaxanka magaalada.






Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 20/05/2026

Togga Jalalaqe – Duleedka Degmada Sallaxaad.

Degmada Sallaxaad ee Gobolka Erer waxaa ku yaalla Togga Jalalaqe, oo ka mid ah goobaha dabiiciga ah ee ugu quruxda badan deegaanka.

Toggan ayaa leh muuqaal dabiici ah oo soo jiidasho leh, waxaana hareerihiisa ku teedsan dhir cagaaran iyo deegaan qurux badan oo indhaha soo jiita, gaar ahaan xilliyada roobka iyo barwaaqada.

Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDS ayaa wada xog ururin iyo daraasaad lagu ogaanayo goobaha ku habboon dalxiiska iyo khayraadka dabiiciga ah ee gobolka Erar, Isu-duwaha dhaqanka iyo dalxiiska ee gobolka ayaana qayb ka ah dadaallada lagu soo bandhigayo goobaha dabiiciga ah iyo kuwa dhaqameed ee deegaanku caanka ku yahay.

Togga Jalalaqe wuxuu muhiimad weyn u leeyahay bulshada deegaanka iyo xoolo-dhaqatada, maadaama uu door weyn ka qaato helitaanka biyaha iyo daaqa xoolaha.

Sidoo kale, Togga Jalalaqe waa goob laga helo nasasho, bilic dabiici ah iyo muuqaal muujinaya hodantinimada deegaanka Sallaxaad.

Togga Jalalaqe wuxuu astaan u yahay:-

▪️ Quruxda dabiiciga ah

▪️ Deegaan cagaaran oo barwaaqo ah

▪️ Nolosha miyiga iyo dhaqanka reer guuraaga

▪️ Khayraadka dabiiciga ah ee Gobolka Erer

Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 19/05/2026

“Dhaqanku waa tiirka midnimada iyo horumarka Itoobiya.”

Shewit Shanka, wasiirka wasaarada dhaqanka iyo ciyaaraha ee JDFI ayaa sheegtay in si loo dhiso Itoobiya horumarsan oo xooggan ay muhiim tahay in si habboon looga faa’iidaysto qiyamka iyo hidaha dhaqanka.

Toddobaadka Dhaqanka iyo Afafka oo hal kudhig loo gadhigay “Horumarinta Dhaqanku waa Midnimada Qowmiyadaha” ayaa maanta si guul leh loogu soo gebagebeeyay magaalada Addis Ababa.

Intii uu socday bandhigga waxaa lagu soo bandhigay:-
●. Dharka dhaqanka

●. Cuntooyinka hidaha

●. Ciyaaraha iyo muusigga dhaqanka

●. Farshaxanka gacanta

●. Bandhigyo buugaag iyo cilmi-baarisyo.

Munaasabaddan ayaa noqotay madal muujisay quruxda, kala-duwanaanshaha iyo hodantinimada dhaqamada kala duwan ee Itoobiya, iyadoo xoojinaysa wada noolaanshaha iyo midnimada shacabka.





Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 17/05/2026

Waxaa maantii afaraad ka socda magaalada Addis AbabaToddobaadka Dhaqanka iyo Afafka ee heer qaran, kaas oo halku-dhiggiisu yahay “Horumarinta Dhaqanka ee Midnimada Qowmiyadaha.”

Munaasibaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha ayay qoomiyadaha kala duwan ee dalku kusoo bandhigayeen ciyaar dhaqameed, cunto dhaqameed, dhar dhaqameed, daawo dhaqameed, iyo waxyaabaha laysku qurxiyo ee ay dhaqanka u leeyihiin qoomiyaduhu.

Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 17/05/2026

Sawirada Booqashadii Ra’iisul Wasaaraha JDFI, Abiy Axmed (Ph.D), Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo waftigii sare ee la socday ee mashruuca warshada bacriminta Goday.

Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 15/05/2026

Magaalada Addis Ababa waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha, kaas oo qayb ka ahaa Toddobaadka Dhaqanka iyo Afafka ee lagu maamuusayo halku-dhigga “Horumarinta Dhaqanka ee Midnimada Qowmiyadaha.”

Dood cilmiyeedkan oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka, hoggaamiyeyaasha diimaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa diiradda lagu saarayay muhiimadda ay leedahay kala duwanaanta dhaqanka, wada noolaanshaha iyo xoojinta xiriirka bulshada si loo adkeeyo nabadda iyo midnimada qaranka.

Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Dhaqanka iyo Afafka Marwo Nefisa Almahadi, ayaa sheegtay in kala-duwanaanta dhaqanka, wada noolaanshaha iyo xiriirka bulshada ay yihiin tiirarka lagu xaqiijiyo nabadda iyo midnimada dalka. Waxay sidoo kale xustay in odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha diimaha ay door weyn ka qaataan xoojinta wadajirka bulshada iyo nabadda.

Sidoo kale, intii uu socday dood cilmiyeedkani waxaa lagu soo bandhigay qoraalo iyo doodo muhiim ah oo ku saabsan kaalinta dhaqanka, diimaha iyo qiyamka bulshada ee horumarinta nabadda, dimuqraadiyadda iyo wada noolaanshaha shacabka Itoobiya.

Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 14/05/2026

Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ka furmay Toddobaadka Dhaqanka iyo Afafka ee heer qaran, kaas oo halku-dhiggiisu yahay “Horumarinta Dhaqanka ee Midnimada Qowmiyadaha.”

Barnaamijkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta midnimada qowmiyadaha Itoobiya iyo soo bandhigista dhaqamada kala duwan ee dalka.

Munaasibaddan waxaa kasoo qeyb galay dhammaan deegaannada dalka waxaana lagu soo bandhigi doonaa dhaqammada kala duwan ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jiri doona bandhigyo farshaxan, aqoon iswaydaarsi iyo barnaamijyo lagu horumarinayo Afafka iyo dhaqanka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyadda casriga ah.

Barnaamijkan ayaa muhiim u ah xoojinta wadajirka bulshada, ilaalinta hiddaha dhaqanka iyo kobcinta kaalinta dhaqanka ee horumarka bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Photos from Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS's post 11/05/2026

*Balanqaad la hirgaliyay!*

Dawlada Itoobiya waxay sektarada kala duwan ee horumarka ka hirgelisay mashaariic waaweyn oo aan kaliya noqon rajo ay jiilashu yeeshaan, balse noqday guulo dhab ah oo la taaban karo kuwaas oo muujinaya in ballanqaad loo beddelay ficil.

Dhanka beeraha, gaar ahaan horumarinta qamadiga waraabka ku baxa, isbeddel weyn ayaa muuqda oo laga sameeyay. Tani waxay dalka ka saartay ku tiirsanaanta gargaarka qamadiga ee dibadda, iyadoo sare u qaaday isku filnaanshaha cuntada. Sidoo kale, bilowga dhoofinta qamadiga ayaa marxalad cusub u furay dadaalka lagu xaqiijinayo isku filnaanshaha cuntada.

Dhanka warshadaha, barnaamijka “Made in Ethiopia” ee lagu yareynayo qulqulka lacagta adag ee dalka ka baxda ayaa keenaya natiijooyin rajo leh. Waxsoosaarka gudaha ee agabka warshadaha iyo badeecadaha kale ayaa xoojinaya waxsoosaarka isla markaana adkeynaya qaab-dhismeedka dhaqaalaha.

Mashruuca horumarinta koridoorrada/marinada magaalooyinka oo lagu hagaajinayo muuqaalka magaalooyinka isla markaana shacabka loogu abuurayo nolol qurux badan ayaa Addis Ababa iyo magaalooyinka kale ee dalka ka dhigay goobo ku haboon dalxiiska, shirarka iyo isku socodka. Sidoo kale, wuxuu horseeday in kaabayaal tayo leh oo muwaadiniinta dalka u abuuraya rajo cusub oo ay dalkooda ka qabaan.

Barnaamijka Green Legacy ama Dhaxalreebka Cagaaran ayaa dalka u suurageliyay in lagu beero in ka badan 48 bilyan oo noocyo kal duwan oo geedo ah. Tani waxay dalka Itoobiya ka dhigtay mid safka h**e kaga jirta dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo isbeddelka cimilada, iyadoo reebtay raad muuqda oo aan la illoobi karin.

Dib-u-habeynta goobaha dalxiiska ee horay u jiray, dhismaha goobo cusub oo dalxiis iyo ballaadhinta maalgashiyada tamarta nadiifta ah ayaa maraya heer midhihiisa si muuqata loo dareemayo. Shaqooyinkaasi waxay kaalin muhiim ah ka qaateen soo bandhigista khayraadka dalka iyo xoojinta saldhigga dhaqaalaha.

Guulahani, waa natiijada ka dhalatay wadajir iyo go’aan adag oo ay muujiyeen dowladda iyo shacabku. Waxay caddeynayaan in Itoobiya ku socoto waddadii saxda ahayd ee horumarka iyo koboca, isla markaana ay taagan tahay marxalad taariikhi ah oo isbeddel dhab ah ku keenaysa nolosha muwaadiniinteeda.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Jigjiga
Jijiga